US$500,000 Doolar oo
La siin doono Qoysaskii Askartii Reer Uganda ee Lagu Diley Muqdisho
Midowga Afrika waxay
lacag cadadkeedu dhantahay US$500,000 (nus million doolar) siinayaan qoysaskii
shan ka tirsanaa ciidamada Uganda ee lagu diley Soomaaliya ilaa markii
ciidamadaas la geeyey Soomaaliya bishii March 6, 2007, sidaas waxaa shalay
sheegay militariga Uganda.
Afhayeenka
Militariga Uganda Major Felix Kulayigye waxa uu yiri qoys kasta waxaa la
siinayaa $100,000 doolar.

Meydkii Askartii Uganda ee lagu diley Muqdisho
Sawirka: Newvision, Uganda
Afar askari oo reer
Uganda ah ayaa Arbacadii (May 16) lagu diley Muqdisho, waxaana la dhaawacay lix
kale, halka askari kale madfac lagu diley April 1deedii isagoo waardiye ka hayey
madaxtooyada Muqdisho.
Ciidamada Uganda ee
ku sugan Soomaaliya waxay ku hawl galaan magaca AMISOM ama hawlgalka Midowga
Afrika, waana wadanka keliya oo ay Soomaaliya ka joogan ciidamo dhan 1,500 oo
qayb ka ahaa 8,000 oo looga baahnaa nabad ilaalinta ciidamada AU. Ciidamadaas oo
la rajaynayey in ay bedelaan kuwa Itoobiya ee qabsaday Soomaaliya. Dalalka kale
ee ciidamada ballan qaaday waxaa ka mid ah: Nigeria, South Africa, Malawi, Ghana
iyo Burundi, kuwaas oo aan weli ciidamo soo dirin.
Ciidamadii Uganda ee
lagu diley Muqdisho waxaa meydkoodii loo qaaday Uganda. Lixda dhaawacmayna waxaa
loo duuliyey Nairobi.
Faafin:
SomaliTalk.com + Wakaaladaha Wararka.
Yoweri Museveni: Soomaalida ayaa
laga rabaa in ay Qarankooda dhistaan...
Madaxweynaha Dalka Uganda oo Talaadadii (May 15) su'aalo laga weydiiyey
arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaranka Soomaaliya ay Soomaalidu
burburisey sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaalidu qarankooda
dhistaan. Hadalkaas Yoweri Museveni waxa uu yiri xilli uu la kulmay
Madaxweynaah DFKMG oo booqday Uganda... Dhanka kale C/laahi Yuusuf waxa
uu guriga madaxtooyada Uganda kula kulmay Khadiija (Xaaskii Caydiid) iyo
saddex carruur ah oo ay dhashay....
Eeg halkan..
Puntland: Labadii ka tirsanaa CARE
oo la siidaayey iyo Bayaan ka soo baxay dadkii afduubay::
Talaadadii (May 15) ayaa la siidaayey labadii ka tirsanaa hay'adda
CARE oo May 9keedii lagu afduubay tuulada Xiriiro oo qiyaastii 120km (75
miles) u jirta Boosaaso. Labada qof ee la afduubay ayaa u dhashay
Britain (Ireland) iyo Kenya.
Dagaalka Qarsoon ee Batroolka:
Qoraal dheer oo warbixin lagaga qoray Soomaaliya ayaa lagu xusay
hadalkii Afhayeenkii hore ee Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Ciraaq
2003, Salim Lone, oo hadda ah qoraa ka tirsan jariida Daily Nation iee
Kenya, oo dhawaan u waramay telefishanka Democracy Now. Hadalkaas oo
ahaa: "Ra'iisul wasaaraha (DFKMG, Geeddi) isku daygiisa in uu u gacan
haadiyo shirkadaha Batroolka waxay u dhigantaa qayladiisa uu markasta ku
qaylinayo Al-Qaeda. Markasta oo aad waraysi ka qaadid saraakaal
Soomaaliyeed, waxa ugu horeeya ee aad ka maqleysaa waa Al-Qaeda iyo
Argaggaxiso. Taas ayey isticmaalayaan. Qof taas rumaysan ma jiro. Qof
taas rumaysani ma jiro haba yaratee, sababtoo ah dhammaan warbixinada
madaxa bannaani waxay tibaaxayaan arrin taas ka duwan. Akhri: [The
Hidden War for Oil]
"Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu
ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...
"Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay
Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada
Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal
kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta
loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha
DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah.
Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo
helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka
dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....
Puntland:
Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka ee DGPL oo is casilay.
Waxaa soo shaac baxay in uu is
casiley Wasiirkii Wasaaradda Xannaanada xoolaha ee DGPL, Siciid Jaamac
(Qoorsheel), oo ku sugan Dubai. Waxaa wasiirka laga soo xigtey in uu is
casilaaddaas u gudbiyey Madaxwaynaha Puntland Cade Muuse xilli uu
madaxweynuhu Dubai ku sugnaa oo ku beegnayd May 10, 2007. Waxaa kale oo
wasiirka laga soo xigtey in arrintaasi ay ka dabeysey kaddib markii ay
cuntabi wayday Maxjar laga dhisayo Boosaaso oo la sheegay in qandaraaska
xoolahaas la sii yayay 100% nin Sucuudiyaan ah, halka wasiirku uu
madaxweynaha u soo jeediyey in arrintaas ay ku haboonayd in shirko lagula
galo mandaqada Raas Al Khayma
oo ogalayd in ay lacag
la'aan ku dhisto maxjarka, islamarkaasna 50% ay xoolaheena ay qaadato.
Waxana uu wasiirku sheegay in uusan rabin in uu galo taariikh madow.
AKHRI....
Laba Doonyood oo Laga Leeyahay
Kuuriyada Koonfureed oo Lagu Afduubay Xeebta Soomaaliya
Laba doonyood oo ah kuwa
kalluumaysata oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, kana diiwaan
gashan dalka Tanzania ayaa waxaa lagu afduubay badda Soomaaliya,
sida laga soo weriyey wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Korea oo
akhbaarta ka heshay safaaradda ay ku leeyihiin Kenya.
Doonyahan waxaa warku tibaaxay in
la afduubay Talaadadii (May 15, 2007) qiyaastii 12:40 p.m xilliga
afrikada Bari, waxayna ka soo ambabaxeen magaalada Mombasa Kenya
iyagoo kusii jeedey sida la sheegay Yemen, marayeyna sida la sheegay
meel 180 miles u jirta xeebta Soomaaliya.
Labada doonyood waxaa saarnaa 24
shaqaale ah oo kala ah: 4 Kuuriyaan ah, 10 Chinese ah, 4 Indonesian
ah, 3 Vietnamese ah, iyo 3 Indian ah.
Waxaa wararka ka imanaya caasimada
SEOUL ay sheegeen in loo malaynayo doonyahaas in ay afduubeen burcad
Soomaaliyeed.
Bishii Janaayo (2007) ayey ahayd
markii wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ay
dadkeeda ka mamnuucday in ay u safraan Soomaaliya arrimo ammaanka la
xiriira awgeed.
Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2007


|