SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Puntland: Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka ee DGPL oo is casilay.

May 16, 2007

Puntland Batrool mise maaweelo
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...

Wararka ka imaanaya Dubai ayaa sheegaya  in wasiirkii Xannaanada Xoolaha ee Dawlad Gobaleedka Puntland Siciid Jaamac (Qoorsheel) uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay Puntland.

Wasiirka oo  u waramayay wariyayaal oo khadka tellephonka ee Dubai kula xiriiray ayaa sheegay in ay jirto is casilaada uu wasiirku u gudbiyay Madaxwaynaha Puntland Cade Muuse xili uu  halkaas Madaxwaynuhu ku sugnaa oo ku beegnayd May 10, 2007.

Wasiirka ayaa intaas ku daray  ka dib markii ay cuntabi wayday Maxjar laga dhisayo Bosaso oo la sheegay in qandaraaska xoolahaas la sii yayay 100% Nin Sucuudiyaan ah, wasiirku waxa uu sheegay  in heshiiskaasi uu yahay mid xaqdaro ah iyada oo ay joogaan ganacsatadii Puntland in hadana shisheeye laga siiyo xaqooda iyaga oo u danayn lahaa Ganacsatada Yar yar ee ku jira suuqa xoolo dhoofinta oo aan maxjarkaan ku wadan karin Ganacsigooda waayo buuyi wasiirku maxjarkani waxa uu u baahan yahay Lacag badan oo aan Ganacsatada yar yari ka bixi karin waa sida uu wasiirku sheegaye.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in ay jireen dad ogol in la sameeyo Ganacsi xor ah sida buuyiri mandaqada raysalkhaym , anigu tallo ahaan waxaan ku soo jeediyay in lala shirkoobo mandaqada Raysalkhayma oo ogalayd in ay lacag la aan ku dhisto maxjarka , islamarkaasna 50% ay xoolaheena ay qaadato , laakiin Madaxwaynuhu taas waa igu diiday oo wuxuu ogalaaday in 100% Ninkan shisheeyaha ah la siiyo xoolaheena.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in uusan qaban doonin jagada wasiirnimo ilaa arintaan xal waara uu madaxwaynuhu u helayo igama suurtoowdo in aan gali taariikh madow ayuu yiri wasiirku waayo wakhtigu waa is gurayaa oo dadka iyo dalka ayaa haraya dadkaygana uga tagi maayo taariikh madow  aniga oo haysta mid  iftiin ah, ayaa laga soo xigtey wasiirka is casiley. 

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD