Wararkii: May 16, 007
- C/llaahi Yuusuf oo ka dalbaday
Madaxweynaha Uganda in uu sii kordhiyo ..
- Sheekh Shariif ‘Mareykanka isaga
ayaa sabab u ah dhibaatada soomaaliya ..
- Weerarkii lagu qaaday xarumaha WHO
iyo UNICEF oo laga yaabo in ay hakad geliyaan..
- C/Qaybdiid oo sheegay in ay jiraan
rag wata Direyskii Ciidamada oo dhac ka geysanaya …
- Max’ed dheere oo ka qaybgalay
Caleemo saarkii Wiilkii Shaaweeye ..
- Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwa
ka muujisey Qaraxyada iyo dilalka abaabulan..
Yoweri Museveni: Soomaalida ayaa
laga rabaa in ay Qarankooda dhistaan...
Madaxweynaha Dalka Uganda oo Talaadadii (May 15) su'aalo laga weydiiyey
arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaranka Soomaaliya ay Soomaalidu
burburisey sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaalidu qarankooda
dhistaan. Hadalkaas Yoweri Museveni waxa uu yiri xilli uu la kulmay
Madaxweynaah DFKMG oo booqday Uganda... Dhanka kale C/laahi Yuusuf waxa
uu guriga madaxtooyada Uganda kula kulmay Khadiija (Xaaskii Caydiid) iyo
saddex carruur ah oo ay dhashay....
Eeg halkan..
Puntland: Labadii ka tirsanaa CARE
oo la siidaayey::
Talaadadii (May 15) ayaa la siidaayey labadii ka tirsanaa hay'adda
CARE oo May 9keedii lagu afduubay tuulada Xiriiro oo qiyaastii 120km (75
miles) u jirta Boosaaso. Labada qof ee la afduubay ayaa u dhashay
Britain (Ireland) iyo Kenya.
Dagaalka Qarsoon ee Batroolka:
Qoraal dheer oo warbixin lagaga qoray Soomaaliya ayaa lagu xusay
hadalkii Afhayeenkii hore ee Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Ciraaq
2003, Salim Lone, oo hadda ah qoraa ka tirsan jariida Daily Nation iee
Kenya, oo dhawaan u waramay telefishanka Democracy Now. Hadalkaas oo
ahaa: "Ra'iisul wasaaraha (DFKMG, Geeddi) isku daygiisa in uu u gacan
haadiyo shirkadaha Batroolka waxay u dhigantaa qayladiisa uu markasta ku
qaylinayo Al-Qaeda. Markasta oo aad waraysi ka qaadid saraakaal
Soomaaliyeed, waxa ugu horeeya ee aad ka maqleysaa waa Al-Qaeda iyo
Argaggaxiso. Taas ayey isticmaalayaan. Qof taas rumaysan ma jiro. Qof
taas rumaysani ma jiro haba yaratee, sababtoo ah dhammaan warbixinada
madaxa bannaani waxay tibaaxayaan arrin taas ka duwan. Akhri: [The
Hidden War for Oil]
"Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu
ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...
"Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay
Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada
Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal
kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta
loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha
DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah.
Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo
helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka
dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....
C/llaahi Yuusuf oo ka dalbaday
Madaxweynaha Uganda in uu sii kordhiyo ..

C/lahi Yuusuf iyo
Yoweri Museveni : Sawirka: May 15, 2007, New Visoion
"Yusuf Ahmed also held a
meeting with Hadija Aideed, widow of Hussein Aideed and her
three children at State House, the statement said."
Waa sida ay u qortay Jariidada New Vison ee Uganda
|
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo
ku sugan Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxa uu kulan gaar ah la
yeeshay madaxweynaha wadankaasi waxa uuna uga warbixiyey xaaladda dalka
Soomaaliya iyo waliba xaaladda ay ku sugan yihin ciidamada Uganda, waxa
uuna madaxweynuhu uga mahadceliyey madaxweynaay uganda doorka ay
ciidamada Uganda ku leeyihiin xal u helida Soomaaliya iyo ilaalinta
xarumaha dowladda federaalka, waxa uuna sheegay in dowladda federaalka
aysan hilmaami doonin waxqabadka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf waxa uu
ka codsaday Madaxweynaha Uganda in ciidamadiisa ay sii joogaan dalka
Soomaaliya, kaddib markii maalmahan soo baxeen warar sheegaya in
ciidamada Uganda ay ka baxayaan Soomaaliya, haddii aan sida ugu
dhaqsiyaha badan loo keeni ciidamada Midowga Afrika. Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Uganda in ciidamada Uganda
ay isku balaariyaan guud dalka Soomaaliya, isla markaana lagu soo
kordhiyo ciidamo kale oo Yugaandheys ah, madaxweynaha waxa uu kale oo uu
booqan doonaan dalka Kenya halkas oo uu kulamo kula yeelan doono madaxda
Hay’adaha samafalka si dardar loo geliyo hawlaha gargaarka ee
Soomaaliya, kaddib markii dhawaan ay dagaalo ka dhaceen Magaalada
Muqdisho ayna ku barakaceen dad aad u fara badan, sidoo kale
Madaxweynaha waxa uu Midowga Yurub ka codsan doonaa in ay bixiyaan
qarashka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu wado in 14-ka
Bisha soo socota lagu qabto Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka
qaybgalayaan ilaa iyo 2-kun oo ergo oo ka kala imaanay dhawaan
qabaa’ilada Soomaaliyeed.
Sheekh
Shariif ‘Mareykanka isaga ayaa sabab u ah dhibaatada soomaaliya ..
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyihii Maxaakiimta Islaamiga
ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay iyadu mas’uul ka tahay
dhibaatooyinka iyo xadgudubyada ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxa uuna
sheegay in Dowladda Itoobiya aysan marnab ku soo dhiiran lahayn haddii
aysan gacan ka heleen Dowladda Mareykanka.
“Waxaan u sheegayaa Dowladda Itoobiya in iyadu uu burburka iyo baaba’u
ku dambeyn doono” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dagalka ay sii
wadi doonaan tan iyo inta ciidamada Itoobiya ka baxayaan gudahda dalka
Soomaaliya.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in marka
hore ciidamada Itoobiya ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaa kale
oo uu sheegay in inta ay jirto faragelinta Mareykanka iyo Itoobiya ay
sii soconayaan dagaalada looga soo horjeedo, waxa uuna sheegay in shirka
dib u heshiisiinta ee Dowadda Federaalka ku baaqday uu yahay mid lagu
lugoonayo shacabka Soomaaliyeed, waayo Cali Mahdi waxaa soo magacaabay
C/llaahi Yuusuf Axmed.
Sheekh Shariir mar uu ka hadlayey hadalkii ka soo yeeray Jandaye Frazer
waxa uu sheegay in Haweeneydaasi ay ku fashilantay arrimaha Soomaaliya
isagoo sheegay in uusan wax ballan ah la galin Dowladda Mareykanka,
balse balantu ay ahayd in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan gudaha dalka
Soomaaliya. Ugu dambeyntiin sheikh Shariif waxa uu ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada
Itoobiya, isla markaana ay u istaagaan sidii dalka looga saari lahaa.
Weerarkii lagu qaaday xarumaha WHO iyo
UNICEF oo laga yaabo in ay hakad geliyaan..
Habeen hore ayaa kooxo dabley ah oo xiran dareeska ciidamada weerar ku
qaadeen xarumaha Hay’adaha qaramada Midoobey ee WHO iyo UNICEF, waxaana
weerarkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada xarumahasi.
Warar ayaa waxay sheegayaan in weerarkaani uu keeni karo in uu gebi
ahaanba la joojiyo hawlaha samafalka Soomaaliya ay hay’adahaasi ka
wadeen, ilaa iyo haatanna Dowlada Federaalka kama hadlin weerarakaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii qarax weyn uu ka dhacay agagaarka nambar Afar,
waxa uuna qaraxaasi ku soo beegmay xili uu Muqdisho soo gaaray sarkaal
sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey.
Qaramada Midoobey ayaa la sheegay in ay si aad ah uga walwalsan tahay
xaaladda nabadgelyo ee ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada
Muqdisho, waxayna Hay’adahaani ka cabsanayaan in shaqaalahooda ay
noqdaan kuwo la bartilmaameedsado.
Waxaa Magaalada Muqdisho maalmahan ku soo kordhayey dhaca iyo weerarada
iyadoo ciidamo xiran dareeska Dowladda ay dhibaatooyin ka gaysanayaan
meelo ka tirsan Muqdisho, waxaana arrintaani qiray sarkaal ka tirsan
Dowladda Federaalka oo sheegay in ciidamo xiran Dereeska Dowladda ay
dhac ka gaysteen suuqa Bakaaraha.
C/Qaybdiid oo sheegay in ay jiraan
rag wata Direyskii Ciidamada oo dhac ka geysanaya …
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
ayaa waxa uu sheegay inay jiraan Rag wata Direyska Ciidamada oo dhibaata
ka wada Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in Ragaasi Taliska Ciidanka
uu si wayn ula socdo isla markaana dhawaan wax laga qaban doono
C/Qaybdiid waxa uu sheegay inay ceeb tahay in Rag wata Direyska
Ciidamada ay dhibaatooyinka u geystaan Bulshada Soomaaliyeed waxa uuna
C/Qaybdiid u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in arimaha noocaas ah ay
la socdsiiyaan Ciidamada Booliska
Dhowr dhacdo ayaa maalmihii ugu dambeysay ka dhacday Magaalada Muqdisho
ka dib markii Rag wata Dareyska ay dhac iyo Dil ka geysteen Magaalada
Muqdisho waxaana arintaani wel wel ka muujiyey Bulshada Soomaaliyeed oo
qaarkood sheegay in markii hore Dowladda looga baahnaa in Ciidamadaasi
ay kala hufaan sidoo kale Dareyska ciidamada uu noqdo mid xadidan oo
lala socda Cidda qaadanaysa
Max’ed dheere oo ka qaybgalay
Caleemo saarkii Wiilkii Shaaweeye ..
Duqa Magaalada Muqdihso Max’ed Cumar
Max’ed dheere ayaa shalay ka qaybgalay Xaflad Caleemo Saar ah oo loo
sameynayey ku xigeenka1-aad Duqa Magaalada Muqdisho ee arimaha
Nabadgelyadda C/fitaax Cumar Sabriye (Shaaweeye) waxayna Xafladaani ka
dhacday Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir
Xafladaani ay soo qabanqaabiyeen Maamulka cusub ee Dayniile ayaa mar uu
halkaasi ka hadlay Maxamed Dheere waxa uu sheegay in C/fitaax Shaaweeye
uu yahay mid buuxin kara Booskii Aabihihii waxa uuna u soo jeediyey
Bulshada Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan Xilkaasi
Max’ed dheere waxa uu sheegay in uu gacan qaban doono C/fitaax Cumar
Shaaweeye wixii waayo-arignimo ah uu ku kordhin doono
C/fitaax uu isna ka hadlay Xafladaasi waxa uu sheegay in Xilka loo
magacaabay uu u gudan doono si Cadaalad ah waxa uuna u soo jeediyey
Shacabka inay kala shaqeeyaan Nabadgalayada Gobolka Banaadir
Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwa
ka muujisey Qaraxyada iyo dilalka abaabulan..
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda Aadanaha yaa walwal iyo walaac ka
muujiyey isla markaana cambaareysay qaraxyada iyo dilalka abaabulan ee
ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo uu ugu dambeeyey dilkii marxuum
C/llaahi Sheekh Cali oo ahaa Guddoomiyihii degmada Huriwaa kaas oo la
dilay 13/May/2007.
Xarunta waxa ay sheegtay in xadgudubyadaani ay liddi ku yihiin
Shareecadda Islaamka, xeerarka soo jireenka ee dhaqanka Soomaaliyda,
Axdiga Federaalka iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha qodobkiisa
saddexaad oo leh (Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado
nabadgelyo iyo xoriyo).
Xaruntu waxay u soo jeedineysaa kooxaha gaysanaya falalka ka soo
horjeeda xaquuqda aadanaha in ay joojiyaan.
Dhinaca kale xaruntu waxa ay ka codsaneysaa Dowladda Federaalka ee
Soomaaliyeed, Hay’adaha samafalka, ganacsatada in ay gargaar
bini’aadannimo oo muuqda la gaaraan dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay
dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdihso, waxaa n qoraalkaani ku
saxiixnaa madaxa barista Xadugubyada ee Ismaaciil Jimcaale C/llaahi
Calas Jimcaale
Hawl Nadaafadeed oo ka bilaabatay
qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir..
Tan iyo markii la magacaabay maamulka Cusub ee Gobalka Banaadir ee uu
madaxda u yahay Max’ed Dheere ayaa waxaa shalay ka bilaabatay hawlo
nadaafadeed oo lagu gurayo qashinka dhoobaan wadooyinka Magaalada
Muqdisho.
Degmooyinka ay hawlahaasi ka bilowdeen ayaa waxaa ka mid ah Hodan,
Hawlwadaag iyo Waabari, waxaana shalay la arkayay haween qashin ka
guraya wadooyinka, waxaana qaadaya qashinkaasi Gawaari la sheegay in ay
keeneen maamulada degmooyinkaasi.
Dhawaan ayaa duqa Magaalad Max’ed Dheere waxa uu u soo jeediyey
ganacsatada in ay bixiyaan lacag gaareysa 200 Kun oo Doolar si dib loogu
soo celiyo bilicdii Magaalada Muqdisho.
Hawlaha Nadaafadda ayaa waxaa la sheegay in ay socon doonaan mudo dhowr
todobaad ah, waxaana la sheegay in maalmaha soo socda qaar ka mid ah
degmooyinka ay ka bilaaban doonaan hawlo nadaafadeed, gaar ahaan kuwii
dagaaladu ka dhaceen
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2007
Maraykanka oo Sheegay in Loo Baahan yahay in la
Bedelo Hoggaanka Sare ee DKMG...
Dr. Frazer: uma malaynayo in dawladda
Madaxweyne Yuusuf taagnaan karto....
Raadiyaha Maraykanka ee VOA laantiisa Afka
Soomaalida oo waraysi la yeelatay Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee
Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jendayi Frazer, ayaa la weydiiyey
su'aal ahayd "Kalsooni intee inle'eg ayaad ku qabtaa Madaxda Sare ee Dawladda
Kumeelgaarka ah (ee Soomaaliya)"...
Halkan
ka dhegeyso
Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee
Maraykanka Dr. Frazer waxay kaga jawaabtey: Waxaan u malaynaya in hoggaanka sare
ee Dawladda Kumeelgaarka ah uu u baahan yahay in la bedelo. Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf waxa uu hoggaamiyaa dawlad kumeel gaar ah oo saldhigeedu uu
yahay hannaanka awood qaybsiga ee 4.5 taasi oo waqti hore ka soo baxday wada
hadalladii lagu qabtay Nairobi, waxaan filayaa in kulanka dib u heshiisiinta
qaran uu fursan usiinayo bulshooyinka qabaa'ilada in ay dib isugu soo noqdaan
hannaankaasi awood qaybsiga ee 4.5 si ay u doortaan hoggaan meteli kara dhammaan
beelaha, waxaan u malaynayaa in taasi ay tahay qaybta ugu muhiimsan ee
hannaan-socodka dib u heshiisiinta, waan ku kalsoonahay madaxweyne Yuusuf, waan
la shaqayneynaa, laakiin uma malaynayo in dawladdiisu taagnaan karto, iyadoo tan
iyo xilligii la dhisay ay dheceen isbedello muhiim ah, waa in la fiiriyaa sidii
ay u noqon lahayd mid loo dhan yahay....
Halkan
ka dhegeyso
Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga
soo horjeedaan Itoobiya
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magalooyinka
Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay dhigeen mudaharad ay ku
muujinayaan sida ay uga xunyihiin duulaanka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya
iyo xasuuqa dadka Soomaaliyeed lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho. In kabadan 200
qof ayaa galabnimadii Jimcadii isugu soo baxay barxadda hore ee baarlamaanka
Canada (Parliament Hill), kaddibna waxay socod ku tageen Safaarada Maraykanka ee
ku taal wadada Sussex drive, ugu dambayntiina waxay gaareen safaarada Itoobiya
oo ku taal wadada Slater Street.
"Itoobiya haka baxdo Soomaaliya, Maraykanku ha
joojiyo dagaalka Maqaar-saarka ah, Meles Zenawi ha dhaco, dilka hala joojiyo,
gumeysi ma ogolis, xasuuqa hala joojiyo..." ayaa ka mid ah erayadii ay ku
dhawaaqayeen dadka mudaharaadka dhigayey.
"Aaway Canada, waa maxay jawaabta ay
dawladanadu ka bixineyso masiibadaas" ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah arday,
waxana uu intaas kudaray "ilaa hadda wax aan aamusnaan ahayn kama maqal
dawladanada."
Sawirada ka daawo
halkan.... GUJI...
