Wararkii: May 15, 2007
- Maraykanka oo Sheegay in Loo Baahan
yahay in la Bedelo Hoggaanka Sare ee DKMG...
- Qarax lala damacsanaa mid ka mid ah
mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda oo ciidamada..
- C/llaahi Yuusuf oo aqbalay in baaritaan
caalami ah lagu sameeyo dagaaladii ka dhacay…
- Midowga Yurub oo sheegay in ay gacan ka
gaysan doonaan…
- Cali Mahdi oo sheegey in shirka dib u
heshiisiinta..
- Nin lagu qisaasay Garoowe:
-
"Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu
ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...
"Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay
Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada
Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal
kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta
loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha
DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah.
Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo
helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka
dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....
::: Qaab Nololeedka Islaamka: Waa
kulan Minneapolis lagu qaban doono May 25 iyo 26... Akhri
::: US
Sponsored Bombing of Somalia: The Hidden War for Oil
Maraykanka oo Sheegay in Loo Baahan yahay in la
Bedelo Hoggaanka Sare ee DKMG...
Dr. Frazer: uma malaynayo in dawladda
Madaxweyne Yuusuf taagnaan karto....
Raadiyaha Maraykanka ee VOA laantiisa Afka
Soomaalida oo waraysi la yeelatay Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee
Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jendayi Frazer, ayaa la weydiiyey
su'aal ahayd "Kalsooni intee inle'eg ayaad ku qabtaa Madaxda Sare ee Dawladda
Kumeelgaarka ah (ee Soomaaliya)"...
Halkan
ka dhegeyso
Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee
Maraykanka Dr. Frazer waxay kaga jawaabtey: Waxaan u malaynaya in hoggaanka sare
ee Dawladda Kumeelgaarka ah uu u baahan yahay in la bedelo. Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf waxa uu hoggaamiyaa dawlad kumeel gaar ah oo saldhigeedu uu
yahay hannaanka awood qaybsiga ee 4.5 taasi oo waqti hore ka soo baxday wada
hadalladii lagu qabtay Nairobi, waxaan filayaa in kulanka dib u heshiisiinta
qaran uu fursan usiinayo bulshooyinka qabaa'ilada in ay dib isugu soo noqdaan
hannaankaasi awood qaybsiga ee 4.5 si ay u doortaan hoggaan meteli kara dhammaan
beelaha, waxaan u malaynayaa in taasi ay tahay qaybta ugu muhiimsan ee
hannaan-socodka dib u heshiisiinta, waan ku kalsoonahay madaxweyne Yuusuf, waan
la shaqayneynaa, laakiin uma malaynayo in dawladdiisu taagnaan karto, iyadoo tan
iyo xilligii la dhisay ay dheceen isbedello muhiim ah, waa in la fiiriyaa sidii
ay u noqon lahayd mid loo dhan yahay....
Halkan
ka dhegeyso
Qarax lala damacsanaa mid ka mid ah
mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda oo ciidamada..
Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamada Uganda ee
ku sugan agagaarka Garoonka Diyaaradaha miino ka saareen afaafka hore ee laga
galo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho xili halkaasi uu ku soo jeediyey
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.
C/llaahi Yuusuf ayaa intii uusan soo gaarin Garoonka ayaa ciidamada Uganda
halkaasi miinada ka saareen waxaana markiiba halkaasi lagu xirxiray dhowr qofood
oo ay ku jireen dad ay takaasi halkaasi u yaaleen, waxaana lagu waramay in
madaxweynaha uu si caadi ah uga dhoofay garoonka, isagoo ku sii jeeday dalka
Uganda.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Uganda miino ka saaraan qaar ka mid
ah wadooyinka Magaalada Muqdisho agagaarka Km4 ay ka saareen miino lala
damacsanaa in lagu qarxiyo Ciidamada Dowladda Federaalka.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxay qaraxyadu ka noqdeen mid iska caadi ah,
iyadoo isku socodkii gaadiidkan ay aad u yaaraadeen, iyadoo mar kasta ciidamada
Uganda iyo kuwa Dowladda Federaalka ay baaritaano ku sameeyeen Gawaarida.
C/llaahi Yuusuf ayaa inta uu joogo dalka Uganda waxa uu kulamo la yeelan doonaa
Madaxweynaha wadankaasi oo ay isla soo qaadi doonaan sidii ciidamada Uganda ay
dardar u gelin lahaayeen hawlahooda ku aadan sugida ammaanka Magaalada Muqdisho.
C/llaahi Yuusuf oo aqbalay in baaritaan
caalami ah lagu sameeyo dagaaladii ka dhacay…
Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ka dalbatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in
baaritaan caalami ah lagu sameeyo dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada
Muqdisho oo la sheegay inay ku jireen tacadiyo dhinaca dagaalka ah oo la sheegay
inay gaysteen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
C/llaahi Yuusuf waxa laga soo xigtey in uu sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay
inay baaritaan lagu sameeyo wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo sarkaal
ka tirsan Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo John Holmos uu sheegay in laba
dagaal oo ka dhacay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwo ay sabababeen tacadiyo
dhinaca bini’aadannimada ah, gaar ahaan bilihii Maarso iyo April ee aanu ka soo
gudubnay, waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Qaramada Midoobey u
soo diri doonto guddi baara dagaalkaasi oo uu sheegay inay ku dhinteen dad aad u
fara badan dad kalana ay ku barakaceen.
Wadamo fara badan oo ka tirsan Beesha caalamka ayaa iyagu aaminsan in dagaaladii
ka dhacay Muqdisho laga gaystay dambiyo dagaal, loona baahan yahay in
shaqsiyaadkii gaystay dambiyadaasi sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo
taago, sidoo kale qaar ka mid ah dadka Soomaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa
ayaa wada olole ah in maxkamad la soo taago raggii ka dambeeyey dagaaladii ka
dhacay Magaalada Muqdisho
Midowga Yurub oo sheegay in ay gacan ka
gaysan doonaan…
Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa waxay
iskula soo qaadeen arrimo la xiriira Xaaladda Soomaliya, waxayna sheegeen in
Midowga Yurub uu taageersan yahay sidii ciidamo nabad ilaalin ah loo geen lahaa
Soomaliya, isla markaana Soomaaliya looga sari lahaa ciidamada Dowladda
Itoobiya.
Midowga Yurub waxaa kale oo uu sheegay in ay taageero lixaad leh ka gaysan
doonaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, oo la
filayo in la qabto 14-ka Juun, waxayna Dowladda Federaalka ah u soo jeediyeen in
shirkaasi uu noqdo mid ka madax-banaan Dowladda Federaalka.
Wasiirada Arrimaha Dibadda waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay
u diraan gargaar dhinaca Bini’aadannimada, kaas oo ay sheegeen Midowga Yurub in
ay ugu talagaleen dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada
Muqdisho, waxayna u soo jeediyeen Dowladda Federaalka in ay fududeyso marinada
gargaarka la siinayo dadkaasi, sidoo kale waxay sheegeen in xalka Soomaaliya uu
ku jiro ummadda Soomaliyeed, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya
laga joojiyo faragelinta lagu hayo.
Cali Mahdi oo sheegey in shirka dib u
heshiisiinta..
Cali Mahdi Max’ed oo ah gudoomiyaha guddiga dib u heshiisinta qaranka
Soomaaliyeed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho aya sheegay in
shirka dib u heshiisiinta ka qaybgali doonaan dhamaan ummadda soomaliyeed, waxa
uuna meesha ka saaray in shirkaasi uu yahay mid lagu casilayo ama lagu
baabi’inayo Dowladda Federalka, Cali Mahdi waxa uu sheegay in shirkii Nayroobi
uu ahaa mid ay ku soo heshiiyeen dhamaan umadda Soomaaliyeed, iyo waliba
hogaamiye kooxeeyadii, isagoo sheegay in ciddii dooneysa in wax ku darsato
shirkaan uu gudigu diyaar u yahay in la soo dhaweeyo.
Cali Mahdi Max’ed waxa uu sheegay in aysan weli guddiga u soo xaroonin
qarashaadkii loo baahnaa balse ay ku sugayaan wixii tasiilaad ah ee ku baxay
shirakasi, waxa uuna u soo jeediyey Ummadda Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan
sidii uu u najixi lahaa shirka oo lagu wado in uu dhaco 14-ka Juun.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Nin lagu qisaasay Garoowe:
Waxaa Isniintii May 14 lagu qisaasay magaalada Garoowe, nin dhalinyaro ah oo
gacan ku dhiigle ahaa.
Ninkaan ayaa wuxuu maalin dhoweyd dil ugu geystay gabar dhulka miyiga ah,
gabahdaas oo uu markii hore fara-xumeeyey dabeedna uu mindi(toorey) ku jeex
jeexay jirkeeda sida ay u sheegeen saxaafada dadka ku nool meesha uu dilku ka
dhacay. Labada marxuun ba waxay la joogeen, xoolo sida Geel iyo Ari.
Ninkaan oo ay maxkamada magaalad Garoowe ku xukuntay dil ayaa Isniintii
waxaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ay daawanayeen dadweyne aad u farabadan
waxaana qisaasta fuliyey nin la dhashay gabadha dhimatay, ninkaan ayaa waxaa ku
dhacay 8 xabadood.
Maxamuud Cumar Bille.
Somalitalk.com Garowe-Puntland
mcbille@gmail.com
+252-5-794242
Gudoomiyihii Degmada Huri-waa Ee Magaalada
Muqdisho Oo Habeenkii Isniintu soo geleysey Gurigiisa Lagu Diley
Waxaa habeenkii Isniintu soo geleysey ee May 14 fiid horaadkii dablay hubaysan
oo aan haybtooda la garanayn ay toogasho ku dileen isagoo ku sugan gurigiisa
gudoomiyihii degmada huriwaa Marxuum C/laahi Shiikhoow.
Dilka gudoomiye c/laahi shiikhoow ayaa sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal
deganaa isla xaafadaas ayaa waxaa ay xaqiijiyeen inay gaysteen dablay ku
hubeysnaa bustoolado oo la sheegay inay 4 -xabadood kala beegsadeen Marxuumka
madaxa islamrkaana uu halkaas ku geeriyooday ,xiligaas oo ku sugnaa daarada hore
ee gurigiisa oo uu xiligaa sii galayay .
Sidoo kale lama garnayo dablayda ka dambaysay dilka marxuum c/laahi shiikhoow
iyo halka ay ka amar qaataan, Haweenay halkaasi ku sugneyd marka uu dilku
dhacayay oo ka gaabsatay magaceeda sababo xagga amaanka ah ayaa saxaafada u
sheegtay in ay arkeysay marxuumka oo xabado ay ku dhaceen kadibna ku qaylinaya
ashahaadada , isla markaana dhulka ku dhacay.
Haweenayda ayaa intaas ku dartay kooxaha fuliyay dilkaan waxay ahaayeen kuwo
abaabulan isla markaana ku sugayay gurigiisa hortiisa.
Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyihii degmada Huriwaa ee geeriyooday marxuum
c/laahi shiikhoow ayaa xilka gudoomiyenimo hayey wax ka yar hal todobaad, mana
aha markii ugu horreysay oo dil toogasho ah ay kooxo hubaysani ay ku dilaan
xubno ka tirsan maamulka gobolka Banadir, iyadoo horey dilal kala duwan loogu
gaystay ku-xigeenadii gobolka Banadir iyo labo ka mid ah maamulada degmooyinka
yaaqshiid iyo wadajir.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga
soo horjeedaan Itoobiya
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magalooyinka
Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay dhigeen mudaharad ay ku
muujinayaan sida ay uga xunyihiin duulaanka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya
iyo xasuuqa dadka Soomaaliyeed lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho. In kabadan 200
qof ayaa galabnimadii Jimcadii isugu soo baxay barxadda hore ee baarlamaanka
Canada (Parliament Hill), kaddibna waxay socod ku tageen Safaarada Maraykanka ee
ku taal wadada Sussex drive, ugu dambayntiina waxay gaareen safaarada Itoobiya
oo ku taal wadada Slater Street.
"Itoobiya haka baxdo Soomaaliya, Maraykanku ha
joojiyo dagaalka Maqaar-saarka ah, Meles Zenawi ha dhaco, dilka hala joojiyo,
gumeysi ma ogolis, xasuuqa hala joojiyo..." ayaa ka mid ah erayadii ay ku
dhawaaqayeen dadka mudaharaadka dhigayey.
"Aaway Canada, waa maxay jawaabta ay
dawladanadu ka bixineyso masiibadaas" ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah arday,
waxana uu intaas kudaray "ilaa hadda wax aan aamusnaan ahayn kama maqal
dawladanada."
Sawirada ka daawo
halkan.... GUJI...

Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo
Qaarkood Hoy U Noqday Ciidamada Ethiopia
.Ganacasadde Caan ah Oo ay Af-duubteen
Itoobiyaanku...
.Musharax isu Soo Taagay Xilka
Madaxweynanimo ee DGPL
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
May 12
Cadde
Muuse Waqtigii uu u Qabtay in Shirkadaha
Batroolku ay Hawshooda bilaabaan oo ku
ekaa May 11
Saddex
bilood ayaa ka soo wareegtey markii uu
Madaxweynaha DGPL sheegay in ay mudo 3 bilood
gudahood ah ay ku imaan doonaan
shirkadaha macdanta si ay u hawl galaan. Haddaba mar
haddii waqtigii la dhaafay
Akhri
Wafdigii uu hoggaaminayay wakiilka
Xoghayaha Guud ee UN u qaabilsan
arrimaha bini’aadanimada oo Muqdisho
soo gaaray lana kulmay qarax sababay
inuu deg-deg dib ugu laabto Nairobi...
Akhri....
Ururka
Ardayda Soomaaliyeed Ee Suuriya Oo
Qabtay Xaflad Sharafeed Loogu Mahad-
Celinayey Ganacsade Reer Suuriya Ah Oo
Wiil Soomaaliyeed Gargaar U Fidiyey...
Akhri..


|