SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Wararkii: May 6, 2007

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhacay deegaanka Gubta

Subaxnimadii hore ee Sabtidii qiyaastii 10kii aroornimo ayaa waxaa qarax weyn uu ka dhacay guri ku yaala deegaanka Gubta ee deegaanka Deyniile, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciyaal aad u fara badan.

Qaraxan oo ahaa waxyaabo ka haray hubkii maalmihii ugu dambeeyay lagu dagaalamayay ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa qoriga BM-ka rasaastiisa, halka halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa rasaasta Zuuga, balse wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa xabbad la riday oo aan qarxin, waxaana ay geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Caruur tiradoodu gaareyso ilaa tobaneeyo oo goor dhoweyd dib ugu soo laabtay gurigooda ayaa waxay ka heleen rasaastan qaraxday meel u dhow guriga, waxayna la tageen darbi ku yiilay halkaasi iyagoo ku garaacay aqoon la’aan darteed, waxaana halkaasi ka dhacay qarax gilgilay deegaanka oo dhan, iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen seddax ka mid ah caruurtii halkaasi ku sugneyd halka lix kalena la sheegay inuu soo gaaray dhaawac aad u weyn waxaana loola cararay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyadoo halkaasina lixdii dhaawaca ahaa oo uu ku jiro dhaawacyo halis ah lagu daweynayo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka buuxa waxyaabaha qarxa oo noocan oo kale ah haba ugu badbaadeene rasaas habow ah oo meel bannaan ah ku dhacday dabadeedna aan qarxin kuwaasoo leysku adeegsanayay maalmihii ugu dambeeyay ee dagaallada sida tooska ah uga socdeen degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya in magaalada Muqdisho haatan ay la ciir-ciireyso walxaha qarxa haba ugu badnaadeen bamka loo yaqaano F1 oo ay ka tageen maxkamadihii islaamiga kuwaasoo daadsan dariiq kasta iyo darbi kasta, waxaana suurto gal ah inay geysan karaan dhibaatooyin aad u fara badan, tanina ma ahan markii ugu horreysay oo qarax caynkan oo kale ah uu dhaco oo ay dad ku dhintaan iyadoo kuwii ugu dambeeyayna ay si is daba joog ah uga dhacayeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho, Goboka Sh/dhexe, Sh/hoose iyo Hiiraan kuwaasoo ay ku geeriyoodeen dad fara badan haba ugu badnaadeen caruurta oo ku cayaarta qalabkaasi qarxa, waxaana ku bur-buray guryo fara badan, iyadoo qaar kalena ay ku waayeen xubnahoodii qaaliga ah, haba ugu badnaadeen dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen qaarna ku cuuryaameen kuwaasoo haatan jiifa isbitaallada Magaalada Muqdisho, duruufo qallafsanna ay ku hayso.

Gen. Cabdi Qeybdiid oo muddo seddax maalmood ah u qabtay goobaha ay leeyihiin ciidamada booliiska in looga guuro

Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku mamnuucayo in dadka Soomaaliyeed ay sii deggenaadaan goobihii ay lahaayeen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay Gen. Qaybdiid in muddo seddax maalmood ah looga guuro xarumaha ciidamada booliiska, guryaha iyo dhulalka bannaan oo ay si gaar ah u leeyihiin ama loogu aqoonsan yahay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Qoraalkan ayuu ku sheegay Qeybdiid in ciddii muddadaasi 3-da maalmood ah aan uga guurin lala tiigsan doono sharciga, talaabo ku haboona laga qaadi doono.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii ciidamada booliiska Soomaliyeed ay si caadi ah haatan uga howl galayaan guud ahaan magaalada Muqdisho iyo degmooyinkeeda, waxaana haatan socda olole ballaaran oo lagu sugayo nabad gelyada magaalada Muqdisho oo loo qeybiyay 12 baabuur oo ay saaran yihiin ciidamada Gurmadka deg-degga, waxaana horay sidoo kale dowladdu u soo saartay goobaha dowladdu leedahay in muddo 15 maalmood ah lagu banneeyo, iyadoo ay gabagabo tahay xilligii loo qabtay.

Ciidamada ARMISOM oo Sabtidii howlo ka fuliyay isbitaalka Madiina

Ciidamada ARMISOM ee Midowga Afrika oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Sabtidii howlo samafal ah ka fuliyay qeybaha kala geddisan ee isbitaalka Madiina, halkaasi oo ay ku jiraan dhowr boqol oo ruux oo qaba dhaawacyo kala geddisan.



Ciidamadan qeyb ka mid ah oo saakay tagay isbitaalka Madiina ayaa lagu arkayay iyagoo ku wareegaya qolalka ay jiifaan dadka dhaawacyada ah, sidoo kalena waxay geeyeen isbitaalka haamaha loo isticmaalo biyaha iyo shidaalka.

Warar ku dhow dhow maamulka isbitaalka oo aanu ka soo xiganay qaar ka mid ah dhakhaatiirta ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in ciidamada ARMISOM ee nabad ilaalinta u yimid dalka Soomaaliya ay ka sokow howshoodu ay isbitaalka ka fuliyaan howlo gar-gaar oo ay u sameynayaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin ayna tahay howl loo baahan yahay.

Mid ka mid ah howl wadeenada isbitaalka ayaa sheegay in ciidamadu doonayaan in dadka dhaawaca dhaawaca daran ay u qaadaan dalkooda si loogu soo daweeyo balse ma sheegin xilliga iyo waqtiga ay suurto gal tahay in bukaanka jiifa isbitaalka ay helayaan in loo qaado dalka dibadiisa, wuxuuse hoosta ka xarriiqay inaan ilaa iyo hadda laysku afgaran arrintaasi balse dhinacooda ay si weyn u soo dhoweynayaan haddii ay arrinkaasi u keenaan maamulka isbitaalka.

Magaalada Baydhabo oo loogaga dhawaaqay jaamacad lagu magacaabo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya

Waxaa shalay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay loogaga dhawaaqay jaamacaddii ugu horreysay oo uu yeesho Gobolka Bay gaar ahaanna magaalada Baydhabo, taasoo lagu magacaabo Jaamacadda Koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Jaamacaddan ayaa waxaa diyaariyay howlaheedana soo dhameystiray ganacsato ka soo jeeda Beelaha Digil & Mirifle iyadoo uu wakiil ka yahay howsheedana soo abaabulay Max’ed Sheekh Jawaari oo xubin sare ka ahaan jiray dowladdii Militariga aheyd ee bur-burtay 90kii, waxaana wakiil u ah Max’ed Cali Kalay oo isna wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ka ahaa dowladdii Carte.

Xaflad ballaaran oo si weyn loo soo qaabeeyay laguna furayay jaamacaddaas ayaa lagu qabtay Hotel Eedan ee magaalada Baydhabo, waxaana ka qeyb galay xildhibaano iyo wasiirro oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha baarlamaanka sheekh Aadan Madoobe, wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federalka Prof. Saalim Caliyow Ibrow, iyadoo dhulka jaamacadda ay ku fadhidana uu horay u bixiyay halyeygii weynaa ee taariikhda Beelaha Digil & Mirifle baal dahab ah ka galay Marxuum Max’ed Aadan Zoobe.

Furitaanka jaamacaddaas oo ay hadallo ka jeediyeen guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo wasiirka hidaha iyo tacliinta sare Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayay sheegeen in jaamacaddani ay noqon doonto mid wax weyn ka tarta buuxisana kaalinta bannaan ee jaamacadeed ee gobolka, dowladduna ay gacan ka geysan doonto.

Sheekh Aadan Madoobe oo si weyn uga hadlay furitaanka jaamacaddaas ayaa sheegay inay jaamacadani noqoto mid ficil ah ee aanay noqon mid ballan qaad oo kaliya ah, wuxuuna kula dar-daarmay xubnaha howsha jaamacaddan soo qaban qaabiyay inay ka gun gaaraan taabo gelinta jaamacaddan.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo Muqdisho soo gaaray

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa baarlamaanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo ka soo kicitimay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo haatan xarun u ah baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa wararku ay sheegayaan in muddo seddax maalmood ah uu joogi doono magaalada Muqdisho isagoo kulano la yeelan doona madaxda sarsare ee dowladda sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegay in ujeedada imaanshihiisa Muqdisho ay tahay sidii xubnaha baarlamaanka loogu heli lahaa xuquuqdooda mushaar oo aanay qaadan muddo labo bilood ah, wuxuuna sidoo kale kulano kala yeelan doonaa arrintaasi madaxda hay’adda UNDP, iyadoo baarlamaankana ay ku soo fool leedahay inuu dhowaan muddo labo bilood ah fasax geli doono.

Howlo lagu burburinayo dhismayaasha sharci darrada ee laga dhistay wadooyinka magaalada Muqdisho oo si habsami leh uga soconaya qeybo ka tirsan Muqdisho

Waxaa haatan magaalada Muqdisho si habsami leh uga socda olole ballaaran oo lagu burburrinayo dhismayaasha sharci darrada ah ee laga dhistay waddooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo dadweynaha Soomaaliyeed muddo 16 sano ay ku ganacsanayeen.



Howshan ayaa haatan si dar-dar leh uga socota qeybo kala geddisan oo magaalada Muqdisho, waxayna waddooyinka qaarkood ay ku soo noqdeen 17 sano ka hor sidey ahaan jireen iyadoo xilligaasi dadka iyo baaruurta u kala qeybsanaayeen marista waddooyinka, dadkuna ay mari jireen marshibiyeedaha halka baabuurtana ay waddooyinkooda si caadi ah ugu socon jireen, isla markaana uu u yiilay sharci kala haga hannaankaasi dowladnimo ee loo mari jiray waddooyinka, iyadoo sidoo kalena isgoysyada wadooyinka waaweyn ay lahaan jireen qalabka kala hagista baabuurta iyo dadka ee loo yaqaano Samaafale, balse dagaalladii dalka ka dhacay ku bur-buray.

Ololahan ayaa haatan waxa uu si weyn uga socdaa waddooyinka qaarkood waxaana laga bur-burriyay dhismayaal fara badan oo qaarkood ay ahaayeen dhagax, halka qaar kalena ay ahaayeen jiingado, sidoo kalena waxaa waddada laga burburriyay tabeelayaashii ay lahaayeen shirkadaha ganacsiga oo ay ku xayeysiisan jireen xarumahooda iyo qalabkooda iyo halka ay ku yaallaan intaba, waxaana haatan waddooyinkaasi dib ugu soo noqotay bilicsamidii iyo quruxdii ay lahaan jireen, waxaana isgoysyada qaarkood laga dhisayaa jardiinooyin qurux badan oo lagu xardhay calaamadaha dowladnimo iyo amarro la xiriira inaan la dhisan karin qashinna lagu shubi karin.

Boqollaal ruux ayaa haatan goobahooda ganacsiga lagu bur-burriyay ololahaasi waxayna haatan qaarkood dib ugu noqonayaan goobihii ay markii hore ku ganacsan jireen, halka qaarkoodna ay beegsanayaan inay kireystaan guryo kale oo aan waddooyinka u dhoweyn, waxaana howshan dardar geliyay isla markaana fulinaya ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya oo qaarkood dhowr jeer buushashka ku yaalla waddooyinka loogu soo dhuuntay dabadeedna dil loogu geystay.

Waddooyinka ayaa inta badan waxaa ku ganacsanayay dad dan yar ah, kuwaasoo ka ganacsan jiray jaadka, sigaarka, cabitaanada, makhaayadaha cooshashka ka sameysan iyo shidaaleyda, waxaa sidoo kale ku ganacsan jiray dadka danyarta ah ee farsameeya kabaha iyo jalaatooyinka, waxaana haatan meesha ka baxay dhammaan adeegyadaasi, gaadiidka BL-ka ahna waa la xadiday, waana laga fogeeyay goobaha markii hore laga raaci jiray iyadoo haatan ay ku howlan yihiin ciidamada dowladda.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


"800 qof oo keliya ayaa kusoo Laabtay Muqdisho" Qaramada Midoobey

"365,000 qof ayaa ka barakacay Muqdisho intii u dhexeysey Feb 1 - April 27, 2007" UNHCR

Warbixin ay May 4, 2007 soo saartay Hay'adda Qaramada Midoobey xafiiska u qaabilsan Soomaaliya ee loo yaqaan OCHA ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho dadkii dagaaladii ugu dambeeyey ka barakiciyeen ay magaalada kusoo laabteen 800 qof oo keliya, halka tiro aad u badan sababta ay ugu soo laaban waayeen ay tahay iyagoo ka cabsi qaba dagaalo dib uga bilowda Muqdisho.

Hay'adda Qaramada Midoobwy u qaabilsan Qaxootiga ee loo yaqaan (UNHCR) waxay qiyaasay in 365,000 qof ay ka barakaceen Muqdisho intii u dhexeysey 1dii February ilaa 27kii April. Dadkaas oo meelaha ay u kala hayaameena ay ka mid yihiin 84,000 Shabeelada Hoose, in kabadan 63,000 Shabeellada Dhexe, qiyaastii 109,000 Galgaduud; iyo 40,000 Mudug.


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com