Xeer hoosaadyadii dhawaan ay ansixiyeen
qaar ka mid ah golaha baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya ee ku saabsanaa
waxa loogu yeeray "Argaggaxisada" hoos ka akhri:
XEERKA KA HORTAGA
ARGAGIXISDA:
HORDHAC:
Ayadoo la tixgelinaayo xaaladda nabadgelyo daro
ee dalka ku soo koradhay guud ahaan taasoo horseedi karta fowdo iyo kala dambeyn
la’aan dalka ku baahda , isla markaana sababi karta inuu dalku noqdo hoy iyo
gabaad argagaxisada caalamiga ahi adeegsato.
Marii la xaqiijiyay in labadii dhacdo ee laga
fuliyay magaalada Baydhabo 18/09/2006 iyo 30/11/2006 ay ahaayeen falal
argagixiso.
Markii la arkay in xeerarkii hore ee ciqaabta
soomaaliyeed iyo xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed midkoodna xuseynin fal
dambiyeed argagixiso iyo ka hortaga falalka argagixiso, sidaas darteed waxaa la
gartay in sharciyadii hore ee dalka lagu kordhiyo xeer (Low) cusub oo la
jaanqaada (Socda) isbedelada xaaladaha Amniga , munaasibna u ah inuu u adeego
maslaxada bulshada soomaaliyeed kuna haboon ka hortaga falalka argagaxiso.
Haddaba iyadoo laga ambaqaadayo marxalada cusub
ee dalku galay taasoo xal amni, bulsho iyo siyaasadba u baahan waxaan soo
saarnay qodobada hoos ku qoran ee xeerka ka hortaga argagaxisada.
QODOBKA 1 AAD
QEEXID.
1. Ujeedo Argagixiso: Waa falal ay ka mid
yihiin Ismeydaamin , Burburin , Khaarijin ashkhaas , Qarbudaad iyo Cabsi gelin
oo ay adeegsadaan kooxo,Ururo iyo Ashkhaas(Shakhsi), si ay u waxyeeleeyaan
Sharciyada , Nabadgelyada iyo Xasiloonida bulshada oo ay u gaaraan ujeedoooyin
kala duwan.
2. Fal argagixiso: Waxaa loola jeedaa falalka
argagixisadu qabato in ta u dhaxeeysa hindisaha hawlgalada argagixiso ilaa
fulinta fal dambiyeedka
3. Iskuday falal argagixiso: Waa falalka ay ku
dhaqaaqdo argagaxisadu oo aan gaarin heer fulineed.
4. Astaamo argagaxiso: Waxaa loola jeedaa
calaamadaha Shaabadaha(Timbaro) iyo astaamaha u gaarka ah ee ay adeegsadaan
(isticmaalaan) Kooxo gaar ah oo dawlada sharciga ee soomaaliya u aqoonsatay inay
yihiin argagixiso.
5.Raad argagixiso: Waxaa loola jeedaa qaabka
argagaxa leh ee loo fuliyay falka iyo haraaga burburka naf iyo maal ee goobta
dambiga.
QODOBKA 2 AAD
FALDANBIYEED ARGAGIXISO.
Waxaa fal dambiyeed argagaxiso ah dhamaan ama
qeyb ka mid ah :-
B. Marxaladaha kala duwan ee ku xusan faqradaha
2aad ,iyo 3aad ee qodobka 1aad ee isla xeerkan.
T. Aasaasida , Abaabulka , Jihaynta ,
Hogaaminta , Dhiirigalinta , Tababarida, Maalgelinta , Qalabeynta , Qarinta ,
Taageerida , Ka qaybgalka , Gacansiinta danbiga ku xusan qodobkan waa
faldanbiyeed argagixiso.
QODOBKA 3 AAD
REEBITAAN.
Waxaa reeban dhismo urur ama hay’ado(hay’ad)
ujeedooyin argagaxiso leh
waana faldambiyeed sida ku cad qodobka 1aad.
QODOBKA 4 AAD
HABKA QABASHADA.
1.Hay’adaha nabadgelyada iyo amniga waxay awood
u leeyihiin in ay qabtaan , baaraan, ka hortagaan Qof- Cid kasta oo ku hawlan
fal dambiyeed argagaxiso
2 .Xasaanad ka qaadista waxaa loo marayaa sida
ku xusan Axdiga qaranka ee KMG qodobkiisa 35aad iyo Shuruucda kalee dalka.
3.Xariga eedeysanayaasha iyo xayiraada
hantidooda waxaa xalaaleynaya Maxkamada Gobolka.
4. Qofkii lagu soo eedeeyo faldanbiyeed
argagixiso waa in 48 saac gudahood lagu horkeeno maxkamada ay khuseyso.
5.Baarista iyo dabagalka xadgudubyada laga galo
xeerkaan waxaa u xilsaaran maxkamada ay quseeyso.
QODOBKA 5 AAD
NOOCYADA CIQAABTA XEERKAAN.
Xeerkaan ciqaabtiisu waa:-
- Dil toogasho iyo Hanti la wareegid
- Xabsi Daa’im
- Xabsi Dheer
- Xabsi Gaaban
QODOBKA 6AAD
CIQAAB DIL AH.
Qof kasta oo gala faldanbiyeed argagixiso oo ah
Asasid, Hogaamin,Ismiidaamin, Xasuuq iyo Kharajin Shakhsiyaad
(asisinashin) Waxaa lagu ciqaabayaa Dil toogasho iyo hantidiisa oo lala
wareego
QODOBKA 7AAD
CIQAAB XABSI DAA’IM AH.
Qof kasta oo gala faldambiyeed argagixiso oo ah
Abaabul, Maalgelin, Jiheyn waxaa lagu ciqaabayaa Xabsi daaim.
QODOBKA 8 AAD
CIQAAB XABSI DHEER.
Qof kasta oo gala fal dambiyeed argagixiso oo
ah Tababarid, Qalabaeyn, Dhiirigalin waxaa lagu ciqaabayaa 10 ilaa 30 sano.
QOBOBKA 9 AAD
CIQAAB XABSI GAABAN.
Qof kasta oo gala fal dambiyeed argagixiso oo
ah Gacansiin, Qarin, Taageerid, Ka qaybgal waxaa lagu ciqaabayaa 5 ilaa 15
sano
QODOBKA 10 AAD
XAALADAHA CUSLEEYA AMA
FUDUDEEYA DAMBIYADA
Xaaladaha dambiyada cusleeya ama fududeeya ee
xeerkan waxaa laga qaadanayaa xeerka ciqaabta soomaaliyeed.
QODOBKA 11 AAD
CADEEYMO.
Xeerkani wuxuu cadeeymo u yaqaanaa sida ku
qoran buuga 3aad ee xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed oo lagu kordhiyay
cajaladaha maqalka, muuqaalka iyo sawirada la xiiriira faldambiyeedka.
QODOBKA 12 AAD
MARKHAATI.
Dacwadaha argagixisada markhaatiyaashooda waxaa
ugu horeeya danbi baaraha, Garsooruhu kuma khasbi karo in danbi baaruhu soo
bandhigo Qof ahaan iyo magac ahaan adeegaha qarsoon, Markhaatiyaasha kalena
waxaa loo raacayaa sida uu qabo xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed.
Maragfurida adeegaha qarsoon lama qaadan karo
haddii aan loo helin cadeymo kale oo taageeraaya.
QODOBKA 13AAD.
QIRAALKA.
Qiraalada ay bixiyaan eedaysanayaasha loo
haysto faldanbiyeed argagixiso waxaa dhageysanaaya garsooraha maxkamada isagoo
raacaya sida uu qabo qodobka 68aad ee xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed.
QODOBKA 14AAD.
XILGUDASHO LA’AAN.
A. Masuul kasta oo xil ka saaran yahay
arimaha nabadgelyada dalka oo ay xilgudasho la,aantiisu sababto in argagixisadu
ka faaiidaysato waxaa lagu ciqaabayaa 1(Hal ) ilaa 3 (saddax ) sano.
B. Muwaadin kasta oo ka baaqsada inuu soo
sheego dhaqdhaqaaq argagixiso oo uu ka war helay waxaa lagu ciqaabayaa 6 (Lix)
bilood ilaa 1 (Hal) sano.
QODOBKA 15 AAD
MAXKAMADA AWOODA U LEH.
Dhageysiga dacwadaha argagixisada waa heer
gobol, waxaana qaadaysa maxkamada gobolka, Go’aanka maxkamada hadii eedaysanuhu
uusan ku qancin waxaa u furan inuu ka qaato Racfaan mudo 30 maalmood gudahooda
wuxuuna soconkaraa ilaa darajada ugu sareeysa.
QODOBKA 16 AAD
QAREEN.
Eedeysane kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu
qabsado qareen u dooda hadduu awood u leeyahay.
Eedeysane kasta oo aan awood u lahayn inuu
qabsado qareen u dooda waxaa dowladu u qabaneysaa qaareen difaaca qarashkana
waxaa bixinayaa dowlada.
QODOBKA 17AAD
XEER GAAR AH.
Xeerkan wuxuu gaar u yahay faldambiyeedyada
argagixisada, waxna u ma dhimaayo shuruucda kale ee ciqaabta.(Ordinary low).
QODOBKA 18 AAD
DHAQAN GALKA XEERKAN.
Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa marka uu golaha
baarlamaanka ansaxiyo madaxweynuhuna sixiixo kuna soo baxo faafinta rasmiga ah.
GUDIGA NABADGELYADA IYO DIFAACA EE GOLAHA
BAARLAMAANKA.
- 1. Maxamed Xuseen
Isaaq (AfAraale) ____________________________
- 2. Faarax Ismaaciil
Xuseen ____________________________
- 3. C/rashiid Maxamed
Xiddig ____________________________
- 4. C/axmed Cumar
(Caano nuug) _____________________________
- 5. Axmed Cumar
Jees ____________________________
- 6. C/risaaq Isaaq
Biixi __________________________
- 7. Ibaahim Aadan
Xasan (Kiish) ____________________________
- 8. Maxamed Xuseen
Cadow ____________________________
- 9. Yuusuf Maxamed
Kheyr(Guurow) _____________________________
- 10. Yuusuf Maxamed
C/qaadir ______________________________
- 11. Cali Jeyte Cusmaan
______________________________
- 12. Ibraahim Maxamed
Isaaq ______________________________
- 13. Xuseen Maxamed
Baantuu ______________________________
XUBNAHA SHARCI YAQAANADA
- 14. Cali Muumin
Ismaaciil _____________________________________
- 15. Cumar Xasan
Zubeer _____________________________________
- 16. Axmed Ibraahim
Maxamed _____________________________________
- 17. C/raxmaan Maxamed
Cali _____________________________________
- 18. Xuseen Cabdi Wadde
_____________________________________
Waxaa soo tebiyey
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 / 002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


|