Wararkii: Sabti, May 5, 2007
"800 qof oo keliya ayaa kusoo Laabtay Muqdisho"
Qaramada Midoobey
"365,000 qof ayaa ka barakacay Muqdisho
intii u dhexeysey Feb 1 - April 27, 2007" UNHCR
Warbixin ay May 4, 2007 soo saartay Hay'adda
Qaramada Midoobey xafiiska u qaabilsan Soomaaliya ee loo yaqaan OCHA ayaa
sheegtay in magaalada Muqdisho dadkii dagaaladii ugu dambeeyey ka barakiciyeen
ay magaalada kusoo laabteen 800 qof oo keliya, halka tiro aad u badan sababta ay
ugu soo laaban waayeen ay tahay iyagoo ka cabsi qaba dagaalo dib uga bilowda
Muqdisho.
Hay'adda Qaramada Midoobwy u qaabilsan
Qaxootiga ee loo yaqaan (UNHCR) waxay qiyaasay in 365,000 qof ay ka barakaceen
Muqdisho intii u dhexeysey 1dii February ilaa 27kii April. Dadkaas oo meelaha ay
u kala hayaameena ay ka mid yihiin 84,000 Shabeelada Hoose, in kabadan 63,000
Shabeellada Dhexe, qiyaastii 109,000 Galgaduud; iyo 40,000 Mudug.
Ururka islaamka oo ugu baaqay dowlada Ethiopia
in ay isaga baxdo gudaha dalka somaliya
Shir ay yeesheen wadamada ku jira ururka islamka oo ay kaga hadlayeen dhibatada
iyo xadgudubyadii ka dhacay dalka somaliya ayaa bayaan ay ka soo sareen uuna ku
saxiixan yahay sheekh yuusuf al-qardaawi ayaa waxaa lagu canbaareeyey dilkii iyo
xasuuqii ka dhacay magaalada muqdisho ee lagu xadgudbay dadkii deegaanka
muqdisho ee aan waxba galabsan.
Mas'uuliyadii dhibkii ka dhacday somaliya ayaa waxaa culimada islaamka uu
eedeeda saaray ciidamada Ethiopia oo taageero milateri ka haysata dowlada
maraykanka kuna dagaalamaysay magaca USA oo sida bayaanka lagu cadeeyey fargelin
ku samaysay somaliya .
Bayaanka ururka culimada islaamka ayaa tooshka ku shiday in taakulada xukuumada
KMG somaliya ay ka codsatay dowlada Ethiopia si ay meesha uga tuuraan ururukii
maxaakiimta islaamka waafaqsan.
Bayaanku
wuxuu ka dalbaday ururuka jaamacada carabta
iyo ururka islaamka in ay culeys saaraan
sidii ciidamada Ethiopia looga saari lahaa
dalka somaliya ,markaana cidamo carbeed ama
kuwo ka socda qaarada Africa la geeyo
somaliya si ay u soo celiyaan amaankii iyo
kala danbeyntii la waayey .
Golaha amaanka ayaa goor sii horeysay farta
ku fiiqay muhiimada ay leedahay in ciidamo
ka socdo qaarada Africa loo diro somaliya
.sidoo kale golaha amaanka waxaa uu ka
dalbaday dalalka Africaan ah ee ku yaboohay
ciidamada in ay u diraan ciidamadooda sida
ugu dhaqsaha badan dalka somaliya .
Hay.adaha xaquuqda aadanaha ayaa waxey
sheegeen in dagaaladii ka dhcay lagu dilay
dad rayid ah oo kor u dhaafaya kun ruux oo
shacab ah una badnaa haween iyo caruur
da.doodu ka hooseyso 10 jir isla markaana ay
ku barakaceen ilaa 350,000 qof.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Wafdigii Dhex-dhexaadinta Ahaa Ee Magaalada
Kismaanyo Aaday Oo Kusoo Hungoobay Hadafkii Ay Lahaayeen .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Wararka laga helayo magaalada kismaanyo ee
xarun goboleedka jubada hoose ayaa sheegay in magaaladaasi ay saaka degan tahay
waloow ay saan saan colaadeed ka aloosan tahay.
Sidoo kale wafdigii uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha ee dowlada KMG
maxamuud maxamed guuleed (gacmo dheere) ee dhex dhexaadinta u joogay magaalada
kismaanyo ayaa natiijo la,aan kaga soo duulay magaaladaas iyadoo sida wararku
sheegayaana arintaas la hor dhigay hogaanka sare ee dowlada KMG ah col,c/laahi
yuusuf
Sidoo kale xaalada magaalada kismaanyo ayaa kusii siqaya xaalad colaadeed iyadoo
wararka kasoo baxaya madaxtooyada magalada caasimada ah ee muqdisho ay
sheegayaan in ciidamo aad u hubaysan oo isugu jira Ethiopian iyo soomaali loo
diri doono magaalada kismaanyo taasoo ay dadka qaarkiis ku macneeyeen in la
doonayo in si xoog ah looga fara maroojiyo milayshiyada beesha sadde ee hada ka
talisa magaaladaas .
Wasiirka oo aan saxaafada uga war bixin xaalada dhabta ah ee uu kala soo kulmay
magaalada xarun goboleedka jubada hoose ayaa warar xog,ogaal ah oo laga helayo
ay sheegayaan inuu fara taag taag kala kulmay goobtaas islamrkaana qodobo adadag
la hor dhigay ,taasoo ay milasyhiyadaasi sheegteen inay maamulka jubooyinka
iyagu shacabka ugu badan ee ku dhaqan ay ugu tiro badan yihiin islamarkaana ay
dowlada KMG ahi eex qaawan ka gashay balse ay dowlada KMG ah si weyn u
taageersan yihiin .
Waxayna milayshiyaadaasi sheegeen in maamulka gobolka jubada hoose ay iyagu xaq
u leeyihiin balse aysan ku xigeen iyo wax lamida ay maqaar saar tahay .
Si kastaba ha ahaatee xaalada murugsan ee magaalada kismaanyo ayaa mugdi
gelinaysa xaalad nabdoonaan oo kasoo if baxda gobolkaas islamrkaana arintan
ambabaxa wasiirka ayaa kusoo beegmaysa xili uu qarax weyn ka dhacay garoonka
weyn ee magaalada kismaanyo islamrkaana uu ku geeriyooday hal qof xili ay
wafdiga dowlada KMG ah iyo saraakiisha xukuumada Ethiopia ay kasoo duulayeen
magaaladaas.
Siyaasiga C/laahi Sheikh Xasan Oo Ka Hadlay
Halka Ay U Marayso Odayaasha Beesha Hawiye Iyo Col, yusuf Oo Uu Weheliyo
Gen,Gabra
Gudoomiyaha guddiga Siyaasada ee beelaha Hawiye C/llaahi Sheekh Xasan ayaa
markii ugu horeysay ka hadlay halka ay marayso xaalada siyaasadeed ee odayaasha
beesha hawiye iyo madaxweynaha dowlada KMG ah iyo weliba taliyaha ciidamada
xukuumada Ethiopia .
C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in haddii looga adkaaday dagaalkii socday
aysan micnaheedu aheyn in nabad la helay laakiin ay tahay in hadii is afgarad
laysku afgarto waxii laysku hayey inuu dhamaan karo dagaalku ,wuxuuna tilmaamay
in colaadu ay ku dhamaan karto in la wada hadlo oo la heshiiyo islamrkaana sidaa
xal waara lagu gaaro.
Siyaasiga c/laahi sheikh xasan ayaa la waydiiyey maxay sababta dhabta ah ee aad
dagaalka u wadeen ,waxuuna ku jawaabay anagu dagaalka ma wadin ee waa nalagu soo
qaaday anagu is difaac ayaanu ahayn hase yeeshee hada wada hadal ayaan wadnaa
waxaanuna rajeynaynaa inuu meel fiican ku dhamaado waayo dagaal faa,iido malaha
.
Sidoo kale c/laahi sheikh xasan ayaa ku sheegay dowlada Embhagati inay aqoonsan
yihiin laakiin ay doonayaan hadafka ay leeyihiin inay garaan taasoo uu ku
tilmaamay in maamulkooda loo madax baneeyo islamrkaana laysku afgarto wada
hadalka laakiin ayuu yiri c/laahi shekh xasan xabadi xal ma keeni karto .
C/laahi sheikh xasan ayaa ka dhawaajiyey inay hore kulan u qaateen iyaga iyo
madaxweynaha iyo generalka wata ciidamada Ethiopia islamrkaana ay meel wanaagsan
u marayso wada hadalku ,taasoo uu sheegay inay dib u balamiyeen kulanka sababo
uu ku tilmaamay inay odayaashu doonayaan inay u dad badsadaan kulanka iyaga
madaxweyne c/laahi yuusuf.
C/laahi sheikh xasan oo looga bartay hal adayg ayaa hadaladiisu dhowaantan mar
uu ka hadlayey qaar ka tirsan warbaahinta magaalada muqdisho debecsanaan kasoo
degay halkii uu hore u taagnaa balse aan u muuqday mid xal nabadeed raadinaya
,taasoo ay dad badan oo falanqeeye siyaasada dalka uu marayo ku tilmaamay inay
isu soo dhowaanayaan odayaasha iyo col, c/laahi yuusuf.
Si kastaba ha ahaatee hadalka kasoo yeeray siyasiga c/laahi sheikh xasan ayaa
rajo geliyey dayow badan oo ka barakacay caasimada muqdisho islamrkaana ka
maagayey inay dib ugu soo laabtaan ilaa iyo xal loo helo xaalada murugsan ee
dalku marayo gaar ahaan magaalada muqdisho oo uu ka dhacay xasuuq ba,an oo ay
gaysteen ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan gudaha wadanka soomaaliya .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Xaflad sogootin iyo soo dhaweyn isugu jirta oo
ka dhacday xarunta gobolka banadir halka loo yaqaano ( fiisho gubeerno )
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Xafladaan oo lagu so dhaweynayey gudoomiyaha cusub ee gobolka banadir isla
markaana ah duqa magaalada muqdisho lagune sogootinayey gudoomiyihii hore ee
jagooyinkaa hayey mudane maxamuud cali xasan ( cadde gaagob ) ayaa lagu qabtey
xaruntii hore ee gobolka banadir halkaa oo aan xaflado lagu qaban in ka badan 16
sanandood ,
Ganaraal cabdi xasan cawaale ( qeybdiid ) oo ah taliyaha ciidanka boliska
somaliyeed ayaa lagu wareejiyey 10 gaadiidka tiknikada ah iyada oo loogu tala
galay socodsiinta howlaha amnaaka loogu sugayo gobolka banadir .
Maxamad Cumar Xabeeb “Max'ed Dheere” ayaa waxaa
uu sheegay in ay ku wareejiyeen ciidamada booliska baabuurtani isla markaana ay
donayaan in booliska uu ku holw galo dhawaan. Wuxuuna intaa raaciyey in aan la
ogoleyn in hub lagu dhex sito magaalada ,.
Gaadiidkaan tiknikada ah ayaa waxaa ka gudoomay maxamed dheere ugu horeyntii
wasiirka arimaha gudaha Maxamad Maxamud Guuleed “Gacma dheere iyadoo markaa
kadibna lagu wareejiyay Taliyaha ciidamada booiska Soomaaliyeed genaraal Cabdi
Xasan Cawaale ( Qeybdiid.) oo isagu qaatey furayaashii gaadiidkaa
genaraal Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid.) ayaa sheegay in mantra wixii laga
bilaabo aan la ogoleyn gaadiidka muraayahadaha modow ee beersolka ah in lagu
socdo qof aan sharci u heysan wuxuuna u qabtey in lagu tirtiro 3 maalmood
gudahood murayadaha beersol ka ah
Duqa magaalada muqdisho ayaa tilmaamay in la doonayo gaadiidka iyo kuwo kaleba
in lagu galo rondo joogto ah si wax looga qabto amaanka magaalada muqdisho isla
markaana ay gacan adag ku qabtaan cidii wax u dhimaysa nabad galyada guud ,
Maxamed Maxamud Guuleed “Gacma dheere” oo ah Wasiirka arirmaha gudaha mar uu ku
wareejinay gaadiidka tiknikada ah ayuu ku booriyey xubnaha ciidanka boliska in
ay sugaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Xafladaan lagu calaama saarayay Max'ed cumar xabeed maxamed (maxamed Dheere )
ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Mudanayaal iyo wasiiro ka tirsan dowladda
KMG ah, oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha dibadda Somalia, Xuseen Ceelaabe
Faahiye, wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka, Max'ed Ibraahim Xaabsade,
Xildhibaan Muuse Suudi, Taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM Bita Alawale iyo
Hogaanka ciidamada Ethiopia ee Somalia, Gen. Gabra mowliid macaane maxamuud oo
turjubaan ka ahaaqudbadii taliyaha ciidan ugandha duxigeenka duqa magaalada
muriid golof iyo xubno kale oo fara badan.
Waxaa halkaa heeso guubaado iyo isugu jira qiiro wadaniyad ka qaaday abwaaniin
ay ka mid ahaa abwaan maki xaaji banadir iyo kooxda ubaxa qaranka somaliyeed
Iya ma ilaawi karaayee barbaarta gaashaaman oo halkaa wacdaro la yaab leh ma
mujisay waxaana ka mid ahaa ereyadii ay halkaa kaga dhawaaqeen inkasta o aan la
soo kobi Karin ,mar ay la hadlayeen dadweynaha ayaa ku doortaye wixii u daran ka
difaac .sidoo kale mar ay la hadlayeen somalida ayey yiraahdeen somaliyey isu
sabar sababla.aan suntane wadnaha ka siiba ,mar ay ka hadlayeen sababta ay
halkaa u tageen ayey sheegeen in ay tahay sogootin iyo soo dhaweyn sugaan ahaan
sidnaa
Arintaa ayaa ku soo wareegtay xili intii badnayd hubkii ku jiray gacmaha
hogaamiyeyaasha iyo shirkada uu ka baxay gacantooda waxa harayn ay tahay in la
gabagabeeyo heysashada hubka sharci darada ah cidii lagu arkane loo qaadanayo
cid u bareertay in ay wax u dhinto nabad gelyada gobolka banadir
Guntii iyo gegebagadii ayaa prof: cali maxame dgeedi wuxuu ku q atimay in uu ka
salaam ka sido madaxweynaha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed mudan cabdulaahi
yuusuf axmed oo isagu halkaa aan imanin sidoo kale raiisal wasaaruhu wuxuu
salaam ka so gudbiyey afhayeenka barlamanaka sheikh adan madoobe wuxuuna sheegay
intaa ka dib in tiknikada iyo ciidanka lagu wareejiyey gobolka aysan saliid
kareem u marin dooni cidii sharciga ku xadgudubto waxaana la horgeyndoonaa
sharciga oo ay ka heli doonto wixii ay mudatay

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2007
Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira
cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...
Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


|