May 2, 2007: Banaan bax wayn oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacay
Wadanka Sweden Magaalada Stockholm. Banaan baxaas oo looga soo
horjeeday xasuuqa iyo faragelinta ay ku hayaan ciidamda itoobiya
wadanka Soomaaliya.
Kasoo qayb galayaasha yaa watay boorar ay ku muujinayaan xasuuqa ay
gaysteen ciidamada Ethoipia iyo kuwa dawlada federalka ah.
Banaan baxaas waxaa ka qayb qaatay Shaqaalaha Wadankaan waxaana lagu
beegay 1 may oo ah maalinta shaqaalaha aduunka. Shaqaalaha ayaa
waqtigooda ugu taba rucay dadka dulman iyagoo indhaha caalamka ku soo
jeediyay xasuuqa lagu hayo umadda Soomaaliyeed iyo sida laysaga indho
tirayo xasuuqaas.
Banaan baxayaashu waxay wateen boorar ay ku xardhan yihiin qoraal ay
ka mid yihiin Goerge Bush waa dhiigyo cab in maxkamad la horekeeno
mudan, Bush waa argagiso, Maato lays mellez, Mellez waa dilaa
maxkamada hala keeno, somaliya wax dawalad ah oo ka jira malahan iyo
eraryo kale oo xamaasan leh.
Waxaa banaan baxa hogaamiyay dadka u dooda xaquuqda aadanaha iyo dadka
jecel nabada kuwaasoo cod baahiyaal dadka reer stockholm ee usoo
daawasho tagay banaan baxaan maqashiiyay qadiyada Somaliya.
Banaan baxa yaashi waxay socod ka soo bilaabeen halka lagu magacaabo
Medborgeplats iyagoo lug ku tahay halka loo yaqaan Beerta bortooyada
(Kunstragåden). Waxaa laga soo jeediyay halkaas qudbado xamaasad leh
iyo warbixino sida xuquuqda aadana uu ugu tunto Maraykanku asagoo mar
kasta xaqiiqda iska indho saaba islamarkaan adeegsada wadamo sida
Ethiopia si uu dadka maraykanka u qaldo. Waxaa loogu baaqay dawlada
maraykanka in auy tixgeliso xaquuqda aadanaha ogolaatana in nadab
aduunka lagu wada noolaado.
Waxaa halkaas laga sheegay in aan xasuuqa dhacaya laysaga hari doonin
goor ay ahaataba dadka gaystay maxkada caalami ah la horkeeni doono.
Dadwayne aad u fara badan oo halkaas isugu soo baxay ayaa waxaa si
wayn uga dhex muuqday calanka Jamhuuriyada soomaliya iyo halku dhegyo
badan oo lagu cambaaraynayo xasuuq loo geystay dadka shacabka ah.
Banaan baxaan wuxuu daba socdaa kadib xasuuq iyo bur bur ay gaysteen
Ciidama Ethopia kuwaasoo maadiic si aan kala sooc lahayn ula dhacay
degaanada dadka rayidka ah u badan yihiin magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horeysay ee banaan bax ay ka qayb galaan dad ajaanib ah
oo looga hadlayo qadiyada soomaliya tan iyo markii ay ka baxday meesha
dawladii dhexe ee soomaliya.
SIPJ (Somali Institute for Peace and
Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u
istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay
dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo
ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda....
goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE...EEG HALKAN...