SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 23, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (82), Muqdisho (86), Beledweyne (89), Baydhabo (97),  Galkacyo (118),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print

Cali Mahdi
1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

Haamaha Sunta: Waa kuwaa...

Ciidamada Punt-land Ee ku Sugnaa Deegaanka Cadaado Oo Weerar Gaadmo Ah Lagu Qaaday

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

March 22, 2007: Weerar dhaliyey Dagaal culus ayaa Khamiistii ka qarxay degmada Cadaado ee gobolka G/gaduud iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo ciidamo Puntland ah oo ku sugnaa halkaasi.

Dagaalkan oo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa warku sheegayaa inay uu dharw qof ku dhinteen halka dhaawacana lagu sheegay in kabadan 4-qof iyadoo dagaalku ka dhex qarxay sida warku nagu soo gaarayo meel fariisin u ahayd ciidamada dowlad goboleedka punt-land lagu qaaday weerar gaadmo ah islamarkaana uu sidaa isugu rogay iska hor imaad saacado socday , iyadoo sida la sheegay ay jiraan khasaarooyin badan oo wali aan si rasmi ah loo ogaan.

Sidoo kale warka ayaa intaas ku daraya inay deegaanka cadaado milayshiyaadka ku dagaalamyey ay halkaas ku qabsadeen ugu yaraan labo baabuur (iyadoo ay jiro in tiradaas la gaarsiiyey ugu yaraan afar), ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya qasaaraha ka dhashay dagaalkan ka dhacay deegaanka cadaado .

Si kastaba ha ahaatee arimahan dagaalada cadaado ayaa salka ku haya hadaladii isdaba jooga ahaa kasoo baxayey kulamadii beesha hawiye ay ku yeelatay magaalada muqdisho iyadoo ay kulankaas beesha hawiye ku cambaareeyey dowlada kmg ah islamarkaana ku sheegay inaysan dagaalka joojin doonin ilaa inta ciidamada punt-land ee ku sugan yihiin deegaanka hawiye.

Dagaaladii Ka socday Caasimada Muqdisho Oo Galay Maamilntii Labaad

Dagaal laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka bar-qanimadii mar kale ka qarxay meelo ka mida caasimada muqdisho iyadoo dagaalkanina uu u dhexeeyo ciidamada dowlada kmg ah iyo kooxaha kacdoonka wada ee sida weyn uga soo hor jeeda dowlada kmg ah .

Dalaadan ayaa ka bilowday deegaanada Jamhuuriya ee Waqooyiga magaalada Muqdisho,Ex- Wasaaradii hore ee Gaashaandhigga, agagaarka Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad,islamrkaana saamayn xoogan ku yeeshay guud ahaan magaalada muqdisho .

Sidoo kale waxaa argagax iyo cabsi ku riday dadka shacbka ah ee weli degan caasimada madaafiicda bm-ka iyo qoryaha lidka diyaaradaha oo iyagu si daran-doori ah isugu dhacaya iyadoo boosteejooyinka baabuurta gobolada aada ay camireen dadka kabarakacaya magaalada oo ka cararaya dagaaladan .

Deegaanada Saaka dagaaladu ay ka bilowdeen ee Jamhuuriya iyo kulyadii hore ee Jaalle siyaad ayaa ahaa deegaano hor leh oo shalay dagaalo aysan ka dhicin, iyadoo dagaalkan oo galay maalintii labaad uu u muuqanayo mid marba marka ka dambeysa sii xoogaysanaya,.

Ma cadda qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan sababo lala xiriirinayo iyadoo uu dagaalku si xowli u soconayo ,waloow ay wadooyinka laamiyada ah ee muqdisho aad indhahaaga ku arkayso dhaawacyada ay wadaan gaari gacanada iyo gaari dameeradu oo lagula cararayo xarumaha caafimaadka kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa guudba .

Sidoo kale waxaa dhaawacyo rasaasta dagaalka ah la ciir-ciraya xarumaha caafimaadka ee ka jira muqdisho ,isbitaalka madiino oo isagu sida badan dhaawaca lagula cararo ayaa dadka dhaawaca ah oo ka batay darteed ay gabaabsi ka yihiin daawooyinka lagula tacaalo dhaawacyada iyo bukaanka .

ma jiraan wax rajo ah amase ka hadashay in la joojiyo dagaaladan isa soo taraya oo soo muuqanaya,xaalada ayaa marba marka kasii dambaysa sii cakirmaysa iyadoo laga cabsi qabo inuu isu rogo dagaal daba dheeraada.

Waxgaradka Iyo Isimada Beesha Hawiye Oo Ku Hanjabay Inay Dagaalka Wadi Doonaan Ilaa Inta Ciidamada Punt-land Ka Baxayaan Muqdisho.

Qaar ka tirsan Isimada beesha Hawiye ayaa ku hanjabay inay dagaaladu sii socon doonaan inta ciidamada dowlad goboleedka Punt-land ay ku sugan yihiiin magaalada caasimada ee Muqdisho.

Nabadoon Cabdi Shariif Max'ed Diini oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa si kulul uga hadlay inay dagaaladii shalay ka dhacay caasimadda muqdisho ay soo qaadeen ciidamada dowlad goboleedka punt-land waa siduu sheegaye islamrkaana ay dabada ka riixayso ciidamdaasi dowlada kmg .

Sidoo kale nabadoon shariifka ayaa tilmaamay in dagaalkaasi uu si rasmi ah isaga horyimaadeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo Beesha Hawiye oo u dul qaadan waayay dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada dowlad goboleedka Punt-land ee kusugan magaalada Muqdisho.

Isagoo hadalkiisii sii wata ayuu tibaaxay inta ciidamo ka socda maamul goboleedka Puntland ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho isla markaana uusan C/laahi Yuusuf joojin ku xad gudubka awood qeybsiga dowladda uu dagaalku sii socon doono islamrkaana ay lama huraan tahay in fooda lays daro.

Sidoo kale nabadoon cabdi shariif ayaa ku tilmaamay dadka reer muqdisho inay dhib ka daal yihiin islamarkaana aysan xiligan u baahnayn colaad iyo dagaalo sokeeye ,waxaana haboon inay dowladu joojiso madfaca ay u adeegsanayso shacabka reer muqdisho oo ah beesha hawiye .

Sikastaba ha ahaatee hadalkan kasoo yeeray isimada beesha hawiye ayaa kusoo beegmaya xili dagaalo ka socdaan magaalada muqdisho kuwaasoo u dhexeeya ciidamada dowlada kmg ah iyo kooxaha hubaysan ee kacdoonka wada .

###

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2007



Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com