SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


9:30-ka Fiidnimo Waqtiga Fadhi ku Dirirka

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Markii uu dhashay kacaankii Idaacadaha ee Soomaaliya horaantii sanadkii 2000, waxayna Idaacadahaasi intooda badan gaareen dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waana kuwo si aad ah loo dhageysto. Idaacadaha oo ay ka baxaan barnaamijiyo fara badan ayaa qof waliba dhageystaan Barnaamijka uu doonayo, balse Barnaamijka ugu xoogan waa midka soo gala waqtiga 9:30-ka fiidnimo ee ay Idaacad waliba ula baxday magac gaar ah, oo la dhihi karo waqtigii Fadhi ku dirirka.

Magaalada Muqdisho oo ay ka furan yihiin ilaa iyo dhowr iyo Toban Idaacadood ayaa dhamaantood waxay doorteen waqtigaas oo mar qura soo wada galaan, dadku si aad ah ayey ugu wareegeen, nin odey ah ayaa waxaan ku iri “Ninyahow raadiye waan kugu ogaaye maxaa mid kaan kale u soo gadatay”, waxa uuna igu jawaabay “Kan waa igu yar yahaye waxaan doonayaa in aan mid kale ku soo darsato, si aysan waxba ii dhaafin marka waqtiga fadhi ku dirirka la gaaro”, waxaana u sii raaciyey “Sow wareer kuuma keenayaan dhageysigooda?:, waxa uuna yiri “Waa runtaa oo waan ku wareegay, waxaas oo dhibaato ahna waxaa mas’uuliyadeeda iska leh Idaacadaha, oo Bulshada u kala maareyn waayey, waqtiga fadhi ku dirirka”.

Fadhi Ku DirirMas’uul ka tirsan Idaacadaha ayaan mar aan la kulmay waxaan ku iri “War ninyahow waqtigaan isku marka way ku wareereen bulshaduye, maad waqtiga kala bedeshaan?”, waxuuse iigu jawaabay “Waqtigaan waa waqtiga ugu muhiimsan, waayo Bulshada inteeda badan way soo jeedaa, waxaana xiligaas ka baxa Idaacadda British Broadcasting Corporation, sidaas ayaana u dooranay”, waxaana sii weydiiyey “Ninyahow bulshada aad ayey ugu dhiban tahay, basle intaad shir isugu timaadaan, in aan waqtiga kala qoondeysataan sow ma haboona?”, wuxuuna iigu jawaabay “Aniga ayaa ugu horeeyey wax bilaaba Barnaamijkaan, sidaa darteed Idaacadaha kale ayaa looga baahan yahay waqti sameystaan”, markaas ayaan ku iri “Mar haddii aad horey u bilowday, maad hadda isku dayday in aad ka roonaato, oo aad waqti kale sameysato”. Wuxu ku jawaabay “Anigu marnaba waqtigaas ka fuqi maayo”.

Subixii marka uu dadku soo tooso, waxyaabaha ay isweydiiyaan waxa ka mid ah, wixii xalay baxay ee ay Idaacaduhu sii daayeen, labo nin oo sheekeysaneysa ayaan u soo dhawaaday, mid baa waxa uu leeyahay “Ma maqashay xalay wareysigii uu bixiyey Max’ed Dheere”, kii kale ayaa leh “War Anigu ma maqal”, isagoo u sii raaciyey “Idaacaddee lagu wareystay?”, “Waxaa lagu wareystay Idaacad heblaayo” ayuu ugu jawaabay, isna markiisa ayuu su’aal weydiiyey oo yiri “Adiga qudhaada ma la socotid miyaa in xalay la wareystay Max’ed Qanyare?” “Maya saaxiibow ma maqalin”, labadii nin ayaa markii dambe hoosta ka xariiqay in ay iibsadaan dhowr Raadiye si aysan u dhaafin wararkaa Waqtiga 9:30-ka ka baxaya dhowrka Idaacadood ee Magaalada Muqdisho ku yaala.

Haweenay Suuqa Bakaaraha Badar ku iibisa ayaa waxay aragtay Haweenay kale oo Raadiye Dhageysaneysa, markaas ayey waxay ku tiri “Heblaayo, waqtigaan raadiye yuusan ku mashquulin ee caawa 9:30 yuusan ku seegin, waayo waa waqtigi fadhi ku dirirka”, Islaantii kale ayaa ugu jawaabay “Walaal waqtigaas ciidan uma hayo Raadiye dhageysi”.

aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
Ali Mohamed Geeddi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Labo dhallinyaro ah oo middi si aad ah ula socdo Siyaasadda oo wada sheekeysanaya ayaa midka Siyaadda daneyna waxa uu weydiiyey Saaxiibkii “Saaxiibow xalay ma dhageysatay Idaacadda” “Maya walaal, maxaa dhacay” ayuu jawaabay “Ma ogid miyaa, in C/llaahi Yuusuf, hadalkii Xuseen Caydiid ku tilmaamay mid uu yiri nin aan caadi aheyn” ayuu su’aalay, kii kala oo fadhiga ka hinqaday “C/llaahi Miyaa Xuseen ku tilmaamaya in uusan nin caadi ahayn, waxaanba nacay barnaamijkaan fadhi ku dirirka ah ee aad 9:30-ka Idaacadda ka dhageysataan, waxaanse leeyahay, C/llaahi ayaanba nin caadi ah aheyn”.

Anigoo makhaayaf fadhiya, ayaa waxaan arkay labo nin oo isla dhaceysa Feer, markii la kala qabtay ayaan dadkii weydiiyey, waxa ay isku dirireen, mid ka mid ah dadkii oo ii sharaxay ayaa igu “War nimanku waxay isku dirireen, hadal laga sheegayey Barnaamijka Fadhi ku dirirka ee Idaacadaha” “Oo muxuu ahaa hadalkaasi” ayaan su’aalay, “Waxa uu ahaa, Muuse Suudi oo C/llaahi ku tilmaamay in uu gashaday kabo ka waaweyn, warkaas oo Idaacadda laga sheegay ayaa mid ka mid labada nin ee halkaan ku dirayey ka carooday, kaddib markii midka kale ku soo qaad qaaday”, ayuu iigu jawaabay, waxaan sii su’aalay “Maxay Sababta uu uga carooday”, waxa uuna ku jawaabay “Midka caroonayey ayaa C/llaahi taageere u ah”.

Iyadoo intaas oo dhami jiraan ayaa dhanka kale dadka qaarkii u dhageystaan barnaamijkaa fadhi ku dirirka in ay kala socdaan waxyaabihii ugu dambeeyey ee dhaca, waxaynse dadka qaar aad u dhaliilsan yihiin waqtiga ay wada qaateen dhamaan Idaacadaha, oo ninbaa ku talinaya, Idaacado waa in ay waqtiga kala dib marsadaan si aan uga boganno dhamaantood waxa ay tabinayaan, sidoo kale ninkaasi waxa uu si aad ah ugu wareersan yahay waqtiga warka oo isku mar dhowr Idaacadood soo wada galaan, waxa uuna yiri “Idaacado ma waxay garan waayeen in ay kala hor maraan shan daqiiqo ama wax la mid ah”. Isku soo duuboo Waqtiga 9:30-ka ayaa dadka qaar u arkaan mid aan waxba soo kordhin, marka laga reebo Hebel ayaa sidaa yiri iyo Hebaalyo ayaa si sheegtay.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 2, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com