Caasimadda
3-aad ee Soomaaliya: Yaa ka masuul ah in
Kismaayo hal cusbitaal yeelan weydo?
sidee ku dhacday
Maxamed
Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com
Kismaayo waa magaalo aan wax badan ka
yarayn Muqdisho, Waa magaalo ka wakiil
ah dad badan. Waa magaalo madax gobola
Jubada Hoose waxaa hoose
Kismaayo waa magaalo isku darsantay bad
beero iyo xoolo waa magaalada ugu
hodansan Soomaaliya laakiin waxaa la
haray anaa iska leh ama anaa iska leh
Kismaayo waa caasimadda 3aad ee
Soomaaliya. Waxaa nasiin darro noqotay
in Kismaayo aanay lahayn wax la sheego
oo Isbitaal ah halka Xamar leedahay
isbitaalada
Digfeer
Madina
Banaadir
Martini
Keysaley
SOS
iyo kuwo badan oo kale
Hargeysa iyo Noosaaso sidoo kale
Haddii kismaayo isbitaalo badan oo qiimo
leh ay lahaan lahayd maanta dadkeeda
ayaa ka faaiideysan lahaa. Waxaa kale oo
ka faaiideysan lahaa degmooyinka
Badhaadhe
Afamadow
Jamame
Jilib
iyo dhamaan tuulooyinka ku wareegsan.
Waxaa kale oo ka faaiideysan lahaa
gobolada u dhow dhow jubada hoose sida
Gedo, jubada dhexe, shabeelada hoose iyo
NFD
Dhismaha iskuulada, jaamacadaha,
isbitaalada, ammanka iyo maamulka fiican
iyo beeraha dalxiiska (jardiinooyinka)
iyo ndaafadda wanaagsan waxay keenta in
magaalada camiranto oo la maalgashado oo
shaqooyin samaysmaan oo soomaalida
qurbaha aad u soo degaan oo keenaan
caruurtooda
Yaa loo eedeyn karaa sababta caasimadda
saddexaad ee Soomaaliya Kismaayo u
weyday hal isbitaal?
Waxaa loo eedeynayaa
1) Dawladdii Siyad Barre oo cadaadis
saartay Kismaayo arrimo siyaasad la
xiriira. sida xaqa ah asaga Siyad hal
isbitaal ayuuba ka dhisay
2) Jabahadihii qabsaday Kismaayo sida
USC SPM oo aan wax ay dumiyaan mooyee
aan waxba dhisin
3) jabhadda dooxada juba
4)aqoonyahanada iyo maalqabeenada
Kismaayo iyo qurbo joogta reer waamo
ayagaa laga rabaa inay la yimaadaan
fikradda iyo maalgelinta iyo u ololeynta
Kismaayo
Reer Waamo ma reer Goldodob bay ka
liitaan. reer goldodob waxay dhisteen
isbitaal laakiin reer Waamo fadhiga ka
kaca.
Reer Waami Reer Kismaayo fadhiga ka
kaca.
Maxamed Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan