Askartii Itoobiya
Axmed-shil
Muxumed
ahmedshil@yahoo.com
Borlänge, Sweden
Bismillaahi wassalaatu wassalaamu caalaa
raasuulilaahi
Horudhac
Waxay
dad badan maqleen ama maqli jireen inay
Itoobiya kufaani jirtay inay tahay
Libaaxii Afrika, inay sidoo kale haysato
ciidamo kamida ah amaba ah kuwa ugu
ballaadhan uguna awoodda badan Afrikada
kahoosaysa saxaraha. Waxaa dhici karta
marka inay dadka qaar iswaydiiyaan
taloow ciidankaa waa ciidan caynkee
ah?. Waxaan jecalystay marka bal inaan
waxyar yara faaqido baabkaas iyo
waxyaabo kusoo kordhay sigaarana
ukhuseeyo soomaalida. Waxaan iskudayi si
sahal ah inaan uga falloodoo anoo
iskudayayo bal inaan su’aalahaas
kajawaabo.
Ciidankii Itoobiya ee hore
Inta
badan wuxuu ubadnaan jirey in lasoo
xasuuqay ama lasoo qafaalay qofba siduu
uyaqaanno oo lagasoo qafaalo dadka
beeralyda ah siiba xabashida. Xabashida
oo iyadu ah qowmiyadda ugu daacadsan ama
ugu jecel jiritaanka Itoobiya iyo
Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan uguna
miskiinsan dadka lugu hasyto dhulwaynaha
maanta loo yaqaanno Itoobiyada
Dimuqraadiga ee Federaalka ah. Ciidankaa
waxaa inta badan labari tababar aasaasi
ah oo ay kudagaal galaan, wuxuu
kamadhnaan jirey wax caqiido ah oo
midayso ama wax mabaadii ah oo
macnihiisa kor uqaada. Siddeetameeyadii
askariga Itoobiyaanka ah wuxuu qaadan
jirey mushahar ahaan 40 Bir, waxaana
lugu arki jirey meelaha ay hadba joogaan
ayagoo rafaadsan ooy dhafoorxumo ba’anna
ay kamuuqato oonan kala garanaynin wuxuu
unoolyahay ama udhimmani. Markuu dagaaal
gali inta badan waxaa gadaasha kamari
jirey kuwo lugu kalsoonyahay si hadday
soo jeestaan ama carara maagaan loogu
khasbo inay sii wadaan dagaalka. Waxay
Itoobiya farsamadaa khasabka lugu dagaal
galinayo ciidamada u adeegsatay dagaalki
ay dhowr sano kahor lagashay Eriteria oo
lugu laayey askar badan oo kamida kuwaas
maxaysatada ah (waxaa la’isla
dhaxmarayaa inay soomaali badan
ukidhaysatay oo lacag usiisay inay
dagaalkaas kaqaybgalaan iyagoo
calooshood ushaqaystayaal ah).
Ciidankaas waagii hore waxaa aad uyaraa
in laga helo qowmiyadda soomaalida iyo
Eriteriyiinta oo labadaba isu haystay
dad aan innaba hayaraatee waxba
lawadaagin Itoobiayada sidaas darteedna
ayan askar unoqon karin una dhiman karin
waxayba necebyihiin.
Soomaalida Kuhoosnoolayd Gumaysiga
Itoobiya iyo askarinimada
Dadka
Soomaaliyeed ee kuhoosnoolaa Itoobiya
inta badan wax xidhiidh ah oo wanaagsan
lama lahayn dawladda dhexe ee Itoobiya
iyo ciidamadeeda waagii hore waa
intuusan iman (Wiil balaayo),
waxayna ahayd wax laga subxaanalasyto in
wax lala wadaago. Aqlabiyadda dadkaas
soomaalida ah hadday dhacdo inay wax
xidhiidh ah lawadaagaan dawladda
Itoobiya waxay ahayd wax ay kafursn
waayeen oo duruufi ugaysay. Shakhsiga si
dhammaystiran oo daacad ah ula shaqeeyo
Itoobiya waxaa loogu yeedhi jirey
magacyo xunxun waana lahabaari jirey,
waxaana caado u ahayd inuu dhaxdago
xeryaha maamuulka Dawladda Itoobiya oo
inta badan kabaxsanaaan jirey degmoyinka
ay Soomaalidu daggantahay cabsi laga
qabo shacabka oo ay kuwaynayd cadaawadda
ay uhayaan cadwgan baas ee dul fadhiya
ee kaxoogga badan. Shakhsigii askari
unoqdo Itoobiyo waxaa asaga loo arki
jirey shakhsi gaaloobay oo xabashi
noqday. Waana xukunka ay shareecada
islaamka kaqabto qofkii kamid noqdo ama
kaalmeeyo ama u adeega mishiinkaas
cadwoga ah ee lugu naafeeyo muslimiinta.
Dadka caamada ah ee dhulkaa dagganaa
ayagoon sida hadda taagan culumo fatwo
waydiin ayey xukunkaas kuridi jireen
nimanka askarta unoqdo cadowgaas madoow.
Hadda sheekadu waxay maraysaa in xitaa
caammoba iskadhaafee xitaa culimadii
kuyaraato cid kufriga asakrtiisa xukumta
oo sheegto waxa sharciga islaamku kaqabo.
Ciidanka Itoobiya waligii hadda kahor
ma’ahayn ciidan tayo leh oo wax wayn
fulin karo marka laga reebo kufsiga
dummarka, marjinta qof rayidka ah oon
hubaysnyn iwm. Iskadaa karti uu yeeshee
xitaa wuxuu uababac dhigi kari waayey
ciidankii dawladii soomaaliya oo dhinac
walba kuliitay sida xagga tababarka,
qalabaynta, isgaadhsiinta iyo mooralkaba
luguna tilmaami karay malayshiyaad
la’isusoo ururiyey. (Waxaa laga
yaabaa inay dadka qaar kadidaan qaabkaas
looga sheekeeyey Xiidamadii Xoogga Dalka
Soomaaliyeed balse qofkii ama katirsanaa
ama arky siday udhisnaayeen ama sidii
lugusoo ururiyey oo inta badan khasab
ahayd dhayalsan uu maayo habkaa looga
sheekeeyey XDS oo waa xaqiiq jirtay).
Askariga Itoobiya xilligan lajoogo iyo
soomaalida
Intaanan ugudogalin isbadalka kudhacay
ciidamadii Itoobiya aan yara jilciyo
isbadal kudhacay bulshadii soomaalida
meelkasta ooy joogtay iyo halka
sababteeda loo saarayo. Dhammaadkii
toddobaatammeeyadiia ayaa nin sarkaal ah
oo habaara qabo kagoostay dawlad
kusheeggii soomaaliya katalinaysay (
inuu habaarqabo sarkaalka asaga ayaa
afkiisa kusheegtay ficil ahaanna waa nin
habaar iyo cuqubaba qaba kana horyimid
diintiisii iyo dadkiisii una xaytay
siduu uburburinlahaa). Ninkaa iyo
saaraakiil badan oo lasocotay iyo kuwo
badan oo dabadiis goosatay intaba waxay
xalaalaysteen wax muslimiinta soomaalida
ah sharciyan kaxriimnaa oo ay aayado
kujiro suuratu (laa tattakhid) ay
kahadashay oo ah inaan cadawga diinta
iyo muslimiinta aanan lasoo dhawaysan
saaxiibna aan lala noqon sidoo kalena
aan lajeclaan karin. Wixii intaa
kadanbeeyey inyar inyar ayaa loo
bannaystay qodobkaas asaga ah, kii waayo
wuxuu xaq ulahaa iyo kii wax uu baadil
urabay waayayba waxaa loo jeestay xagaaa
iyo cadawgii walaalna laga dhigtay. Hal
shay waa jiraa oo ah in dad badan
dhibaato loo gaystay oo kuwo bidhaan
muslin iyo mid soomaaliba leh ay musiibo
dad badan ugaysteen, markaa dad badan
way ubannaanayd inay ama uqaxaan
itoobiya ama ay nafta kadayaan si kumeel
gaadh ah laakiin wax walba xuduud ayey
leeyihiin oo xadkii ayaaa ladhaafiyey
carroo dhanna lafasahaadiyey.
Askariga Itoobiya maantaa waxaa uabadan
ama kamida saarkiil, mutucallimiin iyo
siyaasiyiin soomaalinimo iyo muslinimo
sheegta xaqiiqdiisa aanan islaanimo iyo
soomaalinimoba midna shaqo kulahayn oo
sharaftoodii iyo wax walba oo qiimo
layidhaahdo oy lahaayeen kubadashay
waxaan macno wayn kufadhin. Gaashaanle
Sare Cabdullaahi Yuusuf (“wiil
balaayo” waa magac uu asaga isu bixiyey)
oo ahaa ninkii banneeyey in lawalaashada
gaalada Xabashida muddo hadda laga joogo
qiyaastii soddommeeyo sano ayaa maantana
sheeko hor leh keenay taasoo ah inuu
Soomaaliya gacanta ugaliyo Itoobiya
asagoo kumarmarsiyoonayo argagixiso
ayaan ladagallamayaa (waa markuu
caalamka lahadlayo, markuu soomaalida
lahadlina waa madaxtinimo doon ayaan
ahayn oo soomaaliya ayaan rabaa inaan
badbaadiyo).Wuxuu Itoobiyo fursad
usiiyey inay soomaaliya laba mid
kadhigato; ama mustacmarad iyada
katirsan oo si toos ah uhoos immaato ama
maamul maqaar saar ah oo oo iyada si
dadban uhoos yimmaado iyadoo
adeegsanayso askarteeda faraha badan ee
maanta soo shaac baxday. Ninkii ugu
horreeyey ee xilliyadan dhaw ciid
soomaali Itoobiya gacanta ugaliyo wuxuu
ahaa gaashaanle sare Cabdullaahi Yusuf
(Wiil Balaayo )asagoo marmarsiiyo
kadhiganayo mucaarad baan ku’ahay
nidaamkii baas ee markaa soomaaliya
kajirey. Taa macnaheedu waa cid alla
ciddii soomaali sheegato ee Itoobiya
walaalaysto danbiga uu soomaali kagalay
iyo kadiinta uu galay badh buu
kuleeyahay ninkaas aan xusay. Waxaa
asaga soo labeeyey oo dhul dhan oo xor
gacanta ugaliyey Itoobiya Janaraal Cumar
Xaaji Masalle oo wakhti aaban sii
dheerayn asagoo marmarsiiyo kadhiganayo
wadaaddo ayaa lawareegay gobolkaygii
Gedo soo galiyey Ciidanka Itoobiya oo
illaa iyo maanta ay si gaara gacant ugu
hayso gobolkaas lagana fujin la’yahay.
Askartan carbisan ee casriga ee Itoobiya
usoo gacangalisay dhulkaas ballaadhan ee
ay kuriyoonaysay shantii boqol ee sano
ee lasoo dhaafay iyadoon dhib badan kala
kulmin aduunkoo dhanna raalli iyo badh
uga yahay oo cid mucaaradday aysan jirin
ayaa waxay doonayaan inay noo noqdaan
madax aan aaminoo oo nahoggaamiso,
ayagoo qaarna sheeganayo madaxwayne
qaarka kalena ra’iisulwasaare, wasiirro
iyo ambaadadoorro. Waxay iloobeen
danbigay galeen, waxay illoobeen inaan
dadka intiisa badan kacaqli yarayn tabar
darri, tol l’aan iyo mooraal xumo hayso
mooyee.
Waxaan
shaki iiga jirin in Cabdullaahi Yuusuf
iyo Cali Maxamed Geeddi in Adisababa
lugu gudoonsiiyey billad dahab ah waaba
haddaan taallo loo dhisin maxaa yeelay
qaranka Itoobiya guul taarikkhi ah ayey
usoo hooyeen, Soomaalina jab wayn oo
muddo dheer ay ladhutini ayey madaxa
ugaliyeen. Siday meel walba Argagixisaa
joogto soomaaliya ugu hayeen ayey
kukhasbeen maraykanka inuu cabsi darteed
Itoobiya ciidankeeda tababaro,
maalgaliyo hubeeyana kadibna hawda
kahoggaamiyo si uu aasoo Soomaaliya.
Soomaali haddaan nahay Argagixiso waxaan
unaqaannaa Wiil balaayo iyo
gacanyaraashiisa, argagixiso aan asaga
iyo dagaal oogayaashiisa ka’ahayn
maannan arag maqalna, cidii naga
qabatana abaal buux ayaan uhayn lahayn
waligayn.
Gabogabadii
Askariga Wiil Balaayo iyo
gacanyarayaashiisa (dagaaloogayaasha)
waxay nabadeen waxay nabareen ayaa
kadaran. Maanta waxaa lugu tartamayaa
sidii askar loogu noqon lahaa Itoobiya
oo 40 kan bir jeebka loo gashan lahaa,
sidii dagaalkii labaad loogu tartamayey
in Talyaani, Faransiis ama Ingiriis
askari loo noqdo. Waxaa lahilmaamay waxa
uu sharciga islaamka kaqabo gaalo askar
loogu noqdo, sidoo kale mustaqbalka
dhibaatada ay ummadda ukeeni. Waxay
bulshada kadhaadhiciyaan Itoobiya ayaa
askar noo tababari, Itoobiya ayaa dalka
noo nabdayn. Waxaan aniga aaminsanahay
inayn hadalladaa qof damiir ama caqli
leh kasuurtoobin ee ay nimanku yihiin
askar lasoo tababaray lanasoo
hawlgaliyey iyadoo mid walba darajo
looga dhigay wuxuu rabay, sida kii raba
in loogu yeedho madaxawyne maqaarsaara
ama Ra’iisulwasaare maqaarsaar ah iwm.
Waase waxaan usuurtoobayn kana dagayn
dadka intooda badan ayna tahay in loo
xayto sidii askartaasna loogu celin
lehaa meeshii laga keenay mabda’oodana
bulshada looga suulin lahaa.
Axmed-shil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan