SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XALKA QUR AH!

Fardowsa C/qaadir Cabdi
Madaxa Majallada Marwo
E-mail: firdowsabdi@yahoo.com

Marka dib loo jalleeco taariikhda Soomaalida inta wax laga qoray iyo inta la xasuustaba, waxaa si weyn la isaga marag kacay in aan Soomaalidu walligeed barrin bajiino reerka ku furin duco qabana uu san hoggaanka u qaban iyadoo isla markaasna dadaallada xal doonku ay tiro beeleen. Hadaba su’aasha is weydiinta mudani waxay aheyd illaa iminkana tahay “maxaa qaldanaa illaa iminkana qaldan oo sixid u baahan?!”

Mudadii walaahowga waxaan la dafiri Karin in xeel dheerayaal badani ku taliyeen in maadaama dadka Soomaaliyeed ay yihiin ummad muslim ah 100% ay dawadoodu ku jirto sharciga Alle oy ka jid yeeshaan iyo inay islaamka galaan gabi ahaantiisa balse taladaas wax ku oolka ah waxaa u baas baxay hogaamiyaalkii dalka soo maray oo gabi ahaantood ay taladaasu la qalloocneyd haba kala duwanaato siyaabaha ay ku diidayeene; qaar u haystay in islaamku yahay wax aan dhaafsiisnayn in lagu tukado haweenkana lagu meheriyo, mowtida iyo maliilkana lagu akhriyo, qaar kale waxay u arkayeen in Islaamku uusan aheyn nidaam dhammaystiran oo la jaanqaadi kara hannaanka dowladeed, kuwo kalana waxay is lahaayeen waa nidaam dib u socod ah oo aan horumarka caalamku ku tallaabsaday bulshada Soomaaliyeed gaarsiinayn oo waxaa u soo dhadhamaysay in ay ku habboon tahay in lakala saaro diinta iyo dowladnimada, qaarna waxay ka baqayeen in lagu calaamadiyo asalraacnimo isla markaana la mariyo halkii rag hore la mariyay!

Waxaa iyana jirtay jaahilnimo mujtamaca ka haysatay muhiimmadda diinta Islaamka, iyadoo la dhihi karo shacabku ma helin wacyi galin joogta ah oo ay kaga haqab beelaan aqoonta ay u leeyihiin muhiimadda Islaamka iyo ujeeddooyinkii uu u yimid. Waxaana lagama maarmaan ah in culumadu boorka ka jafto dowrkooda oo ay dardar galiyaan hanuuninta dadweynaha ayna quluubtooda ka daahiriyaan afkaarta dib u socodnimada iyo cilmaaniyadda ku dhisan ee uu cadowgoodu dhagaha ugu shubay isagoo u soo maray warbaahinta iyo waliba waxbarashada tooska ah iyo midda dadbanba.

Haddii aan dib ugu soo noqdo su’aashii aheyd “maxaa qaldanaa oo qaldan? Waxay jawaabtu tahay iyadoo iska fudud in baadidii loo raadiyay meel aanay jirin xalkiina laga raadiyay mushkiladda qudheeda; Murti ayaa oranaysay (cudurka ku dhaca fardaha haddii dameeraha laga gubo dawada lama helo) sidaas darteed ayay Soomaalidu u baahan tahay in ay aqbasho inay khaldaneyd una diyaargarowdo in ay saxato wixii ka khaldanaa iyo in Islaamku yahay jawaabta qur ah.

Islaamku waa diin caalami ah kumana koobna qaarad gobol ama dal gooni ah, nabi Muxammedna wuxuu ahaa rasuulka qura ee loo soo diray caalamka gebi ahaantiisa! Maantana waa maalinta loogu baahi badan yahay in caalamku qaato siyaasaddii uu Nabi Muxammed CSW ku baddalay caalamkii baaba’a ahaa xilli aad u kooban kana soo saaray quwad jirta iyo mujtamac saalix ah kana nabad qaba dhan walba..

Ma ahan Soomaalida oo qur ah cidda u baahan in ay Islaamka u aragto habka qur ah ee lagu noolaan karo ee waxaa u baahan in lagu qanciyo fikradan ah xalka qur ah dhammaan caalamka iyo caalamiinta ku dhex nool! Maxayna sidaa u aheyn kadib markii dunidu soo tijaabisay nidaamyo iyo diin ku sheegyo fara badan sida: diin la’aan, hanti wadaag,(shuuciyad) dimoqraadiyo, etc; iyadoo dhammaan lagu soo wada hungoobay dhibaatadiina dunida ku sii badanayso ayay hadana iska indha tirayeen inay xitaa tijaabiyaan markan Islaamka!

Arrinta Soomaalida ku gaarka ah ayaase waxay tahay in ay yihiin dad muslimiin ah ayna mustaxiil tahay in ruux muslim ah xaalkiisu ku suubbanaado waxaan Islaamka ka aheyn taasina waxayba lid ku tahay muctaqadaadka dadyawga Islaamka waana waxaan la sugeyn in ay sharaf, quwad, horumar, iyo sacaado adduun iyo aakhiroba helaan haddday ka doonaan meel aan islaamka aheyn.

Islaamku waa waddada qur ah ee ay Soomaalidu isku aammini karto, kuna dhisan karto dowlad ay raalli ka yihiin Soomaalida oo dhan, waa dawada qur ah ee daweyn karta cudurka aan u aqaanno AIDSka Soomaalida (Qabyaaladda), waana tii Nabi Muxammed CSW ku daaweeyay carabtii Madiino dagganeyd oo qarniyaal fara badan isku leyn jiray labo qabiil (Aws iyo Khasraj) kadibse inta Islaamka lagu walaaleeyay loo bixiyay magaca sharafta badan ee Ansaar.

Waxaan Maqaalkayga ku soo afmeerayaa jawaabta mowduuca maqaalka oo ah: (xalka qur ah, keli ah ee aan mid labeeyaa jirin waa inaan dabbakhno kuna dhaqanno si dhammeystiran shareecada Islaamka laga bilaabo guriga, masaajidka illaa xaafiiska madaxweynaha!)

Fardowsa C/qaadir Cabdi
Madaxa Majallada Marwo
E-mail: firdowsabdi@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com