Qaabab kala Geddisan baa na loo Calfaday..!!
WQ:-
Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
Soomaalidu waxay tiraahdaa ;"calaf baa la cunaa". Wixii uu
ruuxu cuno ama siyaabo kale ugu taga, xaggiisa mara, oo aan
ka soo noqonayn, ayaa la yiraahdaa;"Wuu calfaday", "Calafkiisuu
ahaa "iwm. hase yeeshee, xagga luqadda carabiga, waxaa calaf
la yiraahdaa; waxa xooluhu cunaan oo quut-ahaan loogu dhigo,
cawska oo kale. Waxayna u eg-tahay inay labada kalmadood
xiriir leeyihiin.
Waxa la
cuno oo kaliya kuma koobna calaf, ee waxyaabo kale ayaa
ruuxa calafkiis noqon kara,sida; dhar, guri, beer, haweeney
iwm. Dawlad baa wax calfan karta, koox, xoolo, shimbiro iyo
naflay kala geddisan baa wax calfan kara oo ku tagi kara.
Siyaasad-ahaan, Ciidan-ahaan, dhaqan iyo dhaqaale-ahaan ,
intaba wax waa loo calfan karaa. Waxaase marmar dhacda; in
dad ama wax kale oo in la calfaday la mooday laga tashado,
ka-dibna ay soo shaac-baxdo in aan la calfan.
Askar
badan oo dagaallo ka qayb-galay, baa waxaa la soo sheegaa;
in uu cadawgoodu dilay oo uu mowdku calfaday, markaas baa
haweenkood asaay loo saaraa, ka-dibna la dumaalaa ama la
guursadaa, ubadkoodiina agoon baa loogu yeeraa oo madaxaa
loo salaaxaa.
Dagaalladu markay soo af-jarmaan, ciidammadiina dib u soo
kala gurtaan, baa waxaa qoysas badan dib ugu soo laabta
raggii askarta ahaa ee dagaallada ku maqnaa, lana mooday
inuu mowdku calfaday oo la dilay, markaas bay farxad iyo
murugo isla-mar dhacaan, oo dadkii qaarkood qosol-gariiraan.
dagaalladii caanka ahaa ee 77/78 bay arrintanoo kale dhacday
oo aad loo hadal-hayn jiray, dunida dacalladeeda kalena way
ka dhacaan. Waxay dhacday dagaalladii 1aad iyo 2aad ee
dunida, kii carabta iyo Israa'iil, kii Ciraaq iyo Iiraan,
kii Veytnaam iyo kuwo kale oo badan. Calfashadii baa waxay
noqotaa;"La-mood noqonse weyday"!!.
Markii ay
dagaallada sokeeye dalka ka qarxadeen, waxaa bilowday,
welina socda, inay dad badan oo Soomaaliyeed dalka ka soo
qaxaan. Qaar dadkaas ka mid ah baa si joogta ah doonyo uga
soo raaca Xeebaha Bariga Soomaaliya, iyagoo u soo qaxaya
xagga dalka Yaman, soona raacaya doonyo aan looguba
tala-galin rakaab, amaba hawl-gab ahaa. Doonyahaas qaarkood,
qiyaas labadiiba mid-ahaan,badda labada dal u dhexeysa ayay
ku degaan oo baddaa liqda, halkaasna waxaa ku le'da dad
badan oo Soomaaliyeed, si joogta ah bayna taasi u dheceysay
14kii sano ee ugu dambeeyay. dadkaas baddu la takto, waxaa
calfada Kalluunka iyo Libaax-badeedka oo ka dherga
dhiiggooda iyo uur-ku-jirtadoodaba. Taas oo kale, ayaa
sanooyinkii ugu dambeeyay ka dhacday dhawr jeer badda u
dhexeysa Woqooyiga Afrika iyo Yurub(Mediterinian Sea),
halkaas oo uu kalluunka ku jiraana wax naga calfaday.
Dhanka
kale;Qoysaska faraha badan ee u qaxay Yurub, Ameerika iyo
Ostaralia, ayaa waxay la kulmeen calfasho xoog leh oo wax
laga calfaday dhinacyada; diinta, dhaqanka, anshaxa,
akhlaaqda iyo arrimaha qoyskaba. Qoysas badan baa
firxadkoodu soo gaaraa carabaha, qaarkoodna iyagoo
neef-tuuraya ayay dalkii dib ugu noqdaan, si aan wax looga
calfan.
dadyow
kala geddisan oo Geeska Afrika ka yimaada, oo ay
Soomaaliduna ka mid tahay, baa iyagoo caruur iyo haweenba ay
ku jiraan isku deya, si joogta ah, inay ka tallaabaan xadka
dheer ee u dhexeeya dalalka yaman iyo sacuudiga, iyagoo
tahriibaya(Si aan sharciyaysnayn), kuwaas oo niyaysan in ay
Sacuudiga nolol u raadsadaan. Waxaa isa-soo-taraya wararka
sheegaya, in dadkaas, gaar ahaan haweenka iska yaacaya iyo
kuwa badanaa la qaldo ay si fudud calaf ugu noqon karaan,
darawallada wax tahriibiya, dallaaliinta iyo qaar kale oo
aan Alle ka baqayn oo jooga xuduudaha. Waxaa aad loogu
baahan yahay in qaxa iyo laab-la-kaca xagga socdaallada ah,
la turxaan-bixiyo, lagana taxaddaro, walow ay taasi ka sii
waajibsan tahay in arrimaha sababaya meel looga soo wada
jeesto, si ugu yaraan loo xakameeyo, si aanay dawladaha,
dadyowga kala geddisan, kalluunka, iyo duur-joogtuba aanay
wax nooga calfan.
Waxaa
lagama maarmaan iyo masuuliyad saaran ruux kasta oo Soomaali
ah inuu ka gilgisho, ka dhiidhiyo, ka-damqado, kana
dagaallamo waxa dalka ka dhacaya , gaar ahaan dhicidda ,
gurashada iyo calfashada khayraadka kala geddisan ee
badaheenna, halkaas oo ay dawladuhu xaalufin nagu hayaan,
sida ay u xaalufiyaan una calfadaan; duur-joogteennii,
dhirteennii iyo hantideennii kala duwanayd oo dhan, walow,
ay ayaan-darro tahay in ay falkaas ku lug-leeyihiin dad
Soomaaliyeed, waana marka ay Soomaalidu tiraahdo; geed baa
yiri;" Masaar-yahay ima aadan goyseen, hadduusan gabalkay
kugu jirin".
Qaababka
calfashada waxaa ka mid ah;tan siyaasadeed; Dawladaha
Isticmaariga ah ayaa ku adeegta casrigan, in ay dad siyaasad
ahaan u calfadaan, si ay danahooda gaarka ah uga qunsadaan
dalalka ay rabaan oo muraadka ka leeyihiin, waxayna ka
muuqataa Ciraaq, Afganistaan iyo kuwo kale...Xilliyadii ay
Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika ka socdeen
dhaqdhaqaaqyada Gobanimo-doonka, canaasirta waddamadaas u
dhashay, hase yeeshee, la -jaal ahaa oo uu siyaasiyan u
calfaday Isticmaarku, ayaa taako, caqabad iyo carqalad ku
ahaa Halganka gobanimo-doonka dalalkaas, guushuse, waxay ku
dambaysaa xagga gobanimo u dirirka iyo kuwa waddaniyiinta ah
.
Waxaan
iyaduna dab yar shidayn calfashada xagga diinta, oo
masiirkeedu janno iyo naar middood yahay. Shacbiga
Soomaaliyeed waxaa badanaa la aaminsan yahay inuu 100%
muslim yahay, hase yeeshee, waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay
soo baxayay kooxo caddaystay kirishtaanimo oo hay'ado iyo
dawlado ku tiirsan, kuwaas oo aad ugu dadaala in ay dad
badan oo Soomaaliyeed naga calfadaan.
Haddaba,
waxaa loo baahan yahay in aynu awooddeenna xagga caqliga,
muruqa ,aqoonta iyo maaliyaddaba isugu geyno la-dagaallanka
calfashada qaababkeeda kala geddisan ee nagu socota,
dhiig-baxana nagu wadda,taasoo ugu dambaynta keeni karta in
guud ahaanba nala wada calfado dad iyo dal ahaanba, waa
in aynu u midowno maslaxadda guud ee dalka, sida ay
diinteennu qabto, hobollada Waaberina ugu heeseen;"
Tumaatida dhexdeenna iyo intaad waranka tuurtaan, ka-tashada
cadaawaha oo isku tiirsanaada...".
WQ:- Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: March 11,
2007
|