Muqdisho oo mar kale foolanaysa!! Tolow
maxay Dhali doontaa??!
Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid – Muqdisho
Waa maalin
Axad ah taarikhduna waa 11/03/2007 .
Waxaa laga joogaa laba bilood iyo 14
maalmood markii ay Ciidamada Itoobiya ay
qabsadeen caasimadda Soomaaliya ee
Muqdisho oo ay dumiyeen maamulkii
Midowga maxkamadaha islaamiga oo ka
jirey meelo badan oo ku yaalla koonfurta
Soomaaliya. Waa maalin kale oo magaalada
Muqdisho ay hareeyey saxan-saxo
colaadeed iyadoo la saadaalinayo inuu
soo dhowyahay dagaal dhiig badani ku
daato oo ay qaadi doonaan ciidama
dowladda oo ay u dagaallamayaan
ciidamada Itoobiya- ugaandha iyo ciidamo
dowladda loo soo tababaray iyagoo wacad
ku maray inay gacta marin doonaan dadka
ka soo horjeeda!
Qabsashadii Muqdisho waxay beddeshay
wajiga taariikhda soomaaliya iyadoo laga
yaabo inay saameyn ku yeelato geeska
Afrika oo dhan. Soomaaliya oo ay horey
uga jireen kooxo xukunka isku haysta,
waxay gashey marxalad “Haysasho” iyadoo
dowlado badan ay si toos ah ugu lug
yeesheen dagaallada waddanka halkii ay
ka taageeri jireen kooxaha qaarkooda .
Haddaba
magaalada Muqdisho oo ku magac yeelatay
inay tahay meel ay ammaankeeda u tabar
waayeen adddunka oo dhan marka laga
reebo Midowgii Maxaakimta Islaamka, ayaa
waxaa muuqata inay la soo baxday wax
yaabo u keysanayaa oo aysan xisaabta ku
darsan madaxda cusub iyo saxiibbadodii
soo gelbiyey.
Maalmihii
qabsiga ka dambeeyey dadka Muqdisho
waxay billaabeen inay u dhegtaan waxa ay
fali doonaan Itoobiyaanka iyo dowladda
ay caawinaayeen iyagoo filaayey inay la
imaan doonaan qorshe qanciya dadka
intiisa badan (maadaama aan cid kasta la
qancin karin). Hase yeeshee wax yar ka
dib waxay dadku yaqiinsadeen in dowladda
aysan u degsanayn wax qorshe ah oo aysan
ka duwanayn dhagax culus oo sidii
‘duudka’ loogu siday magaalada la soo
dhex-qotomiyey. Waxay si “is-tuuris” ah
isugu dayeen inay dadka muqdisho uga
faa’iidatstaan argaggaxii ka soo gaaray
jabkii lama filaanka ahaa eek u yimid
Maxaakimta, iyagoo ugu baaqay inay hubka
ku dhigaan muddo 3 maalmood ah!! Taasoo
fashil fool xun ku keentay hankii ay
daku u qabeen dowladda. Markaas wixii ka
dambeeyey waxaa billowday in “cadaw” loo
arko dowladda iyo saaiibbadeed.
Dhacdooyin
badan ka dib waxaa soo if-baxay qorshe
ay dowladda ku meel gaarka ah ku
doonayso inay ku maquuninayso kuwa aan
ku qanacsanayn sida ay wax u waddo.
Qorshahaas oo loogu magac daray soo
celinta amaanka muqdisho, waxaa ka
hor-maray olole xog-ururin iyo sir-doon
isugu jirey, kaasoo inta badan sabab u
ahaa dilalkii laga argagaxay ee ekeeyey
magaalda Muqdisho una dhaxeeyey
sir-doonka dowladda & Itoobiyaanka oo
dhinac ah iyo kooxa iska-caabbinta oo
dhac kale ah.
Labo
ballan qaad!
Iyadoo
qaddarta alle ay meesheeda tahay, Waxaa
hadallo soo kala saaray kooxaha
iska-cabbinta iyo dowladda ku meel
gaarka iyadoo dhinac weliba uu ballan
qaaday in uu ka guulaysan doono qolada
ka soo horjeedda. Haddaba aan meel ku
qoranno labadaas ballan qaad si
(inteenna badbaada) ay ula socdaan cidda
ballantooda ka dhabaysa!
“Waxaan ballan qaadaynaa in bishaan
Maarso gudaheeda aan kuwa amaan darrada
wada ka dhigo wax xabsi lugu rido iyo
wax waddanka ka carara, si shirweynaha
qaran loogu qbto magaalada Muqdisho oo
nabad ah”
(Salaad
Cali Jeelle-idaacadaha Muqdisho)
“Waxaa Ballan qaadaynaa haddii Allaah
idmona in meydkooda la wari doono
waddooyinka Muqdisho haddii aaney ka
waantoobin oo ay isku soo mutuxaan
fulinta awaamirta cadowga iyo calooshood
u shaqeystayaashiisa niyadda xun”
(Af-hayeenka
Muqaawada)
Yaa la
dagaallamaya dowlada iyo saaxiibbadeed?
Dadka wax
fahma (iyo kuwa aann wax fahmin-ba)
waxay ogyihiin in dadka saluugsan
hab-dhaqanka dowladda ay aad uga badan
yihiin kuwa ku qanacsan. Haddiise
su’aashaan la waydiin lahaa DFKG waxaa
la hubaa inay dhihi lahaayeen “waa
haraadigii maxaakimta” ama “waa beeshii
maxkamadaha ku qaraaban jirtey oo aan
weli ka quusanin macashii ay barteen”.
Waa run
inay weli jiraan dad ka mid ahaan jirey
maxkamadihii oo ku jira (ama horsed ka
ah) howlaha iska-caabbinta, waxaase
xaqiiqdu tahay in dadka aan qanacsanayn
ay aad uga tira badan yihiin intaas.
Marka lugu daro maxkamadihii , waxaa
jira dad uu ku jiro dareen qabiil oo aad
uga wel-welsan soo daabulidda
Maleeshiyooyinka PuntLand. Waxaa jira
dad badan oo diiddan adeegsiga ay
dowladdu adeegsatay ciidamada Itoobiya.
Waxaa jira dad aan siyaasad ahaan u
qanacsanayn oo u arka inay dowladdu cad
quureed siisay ama qadisay. Waxaa jira
dad aan dhaqaale ahaan u qanacsanay oo
aaminsan inay dowladdu “qarsin-qalloc”
ku ridday. Waxaa jira kuwo aan wax
nidaam ah rabin oo u diyaara inay
dhicsiyaan isku day kasta oo nidaam lugu
samaynaayo. Markii intaasoo dhan laysku
daro waxaa cad inay meesha imaan karaan
dad jecel inay lugta jiidaan “dowladda”
iyo saaxiibbadeed.
Maxaa laga
filan karaa dagaalkan.??
Waxaa
dhici karta in kooxaha iska-caabbintu
aysan isi soo mutuxin oo ay u kaadiyaan
ciidamada dowladda iyo saaxiibbadood si
ay isugu fidiyaan magaalada oo dhan oo
ay ugu sahlanaato inay si fudud u
dhibaatayn karaan.
Waxaa la
hadal hayaa inay suurta gal tahay in
hawl-galku uu heli doono taageero xagga
cirka ah oo dhinaca Itoobiyaanka (ama
Mareykana) taas waxaa xoojinaya ka dib
markii ay mareykanku ka dhawaajiyeen in
Maxkamadihii ay dib ugu soo ‘duseen’
Muqdisho markii laga saaray ka dib.
Arrinkaasu wuxuu ku qasbi karaa kooxaha
mucaaradka ahi inaysan si furan isu soo
ban-bixin oo ay is-qariyaan markii ay
doonaan markii ay doonanna ay geystaan
weerarro xanuun badan. Haddii ay taasi
dhacdo waxaa hubaal ah in dagaalku uu
aad uga dheeraan doono mudada “bihsa” uu
saadaaliyey masuulka u hadlay dowladda.
Waxaa aad
loo filayaa in ay jiri doonto duqeyn
ba’ann oo lala beegsado xaafadaha
qaarkood maadaama falsafadda dowladdu ay
tahay in la xanuunjiyo dadka si ay isaga
saaraan kooxaha dowladda iyo
saaxiibbadeed ku kacsan. Waxaa la
filayaa inay dowladda iyo saaxiibbadeed
ay xaafadaha qaar dadka ku dhaawacma ka
hor joogsadaan in la soo gaarsiiyo
isbitaallada. Waxaa la filayaa in
ciidamda dowladda oo u badan maleeshiyo
beeleedyo laga keenay puntland iyo
ciidamadii hogaamiye kooxeedyada ee ay
maxkamaduhu eryeen, fursad loo siiyo
inay dhibaateeyaan xaafadaha qaarkood si
ay u noqoto wax ay ku waana qaataan
meelaha kale ee ay ka hawl geli doonaan
mustaqbalka. Waxaa la filayaa inay dhici
doonaan dhacdooyin ku cusub Muqdisho
sida is-miidaaminta.
Markii
laysku soo duubo waxaa la filayaa : (1)
Dad badan oo dhinta , dhaawacma ama
barakaca (2) Iyo dowladda iyo
saaxiibbadood oo kasbada cadaw-tooyo
dheeraad ah oo sii dhimisa(ama daqnisa)
nabarro hore iyo cuqdado qabiil oo sii
fogeyn doonaa xalka Soomaaliya
mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Sida la
ogyahay dagaalku (mar kasta) kuma
dhamaado sida kuwa huirya ay jecelyihiin.
Dagaal xeerarkiisu waxay samaysmaan
marka uu billowdo ka dib. Nina guusha
iskuma hubo. Nimaan guul-darro xamili
karinna guul ma xamili karo! Haddaba
ninkii aaminsan in arrinku ku dhamaan
doono sidii uu qorsheynayay waxaa la
ogaan doonaa inuu khaldanyahay. Labada
dhinac dhinac walba wuxuu meel dhigtay
taladiisa tii allana waa meesheeda.
Rag
tashaday rag kaloo tashaday buu u
tegayaaye!
Wallee ina ragow taladu taada uun maaha!!
Muqsiho oo
ah “dhashooy” wax badan foolatay (fool
xanuun badan), in badanna dhashey wax
aan dadkeedu jeclaysan, bal aan ka
dhursugno waxay noo hadiyeyso markaan
iyo foosheedaan ugu dambaysa!
Waxaan
Allah ka baryeynaa inuu guuleeyo dhinaca
ay guushiisa dantu ugu jirto umadda
islaamka ah ee soomaaliyeed, uuna jebiyo
cidda ay jankeeda dantu ugu jirto umadda
soomaalyeed!
Wixii
aan saxo waxaa i waafajiyey Allah, wixii
aan khaldana waa nafteyda aqoonta yar
iyo shaydaan!
Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid – Muqdisho
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan