Qosol
iyo Qaracan
Abdirizaq
Ahmed Hassan-Yare
Minnesota, USA
Email:
abdirizaq88@hotmail.com

Markasta oo aan ka fakaro qaabka ay u
shaqaynayaan madaxda sare ee DKMG ah ee
Soomaaliya waxaan xasuustayda ku soo booda
hees ay fanaaniin Soomaaliyeed sanadkii 2000
ka qaadeen dalka Jabuuti. Abwaan Mustafe
Sh.Cilmi oo matalaya nin u sharaxan
madaxweynenimo ayaa kooxda u gacmo
hoorsanaya isaga oo waydiisanaya
“madaxweyne mar i dhaha!” Fanaaniinta kale
ayaa u jiibinayay iyaga oo kor ugu qaylinaya
“madaxweyne, madaxweyne, madaxweyne” Mustafe
oo isku daraya sacab iyo bood bood ayaa
hobolada kale ugu jawaabaya “ku celceliya,
ku celceliya, ku celceliya” Fanaanniinta oo
badanaa murtidooda ku soo bandhiga
xaqiiqooyin dhab ah oo ay bulshadooda ka
dhex arkaan ayaa heestaa iyo suugaan kaleba
ku muujiyay sida ay badananaa madaxdeenu
maqsuudka u noqdaan isla marka ay kursiga
salka la haleelaan iyagoo aan dan u galin
hawsha baaxada leh ee miiska u saaran.
Tusaale ahaan, DKMG ah ee hada jirta ayay
madaxdeedu marar badan ku celceliyeen sida
ay raaliga uga yihiin qaabka uu maamulkoodu
u shaqaynayo halka shacbi weynaha ay
magiciisa huwan yihiina muujinayo sida ay
ugu hungoobeen nooc kasta oo wax qabad oo
laga filan karo cid magac dowladeed wadata..
Hadaba waxaa jira labo arimood oo ka marag
kacaya in ku faraxsanaanta iyo damaanshaadka
ay xubnaha ugu sareeya ee dowladu ugu jiraan
hanashada darajooyinka ay ku
magacaabanyihiin in ay ka indha tirtay
dacdarada ay ku jiraan malaayiinta
Soomaaliyeed ee iyaga wax qabadka uga
fadhiya.
- Sida
aan dhamaanteen ka warqabno waxaa jira
dagaal sokeeye oo ay soomaalidu
dhexdeeda ka dagaalantay iyo mid ay la
gashay dalka ay deriska yihiin ee
Itoobiya. Waxaa xusid mudan in colaada
soomaalidu aysan dhaafsiisanayn
qabqablayaal dagaal oo doonaya in ay
awooda beelohooda ku jabsadaan albaab ay
ka galaan maamulka dalka. Waxaa taa
cadaynaya sida ay jufooyinku sanadba
waji cusub isugu xulufaystaan iyada oo
ay dhacdo in kuwii shalay isku dhinaca u
jeeday in ay maanta dhexdooda ka
dagaalamaan. Hase yeeshee, arinta
Itoobiya intaa way ka xeel dheertahay
oo waxaa laisku haystaa waa dad la
gumaysto iyo dal la haysto. Nasiib daro,
Itoobiya waxaa u suurta gashay in ay
Soomaaliya oo dhan ula wareegto si toos
ah iyo si dadbanba iyada oo ugu yaraan
ka hortagaysa in ay dhalato dowlad
Soomaaliyeed oo la xisaabtami karta.
Madaxdeenu arinta halkaa kama eegin,
waayo, waxaa u muuqda wax iyaga uga
daran oo ah in iyaga kursiga lagu
xajinayo taasi oo Adis Ababa ka dhigtay
xarunta laga xaliyo qodob kasta oo ay
isku qabtaan xafiisyada madaxweynaha iyo
ra’isulwasaarahu.
-
Sanadkii 2004 markii ay hogaamiye
kooxeedyadii Soomaalidu isku raaceen in
ay dowlad dhistaan waxaa jirtay kalsooni
xumo weyn oo laga qabay in ay ka
badbaadi doonaanaan khilaafkii dhexdooda
ahaa ee horay wadanka u ragaadiyay.
Sidii caadada ahaydba, islamarkiiba
waxay u kala jabeen dhowr qaybood oo
iska soo horjeeda ilaa ay ku sigteen in
ay dagaal kale oo ahli ah iskaga hor
yimaadaan. Intii aanay taasi dhicin ayaa
ururka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee
kasbaday taageerada shacabka intiisa
badani waxaa uu cagta mariyay
qabqablayaashii ku amar ku taagleyn
jiray inta badan koonfurta iyo bartamaha
wadanka oo ay ku jiraan kuwii caasimada
Muqdisho. Nasiib daro kale, nabadii lagu
diirsaday ee uu aduunka oo idili ka
marag kacay waxaa arki waayay madaxdeena
sare ee dowlada. Maxaa ka indha tiray?
Waxaa yimid shaki ah in ay Maxkamaduhu
awooda la qaybsan doonaan. Si aanay
taasi u dhicin waxaa ay soo hor keceen
dowlado shisheeye oo dib u soo celiyay
fowdadii mudada gaaban laga nastay.
Masiibadaasi waxa ay si weyn uga
qoslisay hogaamiyayaasha dowlada ka dib
markii ay arki waayeen awood iska
caabisa Itoobiyaanka iyaga ku
hareeraysan.
Ugu danbayntii, farxada iyo raynraynta ay ku
jiraan madaxda DKMG ahi xili ay dalka u
bilaabatay taariikh madow ayaa waxa ay
muujinaysaa sida ay uga indha la’yihiin
dhibaatada haysata kumanaanka walaalahood ah
ee sanad kasta ku haligma badaha aduun iyaga
naftooda la baadi goobaya nolol u dhaanta
mida dhulkooda hooyo.
Abdirizaq
Ahmed Hassan-Yare
Minnesota, USA
Email:
abdirizaq88@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan