80-jir Talo u soo jeediyey
Shirka Heshiisiinta....
- Halkan waxaa ku qoran
faallo uu diyaariyey nin Soomaali ah oo 80 jir ah,
doonayana inuu Khibraddiisa uu u leeyahay dib u
heshiisiinta ka sheego una baahiyo Umadda Soomaaliyeed
si loo soxo wixii khaladaad ah ee jiri kara. Waxaana soo
tebiyey: cumar aadamnor |
faaris120@hotmail.com
KU: DHAMAAN
WARBAAHINTA MADAXA BANAAN EE MUQADISHO
UJEEDDO: XOG WARRAN KU SAABSAN DIB U HESHIISIINTA LE
SHEEGAY IN LAGU HESHIISIINAAYO DHAMAAN SOOMAALIYA.
Anigoo ah oday Soomaaliyeed oo 80 jir ah, dagan
Muqdisho, muddo ka badan 50 sanno, waxaan rabaa
inaan caddeeyo waxaan ka qabo dib u heshiisiinta ay
sheegeen madaxda dowladda in ay tahay mid ay ku
jirto qiyaano oo aan daacad laga ahayn in xumaantu
ay dhamaato oo loo guuro wanaag, waxaana caddeynaaya
waxay yiraahdeen duwladdu waxaan isugu yeereynaa
odayaasha dhaqanka iyo culimaa’u diinka loo yaqaanno
Ahlu-sunna wal Jamaaca, iyagoo diiddan in ay la
heshiiyaan qoladii la dirirtay Dowladda Itoobiya,
iyo ciidan lagu sheego in ay yihiin ciidan
Soomaaliyeed, laakiin aan u haysto in aysan jirin
ciidan Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, ee ay yihiin
ciidan beeleed oo lagu soo xoojiyey ciidanka
Tikreeda, ciidankaas oo lagu soo weeraray Koonfurta
Soomaaliya oo keli ah.
Sidaas darted waxaan rabaa, in aan cadeeyo dulucda
ka danbeysa weerarka la weeraray koonfur, ee aan la
weerarin Punt-land iyo Soomaali-land, waxaa
heshiiyey Saddex Madaxweyne oo ka taliya Punt-land,
Somali-land iyo Baydhabo, waxay la heshiiyeen
saddexdoodaba Raiisul wasaaraha Tigreeda, waxayna
kula heshiiyeen in la weeraro koonfurta Soomaaliya,
sida uu sheegay wasiirkii arrimaha gudaha ee hore,
waxaana cadeynaaya in ay dhab tahay arrintaasi
dakadda Boosaaso iyo dakadda Barbara oo ay ka
taliyaan Punt-land iyo Soomaali-land waxaa lagu
wareejiyey mar hore in uu ku shaqeysto meles-zenawi,
waxaa ka maqnaa oo keli ah dakadda Muqdisho iyo tan
Kismaayo, oo ay hadaba ka taliyaan Tikreeda, waana
inta lagula heshiiyey saddexda Madaxweyne ee aan soo
sheegnay.
Waxaase is weydiin rabta, ma ogol yihiin shacabka
Punt-land iyo Somali-land sida ay rabaan maamullada
saddexda Madaxweyne oo ah in la isku daro Soomaaliya
iyo Itoobiya. Waxaa kale oo isweydiin rabta maamulka
Punt-land ee soo aruuriyay dhallin yaradii punt-land
ee ku marti qaaday Tikreeda Gaal kacyo ee isku soo
daray, labadii ciidan ee weerar kasoo bilaabay ban
diiradley ilaa dhoobley oo ah Xuduudka Kenya,
haddana ka wada taliyaan Kismaayo iyo Xamar, macquul
ma tahay maamulka Punt-land oo intaas sameeyey in uu
ku dhawaaqo waxaan dhigeynaa gogol Soomaaliyeed?
Ugu danbeyntii waxaa is weydiin rabta cidda ka
danbeeysa in la baaba’sho jiritaanka Soomaaliya oo
lagu wareejiyo Tikreeda ka talisa Addis Ababa oo
haddaba gumeysata 70 milyan oo Itoobiyaan ah, waxaa
ka danbeeya Ingiriis, Mareykan iyo Kenya, oo qabta
cadownimo Soomaaliyeed oo ka xun midda ay qabto
Itoobiya.
Waxay noqotay Kenya doqon ku dibirsaday kaama koco,
waxaanse ku kalsoon nahay Shacabka Punt-land iyo
Soomaali-land, iyo Shacabka Muqdisho iyo
nawaaxigeeda in aysan ogolaan doonin waxa ay rabaan
cadowga Soomaaliyeed ee ay ku tashadeen gudaha iyo
dibaddaba.
FIIRO GAAR AH:
Waxay tahay ujeeddada ka danbeysa baabi’inta
Soomaaliya, waxaa la diiddan yahay Islaamka faraha
badan ee ku nool geeska Afrika, oo kala jooga
Soomaaliya, Itoobiya, Jibuuti, Ereteriya, Suudaan,
Yugaandha iyo Kenya.
Waxaan ku kalsoonahay intaas aan kor kusoo sheegay
oo si dhab ah u haysta diinta Islaamka ayagoo
kaashanaya ilaahooda Islaam nimada siiyey, in aysan
diintooda baabi’in Karin Bush iyo Baleyr iyo dhuuni
qaatayaasha u adeega, kuwaas oo dhamaantood u
shaqeeya Yuhuudda Gumeysata bariga dhexe, oo ay ku
nool yihiin madax carbeed oo laga xukumo guriga cad
ee Mareykanka, haddii laga reebo Suuriya iyo Iiraan.
Hadaba guntii iyo gaba gabadii madax weynaha
Soomaaliyeed ma rabaa inuu noqdo madax weyne
Soomaaliyeed oo madax bannaan oo xukuma dal barwaaqo
ah oo weliba bigro ah bad iyo berriba, oo ay ku nool
yihiin 12 milyan oo islaam ah? Mise wuxuu rabaa in
uu noqdo madax weynaha kilinka lixaad ee Itoobiya,
ee laga xukumo Addis Ababa, sida ay sheegeen madax
ka mid ah dowladdaan?
Waxaan kugula talinayaa in aadan noqon madax weyne
ka amar qaata gaalo, taas oo ah Nasiib darro.
Waxaa Diyaariyey.
Sh. C/raxmaan M. Axmed
Oday Soomaaliyeed
Muqdisho. 20/02/2007
La xiriir: cumar
aadamnor |
faaris120@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007


|