SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
May 10, 125

Soomaaliya Dal Gablamay…

Eng.Mukhtaar Haaruun Cismaan
Sanca – Yemen
E-mail: mukhtaarharun@yahoo.com

Erayga gablan waxa afka soomaaliga loo isticmalaa qofka ubad la’aanta ku dhinta laakin itaa waa uu kasii xeel dheeryahay macnaha ereygan oo waxa la orankara qof uu ilaahay siiyay ubad badan laakin intoodii badneyd wax anfac ah oo uu kahelo waalidkii is ka daayee in ay naftiisa iyo maalkiisa ay horar ku noqdaan kuwii ka haray intan horarka noqoteyna inta ay waalidki kuwan bahalaha ku noqdey ka dhicinwaayeen baroor meel iskala faristay hadaba waalidka arinkan ku dhacday ayaa ah runtii gabalanaka dhabata ah.

Hadaba markaad cinwanaka maqaalkan eegtid waxaad isweydiin kartaa dal dhan oo ay degan yihiin dad lagu qiyaaso ilaa iyo wax ku dhaw 10 milyan oo ruux gablan ma noqon karaa?

Jawabata kama foga waalidkii dhalay kooxda horarka ku ahayd naftiisa iyo maalkiisa, hadaba marka hoos loo eego hab dhaqankeena sow aad uguma eka kooxdaa booobka iyo handadaada joogtada ah ku heysay waalidkood.

Waxa wax lala yaabo ah in dalkan uu noqdey wadamada aduunka midka ugu nasiibka daran sabatana waxaa ay ku dhacdey in dadkii uu ilahay ku beeray dalkan ee aha muwadinintiisa ay u bateen dad uun dalki iyo karaamadiisi iyo diintiba horor ku ah oo uu ninwalaiba halaka uu ka soo gaaro dhainaciisa ka boobo taa waxa kasi daran kuwii dhaarta baalasha jaray ee alaha awooda sare leh iyo muda horteedaba ku balanqadey in ay umada ushaqeyndoonan waxy qabtaan daaye in maanta oo calamaku aanu marnaba aqbali karin in dib loo soo nooleeyo habkii gumeysi eecalamaka soo maray in ay iyagu taraikhda baal madow ka galeen kadib marki cadwgii taariikhiga ahaa ee umadan ay lahayd (Itoobiya) dalkiI ku so hogamiyeen halkaasna karmadii iyo madaxbananidiI dalkAba ay ku luntay.

Sahcabaka intiisi badneyd ee arinkan aanan waxba badan ka qaban karin ayaa waxa ay is weydinyaan “aaway dadkii dalakan canshuurhisi iyo magacisi wax ku soo bartey kaalintoodi” mise in xaqii lagulahaa in ay soo celiyaan daaye waxa ay qeyb ka yihin kuwan bahalada ku noqdey dadki iyo dalkii mise wax ay ku biireen kuwii dhaforada inta ay qabsadeen oohinta uun la fariistey ee doorkoodu intaa dhaafi wayay.

Runtii marka aad sii eegtid xalada aqonyahanka somliyeed kama fogaa tan wilkaa nacaska ah ee iska barooranaya ama kaa kale ee horoka noqdey hadaba sow dalakani uma muuqdo markaa in uu yahay mid gablan ah.


Waxa diyaariyay:-

Eng.Mukhtaar Haaruun Cismaan
Sanca – Yemen
E-mail: mukhtaarharun@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.