SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
DAMBIYADA DAGAAL EE SOOMALIYA LAMA MOOGA SUDAN SE SIR BAA GASHAY.

Mahdi Muse
E-mail : hagar131@hotmail.com

Asbuucii hore ayaa maxkamadda cadaalada ee aduunku uu xeer ilalaiyaheeda guud magaacabay labo mas,uul oo uu mid yahay Wasiir ka tirsan dawlada Sudan, ayadoo lagu soo eedeeyay dambiyo Dagaal oo ay ka galeen gabolka Darfour ee dalka sudan.

Arintan waxeey ka dambeysey kadib eedeymo badan oo loo soo jeediyay xakuumada Sudan , kuwaa oo ku saabsanaa Dambiyada Dagaal ee ka dhacaya Gobolka Darfour , kadib markii loo arkay xakuumadu in eey gaabis ka tahay wax ka qabashada waxii ka dhacay Gobolkaa, sidaa darteed ayaa Qaramada Middobay u soo saartay Qaraar Tirsigiisu yahay (1593) sanadkii (2005) kaa soo dhigaya in dhamaan waxii Dambiyo dagaal ee ka dhacay Darfour loo warejiyo maxakamada Cadaalada Aduunka qeybteeda Dambiyada ayadoo lagu lifaaqay wareejinta qoralkaa tiromagacyo oo gaaraya (51) qof oo loo hetso tuhmada dagaalkaa .

DAARFOUR MAXAA KA JIRA.????

Darfour waa Gobol dhaca Galbeedka Sudan waana dhul baaxad weyn oo Deegaan wadaag u ah Qabiilo kala duwan oo u qeybsan Carab & Afrikan, waxuu xariir toos ah la leeyahay wadanka Chad oo in badan oo u dhashay Dalkan waxeey Deegaan Rasmi ah ku leeyihiin Darfour waana la oran karaa waa awooda tiro ee ugu badan Degaankan.

Badanaa Gobolkan waxaa ka dhici jiray Dagaalo sokeeye oo u dhaxeeya dadka wada dega, gaar ahaan beeraleyda oo ah milkiilayaasha Degaanka una badan dad asal ahaan ka soo jeeda Afrika & Xoolo dhaqatada oo uu muuqda kuwo ku soo siqay Qeybo Degaanka kamid ah oo badankoodu asal fog carab yihiin, laakiin aan in badan aan ka ekaansho duwaneyn dadka eey wada degaan dhulkan.

Maamuladii soomaray Dalka Sudan waa eey maareyn jireen dhibaatada Dagaal ee Gobolkan, waxeyna uga talaabi jireen qaabka odey dhaqmeedyada ee beelaha dagaalamay, gabagabadiina waxaa u suuro gali jirtay xalinta colaadaa, ma aheyn dhibka kadhaca Darfour mid wax\xariir ah la leh caalamka, kamana duwaneyn Dagaalada daaqsimeed ee kol hore & hadaba ka dhaca Miyiga & Tuulooyinka Soomaliyeed, maxeey u muuqan laheyd hadii dagaal ka dhacay Tuulo hebel lageeyo Miiska Qaramada Midoobey Qeybteeda Golaha Amaanka si wax looga qabto..?? ma la orankaraa waa dadaalka caalamka ee xal u helida dhibaatooyinka caalamka ka jira

Xukuumada Dalka Sudan ee u janjeerta dhanka Islaamka kuma guuleysan in eey xakameyso Dagalada ka dhacaya Darfor , si aan daah la heyn ayeey waxey isugu badaleen dagaalo leh dhumuc fog oo Caalami ah , waxaana door lixaad leh ka qaatay warbaahinta caalmiga ee reer galbeedka , in badan oo kamid ah hogaanka reergalbeedkuna arintaa waxeey u tilmaameen si xaqiiqda ka fog oo u muuqata Baroorta orgiga kaweyn.

Daka dega darfour door weyn kuma laheyn ka qeybqaadshada hogaanka siyasadeed ee dalkan, kama eey gaabin in arintan la bisleeyay eey ka faaideystaan, waxaana durbo muuqday hogaano ka turjumaya dareenka dadka u abtirsada dhulkan Qabiil ahaan, Biloowgiina waxaa muuqday hal xisibo oo eey ku mideysanyihiin, ilaa eey hada gaareen Axsaab badan oo u eg xagaa aassasnimada kuwa somliya ee macno la,aanta ah. Laakiin Axsaabtan Darfour waxey ka heleen Yurubta Tix galin & Taageero aan xad laheyn..

Waa jirtaa in dhib ka dhacay Gobolka Darfour, hadana waxaa hubaal ah in xalinta dhibkan uu san u muuqan mid hufan oo maslaxo doon ah, waxeey u eg tahay xeelad dagaal oo dawladuhu reer galbeedku ku doonayaan in eey ku wiiqaan awooda Xukuumada Khartoum oo ay u caalwaayeen dhowr & tobanka sano eey jirtay.

DAARFOURTA SOMALIYA YAA U MAQAN..

Waa arin run u dhaw oo aan faan aheyn in qofka Somaligu sheegto Ogaal waxaa ka dhacaya Somaliya amaba horey uga dhacay, waxaase hubaal ah in warbaahintu Caalamku sixirkeeda leedahay, taa oo aan u wado (waxey sheegto ayaa sheegan) in badan oo Aqoon yahano ahna waxaa dhimirkooda wax u dhimay aaladan casriga ee warbaahineed ee uusan heysan meel uu u soo maro, sidaa ayaan qofka Somaligu u moogeyn waxa Dambiyada dagaal ee Somaliya ka dhacay, warabaahintu ama hey,adaha Caalamigu yeysan booski la rabay dhiganee, waase arin sugid leh toogta dhibka baahsan ee Somliya ka dhacay uu kan Darfour u dhigmo.

Xukunkii milateri ee dalka ka jiray ha haado mid loo darsaday laakiin ma siinayo Gacan nadiif , waxii la ogaa oo xad gudub ah ayyey mareen in badan oo Muwaadiniin Somali ah oo aan waxba galabsan , ka biloow waqooyiga Somaliya ilaa Gobolada Dhexe ee dalkka, waxaa la oran karaa dhacdadii Muqdisho ee Xeebta Jaziira waa Calaamad Biloow & dhamaad laheyn oo daliil u noqon karta Baaxada xasuuq ee loo geystay Bulshada Somaliyeed ee aan waxba galabsan (Tusalahani waa Taariikh darsi mudan ooaan waxba dhaafsiis neyn).

Lagama kabsan waxyeeladii ka dhashay mucaaradnimada xukunkii military, ayadootaa jirto ayaa waxey arini u gadoontay Dawlad la,aan & Dagaal sokeeye oo aan dhamaad laheyn, macnihiina waxuu isku badelay in muwaadinka somaliyeed uu naftiisa u waayo haybta qabiil ee uu ka dhashay, ma mudna tusal tusaaleyn arintan, waxaase hubaal ah in eey ku baahday dhulka Somaliya guri walba oo soomali ahan uu meel uun ka taabtay, sidaa ayuu dhibane u noqday qof kasta oo Soomali ah.

Dambiyada Dagaal ee Soomaliya uma muuqdaan kuwa gaarsiisan Mudnaanta eey heleen kuwa dagaal ee ka dhacay Darfour, waxaase hubaal ah in Somaliya eeysan aheyn mid leh dan siyaasadeed oo ku soo hagta Yurubta, waaba suuro gal in mudnaanta Somaliya eey tahay dambiyada Dagaal oo sii fida, Tusaale xaalada Muqdisho hada & sadex bilood ka hor , laakiin daarfourta Sudan waa Dambiyo dagaal oo mudan maxkamdeyn cidii kadambeysay, si loo gaaro sir la garan waa u eg laakin yoolkeedu cad yahay.

Mahdi Muse
E-mail : hagar131@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com