SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Habka Xabashida looga xorayn karo Jamhuuriyada Soomaaliya

W/Q: - Saxnuuni. Cairo Egypt.

(Fariin culus oo ku socota Soomaalida oo dhan)


Waan hubaa in Soomaali badan oo ku nool dhamaan dhul waynaha Soomaalida ee Geeska afrika iyo qaaradaha Dunida oo idil in qalbiyadooda ay buux dhaafeen tiiroonyo badan ka dib markii laga xoog roonaaday Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaalida u horseeday nabad lix bilood ah oo ay ku raaxaysteen shacabka koonfurta Soomaaliyeed, taasoo ay qireen cadowga Islaamka. Nasiib daro cadowga dalka iyo diinta ee Xabashida oo garab ka helay dal-iibsadayaal Soomaaliyeed iyo Maraykanka yaa dalkii Xoog ku qabsaday ka dib markii ay culays u arkeen in dad aamin san Soomaali-nimo iyo Islaam-nimo in ay maamulayaan Jamhuuriyada Soomaalida.

Hadaba maadaamaa dalkii gacanta uu ugalay Xabshida oo ah Cadowga soo jireen ah oo ay leeyihiin Soomaalida, sidaas darteed anoo gudanayo waajibka iga saaran dalka iyo Diinta waxaan qormadaan ku eegayaa qaabka loo xorayn karo Dalka Soomaaliya taasoo aytahay waajib saaran Soomaalida oo dhan ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Waxaan qabaa anigu in Xoraynta Dalka qaabka loo wajahayo inaan u kala saarno laba qaybood oo kale ah:-

1. Dhaq-dhaqaaq laga rabo Soomaalida ku nool qurbaha: - Sidaan og-nahay Soomaali badan oo wadaniyiin ah oo jecel dalka iyo Diinta ayaa ku nool shanta Qaaradood ee dunida, waxaana xaqiiqo ah in qaarkood ay yihiin aqoon yahano bartay cilmiga qaybihiisa kala duwan ay-na ku wayn tahay qadiyada diinta iyo dalka. Waxaa sidoo kale jira dadyow ayaga haysta dhaqaale badan oo ayagana ku nool qaaradaha aduunka oo ah Soomaali qalbigooda nadiif ah.

Waxaan meesha ka marnayn in qurbaha ay Joogaan Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah oo ay ku wayn tahay madax banaanida dalka. Ayadoo ay kumanaan kaas Soomaaliyeed ay ku nool yihiin dalka dibadiisa ay wax uu n qaban karaa. Ma waxaa nala gudboon inaan Murugoono? mise waa inaan wax u qabanaa dalkeena iyo diinteena Muqadas-ka ah anagoo maanta ah dad la dulmay oo dalkooda xoog looga haysto, Islamarkaana yabooh cad ka haysta Ilaahay SW, oo ah in lo gargaaray Muslimiinta iyo cid kasto oo la dulmo. Hadaba jawaabtu waa inaan u halganaa dalkeena sidaan ugu Xorayn lahayn cadowga qabsaday anagoo ku dayaneena Halgamayaashii Soomalaiyeed miithaal ahaan, Iimaam Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdule, iyo Boqor Olol diinle, Kuwaasoo si wayn ula dagaalamay xabashida sida taariikhda ay qorayso.

Hadii aan faah faahiyo habka ay u halgamayaan Soomaalida qurbaha waa sida tan: -

Ø in siyaasiyyinta ku nool wadamada Reer galbeed ka iyo Carabtaba inay sameeyeen dadaalo looga dhaadhicinayo beesha caalamka in dalka xoog lagu haysto sida inay la shiraan madaxda wadamada ay ku nool yihiin.

Ø In aqoon yahanada soomalaiyeed ay sameeyaan xiriir hay’ adaha aan dowliga ahayn si loo muujiyo in dalka gumaysi ku jiro.

Ø In la sameeyo bannaan baxyo ka dhan ah xabashida ayadoo la samay-nayo Jimco kasta Magaalo, sida mar USA dhexdiisa marna wadamada kale, taasoo keeni karta in dareen ka caalamka soo jiito in hadii jimco kasta magaalo ka dhaco mudaaharaadka lagu diidan yahay xabashida.

Ø In jaaliyadaha Soomaaliyeed ay la shiraan wadamada ay ku nool yihiin Madaxdooda iyo jaaliyadaha kale ayagoo ka raadinaayo taageero dhinac kasta sida mid dhaqaale iyo mid Siyaasadeed.

Ø In dad ka caan ka ah ee wadaniyada ku wayn tahay fadhiga ka kacaan sida Cabduqaadir xaaji Xuseen ra’isul wasaarihi ugu Horeeyay, Prf Cali Khliif Galyr ra;isul wasaarihii xukuumadii Carta, Prf Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoon yahay ay dhab ka tahay dal jacaylka.

Ø In warbaahinta Soomalaiyeed ee dibadaha sida wargaysyada, Idacadaha, iyo Telifishinada inay qayb wayn ka qaataan xoraynta dalka Soomaaliyeed iyo soo celinta sharafta qaranka soomaaliyeed. Ayagoo samaynaya barnaamij yo wax ku ool ah oo shacab ka hurdada ka kiciya ee isaga qaancsan inay isaga noolaadaan dal shisheeye. Ayadoo ay jiraan dad baraarugsan oo og ahmiyada qaran ku leeyahay.

Ø In Soomalaida dibada ay sameeyaan gudiyo kal duwan sida mid I sku xir iyo mid uruuriya qaaraan lacageed oo lagu taageeraayo dadka gudaha Soomaaliya ka wada Muqaawamada iyo in la gaarsiiyo walaalaha Soomalaiyeed ee ayaga Allah dartiis duur ka ugu jira qaarkood ay is qarinayaan ayagoon si xor ah aan ugu socon kara dhul kooda Hooyo mabda’a ay aaminsan yihin dartiis, kaasoo ah madaxbanaani iyo is ku xukumida shareecada Islaamka ee Allah raaliga nooga yahay taasoo gaalada ay diidan yihiin. In la wacyi galiyo dhalin yarada looga sheekeeyay qabyaalada ee qurbaha jooga ee laga yaabo nacayb qabiil ay u qabaan inay u taageeraan xabashida.

2. Dhaqdhaqaaqa laga rabo Soomaalida ku nool dalka Gudihiisa:- Soomaalida ku nool gudaha dalka culuys-ka ugu wayn ayaga ayuu ku dhacaa sababtoo ah waxaa laga doonayaa inay xabashida iyo cidii la socotaba inay tusaan in dalka leeyahay dad u damqanaya qaran-nimadiisa (Soomaaliya Soomaali baa leh).

Intaanan guda gelin tilmaamida qaabka la is ku abaabulayo waxaan jeclaan lahaa inaan dad badan ka saaro fikradaha qaldan ee laga dhaadhiciyay ama ay aamin sanyihiin, waxaa jirta in qaar ka mid ah taageerayaasha maxkamadaha ay aaminsanyihiin in shacab Reer Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ay ka soo horjeedaan kacaan kii Islaamiga ee maamulayay in ta badan koofurta Soomaaliya ay hada hiil iyo hooba ay u haayaan xabashida xooga ku haysata dalkkeena hooyo, hadaba sidaa ma ahan arin ku ee waa mid ka duwan sidaas in ta badan sababtoo ah bulsho-waynta ku nool deegaanada aan kor ku soo xusay waa dad taageersanaa kacaankii Islaamiga ah islamarkaana way ka soo horjeedaan xabashida, laakiin ku xisaabtama in hada labadaas shacab in ay ku hoosjiraan lama maamul oo eeganaya danahooda waana dad la caburiyo xaqiiqdii, waxaana marqaati kugu filan taageeradii ay u fidiyeen walaalahooda xilligii maxkamadaha ay xooga lahaayeen tusaale ahaan labada dhinacba ee Somaliland iyo Puntland waxay carab ka kudhufteen inay dalka ku xukumayaan Shareecada Islaamka ayagoo ay san ka ahayn ilaahay dartii bal waxay ka ahayd ku dajin shacabka Hoos yimaada oo ayaga diyaar u ahaa is kuxukumidi shareecada Islaamka ee Muslimiinta looga talagalay, waana arin qoron oo labada masuul-ba la wayn diin doono maalin qiyaamo hadaysan ka toobad keenin, hadaan sii jilciyo Daahir riyaale kaahin si maldahan ayuu u yiri laakiin Cade Muuse si toos ayuu u sheegay isagoo xusay in gudi loo saaray, inkastooo hada daaqada ay ka saareen arinkaas warkeedana ay joojiyeen ka dib markii ay hubsadeen in awoodaas gaalo dalka ku soo duushay ay cagta mariyeen.

Sidaas darteed shacabka labadaas deegaan waa dad jecel diin-tooda iyo dalkooda marka laga reebo kooxo yar oo qabyaalada ka door bidayo walaal tinimada Islaamka iyo u gargaarida Kitaabka ilaahay, sida koofurtaba looga helaayo dad gatay dalkooda iyo diintoodaba. Sidoo kale waxaa xusid mudan inaan la hadlo qolyo ayaga diinta faham san ee gobolada qaar oo ka soo horjeeda Islaamiyinta balse u taageerayo Xabashida nacayb ay u qabaan qabiilada qaar iyo dano Aduun taasina waa mid cirib xun ku yeelanaysa qofka Aduun iyo Akhiraba.

Intaas ka dib waxaan halkaan ku jeex jeexaya qaabka ugu haboon ee loo wajahi karo cadowga dalka ku soo duulay ee XABISHADA, kuwaasoo dalkii u horseeday deganaasho la’aan iyo inay ugaarsadaan Aqoon yahanka, Culumada, iyo Siyaasiyiinta ay isleeyihiin waa kuwa toosh idin ku ifin kara oo dad ka kicin kara taasoo ay u sahlaan dal-iibsadayaasha raba inay dalka sidaas ku xukumaan, mana dhici doonto inay dalka xukumaan Inshaa Allah. Hadaba walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka waa inay sidaan is ku abaabulaan cadowgana u abaaraan sidaan :-

:: In la sameeyo banaanbaxyo Joogto ah maalin kasta oo jimco salaada Jumcaha ka dib, si loo soo jiito indha beesha caalamka ayadoo shacabka ay u sameeyeen is ku duubni, oo laga gudbo reer hebel iyo xarako hebel.

::In la helo is ku xirnaan guud dhamaan walaalaha soomaaliyeed ee Muqaawamada samaynaayo sida Maxkamadaha Islaamka, New SYL iyo qof kasta oo diyaar u ah inay ka qabyqaadato xoraynta dalka.

:: In si cad ay is ku yimaadaan hogaanka sare ee beelkasta islamarkaana ay u cadeeyeen dawlada ku sheega in dalka ay ka baxiso Xabashida ayagoo is ku duuban taasoo culays ku ah Itoobiyaan-ka, isla markaana qabiil kasta inuu u yeero xubnaha kaga jira dawlada ee la shaqeeya Xabashida una sheegaan inuusan matalin qabiilkiisa. Sidoo kale in qabiilkasta ku dhawaaqo in xukuumada ka baxay oo aduunka loo qaybiyo waraaqo lagu cadaynayo in dawladaan tahay mid aan matalin qabaa’ilada Soomaaliyeed.

:: In siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo horjeeda Xabashida inay dalka ka soo baxsadaan ayna qayb ka noqdaan dad ka beesha caalamka ka dhaadhiciya in dalka gumaysi ku jiro, oo waxaan hubaa in qaarkood Miisaan ay ku leeyihiin caalamka, o ay la hadlaan jaamacada carabta, Midowga Afrika iyo Ururka Islaamka, si loo helo Taageero.

:: In shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada inaysan Raashin ka iibin Xabshida iyo daba-dhilif kooda, loona muujiyo in dad ka leh dalkaan aysan diyaar u ahayn gumays Casriyaysan. Waxaana tusaale noogu filan shacabka reer Dhuuso-marreeb oo ayaga diiday in Cadowga raashin laga iibiyo, taasoo horseeday inay ka cararaan magaaladaas.

:: In weerarada la qaadayo uu noqdaa mid qorshaysan oo waji ka waji ah sida kii ugu cuslaa ee ka dhacay wasaarada gaashaan dhiga, si loo badiyo baqtiga xabishada loona yareeyo dhimashada shacabka. Waana inuu ahaadaa mid qorshaysan, oo lagala tashaday malatarigii hore ee Soomaaliyeed ee caqiidada fiican. Waxaan hubaa inuu argagax badan gelin doono Xabashida.

:: In Muqaawamada la soo samayso xiriir toos qolyaha dibada Jooga ee ka qayb qaadanaya xoraynta dalka si loo helo wada tashi fiican iyo is ku xirnaan iyo taageero dhaqaale.

:: In qaybaha Culumada ee dalka inay soo saareen Fatwo cadaynaysa in jihiid ka waajib yahay xilligaan ee aan la noqo wadaadada qabiilka ka xoog badiyay ee dhahaya dad gaalo soo watay ayaa wadada saxda ah ku taagan, halka qolyiihii waday Kitaabka Ilaahay ku tilmaameen fitno wadayaal, ayadoo ay ku xambaartay dano dhaqaale ama qabyaalad, taasoo mar ka shalaayi doonaan Aduun ama Aakhiro, waa hadii aysan ka toobad keenin.

:: In dhaawacyada halista ee ku yimaada shacabka iyo Muqaawada loola tacaalo isbitaalada dibada oo ganacsatada ay bixiyaan qarashka si loo dhiiro galiyo shabaabka naftooda huraya.

Ugu dambayn waxaan leeyahay shacabka Soomaliyeed inay badiyaan docoda sababtoo ah sida Nabigeena CSW yiri “Docoda waa Hubka qof ka Mu’min-ka” Sidaas darteed waa in la badiyaa u docaynta Muqaawamada islamarkaana la habaaraa Xabashida naga gardaran ee dalkeena ku soo duushay ee nabadii aah helnay lixdii bilood naga baabisay, waxaa hubanti ah in laga guulaysano Xabashida oon waligeen ka adkayn oo hada dad Somali ah oo diin tooda gatay ay horkacayaan oo jirka Soomaali ka ah laakiin qalbiga xabashi (Itoobiyaan) ka ah.

Mida kale walaalaha Islaamiyiin ta ah ee Soomaaliyeed ee ku wayn qaranka Soomaaliyeed waxaan leeyahay adinka ayay Guusha idin ku dambaynaysaa Inshaa Allah, waa la is imtixaanayaa si loo ogaado kan iimaan ka dhab ta leh iyo mid Munaafiqnimada u qarsan oo hada qaarkod aad aragteen oo la shaqeeye Xabashida. Waad iiga aqoon badan tihiin diinta walaalayaal waxaad ogtihiin ayadoo nabigeeni Muxamed waday diin Xaq ah, islamarkaana ahaa Rasuulkii Ilaahay in dhibaato xoogan la marsiiyay, ayadoo Allah uu awooday inuu nabigeenii qabsado aduun ka oo dhan. Hadaba ujeedada waxay ahayd in Umadeena la barayay in waxa la doonayo ay tahay in la kala miirmo oo la kala saaro qof sida dhabta ah waxu rumeeyay iyo kan ay ka tahay beenta, Yacnii kan sabraayo iyo kan aan sabraynin.

Qolyaha Qabiil jacayl ay u qabaan dartiis u garab-istaagaya Fidna wadayaasha kala ah Ina yuusuf, Ina Geedi, Ina Caydiid, Ina Madaabe. Ogaada in Nabigeena CSW yiri “qof-ka waxa uu Miciisa ama la jirkiisa noqonayaa qiyaamaha qof kii uu jeclaado” hadaba hada fursad ayaad haysataa oo ah inaad toobad keento oo berri ka noqoto dadkaan iibsaday dalka oo raac Amarka Allah oo ah inaad kitaabkiisa u gargaarto, nacayb-na aad u qaado gaalada ilayn Alle ayaa nacladay gaaladee.

Wixii aan ku gefay waa Naftayda iyo Shaydaan ee ha la’ii cudur-daaro, wixii aan saxayna Eebe ayaa I waafijiyay. Waxaan Ilaahay Asmaa’adiisa wanaagsan iyo Sifaadkiisa sareeyo ku baryayaa inuu bur buriyo Awooda ciidan ee Xabashida islamarkaana Rucbi ku rido, sidoo kale waxaan Allah ka baryayaa inuu guuleeyo walaalaha Soomaaliyeed ee Muqaawamada wada ee diinta dhabta ay ka tahay.

W/Q: - Saxnuuni. Cairo Egypt. laarfa@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com