MAANSO:
"LEGDAN"
Waxay Jiiftadan gaaban ee aan ula baxay "
LEGDAN" la hadlaysaa mid ka mid ah
saaxibadayda ku turunturrooday waayahan
cusub waxayna siinaysaa talo iyo tusaale
aanay geed adaygnimo ka madhnayn. Waxay ka
dhalatay dareenka is dhalan-rogga nolosha
iyo waayaha. Waxay tilmaamaysaa sida wax
waliba waxoodii aanay maanta u ahayn
arrintaas oo dhaawac ku noqonaysa
bulshooyinka adduunka midabkay doonaan iyo
mabda'ay doonaan ha lahaadeene. Waa jiifto
isku cayn iyo bayd go'an ee adiguba, ha
layaabine, bal is weydii sababta.
Laqan- wiil horweyntii
Dhul libaaxl leh kuma jiro
Laalays ma dhaafoo
Geelii laaska kama tago
Laddaabsigii ku dharastoo
Lo'du toban qad weeyaan
Ridu laama faraqliyo
Ma soo laacdo geed sare
Hoos u celisey luquntii
Laxdu foorar ku cashiday
Isku looshay tiigsiga
Senge loollan ma hollado
Looma loolsho jarihii
Leedda - fuulka kama baqo
Lagu guur sidii awr
La sed noqoy dameeraha
Ha La yaabin dunidee
Waxan luray is weydii
Wer-wer laba jirkii oo
Legga hooyo sabi waa
Kuma ledo goshiisii
Laacdan barey cirroolii
Lallabaha hayaan dheer
Rarka layli qabatiin
Lamma' saaran kama dido
Waa haama lays oo
Hayinkii la raran jirey
Noqoy laguma guuraan
Ha La yaabin dunidee
Waxan luray is weydii
Ogow lulaya caanood
Lingaxaa adkeeyee
Gacan labi ma talisoo
Xilkeed midigtu lumisaye
Bulshooy laakimoodkaa
Adow laan-gadhoobee
Labootida la laayacaye
Bidix baa lalminaysee
Lib gurrani dhib badanaa
Ha La yaabin dunidee
Waxan luray is weydii
Legden weeye damicii
Liishaanku dheeraa
Laga doorsey aradkii
Cirka loolka sare iyo
Hirka laalan loo rogey
Hoos laysu soo eeg
Ha la yaabin dunidee
Waxan luray is weydii
Talaan kuu laqimayaa
Lahan yaanu kula tegin
Ha laxiiban weligaa
Ha laab raacin meel aan
Dani kuugu laabnayn
Ha lammaansan ruuxaan
Waxba kuu lillaynayn
Wax lug-gooyadeed jecel
Nafta how ladqabatayn
Runta laasim weligaa
Qof lillaaji kugu nacay
Tiisa hawgu luuqayn
C.N.Ducaale
tiraabe@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007


|