Dalka
Xabashi idiin Qabataye, Dadka ma idiin
Jujuubaysaa?!
Bashiir M.
Xersi
brdiraac@hotmail.com
Tripoli Libya.
Run ahaantii waxay ahayd maalin murugu badan,
maalin madow, maalin is-bedel dhab ah uu ka
dhacay Soomaaliya, maalin kala barta tagta
iyo timaaddo, maalin damqasho badan, maalin
damiir wadani uu dhaqaaqay, maalin saamayn
weyn ku yeelatay nolasha Soomaalida, waxba
yaanan ku dheeraan tilmaamidda maalintaas ka
mid noqotay maalmo usoo hoysay Soomaalida
dhibka iyo dhibaatada, waa maalinta
ciidamada Xabashida ay soo gashay magaalada
Muqdisha walibana lagu soo dhaweeyay Caleemo
qoyan, Sacab, Mashxarad, Shirib iyo farxad,
taas oo dhabtii ku noqotay Soomaali badan oo
ku dambayso damiirka wadaniyadda Fajac,
Argagax, iyo Mergasho.
Tabcanayaasha Tigreega waxay war wareegaan
oo marba meel degmo xaar-xaartaan ee tu’daan
kana dhigtaan fariisin iyo xarun, waxay u
kala wareegaan Jawhar iyo Baydhaba, waxay
Baydhaba fadhiyaan kuna go’doon sanaadaan,
halkaasna iska lafaystaan, waxaa dhacay wax
awalba laga cabsi qabay in badanna la hadal
hayey carabka dadkana in badan ku soo
noq-noqotay, balse markii dambe noqday
waaqic jira oo ah in C/laahi damacsanaa inuu
Muqdisha ku soo galo xoog kuna muquuniyo
cudud, Tabcanayaasha markii awood u yeelan
waayeen inay waan-waan iyo wada-hadal xal
lagu gaaro oo sidaa nabad lagu helo, waxay
daba gashadeen dawladda Xabashida iyagoo ku
soo gambaday inay la dagaalamayaan
argagixiso iyo mintid.
Tabcanayaasha waa loo qabtay(la qabsaday)
Dalkii maantana waxaa xarun u ah Villa
Soomaaliya iyagoo ku gu’doonsan halkaana ay
ku waardiyeyso kuna gadaaman yihiin ciidanka
Xabashida, balse Dalkii haddii gacanta la
idin galiyey xoogna wax la idin kugu meel
mariyey, howshii Xabashida idinkaga baahneed
aad ka soo dhalaasheen waliba si aysan
Xabashidu filayn u gudateen maadama aysan
jirin maanta Tuulo, Degmo, iyo Gobal
Soomaaliyeed oo aysan joogin ciidan Xabashi
ah, oo ayna isku fidiyeen guud ahaan Dalka
gabigiis, su’asha waxay tahay: Dalka Xabashi
idiin qabataye Dadka ma idiin Jujuubaysaa?!
Waxaase dhacay waxaan la filayn Ubixii iyo
Sacabkii wuxuu isu bedelay Dhagax-tuur iyo
iska caabin salka ku haysa ka hor-tagga is
balaarinta iyo qabsashada Dalka, waxaana isa
soo taraya falalka ka dhanka ah joogista
ciidanka Xabashida gudaha Soomaaliya,
falalkaa oo markii hore ku bilowday banana-baxyo
iyo isu-imaadyo koo kooban, ka dibna isu
bedelay falal hubaysan oo ay ka midka yihiin
dilal gaadmo ah iyo weerarro ku dhufoo ka
dhaqaaqa oo ka dhan ah melooshiyooyinka
Dawladda Empagathi ee ku sugan is-gowyada
iyo sal-dhigyada Muqdisha qaarkood, falalkaa
oo dhici jiray badanaa habeenkii, waxaa
xigay Hoobiyayaal iyo hub lagu tuuro goobaha
ay degan yihiin ciidanka Xabashida iyo
maleeshiyada dawladda Empagathi, haddase
waxay arintu maraysaa in Barqadii iyo maalin
caddeey la beegsado fariisamaha ay degan
yihiin Xabashida iyo Xubnaha Dawladda
Empagathi.
Tabcanayaasha aalaaba meel kasta oo ay
joogaan waxaa dhaqan u ah inay iyagu
difaacaan ama ay qiil u sameeyaan falalka
loo tabcanaha, tusaale u soo qaado hadaladii
C/laahi Yuusuf, Gama-dheere iyo Salaad Cali
Jeelle, masuuliyiintaas iyo kuwo kale oo ka
tirsan Dawladda Empagathi waxay dhowr jeer
ku cel celiyeen in haddi lala beegsado
xeryaha xabashida rasaas ay ku jawaabayaan
qoryaha waaweyn, ama ay ku andacoodaan
inaysan Xabashidu cidna wax-yeelo u gaysan
ee iyagu uun la la wax-yeeleeyo, waxaa la
yaab, fajac, amakaak iyo wax cajiba ah;
nimankaan yey rabaan inay u taliyaan? ma
inta Xabashku madfaca la dhacayso?, mise
inta ka qaxday hoobiyaha Xabashida?,
hadaladaa xun xun ee ka soo baxaya nimankaa
masuuliyiinta sheeganaya miyeysan ahayn inay
dariiq u samaynayaan falalka arxan daradaa
ee ay samaynayaan Xabashida ee ka dhanka ah
noolaha, taas waxaa ka si daran markii ay
adeegsadeen hubka nooca loo yaqaan PM-ka ee
36 dhuumodkaa ee ay ku ridaanka Shacabka
degan magaalada Muqdisha.
Arinta waxaa sii murjiyey qasaaraha lixaadda
leh ee uu gaysanyo hoobiyaha ay ku ridayaan
Xabashidu xaafadaha Muqdisha ee Naf iyo
Noolba leh, hoobiyaha ay u qaybinayaan
Xabashidu magaalada Muqdisha wuxuu keenay
dhimasho dhaawac, burbur tobanaan Guri, qax
iyo bara-kac aan isagoo kale horay loogu
arkin magaalada Muqdisha ama aan usoo maarin
magaalada, taasina waxay ka dambaysay ka dib
markii uu amaanka magaalada faraha ka baxay
dabadeedna ay ugu darsoontay macaawinada
Xabashida iyo deeqda Tigreega ee ah PM-ka
iyo hoobiyayaasha lala beegsanayo xaafadaha
magaalada Muqdisha ee ay degan yihiin
rayidkaa, waa is weydiine Dadkaa rayidkaa
maxay galab sadeen? Mise jujuubka iyo
dirqinta ayaa waxay noqotay inay ku
imaanayso dhanka hoobiyayaasha iyo PM-ka?
Waa waxaan dhici doonin inay wax ku socdaan
sida ay wax u rabaan Tabcanayaasha iyo loo
Tabcanaha ama wax ku dhamaadaan sida ay
jecel yihiin inay ku gaba gabowdo Xabashidu.
Waxaa hubaal ah inaan Umadda Soomaaliyeed
cidna jujuubi Karin iskaba daa nin asagiiba
kaadida iska fogayn waayey cabsi daraadeed
ama ku oodan xero go’an, hadaba markii aan
ka soo tirino maalintaa madoobeed ee aan kor
ku soo sheegnay ilaa manta maxaa la qabtay
ama u qabsoomay Dawladda Empagathi?, dabcan
horta howl way socotaa, balse aan sheegno
tan ugu muhimsan ee ah Soomaali badan oo loo
gacan galiyey Xabashida ayna ku jiraan
dhalin-yaro aad u da’-yar iyo haween laga
qabtay sida la sheegay soodinta u dhexeysa
Soomaaliya iyo Kenya, Dadkaas oo aan
galabsan ama aan galin wax dambi ah aan ka
ahayn inay ku eedaysan yihiin inay ka mid
yihiin Argagixiso, waaba yaabe yaa
Argagixiso ah; ma Xabashka ka soo duulay
Soomaali-galbeed ka shishay? Mise Soomaali
laga qabtay xadka gaar ahaan waliba aan
dagaalamayn ama aan laga qaban goobta
dagaalka ama jiidda hore ee dagaalka.
Waxaa iska cad dhaqamadii ugu dambeeyey ee
ka socday gudaha Soomaaliya gaar ahaan
xarunta Muqdisha inaan cidna Shacabka ku
jujuubi karin ama aan ku sandulayn karin wax
aysan rabin, ama aaysan qaab ahaan la
dhacsanayn, waxaan ula jeedaa inaysan
Xabashidu Shacabka Soomaaliyeed ku qasbi
karin waxaysan rabin, hadaba Dawladda
Empagathi waa inay la timaadaa hanaan lagu
wada noolaan karo, iyadoo meesha laga
saarayo joogista ciidanka Xabashida, waa
haddii ay dheceyso in lagu wada joogo nabad,
waana inay ogaataa in furaha xalku yahay:
soo af-jaridda joogitaanka ciidanka
Xabashida ay ku sugan yihiin gudaha dhulka
Soomaaliya, marka taas la helo ayaa wax
yaabaha kale la isaga iman karaa oo laga
wada-hadli karaa lagana doodi karaa ayna ugu
horayso shirka loogu yeeray Shir-weynaha
nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, wa
su’aale maxaa la nabadaynayaa? iyadoo habeen
kasta dad guryaha lagala boxo meel lala
aaday ama meel ay ku sugan yihiina aan cidi
garanayn, tan kale maxaa la dib-u-heshiisiiyaa
iyadoo habeen walba magaalada loo qaybiyo
hoobiyayaal iyo qoryaha waaweyn, iyadoon loo
aabadayeyn ama aan loo fiirinayn meesha lagu
ridayo, cidda lagu ridayo iyo wax-yeelada uu
gaysanyo.
Fadlan Nabdayn ha dambaysee Shacabka ka
daaya hoobiyayaasha iyo madaafiicda .
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Tripoli Libya.
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007


|