SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ciidammo shisheeye ma xallin doonaan mushkiladda soomaaliya? 

Xasan maxamad ibraahim
xasanyare@msn.com

06/3/2007 waxaa ka soo degay garoonka diyaaradaha muqdisho qaybtii ugu horreysay ciidamo yugaandhiis ah oo qayb ka ah ciidammo afrikaanka ah oo ka hawl gal doona soomaaliya si loo hirgaliyo dawladda ku meel gaadhaka ah ee tabarta daran sida la yidhi dhab ahaanse ciidamadaas afrikaanka ahi waxay gurmad u yihiin ciidamada itoobiya ee xoogga ku qabsaday soomaaliya ka dib markii ay burburiyeen golihii maxaakimta. 

      Go’aanka in ciidamo afrikaan ah la geeyo soomaaliya waxaa horay u soo saaray urur goboleedka igad ka hor intii ayna maxaakimtu la wareegin gacan ku haynta intabadan gobolada koonfureed waxaana si cad u muuqatay in ay dawladda itoobiya ka danbaysay go’aankaas kenyana ay ku taageersanayd ka dib dawladda itoobiya waxay bixisay dadaal aad u ballaadhan oo ay taageero ugu doonaysao rabitaankeeda ah in ciidamo shisheeye soomaaliya la geeyo, ra’iisul waseere meles zinaawi wuxuu warqado iyo ergooyinba u diray inta badan madaxda afrikaanka sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda itoobiya siyuum masfin wuxuu socdaallo ku maray qaar ka mid ah kuwa ugu muhimsan caasimadaha carabta isaga oo zinaawi farriin ka sida taageero doon ah si loo meel mariyo arrinta ciidamada shisheeye , ka dib dadaalkaas dimlomaasiyadeed waxaa adis ababa ku kulmay 18/1/2007 urur goboleedka kulanka sanca oo arrintaas lagaga hadlay ka dibna waxaa magaalada sirt ee dalka liibaya ka dhacay 25/1/2007 kulan uu yeeshay midawga afrika oo arrinta ciidamad shisheeye lagu soo qaaday ka dib 12/2/2007 waxaa adis aababa ka dhacay shir uu yeeshay midowga afrika oo uu ka soo baxay go’aan ah in soomaaliya la geeyo ciidan dhan 8000 oo askari  oo ayna ku jirin wadamada dariska  la ah soomaaliya waxaana ilaa hadda ciidan ballan qaaday ugandha 1500 burundi 1700 malaawi 500 gaana 300 naygeeriya 1500 . 

      Ka dib waxaa golaha ammaanka qaramada midoobay soo saaray go’aan lanbarkiisu yahay 1744 oo fasax u siiyaya midowga afrika inuu ciidammo u diro soomaaliya; hawlgal qaadanaya muddo 6 bilood ah, go’aankaasi wuxuu fasaxayaa in ciidamadaasi adeegsadaan wax kasta oo loo baahdo kolay tahay dagaal , waxaa kale oo qaraarkaas weheliya in xoghayaha guud ee qaramaa midoobay uu laba bilood ka dib xaaladda  soomaaliay ka soo gudbiyo warbixin iyo talo bixin sidii ay qaramada midoobay uga qayb qaadan lahaayeen ciidamada soomaaliya la geynayao.

      Ciidamadaas afrikaanka ah ilaa hadda waxaa dhaqaale ugu yaboohay dawladda maraykanka oo bixisay 40 milyan oo doolar lagana dhawrayo 60milyan oo doolar oo kale midowga yurub ayaa isaguna ugu deeqay 15milyan oo yuuro, dawladaha liibiya iyo aljeeriya iyana waxay u ballan qaadeen inay ka caawiyaan arrimaha loojistikada jaamacadda carabtuna waxay u ballan qaadday 1 milyan oo dollar . 

      Waamaxay hadafka ciidamadani u socdaan? 

      Su’aashaasi waxay u baahantahay jawaab aan ahayn midda war baahinta laga sheegayo oo kaliya maxaa yeelay waxa inoo muuqda iyo waxa warbaahintu sheegeyso way kala duwanyihiin, waxan arkaynaa itoobiya oo ciidammo lixaad leh ku qabsatay soomaaliya oo ay cadow ahaayeen intii ay taariikhduba jirtay, haddana waxaan maqlaynaa ciidammo nabad ilaain, waxaan maqleynaa in ciidamadan loo fasaxay inay xoog adeegsadaan ( peace making) waxaana la leeyahay waa nabad ilaalin ( peace keeping) waxaana muuqata inay yihiin nabad burburiyayaal ( peace killing) maxaa yeelay iyaga ayaa lumiyay nabaddii muqdisho ka jirtay oo wiiqay guulihii lama illaawaanka ahaa ee ay soo hoyiyeen maxaakimtu, waxaa la sheegayaa in ciidamada afrikaanku baddali doonaan kuwa itoobiya waxaase marag ma doonta ah in ciidamada itoobiya inay soo bataan mooyaana ayna sii yaraanaynin!. 

      Haddey intaas oo dhamiba jirto waxay aniga ila tahay in xaqiiqadu tahay in ciidamadani ay u socdaan si ay u sharciyeeyaan gumeysiga itoobiya ee dalka ku habsaday, itoobiyna shaki kuma jiro inay u soctay dano u gaar ah oo ay ugu horreyso inay dhulka soomaaliyeed ee dayacan ugu yaraan qayb ka qaadato soomaalidana ay maskaxdooda ku duubto inay caasimaddoodii qabsatay haddii ay iyagu 1977kii gaadheen meel 200km u jirta adis ababa , dawladda maraykanka oo duulaankan soomaaliya lagu soo qaaday iyadu soo hawl galisey danaha ay ka leedahay duullaankan  waxaa ka mid in ay badal ka hesho shidaalka carabta ee u muuqda inuu gacanteeda ka sii baxayo haddii ay ka soo baxdo ciraaq , soomaaliayan waxaa la rumaysanyahay inuu ku jiro kayd shidaal oo baaxad leh. 

      Dhammanba ahdaafta kala duwan ee laga leeyahay ciidamadan shisheeye midna uma adeegayo danaha soomaaliyeed in soomaaliya dowladi ka dhalato iyo in kalena cidi dan kama laha heshiisiinna iskaba daa , taasina waa midda keentay inaan soomalida ciidamadaas waxba laga weydiinnin oo aan dhag jalaq loo siin diiditaanka ay ka muujinayeen, maxaa yeelay ciidamadani dantooda ayay u socdaan ee dan soomaaliyeed uma socdaan , dawladda ku meel gaadhka ah ee ay soo rakaabsadeen ciidamada itoobiyaanka ahi dhab ahaan way ogtahay inaan iyada cidna wax la wadin ee loo gabaadsaday qabsashada soomaaliya haddii hoos loo sheekaystana way caddeynayaan inaan waxba gacanta ugu jirin. 

      Ciidamadni ahdaafta ay u socdaan ma gaadhi doonaan? 

   Inta aynaan ka jawaabin su’aashaas bal aan eegno arrimahan soo socda :

  1. ahdaafta ciidamadani way is khilaafsantahay  ujeedadooduna ma midaysna taasina waxay keeni doontaa markii dhibaato ka soo gaadho iska caabbinta bulshada soomaaliyeed inay kala hadlaan dawlad walibana ay qaraar gaar ahaaneed qaadato sida haddaba ciraaq iyo afqaanistaan ka socda.
  2. ciidamadani ma haystaan miisaaniyad dabooli karta kharashaadka ay u baahanyihiin dawladaha qaarkood ciidamada ballan qaadaya ilaa hadda waxay sheegeen inayna dhaqaale u haynin ciidanka laga rabo inay keenaan sida mallaawi oo uu wasiirkeeda gaashaandhiggu sidaas sheegay waliba ciidamada midowga afrika uu daarfoor geeyay waxaa la soo daristay dhaqaalo xumo ba’an,mar haddii timirtii hore dabloo wayayna waa sheekadii naagtii xaabada qaadi weyday ee badsatay, caqabaddaas dhaqaaluhuna waxay keeni doontaa in dawladaha afrikaanka ahi xamili waayaan kharashka joogtada ah ee ciidamadaasi u baahnyihiin taas oo sababi doonta inay goor dhowba ka fakaraan sidii ay soomaaliya uga bixi lahaayeen.
  3. ciidamadani waxay ka imanayaan waddamo kiristaan ah

    oo aan xidhiidh dhow iyo mid fog midnaba soomaliya la lahayn qaar cadow u yihiin, taasina waxy keeni doontaa in soomaalidu il shaki leh ku eegto kalsoonina siin waydo maxaa yelay ciidamdii unisom ee maraykanku hoggaaminayay waxay ku qaybiyeen gobolada koonfureed bayballo iyo buugaag diimeed kale oo  badan oo kiristaan ah haddana aamin lagama aha in ciidamadani kiristaamayn la yimaadaan oo ay weeraraan caqiidada islaamka ee bulshda soomaaliyeed rumaysantahay haddii taasi dhacdana waxay soo dadajinaysaa in soomaali oo dhami qoriga qaaddo ciidamada shisheeyana xoog isaga saarto intay meel dhigato khilaafka ayada u dhexeeya .

  1. ciidammo shisheeye waxaa soomaaliya lagu tijaabiyayay 1992-1995 ololihii loogu magac daray raja soo celinta ee maraykanku hoggaamiyay waxaana ka qayb qaatay 32 dowladood waxaana lagu khasiray maaliyayd aad u badan ugu danbeyntiina iyada oo dhibku intii hore ka sii batay ayay soomaaliya ka bexeen tijaabadanina tii kama ayaan badan doonto waliba middani waxay dheertahay inayba tahay gumeysi iska cad.
  2. ciidamdani waxay burburiyeen ammaan iyo horumar ay sameeyen maxaakimtu oo soomaali oo dhami u riyaaqday mana soo celin karaan iska daa inay mid kale keenaane wax macna ahna ma soo kordhin doonto inay iyagu xeryo isku ilaaliyaan oo ay shubka hoobiyaha muqaawamada isaga dhigaan waxa ay qabtaanna waxay uun noqon doonaan wax aan wax tar u lahayn bulshada soomaaliyeed taasina waxay keeni doontaa in si dhakhso ah loo noco bulshaduna meel uga soo wada jeedsato sidii loo saari lahaa .
  3. dadka deggan gobolada koonfureed si gaar ahaaneed ciidamadan waxay u arkaan ciidammo ku soo duulay oo naf iyo maalba naafeeyay kana shaqaynaya sidii ay ugu lagdi lahaayeen beelo kale oo soomaali ah oo xurgufi ka dhaxayso arrintaasina waxay soo celinaysaa dagaalkii ahliga ahaa nabaduna ceel bay ku sii dhici doontaa ciidamada shisheeyana colaadda aloosanta ayay daraf ka noqon doonaan xalkuna wuxuu noqon doonaa in iyaga waddanka dib looga saaro .
  4. waxaa hadda billowday ololihii lagaga hortagi lahaa ciidamada imanaya iyo itoobiyaankii sii joogayba waxaana samaysmay jabhado muqaawamo oo ay ka mid yihiin jabahadda islaamiga ah ee ka hortagga gumeysiga iyo muqaawamada shacabka oo  nabarro xanuun kulul u geystay ciidamada itoobya shalayna 06/3/2007 xayn hoobiyayaal ah ku soo dhoweeyay ciidamadii ugandha ee garoonka muqdisho ka soo degay, sidoo kale waxaa jira kacdoon shacab oo maalin walba maalinta ka danbeysa isa soo taraya , isla shalay 06/3/2007 shirweyne muhiim ah ayay beelaha hawiye ku yeesheen muqdisho oo ay ka soo saareen bayaan wax ku ool ah oo ay ku codsadeen in ciidamada itoobiya waddanka ka baxaan, taasina waxay daliil u tahay inaan ciidmada shisheeye soomaaliya lagu soo dhoweyn doonin geeri badanina ka soo horreyso.
  5. wadanka soomaaliya wuxuu gacanta u galay cadow soo jireen ah ( itoobiya) ciidamada afrikaankuna iyada ayay marti u yihiin daweynaha soomaaliyeedna itoobiya iyo waxa ay wadatoba waa isugu mid cadow bayna u arkaan taasina awxay keeneysaa inaan wax xidhiidh wanaagsan ahi dhax marin soomaalida iyo ciidamada afrikaanka ah oo aan ahayn dagaal iyo xabbad .

arrimahaas iyo kuwo kaleba waxay daliil cad u yihiin in ciidamada afrikaanka ahi fashil soo doonteen kuwa itoobiyana maalmo adag sugayaan waxaana la odhan karaa ciidamadani dhoobada uun bay sii qoynayaan ee xal ma keeni karaan umabana socdaan inay soomaaliya xal u keenaan waxeyna mari doonaan waddadii unisom markii la dilo oo ay shacabnka dilaan ayay kabaha booby doonaan kana fakari doonaan inay baaqiga u soo hadhay badbaadsadaan mana xaqiijin doonaan ahdaafta qarsoon ama muuqata ee ay u socdeen suura galna ma aha in soomaaliya dib loo gumeysto xilligan iyada oo sika kicisay ingiriis iyo talyaani iayada oo intan ka tira yar kana tabar daran .

Xasan maxamad ibraahim
xasanyare@msn.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com