SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlado cadaw ah, dagaal oogayaal iyo dad hurdaya!!!!!

Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com

Shacabka soomaaliyeed run ahaantii waa shacab kulansaday dhammaan intii midaysa bulsho meel wada degta. Hanoqoto diin, midab, dhaqan, iyo af intaba. Haddana markaad eegto qaska iyo qalalaasaha ka taagan wadankooda waxaad moodaa ummado kala duwan oo wax kulmiya aysan jirin. Taana waa nasiib daro ay abuureen dad midab soomaali leh laakiin u adeegaya dano wadamo cadow ah, oo danahooda gaarka ah ay ku xiran yihiin xasilooni la’aanta iyo in la kala qoqobo, si aysan ummadda soomaaliyeed waligood u arag awooda uu Allaah siiyey oo ah midda aan kor ku soo xusnay.

Wadamadaas cadowga ah si qorshahoodu i hirgalo, waxay dhab ahaantii heleen boogta ay ummadda soomaalidu leedahay oo la yiraahdo QABIIL. Si markaas aysan boogtaasi u bogsoonin waxay abuureen qabqablayaal dagaal oo had iyo jeer waran caaradiis ku gujiya boogtii bogsan lahayd.

Haddaba waxaan ogaanay in dhibka na haysta ay ka dambeeyaan wadamo cadow ah oo wata xeelado qarsoon, laakiin wata magac la yiraahdo XASILINTA SOOMAALIYA, iyo qabqablayaal dagaal oo u adeegaya fulinta qorshahooda aana fahansanayn ujeedada qarsoon ee ka dambeysa arinta ay fulinayaan.

Haddaba waxaa la gudboon dhamaan ummadda soomaaliyeed ee xilkaska ah meel walba oo ay joogaan dalka iyo dibadiisaba inay baraarugaan dareemaanna khatarta maanta wadankeena ku sugan yahay, lana raadiyo xal keena in ummadda walaalaha ah ay gacanta is qabsadaan meelna looga soo wada jeesto dhammaan qabqablayaasha dagaalka ee dhalinyarada iyo maangaabka ku adeeganaya iyagoo ku beerlaxawsanaya magac QABIIL iyo rajo been ah.

Taas haddii lagu guulaysto way sahlan tahay in aysan cadawgeenu helin fursad ay nagu kala qeybiyaan, danahooda gaarka ahna ay ku fushadaan.

Ugu dambeyntii, qof walba waxay masuuliyad ka saaran tahay Alla hortii, sii hurin warkeedba daaye, inuu gacan ka geysto xal u helidda dhibaatada ummadda soomaaliyeed ee qaan gaar dhaafka ah.

Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com