SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sidee wax looga qaban karaa Maxaabiista had iyo Jeer lagala Baxo Xabsiyada Puntland

joojeCabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay. 

Run ahaantii marka uu shil ama dhacdo ay soo korodho, layaab malaha sababta ay waxaasi u dhaceen, ee waxa muhiim ah in leys weydiiyo sidaa dhacdadaa loo xaliyey. Arimaha noocan oo kale ee ah xabsiyada lagala baxo maxaabiista, waa wax ka dhaca xitaa dunidan hormartay, laakiin markiiba waxbaa laga qabtaa, oo waxaad arkeysaa tallaabada deg degga ah ee markiiba la qaadayo iyo cawaaqib xumada ay helayaan dadka falkaa geystay. 

Puntland, oo ah maamul goboleed la asaasay kadib markii ay nagu daba dheeraatay dowlad la’aanta saameysay dhammaan dalki oo dhan, oona runti la oran karo waxey aheyd tallaabo ku dayasho mudan, ayaa haddana waxaad moodaa in falal ay dowladdu wax ka qaban karto oo iska basiid ah, ineeyan usoo jeedin. Markaad eegto arimo uu Maamulku yareysanayo ayaa ah kuwo aad iyo aad muhiim u ah, oo la’aantood runtii ay adag tahay in uu maamulku shaqeeyo. Haddii la oran lahaa Xabsiga la jabsaday wuxuu ku yiilay magaalo aad uga fog halka uu maamulku degan yahay, waa loo garaabi lahaa oo waxaanu oran laheyn waxa ugu wacan dhaqaale xumo ama askar yaraan, laakiin halkii uu maamulu deganaa in ay ka dhacaan labo dhacdo, oo midba midka kale ka daran, runti waa wax aad iyo aad looga naxo.  

Dhacdooyinkan hadda ka dhacay xabsiga Garoowe ayaa waxaad moodaa in qoloba qolada kale ay eeda dusha ka saareyso. Nin Mas’uul ah oo Maamulka Puntland u hadlay wuxuu eeda dusha ka saaray Askarta Puntland, qaar kaloo baddan waxey dush ka saareen inay ugu wacan tahay  magaalada Garoowe reerka degan, kuwo kale waxey eeda saareen inay ugu wacan tahay maamul xumada heysata Maamulka Puntland. Haddaba isku soo wada duuboo, runti wax walboo lagu sheego sababta, waxaan oran lahaa inay ka muhiimsan tahay in leys weydiiyo maxey hadda dantu ku jirtaa. 

Si arimahaa foosha xun ee soo noq noqday wax looga qabto ayaan anigu waxaan oran lahaa, anigoo cabbiraya fikirkeygan iska yar, inay muhiim tahay in la qaado tallaabooyinkan soo socda: - 

  1. In Danbiilayaasha lageeyo xabsi ka fog halka ay danbiga ku galeen, gaar ahaan la geeyo magaalo kale ayan horey u arag, si looga gudbo dhacdooyinka noocan oo kale ah.

  2. In Askarta ilaalisa xabsiyada lookala badalo, askari walba magaaladuu kasoo shaqo tegay mooyee mid kale.

  3. In askarta xabsiyada leysku dhafo oo xabsina ayan reer gaar ah gacanta ku heyn.

  4. In Maamulka Puntland uu xil gaar ah iska saaro, sidi loo dhaqaaleyn lahaa askarta ilaalisa xabsiyada, waayo waxey hayaan shaqo aan marna caadi aheyn, oo mar walba Mushaarkooda la ilaaliyo, si aanay u qaadan laalaab kale.

  5. In haddii ay suurto gal tahay xabsiyada halka laga dhisayo laga fogeeyo magaalada bartamaheeda ama Goobaha ay dadku ku baddan yihiin, oo laga dhisaa meel aad uga fog magaaladaa.

  6. In dhacdo waliba sida loo maareeyo, looga mahadceliyaa, loogu abaalgudaa ama lagu dalacsiiyaa askarta, si askari weliba uu u raadsado darajadaa.

  7. Sidoo kale askarigii ay ku cadaato inuu xiriir la yeeshay dadka falalkaa geysta isagana laga qaadaa tallaabo uusan marna kasoo kaban karin.

  8. In qaabka booqashada Xabsiyada ee dadweynaha caadiga ah wax laga badalaa, oo la adkeeyaa, si ay fowdada leysugu soo gabanayo ay u yaraato.

Runtii arimahan aan kor kusoo sheegay iyo arimo kaloo ka muhiimsanba waxaan qabaa haddii la dhaqan geliyo in wax baddan laga gudbayo. Maamulka Puntland waxaa ugu nasteexeyn lahaa in ay ku cibro qaataan, dhacdo walba oo soo marta, oo ay uga fakeraan ineeyan mar kale kusoo noqon. Taariikhda faa’iidada kaliya ay leedahay waa in cashar ahaan looga faa’ideysto waxyaalihii hore ee dhacay, si ayan adigu kuugu gaban. Laakiin haddii maalin walba waxa dhacay aanan dheg jalaq loo siineyn dhibkeeday leedahay, waana wax maamulka ku soo noqonaya. 

Waxaan hadalkeyga kusoo afjarayaa in dadweynaha reer Puntland meel walboo ay joogaan ay iska ilaaliyaan khaladaadka had iyo jeer ay galayaan wax magaratada, oo qofka xun tol malaha ee si wadjir ah leysaga qabtaa. Haddaanan maanta laga gudbin waxyaalaha yar yar ( Minor Cases ) ka ah, ogaada wax baddan buu dib u dhac nagu imaanayaa. Haleyska daayo eedeynta leysku eedeynayo wax aynaan ogeyn cidda ka danbeeysa, ee aynu ka fakarno sidee leysaga ilaaliyaa in waxaasi ay dib noogu soo noqdaan. 

Maamulka Puntland waxaan mar kale ku adkeynayaa, in wax walba loo huro sidi loo adkeyn lahaa nabadgelyada Puntland, oo dhaqaalaha Puntland ee maalaayacniga ku baxaya, waxaa ka haboon in lageliyo Amniga. Meel aan nabad laheyn runti nolol kama jirto. 

Arimaha qaar way dhici kartaa inaan dhaqaale loo heyn, laakiin haddana mar walba waxaa leysku dayaa sidii dhaqaale loogu raadin lahaa arimaha muhiimka ah ee ay ku xiran tahay nolosha dadka reer Puntland. Dhaqaale raadintu meel walbey ka iman kartaa, ee waxaa loo baahan yahay in loo kaco uun, oo laga run sheego. 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Social Development Adviser

Halkee ayey ku danbeysay Gacankii Hodanka (Qandala)Akhri...


Yaa u Maqan DHibanayaasha iyo Bukaanka Soomaaliyeed

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

Soomaali meel walboo ay joogto waxaa ay ku mashquulsan tahay, halkee ayeynu kala mareynaa annaga iyo reer hebel. Halkee ayey mareysaa Dowladdii, reer hebel maxaa ku dhacay, BBC di maxey sheegtay iyo waxyaalo kaloo fara baddan. Waxa laakiin isweydiin leh, dhanka kale aaway maatadii iyo dadkii dhibanaa yaa u maqan. Yaa lagu haleeyay oo laga sugayaa inay wax u qabtaan.Weli ma isweydiisay akhristow dhibane hebel ama heblaayo halkee ku danbeysay warkeeda oo ma caafimaaday, ma dhimatay, tolow yaan ka wareystaa.

Soomaaliya waayahan waxaa aad iyo aad ugu soo batay dadka dhibanyaasha ah oo weliba uu haleelay cuduro aan horey looga aqoon Soomaaliya. Cuduradaas waxaa oran karaa bacda Allaah, waxaa ugu wacan dhulkeena baadida ah oo cid ilaashaneysaa aanay jirin iyo waxyaalaha naloo qariyo ee lagu duugo, ha noqoto suntan badaheena lagu daadsho, qashirka nukliyerka oo cid naga ilaalisa aanay jirin. Iyo wax ma garato soomaaliyeed oo iyagu heshiisyo lasoo gala shirkadahaasc qashinka iska soo fogeeya.

Hadaba natiijadii arimahas waxey noqdeen in waddankeena lagu arko waxyaalo baddan oon horey looga aqoon. Waxa maalin walba aad ku arkeysaa arin kaa yaabisa Interneryada Soomaalida, oo runti aad ugu dadaala inay arimahan Bulshada u soo gudbiyaan, waa haddii la helayo dad akhrisata oo wax ka qabta.. Arimaha waayahan danbe aad loo soo bandhigay waxaa ka mid ah sida, wiilka yare e sanad jirka ah, ee ay warbaahinta Deyniile soo bandhigtay ee madaxa uu weynaanayo, sidoo kale dhibanayaal kale oo ku jira shiishada Puntland post, 4somaliwomen, iyo qaar kaloo baddan.. haddaba waxaan keligay isweydiiyaa war arimaha kaloo dhan waqti looga hadlo waaloo hayaayee, maxaa dadkan dhiban xitaa nus daqiiqo loo siin waayey ka hadalkooda.

Waxa maalin dhaweyd aan aad iyo aad ugu farxay sidi diiranetyd ee loogu soo dhaweeyey gabadhi yareyd { Muraayo } eek u dhibaneyd xamar, marki ay tagtay Dalka Mareykanka iyo sidi ay jaaliyadi Soomaaliyeed ee halkaa ku nool ay arimaheedii ugu guntadeen. Runti waa arimo ku dayasho mudan. Sidoo kale waxaan aad iyo aad uga naxay geeridi ku timid Gabadhi Xabiibo oo iyaadana ka mid aheyd dadka ku dhiban Soomasaliya Dhammaan waalidkeed iyo eheladii ay ka geeriyootaybna waxaan leeyahay Allaha idinka sabar siiyo.


Haddaba waxa haboon in leysku baraarujiyo war side wax loogu qaban kara dadkaa Soomaaliyeed ee dhibtu ku heysato gudaha Soomaaliya oo cid u maqan ayna jirin. Dadkan oo baddankooda u baddan dad danyar, oo aan wax taakulo ah helin habayaraatee, ayaa haddana waxa lasoo gudboonaaday dhibaatooyinkaa caafimaad, oo cid wax uga qaban karto waddanka gudihiisa ayan jirin. Waxaa runti jira dad baddan oo isxilqaama oo arimahood gala, laakiin sidi loo baahnaa wax uma helaan.


Anigu waxaan talo ahaan kusoo jeedin lahaa in dadkaasi si wadajir ah loogu gurmado, oo qof walba kaalinta uu waxqabadkooda ka qaadan karo uu la bar bar istaago. Midka qalinkiisa wax ku gaarsiinaya dadka, kan rugaha ay dadku isugu yimaadaan wax uga soo ururinaya, kan lacagtiisa ku taageeraya, kan hay’adaha caalamiga ah wax u weydiinaya iyo kan kusoo qoraya Jaraa’idka uu tafatiraha ka yahay ama Webside kaba. Run ahaatii ummaddu haddey is xilqaanto, oo qof walba uu kaalintiis qaato wax baddan baa qabsoomaya. Laakiin haddii dhibanaha loo arko reer qansax ama Reer qurac iyaduna waa ayaandaro halkeeda taagan. Soomaaliyeey Damiirka iyo caqligaba kaashada, oo naxariista badiya. Xadiis baa wuxuu ahaa ( Arlada u naxariisata, Samada haleydinka Naxariistee ).


Aaway qoraayadii hormuudka u ahaa shiishadaha ay Soomaalidu wax kusoo qorto, gaar ahaan Qoraagii sanadka Xasan Carab, sidoo kale qoraayadii waaweynaa sida, Cabdiwaaxid Khaliif, Cabdullaahi Siyaasi, Zahra Xirsi, Amiin Khasaaro iyo qoraayada kale ee caanka ah ee aalaaba arimaha Soomaaliya wax ka qora, mey arimahan u istaagaan oo dadka ku baraarujiyaan, miyaanay arag dadkan dhiban ee allaah mooyee cid kale oo wax u qabatey aanay jirin. Fadlan arimahan haloo kaco, oo haleysku baraarujiyo.

Sidoo kale waxaan halkan ugu baaqayaa dhammaan dadka uu Allaah hantida siiyay, oo u nimceeyay inay hantidooda wax ka sadaqeystaan, oo dadkaa dhiban ay u istaagaan inay wax ku taraan. Ogow cid Caafimaadka loo ballanqaaday ma jirto, oo marka ay masiibadu kaa maqan tahay cid kale oo kheyrkaa ah ayey ku maqan tahay. War hooy Allaah halaga baqo oo dadkan dhiban haloo gar gaaro.

Waxaan kaloo ku baraarujinayaa dhammaan taftirayaasha websid yada Soomaalida inay arimaha noocan oo kale, haddii uu mid ka mid ah soo qaato ay kuwa kalena ka qaataan, runti waa arimo samafal, oo tan oo kale uma baahna ( Copy right ), sida ay aniga ila tahay.

Sidoo kale £1 ama $1, xitaa haddaad ku dari karto waxtarkiisa runti aad bey muhiim u tahay waayo lacagahaa baddan aad aragta waxey ka yimaadeen centi lagu daray centi, ee marna ha fududeysan sadaqada.

Waxaan halkan mahad uga soo jieedinaya shaqsiyaadka iyo Homepageyada aalaaba xil iska saara sidey dadkan dhiban u soo gudbin lahaayeen, sida, Deyniile, Puntlandpost, Somalitalk, Somaliweyn, 4Somaliwomen, Codka haweenka ( Qamar salad ), Caliyaale.Com, iyo qaar kaloo baddan. Waxaan idiin leeyahay halkaa kasii wada soo bandhigidda iyo baraarujinta aad nagu baraarujinaysaan sidi dadkaa wax loogu qaban lahaa.

Waxaan hadlkeyga ku soo gabgabeynayaa Allaha inaga dhigo kuwa wanaaga isugu taageera, xumahan iska reeba, kaayaga dhibaateysanna u gargaara. Aaaaaamiiiiin.



Wabillaahi Towfiiq


Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social development Adviser


 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007



DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com