SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii Caalamka:::

Jun 10, 2007

Xamiid Karzai-ga Afgaanistaan oo ka badbaaday weerar lala beegsaday

Madaxweynaha dalkaasi Afgaanistaan Xamiid Karazai ayaa ka badbaaday weerar lala beegsaday xilli uu booqanayey iskool wax luugu barto. Xamiid Karazai ayaa waxaa booqasho ku tagay iskool ku yaala tuulada la yiraahdo Miri oo ka tirsan gobolkaGhazni oo xagga koonfur galbeed ka xigta 20 mayl magaalada caasimada ah ee Kaabuul, waxaana la sheegay inuu u qudbadeynayey dad kor u dhaafay 500 ruux kuwaasoo uu kala hadlayey arrimaha deegaanka.

Afhayeen u hadlay dowladana waxaa uu sheegay in sedex gantaal lugu soo tuuray mid kamid ahina sida uu sheegayo sawir qaade ka tirsan wakaalada wararka AFP uu ku qarxay meel u jirta dhismaha uu joogay madaxweynaha 150. Ciidamada Mareykanka ee iyaga ku sugan dalkaasi oo ilaalo ka hayey halka shirkaasi ku qabanayey Xamiid Karai ayaa sheegay in labo gantaal la soo tuuray kuwaasoo mid kamid ah aan qarxin halka kan kalena la qarxiyey.

Dhinaca kalenna afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay iney gameen dhinacooda 12 gantaal kadib markii uu soo gaaray warar sheegaya in deeganadasi uu booqanayo Xamid Karai. Sanadihii ugu dambeeyey Xamiid Karai waxaa uu ka badbaaday isku day labo jeer lugu qaarajin lahaa.

Dad gaaraya 600.000 oo ku guryo beelay roobab ka da'ay dalka Shiinaha



Ugu yaraan dad garaya 66 ruux ayaa la runsan yahay iney ku dhinteen halka 12 ruux kalena lugu weynsan yahay kadib markii roob mahiigan ah ay ka da'een koonfurta dalkaasi. Dad lugu qiyaasay 600.000 ayaa ka cararay guryahooda dabeylaha iyo roobabka xooga leh ee dalkaasi ka da'ay. Dhinaca 48.000 oo guri ayaa burbur soo gaaray halka boqol kun oo ruuxna ay dhaawacyo soo gaareen. Dhul beereedyo 300.00 oo hekto ayaa iyagana roobabkaasi wax yeeleeyaan. Dowlada dalkaasi oo qiimeyn ku sameysay qasaarahaasi roobaka ay geysteen ayaa ku tilmaamay adduun xoog leh. Afar maalmood oo isku xigta ayaa waxaa dhanka koonfureed ee dalkaasi ka da'ay roobab xoog leh oo dadkii iyo duunyadii waxyeelo u geystay.

Jun 9, 2007

Sergej Ivanov: "Hormarka dhaqaalaha ee Raashiya waxaa hortaagan musuq maasuq ka jira"

Dalka Raashiya ayaa hormar xagga dhaqaalaha oo ay ku talowsan laheyd waxaa hortaagan musuq-maasuq hareeyey. Hadalkan waxaa yiri ra'iisal wasaaraha ku xigeenka dalkaasi Sergej Ivanov oo ka waramayey xaflad furitaanka shir looga hadlayey dhaqaalaha oo ka furamay gobolka S:t Petersburg. Waxaa kale oo uu sheegay in sanadka 2020-ka marka ay tahay ay dalkiisa kamid noqon dalalka dunida hogaamiya dhaqaalaha iyadoo hanaan dimoqraadiyadeedna ku saleysan tahay.
Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalkaasi ayaa dhinaca kale la runsan yahay inuu yahay nin heysta fursad qaali ah hogaaminta dalkaasi marka xilka uu ka dago madaxweynaha haatan talada haya ee Vladamir Putin.

Australia oo lix qof ugu dhinteen Dabeylo ka dhacay

Ugu yaraan lix qof ayaa la runsan yahay iney ku dhinteen dabeylo ku dhiftay dalkaasi Australia dhinaciisa koonfureed.
Magaalooyinka waaweyn oo ay kamid tahay magaalada caasiamda ah ee Sydney ayaa waxaa soo gaaray waxyeelo xoogan taasoo sababtay in ka badan 200.000 oo guri ay korantada ka go'do. Dadka shacabka ah ee dabeylahaasi ka baxsanayey ayaa qaarkood waxaa ay kahaleeshay buundada korkkooda kuwaasoo ay oo horey u sii kaxeysatay.

Imaamyada Norway oo ka hadlay qaabkoo digaaga dalkaasi loo xaleeyo


Imaamyada muslimiinta ah ee dalkaasi Norway ayaa walaac ka muujiyey qaabka loo xaleeyeyo digaaga muslimiinta cunaan ee xalaasha ah. Waxaana ay dadweynaha u sheegeen ineysan cunin xitaa hadey ku taalo "halal". Amuurtan ayey imaamyada isku raaceen in digaagada la suuxiyo ka hor intaan la gowracin waxaana ay sheegeen in talaabadaasi tahay mid aan waafaqsaneyn sida islaamku farayo.
Wargeyska la yiraahdo Aftenposten oo amuurtan wax ka qoray ayaa sheegay in imaamyada ay ku wargeliyeen hey'ada u qaabilsan cuntada iney baaritaan ku sameyso balse ay hey'adu ay sheegtay in qaabka muslimiintu wax u gowracdaan aysan mid qorshahooda ku jirtay. Gudoomiyaha gollaha muslimiinta dalkaasi ninka la yiraahdo Shoaib Sultan waxa uu sheegay in arintu aysan aheyn mid hal dhianac ah balse tahay mid dowladood oo u baahan in wax laga qabto. Waxaana uu hadalkiisa ku daray intaas in 20% digaaga la suuxiyey ka hor intaan la gowracin waxaana ay kala hadleen hey'ada cuntada dalkaasi si jawaab uga bxiso balse waxaa uu sheegay iney helaan jawaabo kala duwan islamarkaasina ay baahan yihiin ciddii ay si rasmi arrintan kala hadli lahaayeen.

Xarunta lugu gowraco digaaga ee la yiraahdo Elverum ayaa laga soo weriyey in hanaankaasi digaaga u gowracaan, dhinaca kalena ninka u qaabilsan arrimaha warfaafinta Ellen Flų Skagen ayaasheegtay in haddii dowlada ay amuurtan wax ka qabaneyso ay dhinacoodana diyaar u yihiin. Arrintana waa markii ugu horeysay ee dalkaasi ka dhacdo. Lamana oga saameynta ay ku yeelan kareyso muslimiinta dalkaasi haddii dowlada aysan wax ka qaban weydo.

Jun 8, 2007

Warbixin soo sheegay in CIA-du ay si qarsoodi ah garoomo Yurub ku yaal u adegsatay

Inkastoo warbixinta amuurtan la xirriirta horey loo shaaciyey xukuumada Washington-na aysan bixin wax hadal ah oo lugu qanci karro ayaa ugu dambeyntii gudi ka tirisan Komishinka Yurub waxaa ay sheegeen iney hayaan cadeymo la xirriira in saraakiisha sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaano ay si qarsoodi ah duulimaadyo ay ku soo daabulayeen dad u badan muslimiin lugu eedeyey iney yihiin Argagxiso uga sameysay garoomo ku yaala dalalka Yurub gaar ahaan kuwa bari. Gudiga Komishinka Yurub oo muddo sanad ku dhawaad arrintan baaritaan dheer ku sameeyey ayaa waxaa ay sheegeen in haatan ay hayaan cadeymo rasmi ahwaxaana dalal ay kamid yihiin Polan iyo Romaniya oo farta ku godan tahay ka qeyb qaadashooda buuxda ee amurtan iney kaga soo jawaaban eedeymahaasi.

Xildhibaan u dhashay wadanka Swetzerland oo magaciisa la yiraahdo Dick Marty ayaa xaqiijiyey in kumanaan duulimaad oo lugu soo daabulayo dadkaasi argagaxisada lugu tuhmay ay ka dhaceen gayiga qaaradan Yurub iyagoo iskaashi caalami ah yeeshy kuwaaso laga soo bilaabo qaarada, Eeshiya, Laatin Ameerika iyo Afrika. Xildhibaankan oo ah isagu ah ninkan howshan hormuudka u ah ayaa sidoo kale tibaaxay dalalka ku yaala qaarada ay ogaal buuxa u lahaayeen waxyaabaha ay CIA-du ka fulineyso dalalkooda.Waxaana uu intaasi ku daray iney jiraan xabsiyo qarsoodi ah oo dadkaasi la tuhmayo lugu wareysan jiray kuwaasoo misna ka baxsanaa qawaaninta caalamiga ah. Waxaana dhacda buu yiri in "tacadiyo iyo jir loo geysto iyagoon ogeyn waxa lugu soo xiray".

"Waxaa jira haatan cadeymo buuxa oo la xirriira in xeryo qarsoodi ah oo ay CIA-du ku howlaneyd ay jireen sanadihii 2003-ta ilaa 2005-ta, waxaana kamid ah meelaha xabsiyadaasi qarsoodiga ah laga hirgeliyey Polan iyo Romaniya" ayuu yiri Dick Marty oo warbixin ka kooban 72 ka diyaariyey. Warbixintiisa waxaa kale oo ku sheegay in Khalid Sheekh Maxamed oo ay CIA-du aaminsan tahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyadii Mareykanka in dalkaasi si qarsoodi ah loogu hayey ka hor intaan loo duulin xabsiga Guantanamo ee jaziirada Kuba.

Labadan wadan ayuu sidoo kale Marty ku sheegay iney qeyb weyn ka qaateen qorshah CIA-da ee ku saleysan" dila, soo qabta, ciqaaba "argagaxisada laga shakisan yahay". Romaniya waxaa sidoo kale uu ku sheegay warbixintiisa "Iney ku faraxsaneyd taageeradii ay siiyeen Mareykanka" "Waxaanu heynaa cadeymo buuxa oo muujineysay sida hogaanka sare ee dalkaasi ay ula socdeen howlagalada sharci darada ah ee dhulkooda laga fuliyey" ayuu yiri Marty oo muujiyey sida labadaasi dal ay u noqdeen gacanta Midig ee Washington iyo amuuraha ku taxaluqa argagaxiso la diririka.

Xukuumada Romaniya waxey isla maantaba ka jawaabtay warbixinta gudiga komishinka Yurub waxaana ay ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona laheyn cadeymaha la hadal hayana ay yihiin kuwo aan sugneyn. Dhinaca kale wasiirka gaashaadhiga dalka Poland Jerzy Szmajdzinski oo isaga laftiisa farta ku fiiqday warbixintu ayaa iska fogeeyey eedeymahaasi mar uu waramayey wafidiyeenadana waxaa uu sheegay in arrintu tahay "Mid lugu dhuminayo waqti iyo maaliyad".

Ugu dambeyntii warbixinta waxaa kale oo ay gaashaanbuurta Nato ku tilmaamtay kuwo fududeeyey howlagalada CIA-da ee Yurub ka sameysay. Baarlamanka Yurub ee Bryssel waxaa ay warbixintan ku tilmaameen "mid uurkutaalo leh" Ninka midowga Yurub u qaabilsan su'aalaha la xirriira amniga Franco Frattini waxaa uu labadaasi dal ka codsaday iney si deg deg ah ula yimaadaan cadeymo la xirriira "xaqiiqda" xubnaha kale ee bahwadaagta ahna waxaa ku buuriyey iney la shaqeeyaan Gudiga komishinka Yurub tanoo iyadana mr Marty uu sheegay ineysan marnaba iman.

Mid kamid ah shaqaalaha Q M oo musuq-maasuqnimo lugu soo eedeyey

Mid kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa lugu soo eedeyey wax isbamareyn ku tagrifal howlaha Qaramada Midoobey. Ninkan oo u dhashay wadanka Hindiya, magaciisana la yiraahdo Sanjaya Bahel ayaa lugu eedeynayaa in nin ay saaxiibo ahaayeen u sahlay kontoraad adduun dhan 50 malyan oo dollar. Ninkan oo sanadkii hore dacwadiisa la qaaday ayaa ku sigtay in 90 sanno lugu xukumo balse waxaa uu ku dooday saaxiibkiis uu siiyey oo keliya warbixin u sahashay saaxiibkiis in shirkadiisa ay iydana wax ka hesho dhaqaalahasi. Xaalka ninkan ayaa haatan loo wareejiey Mareykanka Xoghayaha guud-na waxaa uu hadal uu bixiyey ku sheegay inuu ku qanacsan yahay cadaaladana ay banaanka timid. Ninkan eedeysanaha oo haatan kiiskiisa hortaalo maxkamad ku taala Mareykanka ayaa qarka u saaran in xabsi dheer muto.


Jun 6, 2007

Fidel Castro oo wareysi TV ah bixiyey

Madaxweynaha wadankaasi Kuba ee indhawaaleba xaaladiisa caafimaad liidatay muddana cisbital ku yaala dalkaasi ku jiray ayaa waxaa uu bixiyey wareysi xaga telefeyshinka ah. Castro oo muuqaalka sawirkaasi laga daawaday telefeyshinka waxaa uu muuqday mid xaalaadiisa ay wanaagsan tahay muuqaaladii hore . Wareysiga telefishineedkan oo la qaaday maalintii isniinta sida uu ku waramayo telefeyshinkasi ku hadla afka dowlada ayaa waxaa uu ka hadlay booqashadii dhawaan ugu yimid madaxweynaha wadankaasi Veitman Nong Duc Manh oo ay labaduba yihiin hogaamiyeyaal mabaa'diida shuuciga ku maamula dalalkooda.

Telefeyshinku inkastoo aan si rasmi ah u shaacin waxey labadan hogaamiye ka hadleen hadana waxaa muuqata in muuqaalkaasi ahaa mid lugu beeninayo hadalo daacayad ah oo saxaafada reer galbeedku ka qoreen hogaamiyehaasi. Feidel Castro muddo haatan sanad laga joogo ayaa waxaa la soo deristay xaalad caafimaad darro ah taaso keentay in xukunka uu ku wareejiyo walaalkiis Raul, qaliino badan oo xagga caloosha ah loogaga sameeyey.

Bush oo weeeraray Shiinaha iyo Ruush-ka

Madaxweyne Bush-ka dalkaasi Mareykanka oo haatan socodaalo ku bixinaya qaaradan Yurub ayaa waxaa uu cambaareeyey siyaasadaha dalka Shiinaha iyo Ruushanka. Hadal uu shalay ka jeediyey magaalada Prag ee xarun u ah wadankaasi Czech ayuu wuxuu si daran u cambaareeyey. "Ruushanka waxey beri hore balan qaadeen qorshe ay ku adkeynayeen hormarka shacabka, laakin taasi markey hakad kutimid waxaa soo baxay walaac ah iney dimoqraadiyada ay hormar sameyn weyso." ayuu yiri Bush oo ka hadlayey kulan loogaga hadlaayey Dimoqraadiyada iyo xaquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka reer galbeedka ah isagoo dhinaca kalenasocdaal uga bilaabatay dalalka Yurub oo maanta uu ka furmayey shirkii dalalka la baxay G8 ee xagga wax soo saarka ku hormaray kaasoo ka furmayey dalka Jarmalka . Sidoo kale waxa uu ka hadlay hormarka xagga dhaqaalaha ee dalka Shiinaha ku tilaabsaday."Hogaamiyeyaasha Shiinuhu waxey aaminsan yihiin iney sii socon kareyso dhaqaalaha dalka ee lafuray iyadoon aan lafurfurin hanaanka siyaasadeed" ayuu yiri madaxweyne Bush oo ay ka muuqatay xamaasad xilli uu hadaladaasi jeedinayey.

Dhinaca kalena waxaa uu ka hadlay gantaalada yaalada dalkaasi Czech iyo Polan ee muranka haatan ka dhaliyey Washington iyo Mascow. "Dagaalkii qaboobaa waa uu dhamaaday, Ruushkana maahan iney ka cabsadaan qorshaha gantaalada" ayuu yiri Bush oo intaasi sii raaciyey in dhigiisa Putin ay ku kulmi doonaan shirweynaha G8 ee maanta dalka Jarmalka ka furmay."Fariinteyda waxey ku socotaa Vladamir,isaga ayaana la hadlayaa. maxaadan noola shaqeyneyn, mana u baahnid inaad ka baqdo hanaanka difaaca gantaalaha? Waxaad noo soo dirtaa, jeneraaladaada si ay u eegaan hanaanka ay gantaaladan u shaqeeyaan soona dir qubaradaada xagga seyniska" ayuu yiri misna Bush oo si weyn hadaladaasi jees jeeska ah u jeediyey dhigiisa Raashiya.
Madaxweynaha Ruush-ka ayaa kal hore waxaa uu gantaalahaasi ku tilmaamay kuwo lugu daan-daansanayo waxaana meesha ka saaray hunu-da ah inuu difaacayo gantaalo laga yaabo iney Iiraan yeelato kuwaasoo u dhigma kuwa Mareykanku hadalyo.

Shirkii G8 oo dalka Jarmalka ka furmay iyo xiisad hareysay

Inkastoo kulankani ahaa mid siweyn loogu diyaar garoobay qabsoomidiisa hadana waxaa hareeyey xiisad hordhac aheyd taasoo ku aaadan gantaalaha difaaca ah ee labada dowladood siyaalo kala duwan uga hadleen iyo heshiiskii cimilada ee "Axdigii Kyota" oo Mareynku ka cago jiidayo.Waxaana qorshaha shirkani ahaa mid ajandahiisa looga hadlo isbadalka cimilada iyo dhimista qaaca sunta hawada loo diro. Xukuumada Washington waxaa ay diiday iney ugu yaraan 50% yareyso wasaqda hawada loo dirro. Balse kulankan ayaa warfidiyeenada jooga halkaasi kasoo sheegeen in labada hogaamiye ay hadalo ad adag is dhaafsadeen.

Putinka Raashiya waxaa uu ka digay gantaalaha Washington damacsan tahay iney ka sameyso Czech iyo Poland kuwaasoo horey saldhigyo uga ahaa dalkii Midowga Soofiyeeti ee burburay,waxaana uu sheegay inuu bartilmaameedsan doono hadaan dib looga laaban inkastoo qudhiisa uu dib ka muujiyey dabacsanaan hadana waxaa uu tilmaamay iney qarateeda leedahay.
Hogaamiyaha Britian-na waxaa uu labada dowladooda ka codsaday iney yeeshaan wadahal ku saleysan daacadnimo soo looga hadlo arrimaha ay isku hayaan.


Wararkii: June 5, 2007

Garsoore Mareykan ah oo diiday in dacwad lugu soo oogo labo kamid ah maxaabiista Guantanamo bay 

 
Garsoore Mareykan ah ayaa gaashaanka u daruuray in wax dacwad ah lugu soo oogo labo maxbuus oo ka tirsan maxaabiista xabsiga Guantanamo bey ee jaziirada Kuba. Garsoorahan ayaa sheegay in darawalkii Sheekh Usama Bin Laadin ee magaciisa la yiraahdo Saalim Axmed Xamdaan aysan aheyn mid aqbal ah. Waxaa uu sidoo kale sheegay garsoorahan in dowlada aysan la iman cadeymo buuxda o la xirriira ninkan in ku dhaqaaqay "fal sharci darro ah ama dagaal cadowga lugula jiray".
 
Sidoo kale ninka isna la yiraahdo Cumar Khadar oo isagu heysta dhalasho kanadees ah ayaa warbixin dhameystiran oo la xirriirta dacwad lugu soo oogo lugu sheegay ineysan jirro cadeymo la xirriira dagaal cadowtanimo ah oo dowlada Washington kula jiray.
 
Xabsiga Guantanamo bey ee jaziirada Kuba ayaa waxaa ku jira maxaabiis badan oo u kala dhashay dalalka Islaamka kuwaasoo intoo badan lugu soo qabtay dagaalka Bush shaaciyey ee ka dhanka ah waxa uu ku sheegay "Argagaxisada" kaasoo lugu qaaday dalka Afgaanistaan sanadkii 2001-da, kaasoo xukunka loogaga tuuray maamulkii Talibaan ee nabadgalayada siinayey hogaamiyihii Alqaacida ee Sheekh Usama Bin Laadin.
 
 
                          Jabhada ETA oo xabad joojin jebisay
 
 
Jabahda gooni u goosidka dooneysa ee dalkaasi Isbeyn ayaa shaaca ka qaaday iney ka baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay horey ula gashay dowlada dalkaasi Isbeyn. Wargeys ay leeyihiin kooxdan Bastiyiinta ah ayaa lugu sheegay "Jabahadu aysan sii wadeyn xabad joojintii horeu jirtay".
Dowlada Isbeyn ayaa iyadana dhinaceeda waxaa ay goysay xirriirkii ay jabahadaasi la laheyd  bishii dicember ee sanadkii hore kadib markii jabahada la sheegay weerar lugu qaaday gegida diyaaraha Madrid ee dalkaasi oo ay ku dhinteen labo ruux.  
 
Mareykanka oo wiil sanad jir ah loogu ogolaaday inuu yeesho bastoolad
 
 
Soomaalaa horey u tiri "Cimrigaada dheerada geel dhalaayana waa ku tusaa" Taasoo ah dabcan hadaad dunidan guudkeeda saaran tahay aad arkeyso waxkasta oo yaab iyo tacajab kugu abuura.
Dalka Mareykanka oo maanta ah dal siyaasad, dhaqaale iyo awood ahaan sheegtay inuu yahay mid looga dambeeyo ayaa waxyaabaha ka jiraa ay maxskadaada diideysa iney aqsbasho. Waxaad durba isweydiineysa dalka ceynkaas ah oo nidaamka noocaas leh miyaa doonaya in dalalka adduunyada inta tago nabad ka dhalinayo. Dabcan arrinta sidaas wey noqon kartaa "DIID AMA HADDII DIIDIN"  
 
Hadaba aabbe lugu magacaabo Howard Ludwig ayaa wiil sanad jir ah waxa u dalbay ogolaanshaha ah in wiilkiisa yeelan karro bastoolad ama qori. Aabahan ka sheekeynaya sida ay arrintaasi ku dhacday ayaa yiri "Waxa aan soo qaatay warqad foom ah oo aan ku buuxiyey codsiga lahaansha wiilkeyga ku yeesho hub, waxaan ku qoray warqada inuu wiilka miisaankiisa yahay 11 kilo dhererkiisana 60 cm.Waxaan markaas daba raaciyey sawirkiisa ah" Aabahan oo yaab iyo tacajab ku abuurtay ogolaanshaha wiilka la siiyey ayaa amkaag ku dhacay." Waxaan sugayey warqad jawaab ah oo la igu leeyahay waxaad tahay "Idiot ama Axmaq" Laakin taasi mey dhicinoo waxaanba helay ogolaansho la igu sheegayo in wiilkeyga oo sanad jir ah uu yeelan karro baastoolada magaceeda la yiraahdo Beretta.
 
Ninka lugu magacaabo Scott Compton oo ka tirsan booliska magaalada Illinois ee iyagu bixiye sharciga hub lahaanshaha ayaa mar isagoo ka jawaabaya su'aal aheyd cunug 11 bilood ah ma qaadan karra bastoolad ayuu sheegay in wiil 11 bilood jira uusan hub yeelan karin, balse wuxuu hadalkiisa raaciyey " Mareykanka kama jiro da' u qaas ah oo qofku qaadan karro hubka". Isku soo duuboo markii mareykanka oo weli la oran karro waa dal dowlad iyo kala dambeyni ka jirto ilamaha aan sanad jirsan ay hub qaadan karaan maxaad mooda dalalka fowdada iyo xasaraduhu ka taagan yihiin sida Soomaaliya oo kale?  
 
                                                Ma ogtahay? 
 
Ma ogtahay in maanta oo kale in calaamka daafihiisa kala duwan ee dunida looga dabaal dago  maalintaa caalamiga ah ee "Deegaanka Dunida". Ma ogtahayse akhriste in shirkii ka dhacay ka dhacay magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden sanadkii 1972-kii uu ahaa mid loogaga hadlayey maalinta deegaanka. Ma ogtahayse maalintaasi ay kamid tahay maalmaha xisaabta ugu jirta maalmaha sida weyn loo qiimeeyo.
 
Ma ogtahay akhristow xoghayihii arrimaha dibada ee dalkaasi Mareykanka ee la oran jiray George Catlett Marshall in sanadkii 1947-dii uu soo bandhigay qorshihii loogu magac darray  "Marshallplan" Mase ogtahay in qorshihii Marshall uu ahaa mid lugu doonayey in dib loogu dhiso qaarada Yurub ee sida baaxada leh u burburtay kadib dagaalkii 2aad ee dunida, mase ogtahay dalalka uu saameynta weyn ku yeeshay dagaalkii labaad ee dunida iney aheyd dalka Jarmalka?.
 
Ma ogtahay wasiirkii Gaashaandhiga dalkaasi Ingiriiska ee la oran jiray ee la oran jiray John Dennis Profumo uu jagadii uu hayey iska casilay kadib markii uu ka been sheegay xirriir kala dhaxeysay gabar dhalinyaro ah oo la oran jiray Christine Keeler mase ogtahay in gabadhaasi ay aheyd gabar xayeysiiso huga islamarkaasina ka cayaari jirtay baararka qamriga lugu cabo.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com