SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 Jun 2007.
 
Dagaallo khamiistii lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.
 
Xasuuqii ay ciidammada gumaysigu wadeen oo wali socda
 
Dad ay ciidammada gumaysigu la tageen oon war laga helin.
 
Jaaliyadaha Ogaadeenya oo ka bannaanbaxaya xasuuqa Ogaadeenya .
 
Barnaamijkii  Xog-Warran(Wargaysyada caalamku waxay ka qoreen warbixintii Jeffery).
 
======================            
 
 
Dagaallo khamiistii lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.
 
Wariyaha RX uga soo warrama jiidda hore ee dagaalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo kala duwan oo maalintii khamiista ahayd ee bisha Juun 21-ka ahayd si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
Tuulada Caa-cdheere, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maraya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 9 askari.
 
Dagaal adag oo isaguna Booraale ku dhex maraya CWXO iyo kuwa maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya, waxaa maxaysatada Itoobiya lagaga dilay 45 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 20 askari.
 
Malabley, oo ka tirsan degmada Dhanaan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Weerar gaadmo ah oo CWXO ay ku qaadeen kuwa gumaysiga ee ku sugan Garigo’an, waxay kaga dileen 6 askari, 4 kalana way kaga dhaawaceen.
 
Xasuuqii ay ciidammada gumaysigu wadeen oo wali socda
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa wali sii wada xasuuqii ay beyahanba ka wadeen dalka Ogaadeenya, ka dib markii ay ku guul darraysteen dagaallada ay kula jiraan ciidammada geesiyiinta ah ee waddinaga xoreynta Ogaadeenya. Xasuuqaas ayaa maalinba maalinta ka denbaysa ka sii daraya, iyadoo ciidammada gumaysigu si indha la’aan ah dadwaynaha u gumaadayaan.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 20/06/07 waxay cidammada gumaysigu tuulada Diyaar iyo nawaaxigeeda ku laayeen dadka kala ah;
1-    Faadumo-shuun Shire
2-    Axmed Cabdi Xaamud, oo wiil yar oo labo sano jira iyo
3-    Maxamed Cabaade Axmed Xasan.
 
Waxay sidoo kale isla maalinkaas dhaawacyo gaadhsiiyeen dadka kala ah;
1-    Ruqiya Aaden
2-    Cabdi Axmed Surre, oo 8 sano jira
3-    Maxamed Axmed Surre, oo isaguna 1 sano jira
 
Isla 20/06/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Gocondheele dadka kala ah;
1-    Yuusuf Axmed Khayr iyo
2-    Xaaji Axmed Xuseen
 
21/06/07 waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku dileen Labiga, oo Dhagaxuur ka tirsan, dadka kala ah;
1-     Nimco Yaasiin Maxamed
2-    Ibraahim Axmed Adhi-fuul iyo gabadh yaroo uu dhalay oo ay gawraceen, ka dib markii ay maydkii Aabaheed ku dul barooratay.
 
22/06/07 waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu Xeel-xaar ku dileen labo nin oo magacyadooda aanaan wali helin.
 
Dad ay ciidammada gumaysigu la tageen oon war laga helin
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya markii ay Gocondhaale dadka ku laayeen 20/06/07 waxay sidoo kale 22/06/07 kala tageen dadwayne rayad ah oo aan ilaa iyo hadda la garanaynin meesha ay geeyeen. Dadkaasi waxay kala yihiin;
1-    Faarax Khaliif Xaamud
2-    Axmed Caydiid Shaadh-qallaf
3-    Muxumed Nuur Khaliif Xaamud
4-    Asad Carab Yuusuf
5-    Nuur Maxamuud
Waxay sidoo kale San-cadde kala tageen dadka kala ah;
1-    Cali Gaas iyo
2-    Deeq Ibraahim Maxamed
 
22/06/07 Gol-libaax waxay ciidammada gumaysigu ka qaqabteen dadwayne rayad ah, waxayna kala yihiin;
1-     Cabdi Haybe iyo wiil yaroo uu dhalay
2-    Muxumed Maxamed Mursal
3-    C/llaahi Axmed haliil (Baasuuke) iyo
4-    Cali Maxamed Xasan
Ciidammada gumaysiga ee deegaannadan u gaystay dhibaabtooyinkaas waxay sidoo kale dadwaynaha ka qasheen xoolo badan oo 50 Neef kor u dhaafay.
 
Dhinaca kale shalay isniintii wuxuu maamulka ciidammada gumaysiga ee Dhagaxbuur odayaasha magaalada ku amray inay u baxaan meelaha baadiyaha ah oo ay dib u soo celiyaan dadwaynihii ka qaxay magaalooyinka iyo tuulooyinka, kuwaasoo u qaxay dhulka baadiyaha ah, si ay uga nabad galaan xasuuqa bahalnimada ah ee ciidammada gumaysigu ku hayaan dadwaynaha rayadka ah ee aan waxba galabsanin.
 
Odayaashan ayaa maamulka millatariga gumaysiga u sheegay inayna suuragal ahayn inay iyagu soo celiyaan dadwaynaha xasuuqooda ka cararay, waxayna kula taliyeen inay dadwaynaha xasuuqa ka daayaan oo sidii dadwayne rayad ah ula dhaqmaan haddii ay doonayaan inaan laga cararin.
 
Jaaliyadaha Ogaadeenya oo ka bannaanbaxaya xasuuqa Ogaadeenya
 
Jaaliyadaha Ogaadenya ee ka jira dalalka kala duwan ee adduunka ayaa lagu wadaa inay bannaanbaxyo isli xidhan ka sameeyaan dalalka ay ka jiraan horraanta bisha Julay ee soo socta, waxayna bannaanbaxyadaas ku muujin doonaan xasuuqa uu taliska TPLF ka wado dalka Ogaadeenya.
 
Jaaliyadaha Ogaadeenya ayaa beesha caalamka ka codsan doona in taliska TPLF lagu cadaadiyo inuu joojiyo gumaadka iyo dabar-goynta uu ku hayo dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya iyo denbiyada kale ee bani’aadaminada ah ka dhanka ah ee uu dadwaynaha kula dhaqmo, sida cunaqabatanyta dhaqaale, faraxumaynta dumarka, argagax galinta iyo boobka hantida gaarka ah.
 
Bannaanbaxyadan ayaa la go’aamiyay in la qabto oo beesha caalamka lagu tuso bahalnimada taliska TPLF, ka dib markii uu taliskaasi bishan dhexdeedii billaabay xasuuq aan aaba-yeel lahayn oo sameeyay dhammaanba bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo ilaa iyo haatan ay ciidamada nacabka ah ee gumaysigu laayeen dadwayne rayad ah oo aad u fara badan, qaar badan oo kalana ay xabsiyada u taxaabeen, isla markaana ay bobeen hanti badan, tuulooyin badana ay dab qabadsiiyeen, ka dib markii si qasab ah uga rareen dadkii degganaa.
 
Taliska TPLF ayaa hawlgalkan nacabnimada ah billaabay, ka dib markii uu si wayn ugu guul darraystay dagaallada uu kula jiro CWXO, oo u awood sheegtay ciidammada maxaysatada ah ee sida qasabka ah loogu soo uruuriyay Ogaadeenya.
 
26 Jun 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2007

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magaalada Muqdisho
Maalinta Xoriyadii Gobolada Waqooyi Ee 26-ka June Oo Aan Laga Xusin Caasimada Xili ay Joogto DFKMG.. Akhri Jun 26
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com