WARAR: Jun 26,
2007
-
Beelaha Hawiye oo
kulan lagu mideynayo ku yeelanaya Guriga Cali Mahdi
-
Khadiibkii
Masjidka Tuulada Bukhcaqable oo la dilay
-
Dhismihii
Bacadlihii Xamarweyne oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka
-
Gacma Dheere
“Hay’adda WFP ayaa mas’uul ka ahayd dhacdadii Shibis”
-
Shirkadaha
Isgaarsiinta oo lagu wargeliyey in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda
Boostada iyo Isgaarsinta
-
Dagaal ka fool ka
fool ah oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
Beelaha Hawiye oo
kulan lagu mideynayo ku yeelanaya Guriga Cali Mahdi
Maalintii shalay
ahayd ayaa waxaa Guriga Cali Mahdi Max’ed ka dhacay kulan aad u balaaran oo
ay ka soo qaybgaleen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Guddiga dib u heshiisiinta
qaranka Soomaaliyeed oo uu horkacayo Cali Mahdi Max’ed. Kulankaasi ayaa
waxaa la iskula soo qaaday sidii ay Beelaha Hawiye uga qayb-gali lahaayeen
kulanka dib u heshiisiinta ee lagu wado in la qabto 15-ka Bisha soo socota.
C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda Beelaha Hawiye ayaa waxa
uu sheegay in kulankaasi si weyn loogu lafaguray sidii Beelaha Hawiye ay
kalin mug ugu yeelan lahaayeen shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed,
isagoo sheegay in khilaafaadka yaryar ee jirana sida ugu dhaqsiyah badan loo
xalin doono. Cali Mahdi Max’ed ayaa waxaa uu sheegay in shirka dib u
heshiisiinta qaran Beelaha Hawiye looga in ay ka soo qaybgalaan iyag oo isku
duuban oo leh hogaan mideysan, waxa kale oo uu sheegay in maalinta khamiista
ah gurigiisa lagu qaban doono kulan ay isugu imaan doonaan, beelaha Hawiye
kaas oo looga hadli doono sidii ay Beeshu u midoobi lahayd, isla markaana
iyaga oo wadajir ah uga qaybgali lahayeen shirka, waxa uuna Cali Mahdi
sheegay in uu haatan meel wanaagsan marayo qorshihii loogu talagalay shirka
dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu sheegay in uusan mar dambe
dib u dhici doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Khadiibkii
Masjidka Tuulada Bukhcaqable oo la dilay
Wararka naga soo gaaray Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in maalintii
shalay ahayd Tuulada Bukhcaqable lagu dilay khadiibkii Masjidka tuuladaasi,
waxaana la sheegay in dilkiisa gaysteen saddex nin oo markii dambe baxsaday.
Ilaa iyo hadda lam garnayo sababah loo dilay sheekhaasi oo lagu magcabi
jiray Sheekh Aadn Xasan Cusmaan, waxaana dilkiisa ka xumaaday dadweynaha
deegaanka oo iyagu soo jeediyey in gacanta lagu soo dhigo raggii ka
dambeeyey dilka khadiibkaasi.
Taliyaha Ciidamada Booliiska ee Gobalka Hiiraan ciidamo uu wato ayaa u
dhaqaqay tuuladaasi si ay baadigoob ugu sameeyaan raggii ka dambeeyey
dilkaasi.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dilka sheekha, qaar waxay sheegayaan in
sheekha loo dilay aano qabiil, iyadoo la sheegay in ragga wax dilay u
aarayeen nin horey loogu dilay deegaankasi oo ganacsade ahaa.
Dilkaan aya laga cabsi qaba in uu keeno falal kale oo aargoosi ah ama aano
beeleed.
Dhismihii
Bacadlihii Xamarweyne oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka
Maalintii shalay ahayd ayaa kooxihii gacanta ku hayey dhismihii bacadlihii
weynaa ee Xamarweyne ay si rasmi ah ugu wareejiyeen maamulka Gobalka
Banadir.
Munaasabad lagu wareejinayey ayaa ka dhacday Bacadlahasi, waxaana goob joog
ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Duqa Magalad Muqdisho ee arrimaha Bulshada
Max’ed Cusmaan (Dhagaxtuur), waxaana halkaasi ka hadlay horjoogihii kooxdii
haysay bacadlahasi oo ka koobnaa 1000 qol Cusmaan Maxamuud Cawaale
(Baynood), waxa uuna sheegay in intii ay hayeen ay kala kulmeen
dhibaatooyin, isagoo sheegay in ay Maamulka Gobalka Banaadir ugu
wareejiyeen si shuruud la’an, ah.
Max’ed Cusmaan (Dhagaxtguur) oo isna halkasi ka hadlay ayaa u mahaceliyey
kooxdaasi oo uu sheegay inaysan taariikhdu hilmaami doonin.
Dhagaxtuur waxa uu sheegay in dayactir lagu sameyn doono suuqaasi, dhawaan
la hawlgali doono.
Dhismaha suuqaani
ayaa ku yimid markii uu gubtay Suuqii bacadlaha ee Xamarweyne sanadkii 1983,
bishii December, waxa uuna suuqaasi ahaa suuqii ugu weynaa ee ka dhisnaa
Magaalada Muqdisho, kadib dagaalkii sokeeye ayaa waxaa furmay Suuqa Bakaarha
oo haatan ka mid ah suuqyad ugu waaweyn ee Soomaaliya.
Gacma Dheere
“Hay’adda WFP ayaa mas’uul ka ahayd dhacdadii Shibis”
Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Maxamed Sheekh Maxamuud
Guuleed (Gacma Dheere) ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko dhacdadii ay
ku dhinteen ilaa iyo shan ruux goob ay Hay’adda WFP ka qaybineysay raashin
degmada Shibis.
Wasiirku waxa uu sheegay in dhacdadaasi naxdinta leh ay mas’uul ka tahay
Hay’adda WFP oo uu sheegay in aysan u hogaansamin sharciyada u yaala
caalamka iyo kan Qaramad Midoobey, waxa kale oo uu sheegay Gacma Dheere in
Hay’adda WFP aysan marnab soo ogeysiin Dowladda Federaalka qaybinta
Raashinkaasi, waxa uuna sheegay in ay sidii ay doonto wax u qaybiso oo aysan
wax la tashi ah kala sameyn Dowladda Federaalka.
GAcma Dheere waxa uu sheegay in dhowr jeer ay qoraalo u gudbiyeen oo ay
kaga dalbanayeen in ay Hay’adda soo gudbiso qaabka ay raashinka ugu
qaybineyso dadka.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Gacma Dheere Hay’addasi ku eedeeyey in raashin
tayadiisu hooseyso ay damacday in ay u qaybiso dadkii ka barakacay
dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, hase yeesheen afhayeen u hadlay
Hay’addaasi ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn,
waxa uuna sheegay in aysan Hay’addau weligeed raashin tayadiisu xuntahay u
qaybin Bulshada, base ay jirtay is fahamwaa u dhexeeyey Wasaaradda arimaha
Gudaha iyo Hay’adda.
Shirkadaha
Isgaarsiinta oo lagu wargeliyey in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda
Boostada iyo Isgaarsinta
Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay
arrimo fara badan, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray Shirkadah
Isgaarsiinta, waxaana ugu dambeyntii laga soo saary go’aano ay ka mid
ahaayeen, in Shirkadaha, Isgaarsiinta, Goobaha Internet-yada, Raadiyaasha,
iyo Taleefishinada ay iska diwaangeliyaan Wasaaradda Boosta iyo Isgaarsiinta
ee Dowladda Federaalka laga bilaabo maalintii shalay ahayd.
Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah Afhayeenka Dowladda ayaa waxa uu sheegay in
shirkaddii aan u hogaansami go’aankaasi la ganaaxi doono 30-kun oo Doolar,
isla markaana shaqada laga joojin doono.
Shirkadaha Isgaarsiinta aya iyagu Bulshada u hawlo muhiim ah tan iyo markii
ay dhaceen dagalada sokeeye, waana markii ugu horeysay oo shirkadaha
Isgaarsiinta lagu wargeliyo in ay iska diiwaangelinayaan Wasaardda Boostada
iyo Isgaarsiinta, dhawaan ayay ahayd markii golaha Wasiiradu ay isku raaceen
in Xarumaha caafimaadka, Isbitaalada iyo goobah Shaybaarda ay iska
diiwaangeliyaan Wasaardda Caafimaadka.
Dagaal ka fool ka
fool ah oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
Dagaalo ka fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud
ayaa xalay ka dhacay agagaarka Warshadda Baastada ilaa iyo Suuqa Xoolah.
Dagaalkaan ayaa bilowday markii fariisin ay Ciidamada Itoobiya halkaasi ku
leeyihiin weerar lagu soo qaaday.
Kooxihii soo weeraray ciidamada Itoobiya ayaa
la sheegay in ay Bambooyinka gacnata iyo Baasuukayaal ku rideen, iyadoo
ciidamada Itoobiya iyana hub culus ku jawaabeen, ilaa iyo haddana lama oga
khasaarihii uu keenay dagalkaasi, iyadoo tahay waqti habeen ah oo aan la
ogoleyn isku socodka gaadiidka iyo dadka, dad aan la xiriirnay ayaa waxay
noo sheegeen in ay jiraan goobo ay ku dhaceen madaafiic la soo riday, balse
aysan faahfaahin khasaaraha ay gaysteen madaafiicdaasi.
Waxaa isku soo dubaridey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2007
Dagaalo Faraha
Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magaalada Muqdisho
Maalinta Xoriyadii Gobolada Waqooyi Ee 26-ka June
Oo Aan Laga Xusin Caasimada Xili ay Joogto DFKMG..
Akhri
Jun 26


|