Hayb Sooc: Dhaqan liita oo
lid ku ah bani'aadamnimada
waxa falanqeeyay falanqeeyay
Ismaaciil C. Xasan
Haybsooc waa maanso uu
tiriyay Abwaan Maxamed Hirad 18 ka bishiii April ee 2002. Waa
gabay ka hadalaya hayb sooca ama sinji takoorka oo ah dhaqan aad u
liita oo lid ku ah bani’aadanimada. Waa mid si cad uga soo horjeeda
waxyaabaha ay inna farayso diinta Islaamka ee muqaddaska ah ee
Soomaalidu aaminsan tahay.
waa dhaqan soo jireen ah
oo aan garawshiiyo lahayn ayna ka siman tahay guud ahaanba Soomaalidu
meel kasta oo ay ku nooshahay. Waa xad gudub iyo godob weyn oo laga
galay qayb ka mid ah Soomaalida oo haba yaraatee aanay jirin wax ay kaga
geddisan yihiin bulshada inteeda kale.
Haddaba isagoo hayb sooca ay Soomaalidu
ku soo dhaqmaysay muddo dheer ayaa haddana inta ka dhiidhiday dhaqankan
xun culumo iyo caamo mid kay doontaba ha ahaatee ay aad u yar yihiin.
Taasi ayaana sababtay in dhaqankani muddo dheer soo jiro oo uu illaa
casrigan aynu joogno maanta soo gaadho.
Haddaba muddooyinkan dambe waxaa jirtay
in Soomaali badani ay dareemeen dhibta iyo xaqiraadda lagu hayo
qabiilooyinka la hayb sooco ee aan macno iyo xaqiiqo midna ku dhisnayn.
Inkastoo ay adag tahay in dhaqan muddo dheer soo jiray si dhib yar lagu
tirtiro, haddana waxaa waayadan dambe soo baxayay ifafaale muujinaya
bislaanshaha bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan cidhib tirka dhaqamada
liita ee hayb soocu kawga ka yahay.
Haddaba gabaygan oo si qoto dheer uga
hadlaya hayb sooca iyo macnaraddiisa ayaa abwaan Maxamed Hirad uu
dhinacyo badan ka eegayaa dhaqankan. Waxa Maxamed bulshada u soo
bandhigaya su’aalo ay habboon tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed jawaab
waafi ah u raadiyo.
Waxaan filayaa inta laga maansooday
hayb sooca in aanu jirin qof sida abwaan Maxamed Hirad si qurux badan oo
murti weyn ka dambeyso u soo bandhigay macno darrada hayb sooca.
Waxaan faalladan kooban ku soo qaadan
doonaa qaybo ka mid ah gabaygan oo aan si gaar ah u eegi doono, ka dibna
waxaan idiin soo bandhigi doonaa gabaygii oo idil.
Abwaan Maxamed Hiirad waxa uu ka
amabaqaaday ugu horeynba sinnaanshaha bani’aadamka. Taasi oo aanay jirin
cid cid ka sarraysa. Waxa keliya ee lagu kala horreeyaa sida diinteenuba
sheegtay waxa weeye cabsida Eebe. Tuducyada soo socda ayaa arrintaas
si cad u qeexaya
Siday tahay Calow inan rag waa
inuu sinnaadaaye
Ilaahii sameeyee khalqaa siiyey sharaf weyne
Sinjigoodu waa Aadan iyo sawjadduu qabaye
Sagaal bay kusoo wada dhashaan bila sid hooyaade
Sargooyada diyada qoonta iyo siman qisaastiiye
Sad bursiiyo weyn iyo ammaan saayid lagu yeesho
Waa saamax Eebbiyo cabsidii, ruux u saahidaye
Wixii kalee na kala saarayaa waa sir iyo beene
Iyadoo haddaba uu abwaanku sidaa u
aaminsan yahay sinnaanta bani’aadamka ayaa waxa uu garawsan la’yahay in
Soomaalidu ay qaybo bulshada ka mid ah xaqirto, islamarkaana aan laga
dhiidhiyin sidii loo cidhibtiri lahaa dhaqankaas silloon ee haybsooca
iyo xaqiraada ku dhisan. Waxa uu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi:
War Soomaali badankeed xaqii,
seege oo naca e
Waa saancad dhaqankii xun aad, sii waddaa abide
Surma seegto qaar lagu hayaa, soo taxnaan jiraye
Waxaa in badan la is weydiiyaa waxa ay
dadka la hayb sooco kaga geddisany yihiin Soomaalida inteeda kale. Ma
midab gaara ayay leeyihiin? Ma af gaara ayay ku hadlaan? Ma diin gaar
ayay aaminsanyiin? Ma muuqaal ka duwan soomaalida inteeda kale ayay
leeyihiin?
Marka aad u dhabba gasho su’aalahan
waxaa kuu soo baxaya sabab la’aanta iyo macno darrada ay aragtida hayb
soocu ku dhisan tahay.
Haddaba abwaanka ayaa sidoo kale waxa
uu ka yaaban yahay waxa keenay faquuqa lagu hayo dadkaas. Isagoo
arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi
Dad sokeeye saafiya ahoo soo
jireen nala ah
Oo aan sadcaal noogu iman, saafir iyo geeddi
Oo nooga socon meel kaloo ciidda nala saanya
Oo diinta saami u leh oo sugaya towxiidka
Sunne iyo salaad faral kuwaa nala sujuudaaya
Oo saalixiin wada ah oo suufi iyo shiikh leh
Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay
Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan, soorta huriddeeda
Suugaan iyo abwaanimo kuwaa saatir ugu deeqay
Oo suurad iyo nagala mida, sawdka iyo caado
Midab suluba sanqaroorka iyo saynax timahoo ah
Sogsoyada sarraxa taaganlee siman dhammaantoodba
Kuwa aan nalaga soocahayn, sawrac iyo fiiro
Sumcad xumo maxaa loogu yidhi, waa sab iyo naaqus?
Abwaanku uma arko oo keliya in dadka la
hayb soocaa ay la siman yihiin dadka intiisa kale, balse waxa uu
aaminsan yahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu waxtarka badan loona
baahnaa in si gaara loo ciseeyo. Waxa uu Maxamed Hirad si qurux badan u
soo bandhigay wax qabadka beelaha la hayb sooco iyo kaalinta muhiimka ah
ee ay ku leeyihiin adeegga bulshada.
Dadka kale sancada kii yaqaan waw
sad buriyaaye
Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode
Innagana midkii saar tumaa, soo dhoweyn mudane
Safan cidhibta saafiyo ragaad
suulka jabinaaya
Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo
Sunta bahalka hoosiyo hurgumo saaqda bedenkoo dhan
Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey
Ee saanta xoolaha ka dhigay suuman kabo maasa
Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo
Warmo samay leh soodh iyo amley seefta dananeysa
Gudin sawir leh yaambiyo masaar jidibo soofaysan
Mindi sikhil la marshiyo mudaa sabarad fiiq dheer leh
Mudac lagu sifsifo doobiyada saabley iyo dhiilo
Saaniciinta dhaqankeenna wacan soo wadaye haysey
Intii lagu sarraysiin lahaa saayaqnimadooda
Sinnaan iyo haddii laga dafiray saami saransooran
Waxa lagu saluugay dhimeen yaa na solan siiya?
Ma waa kuwii wax soo saaray baa sababta loo maagay?
Waa su’aal dad weynaha jawaab laga sugaayaaye
Soomaalida siiba kuwa gobnimada ku
faanaa kumaanay ekaan Soomaalinimada ay iskula qabka weyn yihiin ee ay
walaalahooda kale ku faquuqayaan. Waxaa jirta in beel waliba ay meel
kale iyo qawmiyado kale isha ku hayaan sheegtaanna in ay halkaas ka soo
jeedaan.
Abwaanka oo arrintaas aad ula yaabban
ayaa waxa uu isweydiinayaa yaa haddaba soomaali noqonaya haddii sidaa
looga wada cararayo
Sab haddii la yidhi sooma galo
magaca Soomaali
Oo qaar salool ugu tagaan carabta reer suura
Qaar kalana saadiyo noqdaan nebi saxaabtiisa
Qaar soo hankaabsaday hadduu ina Sucuud sheegtay
Oo qaar sawaaxili noqdeen sananka waaweyn leh
Oo qaar yuhuud u suntanaa saaka la ogaaday
Singa singe qaar lagu xantana soo baxeen warar ah
Inta kalana sahankii u raray saylad lagu biiro
Soomaali yaa noqon dadyahow laysu wada seexshey
Waa su’aal abwaanada jawaab laga sugaayaaye
Waxaan shaki lahayn in abwaanku uu hab
murti iyo xikmad weyn ku dhisan uu ku muujiyay arrinta hayb sooca
qofkasta oo si aad ah u dhuuxaana ay waano uu wax ku qaato u noqonayso.
Abwaan Maxamed Hirad oo gabaygii oo
dhan bulshada u soo bandhigaya, kana hadlaya sababta ku kaliftay tirinta
gabaygan waxa uu yidhi:
“Gabaygan waxaan ka mariyey xaalad
soo jireen ah oo Soomaalida dhaqamadeeda xun ka mid ah. Taas oo ah
takoorka dadkeenna dhexdiisa ka jira. Waxaa jirtay in aan la yaabi
jiray takoorka, in badana isweydiiyay maxaa dhacay oo dadka qaarkiis loo
xaqiraa? Hase yeeshee jawaab i qancisa ma helin. Sidaa darteed waxaan
rabaa in aan dadka Soomaalida ah gabay ku weydiiyo sababta uu takoorku
dexdheenna uga jiro.
Waxa gabaygani soo baxay bishii April, 18, 2002. Laba magac baa
gabaygan ku jira. Mid waa ninka aan ku hal qabsaday oo ah Cali Cabdi
Nuur (Cali Dhoof) oo jooga dalka Kanada, kan kalana waa Maxamed Xasan
“Dillaal” oo aanu isku magaalo deggenahay. Labada ninba waa rag aanu
saxiib nahay.”
Gabaygiina waa kan:
Caliyow ninkii subaxya badan,
soo jiraye nooli
Wuxuu soo ogaan jiray hadduu sabab u raadceeyo
Oo samada eegoo wax badan, sananiyoo reemo
Waxaan laba sugayn buu mar uun, sahal u sheegaaye
Marka hore salaan iyo walaal
duco san aamiinso
Sodcaal iyo negaanshiyo fadhiga, seexashiyo taagni
Midkii aad ku sugan tahay Ilaah, kugu salaameeye
Saxariirka aakhiro Rabbigeen sahalo, kuu yeelye
Kuu sakhir sareedada adduun saami waafiyahe
Saaxiibtaa Ilaah kaaga yeel, suubban baarriyahe
Ubadkana saciidiin ka yeel diinta saacida e
Dabadeedna sowdkayga weri, iyo su’aashayda
Siday tahay Calow inan rag waa
inuu sinnaadaaye
Ilaahii sameeyee khalqaa siiyey sharaf weyne
Sinjigoodu waa Aadan iyo sawjadduu qabaye
Sagaal bay kusoo wada dhashaan bila sid hooyaade
Sargooyada diyada qoonta iyo siman qisaastiiye
Sad bursiiyo weyn iyo ammaan saayid lagu yeesho
Waa saamax Eebbiyo cabsidii, ruux u saahidaye
Wixii kalee na kala saarayaa waa sir iyo beene
War Soomaali badankeed xaqii,
seege oo naca e
Waa saancad dhaqankii xun aad, sii waddaa abide
Surma seegto qaar lagu hayaa, soo taxnaan jiraye
Surinkaad walaalkaa dhigtaa waa ku sugayaaye
Dulmigaa la saaciday xaqaa, sula la waydaartay
Waa waxa surkii ina jariyo, seedihii dhabare.
Qaxootiga sunsumay waakan tuban siibadaha gaale
Dad sokeeye saafiya ahoo soo
jireen nala ah
Oo aan sadcaal noogu iman, saafir iyo geeddi
Oo nooga socon meel kaloo ciidda nala saanya
Oo diinta saami u leh oo sugaya towxiidka
Sunne iyo salaad faral kuwaa nala sujuudaaya
Oo saalixiin wada ah oo suufi iyo shiikh leh
Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay
Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan, soorta huriddeeda
Suugaan iyo abwaanimo kuwaa saatir ugu deeqay
Oo suurad iyo nagala mida, sawdka iyo caado
Midab suluba sanqaroorka iyo saynax timahoo ah
Sogsoyada sarraxa taaganlee siman dhammaantoodba
Kuwa aan nalaga soocahayn, sawrac iyo fiiro
Sumcad xumo maxaa loogu yidhi, waa sab iyo naaqus?
Maxaa loo sagsaagaa markuu sawjad naga doono?
Maxaa looga saahiday gabdho ah wada suleekhooyin?
Waa su’aal dadweynaha jawaab laga sugaayaaye
Sax inaynu nahay iyo inaan
saaruf nahay waalan
Kala saari waayoo anigu waan sahwiyayaaye
Haddii seere guur jiro hablaha sumalxad loo diiday
Maxaa gaal sarkhaaniyo kufrigu saami ugu yeeshay?
Yaa siiyey madaw saaqidiyo sal iyo hoy laawe?
Waa su’aal dadweynaha jawaab, laga sugaayaaye
Afartaa salaan sharaf leh iyo
saarid calankeen dheh
Suugaan aan sir iyo xeel lahayn soo bandhigiddeed dheh
Sayid Aadan Carab iyo sidii Samatar maw sheegay
Samadoon xaqoodii sugnaa siin ma ka higaadshey
Sadar kalana waa xaajo aan sabab u soo waayey
Dadka kale sancada kii yaqaan waw
sad buriyaaye
Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode
Innagana midkii saar tumaa, soo dhoweyn mudane
Safan cidhibta saafiyo ragaad
suulka jabinaaya
Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo
Sunta bahalka hoosiyo hurgumo saaqda bedenkoo dhan
Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey
Ee saanta xoolaha ka dhigay suuman kabo maasa
Ee socod ammaniyo xarrago soo dejay ee keenay
Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo
Warmo samay leh soodh iyo amley seefta dananeysa
Gudin sawir leh yaambiyo masaar jidibo soofaysan
Mindi sikhil la marshiyo mudaa sabarad fiiq dheer leh
Mudac lagu sifsifo doobiyada saabley iyo dhiilo
Saaniciinta dhaqankeenna wacan soo wadaye haysey
Intii lagu sarraysiin lahaa saayaqnimadooda
Sinnaan iyo haddii laga dafiray saami saransooran
Waxa lagu saluugay dhimeen yaa na solan siiya?
Ma waa kuwii wax soo saaray baa sababta loo maagay?
Waa su’aal dad weynaha jawaab laga sugaayaaye
Afartaana saymaha gugiyo sagal
aruuryaad dheh
Sool iyo Sanaag iyo Shaxdiyo sadaradii hawd dheh
Xaq la seegay qaar laga sir galay saani ma u sheegay
Ma seegaa la yidhi wiil abtigii suu ahaan jiraye
Saxaafaddii Ismaaciil Miriyo sawdkii Cali dhuux Dheh
Sawd kalena waa xaajo aan sax u malayn waayay
Duulkii salleeliya murtidu waa
ka sibiqdaaye
Been bay sad moodaan runtuna waw sun iyo hooge
Waxaan suura gelin bay waqood kuu sawirayaane
Sab haddii la yidhi sooma galo
magaca Soomaali
Oo qaar salool ugu tagaan carabta reer suura
Qaar kalana saadiyo noqdaan nebi saxaabtiisa
Qaar soo hankaabsaday hadduu ina Sucuud sheegtay
Oo qaar sawaaxili noqdeen sananka waaweyn leh
Oo qaar yuhuud u suntanaa saaka la ogaaday
Singa singe qaar lagu xantana soo baxeen warar ah
Inta kalana sahankii u raray saylad lagu biiro
Soomaali yaa noqon dadyahow laysu wada seexshey
Waa su’aal abwaanada jawaab laga sugaayaaye
Anigana siday ila tihiyo maan
salkaba gaadho
Maan soo gunaanado murtida sii wad lagaroone
Kala soconayaa oo dad kale sidig ku raacnaaba
Kala soocannaa oo badhkeen sabo ku sheegnaaba
Suuraddaa Ilaah noo khalqiyo sawdka hadalkeenna
Iyo magacan uu sugay intuu soohdin nagu beeray
Cid uu siiyey may jirin horteen sugina maysaane
Innagaa wax kala saar wadniyo kala sarrayntaase
Innagaa midkii sebiyo badan kibir sarkhaamaaye
Innagaa midkii seben dhergaa talada seegaaye
Innagaa midkii sado helaa seef la kacayaaye
Innagaa midkuu seegay calaf samir darraadaaye
Innagaa sokeeyaha nacnoo waabna geed sare e
Siinleydan aan daabiciyo
sadaradaan qeexay
Mar haddaan sadriga loo furayn samo ninkii doona
Soomaali weyntii haddii laga sabool haaday
Sugi maayo calan lay sudhiyo sidasha faankiise
Sugimaayo xeer loo sinmiyo diin la saacido e
Sida uu Dillaal yidhi ra’yigu waa sad qaaliya e
Bal inay saqiiradu xuquuq siman ku naalooto
Ubadkaad siddaan iyo kuwaa soo socda u meersha
Anigana sawaab iyo ajraa Eebbe igu siine
Ismaaciil C. Xasan
London UK
E-Mail:
khaliilha484@hotmail.com
Waxa aad Abwaanka maansada tiriyay kala
xidhiidhi kartaa:
E-Mail:
xagar2000@sbcglobal.net