ODAYGII INDHO LA'AANTII DAD CUNIMUU KU
DARSADAY
Qore :- Saciid faarax
Boosaaso Punt-land soomaliya
Email: al_ixsaan@yahoo.com
Gogol Dhig :-
Waxaan ku cabirayaa Fikradayda aan ka qabo Wax qabadka Cade iyo aragtida Maanta
ee Golaha Degaanka Degmada Boosaaso iyo wareegtada Cade Wixii gaf ah anaiga ayaa
iska leh wixii macquul ahna waxaan u bandhigayaa akhristayaasha , Mana Doonaayo
in aan sheego wax aan jirin oo Xad gudub ah haba yaraadee Inshaa Allaah.
Dulucda Maqaalka oo Faah faahsan :-
Sida la ogsoon yahay Maamulka Cade Muuse ee
Punt land wuxuu ku Caan baxay wax qabad la,aan iyo Cadaalad Xumo , waxaana ka
taliya laba wasiir oo muruqyo wayn oo aan la bedelin marnaba , waana Wasiirka
maaliyada iyo kan Dawldaha hoose , hayb ahaana xaga qabiilka waaxay is xigaan
Cade Muuse , waxaa wadanka laga samays tay Warshado Sameeya lacag Soomaali oo
dadkii Shacabka ahaa ee Mas,uuliyadu ka saarnayd ku Dhibay Noloshii iyo
Dhaqaalihii , waxaa intaa dheer wax Qabad la,aan iyo Maaweelada Cade Muuse oo
ku salaysan Beenta iyo Eexda , isagoo Cade sadex sano Reer Punt land ugu
Sheekaynayay arimo badan oo markii dhinac laga eego u ekaa wax tar balse isu
bedelay Musuq maasuq iyo Khiyaamo qaran.
Cade markii u horeeyayba wuxuu Hantidii Qaranka
u isticmaalay Caafimaadkiisa iyo Dano u khaas ah , wuxuu bilaabay Safaro aan
dhamaan oo ku salaysan been oo uu ku waramo waxaan soo galay heshiisyo ku aadan
Shidaalka , Xoolaha, Air portiyada , Dekedaha , Dayuurado, Maxjaro iyo arimo
kale oo badan intaasna hal mid wax kama qabsoomin ,Mid walba Sadex bilood
Gudohood ayuu ku balan qaaday in lagu bilaabi Doono.
Maanta oo sadex sano uu marayona waxba kama
bilaaban Wadanka.
Soomaalidu waxay tiraahdaa xikmad oranaysa
(Hargo maran side ,Hawli kama harin, Habaarna u dheer,) waxaase cad in lacago
badan ay ku cuneen isaga iyo saaxiibkii Gaagaab oo ay ka qaateen shirkado ajnebi
ah , halkii Mashruuc oo la bilaabaana ma dhamaado waxaana lagu cunaa Bilaayiin
lacag ah oo Hal Guri oo laga dhisayo Air portiga Boosaaso oo aan dhamaan ee weli
qabyo ah waxaa lagu Khudbeeyay in ay Gashay 3 bilyan oo lacag ah , waxaa la
sheegaa in Emaaraatka laga iibsaday Qasriyo waawayn Cade Iyo Gaagaab.
Ciidamada Punt land ma qaadan laba sano iyo bar
wax Mushahar ah , Sarifkii waxaa loo qoondeeyay qiimo Go,an warsahado lacago
sameeya iyo diyaarado lacag ka buuxa ayaana maalin walba Suuqa ku camira
malaayiin lacag ah , waxaana la rabaa laba nin oo kimishin Siiya Cade iyo
Gaagaab in loo xiro Suuqa sarifka oo dhan , fawdada iyo Qabayaalada iyo maamul
xumadu waa wax aan la tiro koobi Karin.
Intaas iyo arimo badan oo aanan soo tira koobi
Karin iyo kuwa qarsoon ka dib Cade Muuse wuxuu fara gelin badan ku hayaa
Golayaashii Degaamada Punt land , khaasatan Golaha Degaanka ee Boosaaso oo uu
madax ka ahaan jiray nin ay isku Jifi yihiin , waxaa la ogaa markii Golahaan la
dhisay in uu xabsiga u taxaabay Sadex Xildhibaan oo Golahaan ka mid ahaa oo ka
biya Diiday Sidii wax loo Maamulay iyo rag Odayaal ah oo ganacsato qaarkood
ahaayeen siada Xaaji Ismaaciil Calasoow iyo Idaacadii STN oo uu iridaha u
laaabay hawl wadeenadeediina Xabsiga la dhigay maxkamad la,aan Ogaysiis ay sii
daayeen darteed .
Kasoo gudub Sanadkii 2006 dhexdiisii waxay
Goluhu isku dayeen in ay u fariistaan kalfadhi ay kaga hadlayeen wax qabadka
Duqa Degmada , kaas oo dhaliyay Khilaaf xoogan oo uu Duqa Degmadu Hoolkii Shirka
ka xirtay Golaha Degaanka , ka bacdina waxaa soo baxday Wareegto cadaynaysa in
aan hawlihiisa la fara gelin oo aan wax cod ah loo qaadi Karin , waa halka ay
soomaali ka tiraahdo (Gar qab oo gaada ku darso)
Shacabka reer Punt land kama dhamaadaan tanaasul iyo Dul qaad waa iska sabureen
iyadoo ay dareemayeen dhib iyo wax qabad la,aan.
Hadaba intaa ka dib ayaa maalinkii Taariihkdu
ahayd 16/06/07 waxaa Golaha Degaanku u bandhigeen Duqii hore ee Degmada
Boosaaso Qoraal ay wax ku su,aalayeen waxaana u furnaa dood iyo Difaac iyo Xataa
in uu mudo Dheer qabsado , balse waa nin meel ku tiirsane waa u dhabar jeediyay
qoraalkaana wax kama soo qaadin Shirkiina wuxuu yiri waa xiran yahay , hadana
Maalinkii ay taariikhdu ahayd 17/06/2007 aabarihii shan saac ayaa Golaha
Degaanka ee Degmada Boosaaso waxay u codeeyeen Duqii Degmada Khadar Cabdi xaaji
mire oo in badan Naas nuujinta ku haystay Shaqadaan isagoo cadaalad xurmo iyo
hanti aan midna u aaba yeelayn , intaa ka dib maxaa dhacay ????
Laba saac ka bacdi Cade Muuse oo jiray
maalinkaa Garoowe wuxuu soo saaray Wareegto indho la,aan ah oo uu amar ku
bixinaayo in aan Xilka laga qaadi Karin Khadar , isla markaana wuxuu ku buriyay
Wareegtadaan waajibaadkii shaqo iyo hawlihii loo igmaday Golaha Degaanka ee
Degmada boosaaso.
Waxaa Arinkaa ka sii daray Maalinkii 18/06/2007
Khadar wuxuu u yeertay Koox Hobolo ah oo loo yaqaan "Waji xun" oo ka jira
Gobolka Bari , Wuxuuna Ku qabtay hoolkii Shirka ee Dawlada hoose Xaflad ay
Hoboladaasi ugu codeeyeen in uu xilka sii hayo , ayna ku ansixiyeen Wareegtadii
Cade Muuse , Sidaa darteed Waxaa Muuqata in Xilkii Golaha Degaanka ay la
wareegeen Kooxda Waji Xun iyo General Cade Muuse oo ay iyagu ansixin karaan
Nadaamkii lagu Heshiiyay ee Golaha Degaanka loo dhisay , Goluhuna uu magac iyo
Jiritaanba Beelay , mar hadii aanu xisaabtami Karin waxna aanu qaban Karin waxna
aanu ansixin Karin .
Geba Gebadii :-
Arinkaani wuxuu marag u yahay Qabyaalada
Foosha xun ee Cade Muuse waana yaab in laba saac ka bacdi ay ka soo baxdo
Xafiiska Cade wareegtadaani , Isaga oo aan Boosaaso Joogin, Isaga oo aan
arinkaan ka Fiirsan, Isaga oo aan Tix gelin Golaha Degaanka oo Hawshooda Shaqo u
madax bannaan, Isaga oo Cadaystay caadifad iyo qabyaalad fool xun oo aan gabasho
lahayn, Balse Markii uu Cade Xilka ka Qaado shaqsi Reer Punt land ah wuxuu kala
kulmaa wanaag iyo Xil wareejin wanaagsan , hadiise Isaga ina Adeerkii loo
codeeyay oo loo maray Nidaam lagu heshiiyay maxaa ku kalifaya qabyaalada qaawan
oo foolxumada leh iskuna Diraysa Bah waynta Reer Punt land oo walaalaha ah isna
jecel .
Isku Dhejinta Maamulka oo si nadaamka ka baxsan
loo maro iyo Qabyaaladu waa waxa Afrika Burburiyay, arintaanina waxay Punt land
u horseedaysaa Bur Bur iyo in Nin walbaa meel isku dhejiyo waana wax xataa Cade
u daran inta uu maamulka hayo oo Qof danbe ma bedeli doono Waayo nin walbaa waa
qabiil Hadii Cadaalad la waayo waa aragtidayda ee anigu Qabyaalad u hadli mayo ,
haybta korna Cade ayaan wadaagnaa.
Waxaan kusoo geba gebaynayaa hadalkii aan ka
dhigay Ciwaanka oo ahaa Odaygii indho la,aantii dad cunimuu ku darsaday oo la
macne ah , Cade Cadaalad xumadii iyo Lugooyadii Shacabka wuxuu ku darsaday
Qabyaalad Qaawan
Nin Gabyay oo tilmaamayay Qabyaalada Qaabkaan oo kale ah ayaa yiri tixdaan
Hadii Aniga Wiilkaygu Dilo Adiga willkaaga Walaalaynu nahay iyo kuwaan wax isla
waayaynin
Hadiise Adiga wiilkaagu dilo Aniga wiilkayga wax xun baad wadaa iyo waxaan lagu
walaaloobin,
Qore :- Saciid faarax
Boosaaso Punt-land soomaliya
Email: al_ixsaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2007


|