Ukultu yooman ukila thowr abyad(waxaa la i
cunay maalinkii la cunay dibigii cadaa)
Qore:C/raxman Cali Adam
E_mail: baadiyow12@hotmail.com
Nairobi,Kenya
Waa maah maah carbed Muhimada aan u soo qaatay mah mahdan ayaa ah mid
gabi’ahaanba quseeyso soomaalida.
Dowladii dhexe ee Somalia waxeey burbrtay 1991,waxii ka danbeyay waxaa bilowday
fowda baahsan keentay dhibaatoyin fara badan sida Dilka, Dhaca, Kkufsiga IWM.
Waxaa soo baxay ururo farabdan oo mid kasta dan asaga gaar u ah wato ururadaasi
dhamantood waxeey gacan dhaqaalo ka helayeen wadamo shisheeye, halka Itoobiya ey
soo dhiibi jirtay hubka noocyadiisa kala duwan oo lagu leenayay shacabka la’il
darnaa dhibaatooyinkii kala duwanaa.
Itoobiya waxaa xukunkeeda hesta hal qabiil uu ka dhashay Zanawi,waxana lagu
maamula qorshaha ah qeebi oo xukun qorshahas oo lagu yaqaano gumeesiga, waxaad
si toos ah ooga garan karta ismaamulka Somalida waxaad maqleysa amaba arkeysaa
in maalin kasta maamulkooda lakala badalayo ayadoo la dilaayo qofkii labadalaba,
mise laleeyahay waxaa dilay mucaaradka, maamulka Zanawi oo aaminsan hadii
Soomaliya ey dowlad ka dhalato uusan xukunkiisa waareenin ayaa markasta fara
gilin ku haayo Somaliya asagoo horay u hubeen jiray hogaamiye kooxeedkii,markii
danbana dhisay dowlad uu asaga gacanta ku haayo.
Itoobiya iyo Soomaliya waxaa ka dhaxeeyay colaad so jireen ah,waligoodna meysan
yeelan xiriir eey ku raxeestaan labada dal,Zanaawi markuu xukunka qabsaday waxuu
horay u sii watay shaqadii abayaashii oo ahayd sidii Soomaaliya lagu kala qebin
lahaa loona leen lahaa asagoo ku soo duulay dhawr jeer Somaliya gobolka Gedo
dagmooyinkiisa waqooyi intaa kumuusan ekaanin waxuu kalo ku duulay gobolka Bay
magaalo madaxdiisa Baydhabo, markii danbana ku guleystay in uu caasimada
soomaliya ka suro calanka Itoobiya asagoo ku soo beegay maalin eey maamulkiisa u
tahay maalin farxadeed, dadka Soomalida ma’ahan dad qoro waxii dhacay hadey
qoraa’na ma tixgiliyaan,waana dad iloowsha dhawo,taa waxaa daliil cad u ah sida
Somali badan eey u rabaan gumesiga in eey soo dhaweyaan ayadoo la xasuusta
tariiqda soo jireenka ee ka dhaxeeyso Itoobiya iyo Somaaliya,taa waxaa sii dheer
xabada ka so dhaceyso dadka necebka u muujiyay diidan’na joogitaanka Itoobiya
eey ku hormareeyso qof soomali ah, taas oo ah nasiib daro noo soo hooyatay.
Maamulka Zanaawi oo gabi ahaanba ku guuleeystay kala qeebinta Soomaalida una
diiday Soomaaliya in eey hesho dowlad madax banaan ayaa markaste waxuu wada
xaajood lasameeyaa maamulada kala duwan ee soomaliya ka jira sida
Soomaaliland,Puntland,iyo odayaasha dhaqanka,mid kastana si gooni ah ayuu u
leeyahay adiga ayaan wax ka dhigayaa,hala xasuusta xiriirkii fiicnaa ee ka
dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaliland hada mesha u maraayo, taa micnaheeda waxaa
weeye Itoobiya gabi ahaanba in eeysan kala jecleen
Soomaaliland,Puntland,DFKM,balse waxaa la’oran karaa Soomalida ayaa Itoobiya
jecel,siyaasadana malahan saaxiib joogta ah,balse waxeey leedahay dano joogta
ah,waxaan ka wadaa Soomaalinland dantii laga lahaa waxaa ka weynaatay danta laga
leeyahay DFKM,waayo Itoobiya markeey qaseesay gobolada koonfureed Soomaaliland
waxeey u jiiftay si nabad galyo ah,balse maamulka Soomaliland ayaa haatan u arko
in eey ku soo socdaan mawjada aad u culus.
Gabagabada maqaalka Soomali badan ayaa xiligaani ku baraaruktay qabsashada
Itoobiya iyo sida caasimadii Soomaliya eey ku tageen Waziirka arimaha dibada
Itoobiya Masfin iyo Seedigiis Zanaawi,balse anigu waxaan leeyahay hada nalama
qabsan ee waxaa nala qabsaday markaan ka quusanay Soomaligalbeed,waxaan ku soo
afjarayaa qaraalkani murtidii Carbeed oo ah ukulti yooman ukula thowr abyad
micnaheeduna yahay (Waxaa La I Cunay Maalinkii La Cunay Dibigii Cadaa)
Salaamat Minkuli Afaat
Qore:C/raxman Cali Adam
E_mail: baadiyow12@hotmail.com
Nairobi,Kenya.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2007


|