SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Col. Cabdi Qaydiid oo tegay Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliiska DFKMS , Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid ayaa uga furay 600 oo askari oo Booliis ah tababar Kulliyada Tababarka Ciidanka Booliiska ee Deg. Carmo wee G/Bari.

Cabdi Qaydiid oo beryahaan ku sugnaa Puntland ayaa dadkii halkaas joogay u sheegay  in ujeedada socdaalkiisu uu ku saabsan yahay  saddex arimood.

" Aniga iyo Sxb-da kale ee DFKMS ka socda waxaan halkaan u nimid 3 arimood oo kale ah":-

1. Wada-tashiyo iyo kala qaadasho war-bixinno madaxda DGPL, maadaama aanu ka nimid caasiimada Soomaaliya ee Muqdisho.

2. Furitaanka Tababarkaan Boooliiska

3. Iyo maadaama lagu jiro asaaskii iyo dib u dhiskii ciidanka Booliiska Soomaaliyeed in aanu idiin sheego halka wax noo marayaan, haddaanu nahay madaxda Booliiska Soomaaliyeed.

Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid, oo warbixin siinayey dadka xafladda furitaanka isugu yimid oo uu ka mid ahaa, Taliyaha Ciidanka Booliiska DGPL, Siciid Karaama ayaa yiri,
 
" 20-tan Jirow waxaa tababar uga socdaa 800 oo Booliis ah, Dugsigii Tababrka ee Lafoole, Afgooye, waxaan ku xarayn-doonaa 1,000 Booliis ah, iyo sidoo kale lixdaan boqol ee Carmo.

Cabdi Qaydiid wuxuu sheegay in ay sidoo kale doonayaan 300 oo Booliis ah oo Puntland ka socda in lagu biiriyo Ciidanka Booliis ah oo tababar uga bilaabmi-doono Muqdisho si ay uga qaybqaataan sugida amaanka Caasiimada.

Col, Qaydiid mar uu ka hadlayey dagaaladii dhexmaray DFKMS iyo Ciidamada Itoobiya oo dhinac ah iyo Ciidamadii Midowgii Maxaakiimta ayaa waxaa uu sheegay in 2 jeer ay uga guulaysteen dagaaladaas, haddana ay soo af-jarayaan wax uu ugu yeeray Dagaal Tuugaysi ah oo Bambo gacanta laga tuuro, Mid dhulka lagu aaso, ama Remote Control lagu hago iyo  Baastoolad la soo qarsado oo madaxa qofka looga toogto IWM.

Qaydiid oo ka hadlaya halka ay maanta marayso nabad-gelyada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid inta qori la soo bxii karta xabad riddi karta marka laga reebo si tuugaysi ah..

Qaydiid, Wuxuu ku amaanay ciidamada DFKMS, kuwa Itoobiyaanka iyo Amisom in ay nabad-gelyadii caasiimada soo celiyeen , marka laga reebo waxyaalaha yaryar ee iska dhaca.

Cabdi Qaydiid waxaa uu si gaar ah ugu mahad-celiyey hay'adda UNDP/Rolls oo uu ku amaanay in ay gacanta kowaad siiso ciidamda Booliiska ee DFKMS.

Hadal dadku ay si kala gooni-gooni ah u fasireen oo uu Cabdi qaydiid isticmaalay ayaa ahaa sidatan:

" Haddaan Soomaali nahay, annagaa dalkayagii burburinay, dadkayagii isku laynay, isla markaasna sharcigii ka talaabsanay, maantana waxaanu rabnaa inaanu soo celino Midnimadii umadda Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayaa dadka qaar u riyaaqeen, halka qaar kalena ay ku tilmaameen in uu Qaydiid qiranaayo in uu ka mid ahaa dadkii Soomaaliya maanta dhibka ay ku jirto kaga jiray safka hore.

Maxamuud Cumar Bille

Garoowe.

mcbille@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com