SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


 CADDE WAA KU CEEB SOO CELINTA KHADAR

J. Salah, Talo-keen@hotmail.co.uk

Assalaamu caleykum, Salaan kaddib waxaan Warbaahinta Soomaalida ku arkay Golaha Degaanka Boosaaso oo shaqadii ka eryeen Guddoomiyihii Degmada Khadar Mire iyagoo cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen una cuskaday laba qodob oo kala ah:- Keli talisnimo iyo Ammaano xumo waa sida ay hadalka u dhigeene,

Waxaanse isla maalintiiba Warbaahinta ku ogaadey inuu Madaxweyne Cadde Muuse oo kaashanaya Wasiirka ay qaraabada hoose yihiin ee Dawladaha hoose Cali Cabdi Awaare ay wareegto degdeg ah ku beeniyeen doonistii Go’aankii ay gaadheen Golaha Deegaanka ee Boosaaso oo uu Shacabka Boosaaso si xor ah usoo doortay,

Cajiib markii aan arrintaas u kuurgalay waxaan ogaadey inay Cadde iyo Awaare iyo Khadar isku Jifi hoose yihiin taas oo laga fahmi karo sida degdegga ah ee ay markiiba ugu soo gurmadeen inay tahay hiil sokeeye oo tolla’ay ku dhisan Khadar ugu gurmadeen,

Waxaa kale oo laga fahmi karaa inay Cadde iyo Awaare wax ka ogyihiin guud ahaanba eedaha Khadar loo soo jeediyey oo ay dembiyadaas la wadaagaan ama ayba raalli uga yihiin inuu wuxuu doono sameeyo iyana ay kor ka ilaalinayaan, Dembiyada Khadar lagu haysto waxaa ka mid ah:-

@ Keli-talisnimo taas oo la odhan karo Khadar isku hallayn buu wuxuu doonoba u samaynayaa isaga oo og inay Cadde iyo Awaare iyo rag kaleba meesha ku haynayaan wax kasta oo uu xumeeyana ay arrintiisu tahay (Lama canaantaan baa caanihii daadiyey!),

@ Ammaano xumada oo la odhan karo raggaas meesha ku haya ayaa wixii uu Khadar lunsaday wax ka og ama la qorsheeyey ugana raalli ah, Sidaa awgeedna dacwad kasta oo Khadar lagu soo oogaa waxay noqon doontaa (Eelka kii dhigay u ergootooy!),

@ Midse Khadar ha ogaado Boosaaso waxay leedahay Gole Deegaan oo dadka dega oo dhan ka dhexaysa kaas oo sida uu Dastuurka P/land qorayo loo siman yahay awoodna u leh in ninkii qalloociya laga qaado oo qof cusub loo dhiibo, Mana jiro qof ama qoys xoog ku haysan karaa, Cadde iyo Awaare iyo kuwa la afkaarta ahina dhib uun bay dhexdiinna ka beerayaane xal xoog kuma keeni karaan,

Guddoomiye golihiisii laga ilaalinayaana shaqa ma wadi karo, Haddaba talada kula gudbooni waxay tahay kulan toos ah la yeelo Golaha Deegaanka ee markii horeba ku doortay haddii aad kalsooni ka weydidna si sharaf leh xilka isaga wareeji, Maxaa yeelay dunidu waa maalinba nin (Yowmun laka wa yowmun qeyrak),

CADDE IYO AWAARE

Cadde ha loo sheego inuu P/land Madaxweyne u yahay shacabkuna aanu kala xigin Reer Boosaasona ha u daayo inay danohooda ka tashadaan, Hana ogaado inaanay isaga arrintaas boos uga bannaanayn, Xallinta arrintaas waxaa iska leh Xubnaha Golaha deegaanka iyo Madaxdhaqameedyada iyo Waxgaradka Gobolka Bari,

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Cimri tegey ceeb laguma sagootiyo) Doorashadii P/land wax badani kama hadhin sharaftaaduna waxay ku jirtaa inaadan inta xilliga kaaga hadhay eedo hor leh sii gelin arrintaas oo haddii aad noolaatid adiga iyo ehelkaaga hooseba madhax u noqon doonta,

Dhanka kale waxaa kula gudboon inaad wixii hore ka toobad keentid oo aadan dembiyo hor leh sii muquuran, Waxaana kula gudboon inaad cibaadaysatid oo dhanka toosan u socotid kana carartid siyaasadda iyo dhibkeedaba,

Awaarena waxaa la gudboon inuu Odayga khaladka ka qabto oo uu toosiyo, Haddiise ay arrintu sidan u socoto xaalku wuxuu noqon doonaa:- (Caano xun dhigaay adna ku hambo iyo muradba li’id), Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa:- (Dhiil buuxa iyo mid faaruq ah la iskuma dhufto),

Wasalaamu caleykum, J. Salah, Talo-keen@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com