Maqaal: Caddaaladda iyo Maamul Wanaagsan
C/risaaq Wiilcade
E-mail Tirmidi1@gmail.com
Tel +2525 794207
Asalaamu calaykum ww
Awalan waxaan salaamayaa bulsha waynta soomaaliyeed ee ah mulimka
meelkasta oo ay jogaan,
Saan wada ogsoonahay Maanta waxaa yar oo Waliba aad uyar Caddaalad iyo
Maamul wanaagsan oo leh awood balse waxaa iswaydiin mudan Meelwalba
hadii aynu Wax karraadinay waxaa lawayay caddaalad iyo awood wada
Socda , iyo waliba Maamul wanaagsan ,
Hadii ay dhacdo in lahelo caddaalad waxaa yaraada Awoodii cadaalada
lagu ilaalinlahaa bilcaksi hadii aydhacdo in lahelo Awoodiina waxaa
yaraada Caddaaladii laguwadi lahaa Markastana waxaa yimada labadaas oo
isku ah lid , Waa waxa manta ina haysta balse inbadan oo Dadka kamid
ahi kamanay fakarin arrintaas ,
Tusaale ahaan hadii aan sooqaato Nabi Muuse Calayhi Salaam , Markii
uu kasoocararay Fircoon ee uu Soo'aaday Dhanka Magalada Layiraahdo
Madyan , waxaa uu Lakulmay dad badan oo ah Xoola Dhaqato , Dadkaasi
waxay Joogeen meel ceel leh oo ay kawaraabsanayeen Xoolohooda , Balse
waxa jiray laba gabdhood oo iyagu aan waraabsanayn Xoolohooda, Oo Gees
isaga Taagay inta ay Dadka kale Xoolohooda Waraabsanayaan ,
Nabi Muuse Calayhi Salaam , Wuu Lahadlay Gabdhihii waxaana uu ku yiri
Muxuu Xaalkiinu Yahay , Gabdhihii ayaa u Jawaabay oo yiri Biyo doon
ayaan ahayn oo xoolaha ayaan Rabnay Inaanu waraabsano Hase ahaatee
Illaa ay Dadku Caban oo ay Xaajadooda dhamaystaan Magalno , Aabahayana
Waa nin Oday ah oo Wayn ,
Nabi Muuse Calayhi Salaam , Waxaa uu u waraabiyay Gabdhihii Xoolihii
Ay Wateen Kadibna waxaa uu ahaa Nabi Muuse Calayhi Salaam, Nin
Gaajaysan oo Diifaysan oo Waliba Col kasoocararay , Intaa m arkii ay
Dhacday Ayuu Nabi Muuse Calayhi Slaam Inta Geed hooskiisa ah
Fariistay ayuu Alle Subxaana Watacaalaa Baryay oo Yiri , Rabiyow Wixii
aad Arzaaq Xagayga Dajisay Maanta Waxaan ka'ahay Faqiir ,
Intaa markii ay dhacday kadib , ayaa waxaa yimid Gabdhihii uu u
waraabiyay Xoolaha midood ayadoo waliba Xishoonaysa Markaa kadib ayay
kutiri Aabahay ayaa kuuyeeraya inuu kusiiyo Mishqaayad Ujuuro, Markii
uu u yimid Nabi Muuse Calayhi Salaam Gabadha Aabeheed waxaa uu uga
qiisooday Xaalkiisii iyo waliba waxa uu soomaray , Kadib ayuu ku yiri
Odaygii Hacabsan waad kabadbaaday Qolada Gardarrada usaaxiibka ah e ,
Halkaa markii uu xaalku marayao ayaa waxaa dhacday In Gabadhaha midood
ay Usoojeediso Aabeheed Arrin Cajiiba, Kaasoo ahaa Biyo shubka
Mowduuca ,
Waxay tiri Aabow ninkaan Waxaad Nooga dhigtaa Qowsaar Xoolaha
noorraaca Maxaa yeelay Waxaa wanaagbadan in aad kayeelato Qowsaar Nin
Xoogleh awood hadana ah Aamin ,
Run'ahaantii waa sida aytahay waxaana dhacday nebi muuse qisadu in ay
aakhirkii noqonayso mid uu kaga mid noqdo rerka , isagoo ay
udheertahay Nabinimo iyo Waxyi oo uu ahaa Rasuul ilaahay Doortay ,
Waxaan tusaalahaas kooban uga jeedaa in ay tahay muhiim labadaas
arrimood ee aan soosheegay oo hadii mid kamid ah lawayay kakale aanu
taagnaan Karin kaligiis ,
By C/risaaq Wiilcade
E-mail Tirmidi1@gmail.com
Tel +2525 794207
Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2007
|