HEERYADA GUMEYSIGA IYO
HALGANKA UMMADDA
A.A.
WARDHERE (Ali
yare)
Stockholm ,Sweden
Cali_yare@hotmail.com
Ilowshiiyo dhowaa ma
umulbaa:
Gabyaa la oran
jiray Salaan Carrabey ayaa ku maansooday dumarkuba xublaha foosha way
xanaf wareeraane, balse inay xusuusdarran yihiin xaylka kale mooge.
Raggu markay carruurta dhalayaan waxay ku jiraan raaxada ugu
sareysa, dumarkuna xilliga foosha waxay la kulmaan xanuunka ugu badan,
xaalad nolol iyo geeri u dhaxaysa ayey ku sugan yihiin. Dhaqaatiirta
haweenka umuliya ayaa waxay ka fekereen sidii ragga loo dareensiin lahaa
xanuunka foosha, dhowr tijaabo kadib waxay go'aamiyeen marka haweentu
foolanayso, ninkeed oo xarig siriq leh xiniinyaha looga xiray inuu
dhinaca ka fariisto, mar kastoo xanuunka fooshu qabto haweentu waa inay
xariga xoog u jiidaa oo weliba jafaalisaa. Dhaqaatiirtu waxay isku
waafaqeen in habkaas ragga loo dareensiin karo xumadda iyo kulaylka
foosha. Gobol dalka Hindiya ku yaal ayaa laga hirgeliyey tijaabadaas
waana lagu guulaystay, waxaanse jeclaan lahaa in tijaabadaas Soomaaliya
laga dhaqangeliyo. Xaamilo kastoo la xanuunsata kulaylka foosha, 40
ayaamood kadib waa illowdaa xanuunkii ay soo martay, waxayna sameysaa is
qurxin iyo cillaansaar iyo cadar is marin, si ay dareenka himadda
saygeed u soo jiidato.
Hab dhaqanka
Soomaalida waxaa lagu meteli karaa umul afartan baxday, waa bulsho war
ku nool ah {oral society} xumaan iyo samaan waxba lama diiwaangeliyo,
dhibaatadii shalay dhacday degdeg baa loo illoobaa sida haweenku
xanuunkii foosha u illoobaan oo kale. 1988kii dad ka qaxay Woqooyi
Galbeed ayaa xeryo qaxooti looga ooday Xarshin, Harta Sheekh iyo meelo
kale oo ku yaal dhulka Soomaali Galbeed ee Xabashidu gumeysato,
qaxootigii ka cararay Hargeysa waxay miciinsadeen walaalaha Soomaali
Galbeed, ee uma tallaabin gobollada Makale iyo Shawa. Sidoo kale 1991kii
dad ka qaxay Koofurta Soomaaliya ayaa xeryo looga ooday dhulka NFD ee
Keenya gumeysato, waxay miciinsadeen Soomaalida NFD ee uma tallaabin
Galbeedka Nairobi iyo Harooyinka. Qaxootigii yaacay qaar baa ku sii
hakaday Nairobi & Adis Ababa, markay laaluush iska bixiyeen waxaa u
suurtagashay inay uga sii dhoofaan waddamada Yurub & Ameerika.
Soomaalida oo taariikhyan aaminsanayd Xabashidu inay tahay dugaag dadka
cuna, waxay Adis Ababa ka heleen soo dhoweyn iyo naxariis kooban balse
mar kasta ka fiican arxamdarrada Carabta, taasina waxay dhalisay in
Soomaalidu si fudud ku illowdo cadaawadii soo jireenka ahayd ee kala
dhexaysay Xabashida. Haddaba qof Soomaaliyeed oo qaangaar
ah inuu ku andacoodo Xabashi ayaa Soomaali xabiib u ah waa mucjiso
maanka fayow diidan yahay. Cadowtooyada Xabashidu u qabto
Soomaalida waa mid aad u fog, aadna u qoto dheer, muddo qarniyo ahna soo
jirtay, waa cadaawad dowladihii soo maray Ethiopia weligood aysan isku
khilaafin kana mideysan yihiin. Taariikhdu waa mid dhigan, dhambaaley
uruurisaa, dhacdiyo mid la dhowrayoba. Muhiimaddda ugu weyn ee loo
diiiwaangeliyo taariikhda, waxay tahay in la barto xumaan iyo samaan
wixii dhacay sooyaalka. Waxaa jira hab-dhaqan aadamigu ka siman yahay,
kaasoo ah marka cadowgaagu jabo in lagu farxo, maahmaah caalami ahna
waxay leedahay ( cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa )
1920kii goortii Gumeysiga Ingiriisku u itaal sheegtay kifaaxii
Daraawiishta ee la jebiyey, Calidhuux oo ku farxay jabka ku dhacday
Sayid Maxamed ayaa ku maansooday:
-
Darmaan
qalay wadaadkii wuxuu duunyo hayn jiraye,
-
Daaduufka
aw Maxamed ku dhacay waan ku diirsadaye,
-
Waa lagu
digtaa duul hadduu ku darnaan jiraye,
-
Bal dayooy
wadaadkii wakaa sii dabayshadaye
,,Cali maxamed geedi
Soo istaag ee calanka wadankeyga ITHIOPIA kaalay gacantaada ku sur
madaxtooyada wadankaaga SOMALIA,,
Sidaas waxaa yiri LABO ALIFLE SHAWEL oo ahaa wiil u faraxsan
sidii, adiguba ( somali dhab ah) u farxi laheed adoo raizal
wasaare XABASHI ah amar ku siinaya Gudaha qasriga madaxtooyada ee
xabashida, waaba adigiiyoo waliba ku amraya inuu ka taago wadankiisa
calanka astaanta u ah jiritaanka gayigeena somalia,
maanta laga bilaabo waxaan rabaa inaan idiin sheego ,inaan nahay isku
diin iyo isku Dhaqan ,; sidaas-na waxaa ku sii meeyd garaacay wiil
tikree ah, siyu musfin.
Cadowgaagu hadduu kufo oo sinbiriirixashada la dhul dhaco, waa lays
raaciyaa oo waa la sii tarantureeyaa ee lama toosiyo oo looma shantogo.
Ethiopia iyo Soomaaliya cadowtooyo ku salaysan dal iyo diin ayaa
qarniyaal dhextaal, waqtiga ayaa saaciday nasiib-wanaagga Ethiopia
maanta Soomaaliya waa kuftay oo dhabarka ayey ka jabtay, sidii lagu
yiqiin Ethiopia doqon ma noqon ee iyadoo ka faa’iidaystay fursadda
dahabiga ah, dhaawacii Soomaaliya waa dhiibi-tirtay, waxayna sii
raacisay meyd-garaac waxaashnimo oo ka baxsan xeerarka
gobanimo-u-dirirka iyo derisnimada. Fekradii Soomaali ha is raacdo iyo
halgankii Soomaaliweyn xor ah loogu jiray oo maanta sida muuqata meesha
ka baxay, Soomaalida kuftay si aanay mar dambe u soo kicin, Ethiopia
waxay jamhuuriyaddii Soomaaliya u qeybisay wax Markii uu Qoraa Sare
C/qaadir OROMO ku macneeyay LIXDA
LAND Tusaale ahaan (Lixland =
Somaliland, Puntiland, Hiiraanland , Banaadirland, Bayland iyo
Jubbaland),dhowr Maxmiyadood oo kala madaxbannaan oo weliba col ah,
tusaale Puntland iyo Somaliland mid kasta xiriir gaar ah ayey la
leedahay. Wadar jeer waxaa laysku deyey in dib loo yagleelo dowladdii
Soomaaliya ka burburtay, si qorshehaas looga miro-dhaliyo waxaa la
qabtay 15 shir dib-u-heshiisiin, dadaal kasta Ethiopia ayaa fashalisa.
Dalka Ithiopia ee aanu walaalaha nahay ,saaxiibada nahay, isku
dhaqanka nahay .isku diinta nahay,waxay ugu deeqeen shacbiga
soomaaliyeed wax Bin,adam isa siiyo waxa ugu qiimaha badan oo ah
dhiigooda, Haldalkan wuxuu Prof Geedi ka jeediyay maalintii xamar laga
furay xarunta gumeysiga Ithiopia, 27/05/2007....
- Dhulka miyaa dadkiisii dhintoo
dhaxal la'aan jooga?
- Dhulkaanow ma qowm kuu dhashoo
ku dhagrayaa jira?
- *****
- Tulud geela ayaa toban ku ruux
weydaaye,
- Dhulkaan tegay miyaan dhagaxna
loo tuuraynin?
Ethiopia waxay si hawl
yar ugu guulaystay inay Soomaaliya ka tirtirto kaadirka indheergartada
loo yaqaan sida: aqoonyahannada haybadda leh, saraakiisha kartida leh,
dhaqaatiirta taqasuuska leh, culumada diinta iyo wixii soo raaca. Murti
baa waxay leedahay bulshadii laga waayo: waayeel taliya, wadaad
duceeya iyo wiil darira,
bulshadaas belaayo ayaa ku habsatay oo burbur baa u sugnaaday, waa
heerka maanta Soomaalidu ku sugan tahay. Ethiopia waxay ku talo gashay
markay layso oo gebi ahaanba waddanka ka suuliso kaadirka aqoonta leh
inay dalka isugu haraan waxmagarato ku dhaqanta xeerka duurjoogta ee ku
salaysan sida loo kala xoog weyn yahay in laysu cuno {Survival of the
fittest}, xeerkaas Ethiopia dejisay ayaa maanta Soomaaliya looga dhaqmaa
oo beeluhu sida ay u kala hub badan yihiin ayey isu bililiqaystaan,
waxaa la boobay oo la barakiciyey beelaha aan hubaysnayn sida, Banaadiri
ama Gibilcad. Hadba dunida dad baa u kaca oo diin cusub la shir yimaada,
shirqoolladii Ethiopia u dejisay burburinta Soomaaliya si fiican ayey u
hirgaleen. Ethiopia burburinta Soomaaliya ku guulaysatay ayaa ku
geeraartay "halaagga Soomaali hootadaan la helay hoodo iyo nasiib wacan
dheh"
waan hubaa waxa ka
socda dalkii hooyo iyo gayigii daahirka ahaa uu yahay
halkii majaajiliista sare oday cabdulle markuu yaabay ka Yiri
WIXII DHiiG LAHOOW KACA
somalida oo ah
dad war-ku nool ah ayaa laga hayaa madax muuqda iyo midi saawir ah
mid-na lagama samro , hadii shaki kugu jiray ogoow guriga calanka
xabashida laga taagay inuu yahay gurigii heybada iyo jiritaanka
owlaadada, baaritaan dheer oon sameeyay ka dib waxaan ogaaday, in
dagitaanka xabashida ee gurigaa uu xambaarsanyahay macna heerkeedu
tayey-sanyahay ,oo gurigu uu yahay gurigii lagu sameeyay heestii caanka
eheed EE "Xaduuda gadaaman ee Gaalku sameeyey, inaan ka gudbayno
waan garanaayee, Geyshkayagow guulaysta"
MELEZ IYO TIKREE MID-BAAN LEEYAHAY,
SOMALI , & CABDULLAHI YEY-NA MIDBAAN
LEEYAHAY,
MELEZ waxaan leeyahay
- Inkaar-qabe Ato Meyle,
- Amxaarkuu UNada geystee,
- Na asaraaraayey,
- Af-Soomaaliguu garanayaa,
- Loo adeegsadaye,
- Ajashii kolkey u timid,
- Nalaka siib oofe,
- Abris iyo abeesuu ka tegay,
- Baa soo abaabulane,
- Allahayow Amxaarkii
baqtiyey,
- Maad iilka ugu geysid,
- Oo ololka naareed ku tuur,
- Idil ahaantoodba,
- Abrahaba Kacbada Illaahey
- Aabi ugu duuliye,
- Intii kibirtay,
- Abaabiil baa lagu salliday,
- Oo eber ka siiyeene,
- Kuwaan harayna waa aynigii,
- Tan iyo aamanuu jiraye,
- Allahayow Islaam baan
nahaye,
- Oo diinta aaminaye,
- Amxaariyo intii raacsanba,
- Eber ka sii manta
- Ehelka Shaydaanka ..Aamiin.
SOMALI-NA Mid baan leeyahay
- Itoobiya waxay soo galeen gulufya
duulaane
- Guutooyin beysoo dirtiyo gaasas
fara wayne
- Gacantey si dhaba ugu dhigeen
goboladeeniiye
- Awalbey soomalida galbeed gumac ku
haysteene
- Annageyse noo soo gudbeen galinka
maantaahe
- Awal bey gumaadeen ninkii goob
dagaal wacane
- Waana ayka bada guuxayaan gala
raacyadiye
- Geesigiyo wadani geeni bey gawrac
ku hayaane
- Go'an koodu waa dunida oy nagu
gumeystaane
U guntada dagaal oo jahaad galiya laabtiina
- Geeridana aqbala eebeheey waydin
gacansiine
- Hubka garabka laga tuuro iyo gumac
ku maansheeya
- Ku garaaca meeshey galaan waran ka
gaarsiiya
- Gunta xabadka hootada ku jara
gooya kadabkooda
- Guba oo dabiyo holac ku shida
gorofka maydkooda
- Miinadoo wadada loo galshiyo
gaadmo ku idleeya
- La gabiya gadoonteey koraan
gowracna u raacsha
- Uga dhiga habeen geeriyeed gudaha
ciideena
- Ku gabooda goobteey tagaan gaashin
iyo weerar
- Ayagiyo wixii daba guclaba gamaska
leefsiiya
- Gilgil iyo banbaanooyin iyo booba
ku asqeeya
- Guud kooda holac iyo ku shuba
garangar qiiqeeysa
- Go'an koodu waa dunida oy nagu
gumeystaane
- Gudcurkaba ma joogeen hadaad garan
lahaydeene
- U guntada dagaal oo jahaad galiya
laabtiina
- Geeridana aqbala eebeheey waydin
gacansiine
CABDULAAHI YEY-na Mid baan
leeyahay,
- Naaleeye habacsane .
- Yaa horseede kaa dhigay ?
- Ma adigaa hogaanshe ah ?
- Gobannimo hawadin kara ?
- Haaneedka qaban kara ?
- Higsan kara asaagaa ?
- Qarannimo hitiqin kara?
- Isku duubni hanan kara ?
- Dad sabool ah hagi kara ?
- Himilada xil furan kara ?
- Taarikh la hari kara ?
- Hal-abuurka sharafka leh ?
- Murtidooda helin kara ?
- Hoodaale noqon kara ?
******
A.A. WARDHERE (Ali yare)
Gudoomiyaha Gudiga Qurbajooga Soomaaliyeed
Stockholm ,Sweden
Cali_yare@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2007
|