SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Puntland: Fowdo hor-dhaceed, maxaa lagu yaqaan????

ka dib, markii xilka looga qaaday cod aqbaliyad ah Duqa magaalada Boosaaso ahna Gudoomiyaha Golaha Deg Khadar Cabdi Xaaji Mire , ayaa waxaa difaacay Madaxweynaha DGPL iyo Wasiirka D/Hoose iyo H/Gobolada.

Sida ay rumaysan yihiin shacabku, Dowladdu in ay soo fara-geliso howshaan waxaa taageeraya qodobadaan soo socda:-

1. Duqa oo ka maqnaa shirkii codka ka dhanka ah loogu qaaday

2. Goobta oo aysan joogin masuuliyiin ka socota Wasaarada D/Hoose iyo Horumarinta Gobolada DGPL.

3. Khilaafaadka dhexyaal oo ah kuwo la xalin karo , waa haddii dowladdu fara-geliso

4. Shaqsiyaad gaar ah oo raba in ay duqa u aqoon-sadaan xilka.

5. Wax-qabadka Duqa oo dowladdu ay la dhacsan tahay, uusan shacabkuna waxba ka qabin, balse golaha degaanku ay saluug-san yihiin.taasna waxaa cadaynaya sida ay shaqaaluhu ugu durbaan tumayaan in uu duqu xilka sii hayo, inkastoo dadka Boosaaso ku dhaqan qaarkiis ay, sheegayaan in duqu uu kasbaday shaqaalaha oo dhegta wax ugu shegay, islamar ahaantaasna uu keensaday fanaaniintii gobolka Bari oo durbaanka u tumay, mash-xarada iyo sacabkana ugu garaacay , si loogu muujiyo shacabka Boosaaso in duqu uu yahay nin shaqadiisa ka adag.

Sidoo kale dadka qaar baa aaminsan in Xubnaha Golaha Deggaanka ee xilka ka xayuubiyey duqa ay isugu jiraan kuwo siyaasadiisa diidan iyo kuwo uu xanaaqu la tagay ka dib markii uu duqu shirka isaga baxay sida la sheegay.

Duqa xilka laga qaaday ayaa shacabku ku tilmaameen Leader amaba nin dadka abaabulan kara oo wax isku duba ridan kara, taasna waxaa ka markhaanti ah, shirkii uu ku qabtay xaruntiisa Boosaaso heesaha iyo mash-xaradu in  aysan meel da'yan.

Si kastaba, dadku waxay is-weydiinayaan arintaan in ay noqon karo fowdo iyo in kale, waayo lama yaraysan karo nin xilka laga qaaday oo haddana shaqadiisii iska sii wata.

Haddaba Duqu in uu xilkii waayey ayaa waxaa taageeraya qodobadaan soo socda:

1. 21 xubnood oo goob joog ahaa oo 19 ka mid ah ay codkooda ku yiraahdeen"Waxaanu kal-soonidii si buuxda kala noqonay Khadar Cabdi Xaaji Mire duqii magaalada Boosaaso ahaana Gudoomiyaha Golaha Deggaanka.

2. Duqa oo lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo maamul xumo ama ku tagri-fal hantida umadda.

3. Duqa oo shirkii ku xiray hab, hayga daba hadlin ah, dabadeedna iridka ka baxay, sida ay sheegeen xubnaha Golaha Degaanku.

4. Duqa oo hal dheg wax ka maqla balse tii xigtay xildhibaanada Golaha Degaanka ay xirmatay.

5. Duqa oo aan tix-gelin talo-soo-jeedinta xildhibaanada Golaha Degaanka.

6. IWM

Maxamuud Cumar Bille

Garoowe

mcbille@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com