SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


CADE MUUSE NOO SHEEG.

  • Yasin Jamac Bossaaso Puntland

Beelaha Mudnaanta Leh Cadde Muuse Noo Sheeg.
Qaab Dhismeedka P/Land Cadde Muuse Noo Sheeg.
Cadaalada Iyo Sinaanta Laga Tegeyna Noo Sheeg.
Eexda Iyo Qabyaaladda Ku Dhaqankeeda Noo Sheeg.
Sharcigii Iyo Nidaamkii P/Landna Noo Sheeg.


Dhaartii Iyo Balantii Waxa Beeneeyeey Noo Sheeg.
Sool Iyo Sanaag,Ceynyo Heyland Nidamkooda Noo Sheeg.

Waxa Qadiyeey Qeybahan Micnaheeda Noo Sheeg.
Dhaqaalaha P/Land Meeshuu Marona Noo Sheeg.
Bosaaso Koow Tahay,Beeshiisu Mudan Tahay Cade Muuse Noo Sheeg.
In Garoowe Labo Tahay Cadde Muuse Noo Sheeg.
Gaalkacyo Gaar Tahay Qeybteedu Weyn Tahay Cade Muuse Noo Sheeg.
Inta Kalena Yoow Tahay Wax Aan La Weeydiin Cadde Muuse Noo Sheeg.


Kheeyraadka Lagu Guran, Iyaguna Ka Gaajoon Cadde Muuse Noo Sheeg.
Musuq-Maasaqaa Jira, Dhaawacay Hanaakii Micnihiisa Noo Sheeg.
Wasiirada aan Dhicino Iska Joogayaasha Micnahooda Noo Sheeg.
Adeegii Dadweynaha Meeshu Mareyna Noo Sheeg.
Qaska Meesha Yaaliyo Amaan Xumadda Noo Sheeg.
Niyadii Dadweynaha Waxa Jebiyeey Noo Sheeg.
Mushaaharkii Shaqaalaha Halkuu Mareyna noo Sheeg.
Doonyaha Tahriibtana Cida Ka Masuul Ah Noo Sheeg.
Dadka Badaha Lagu Qubo Boqolaalkii Dhaafee Micnahooda Noo Sheeg.

Muuse Noo Sheeg, Madaxweyne Noo Sheeg.


Saami Qeysigii iyo Qaabkii Sinaaneed Waxa Bedelay Noo Sheeg.
Dalxiiska joogtada ah Dubai daan la aadin, hotelkaan la degay Ma dekadaa bixin
madexweyne noo sheeg cade Muuse noo sheeg?
Tiisaba Daryeelaa Walaalkii Wax Tari Kara
Dantii Weey Haloowdoo, Dhulkii Waa Dayacan Yahay Eedaa Yaa Leh Janenkoow.
Goboladan Degmooyinka Laheyn Maxaa Looga Jeedaa.
Barlamaankan Sawirka Ah Maxaa Looga Jeedaa.
Anagaa Mudnaanta,Anagaa Hogaanka Leh Maxaa Looga Jeedaa.
Beelaha Mid A-Tahay,Mida Klena B-Tahay,Inta Kalena F-Tahay Maxaa Looga Jeedaa.
Ha Ha-weeysan Weligaa Maxaa Looga Jeedaa.
Waxaad Qabatay Sanadkaas Madaxweyne Noo Sheeg.


Guulaha Xukuumadda Cadde Muuse Noo Sheeg.
Hantidii Dadweynaha Kuwa Dhaceyna Noo Sheeg.
Madaxweyne Noo Sheeg, Cadde Muuse Noo Sheeg.
Golihii Degaankee Boosaso Cabashaa Ka Timiyeey Waxa Jira Noo Sheeg.

Wasiirkaaga Maaliyada madexweynahiiba ka xoogbadan Macnihiisa noosheeg Maraakiibtaan baase badihiiba marisay Milkiilahooda noo sheeg cade muuse noo sheeg.

Balan qaadka beenta ah isbedalkaan aad sheegtid macneeda noo sheeg

Qurba jooga wada tagay qalinkana wax kugula qora qaabkooda noo sheeg Ina muusahaan kale masaakiintii dekadana mid ba meel ukala direy macnihiisa noo sheeg madexweyne noo sheeg

Xukun Iyo Garsoor Wacan, Xejin Kara Amaanada Cadde Laga Sugaayaa.

Shaki Weyn Ayaa Jira, Wel Wel iyo Walaac Badan Bal Aan Eegno Maalmaha Xaqiiqadu Horteen Iman.
Madaxweyne-Cadde Muuse Wixii Jiraba Noo Sheeg,Adoo Mahadsan Noo Sheeg, Madaxweyne Noo Sheeg.


Yasin Jamac Bossaaso Puntland
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com