SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


JAMHUURIYADDA SOMALILAND MEELAHA RAJADDA FIICAN EE QAARADDA AFRICA

Pretoria, Seminaar kusaabsan Muuqaalka Dowladda Norway ee dhinaca Nabadda & Xasiloonidda Qaaradda Africa (Norwegian Perspectives on Peace & Security in Africa) ayaa kadhacey magaaloweynta Pretoria dabayaaqadii bishii inadhaaftey ee Luulyo.  Seminaarka waxaa soobandhigey Mudane Raymond Johansen, Wasiirul Dowlaha Norway uqaabilsan arimaha dibadda, waxaana kamid ahaa dadka kasooqeybgaley seminaarka Safiiro, wasiiro dawladeed, xubno kasocda wazaaraddaha arimaha dibadda, difaaca ee K/Africa, bahda saxaafadda iyo dadkaloo muhiim ah (V.I.P)

Raymond wuxuu qaadaadhigey dhibaatooyinka kahaloosan Q.Africa guud ahaan, gaar ahaan meelaha ey dhibaatooyinka ugu ba’ani kajiraan sida wadamadda Bariga Africa (East Africa), wuxuu kahadley dhibaatooyinka kahaloosan Waqooyiga Uganda, Darfurr & Chad,dhinaca geeska Africa iyo dhibaatooyinka uguba’an eykajiraan wadanka Somalia, dhinaca Koonfurta Africa wuxuu kasooqaatey Zimbabwe iyo xasiloonila’aanta dhinaca siyaasadda, iyo isagoo kahadley wadadmadda kalle  Africa kuyaal, Mudane Raymodn wuxuu kalle oo soobandhigey sida dowladda Norway ey gacan uga geysaneyso deminta dhibaatooyinkan iyo caawimadda dhaqaaleed ee ey kubixiso... 

Mar uu kahadlayey Somalia, wuxuu tilmaamokabixiyey dhibaatooyinka ey sababeen dagaaladda dhowaan kadhacey Somalia ee ciidamadda dowaldda Somalia oo ey taageereyso Ethopia ey dagaalo ba’an ulagaleen ciidamadda iskacaabinta iyo sida dadbadan oo rayid ubadani ey kasoogaadheen khasaare naf iyo maalba leh, wuxuu kale uu tilmaamey Mudane Raymond in dowladda Norway ey taageerto dowladda kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya. 


Saeed iyo Raymond

Dhinaca Somaliland, mudane Johansen wuxuu kutilmaamey in ey jamhuuriyadda Somaliland oo udabaaldegeysa sanadguuradii 16naad ey tahey meelaha rajadda fiican ee qaaradda Africa “Waxaan booqdey Somaliland (Hargeisa), nabadda, xasiloonidda iyo dimuqraadiyadda kahanoqaadey Somaliland waxey tusaale fiican utahey guud ahaan qaaraddan Africa, gaar ahaana meelaha amni daradu kajirto, Somaliland waa meelaha rajadda fiicanleh ee Q.Africa” ayuu yidhi mudane Raymond. 

Gebogabaddii bandhigaa cilmiyeysan iyo su’aasha ugu dheereed uguna xiisaha badneyd oo laweydiiyey Mudane Raymond waxey aheyd sedan: “Mudane Raymond, waan kaagamahadcelinayaa bandhigaagan cilmiyeysan, dabcan waa xaqiiq in ey Africa jiraan xaalado ibni aadam oo daran kuwaas oo ey sababeen dagaalo dabo- dheeraadey & xasilooni la'aan kajirta wadamadda aadkusheegtey bandhigaga, laakiin sidoo kalle rajooyin badan oo ficana waa kajiraan Qaaraddan Africa, tusaale ahaan inta aanan ugalin meelaha Rajadda fiicanleh ee aadka uxasiloon, aan dib inyar ugunoqdo arimaha Soomaaliya oo aad waxyar kasheegtey, Somaliya waxaa kajira xaalad aad u khatar ah oo maalinba maalinka kadanbeeya kasiidareysa ( appalling situation), dadkudhow Hal Malyuun oo qof (1000,000) ayaa xiligan kuhoosjira geedaha Muqdisho agagaarkeeda ah, kumanaankalle oo maati ahna dagaalka ayaa si arxandaro ah dhegta dhiiga loogudarey, intii udhaxeysey 29 march ilaa 2 april, dad kabadan 1000 qofood ayaa lagudiley muqdisho (mostly women & children), (waxaa jira in dhibaatadan aan sheegey aaney helin "Media Attention", xaalka maanta Muqdisho waa mid aad ukhatar u ah oo rajo fiican aan lagaqabin.  Laakiin dhinaca kale iyo meelaha rajadda fiican ee geeska Africa, waxaa jira Jamhuuriyadda Somaliland, (wadan yar lagana yaabo inbadan oo kasooqeybgalayaasha sharaftaleh ee seminaarkani aaney aqoonin) oo weli udabaaldegeysa sanadguuradii 16naad ee gooni isutaageeda, waa 16 sanadood oo xasilooni ah, waa 16 sano oo horumar ah, waa 16 sano ictiraaf raadis ey dhamaan dadka reer somaliland uguwada dadaalayaan in ey beesha caalamka kahelaan, Mudane Raymond, su'aasheydu waxey tahey Jamhuuriyadda Somaliland oo waxkaste oo dowladi leedahey leh, sida calan, lacag, ciidan,xuduudo eylawadaagto wadamadda jaarka, ciidan amni & waxkasta oo dowladiina Norway leedahey leh, Jamhuuriyadda Somaliland waxaa haddii sibuuxda loo ictiraafo loo adeegsan karaa waayo aragnimadeeda in laguxaliyo meelaha dhibaatooyinka kahaloosanyihiin ee Somaliya, Darfur, Uganda, Mudane markaa miyaaney kula aheyn in ey tahey waqtigii beesha caalamku ey ictiraafi lahaayeen Somaliland?. 

Mudane Raymond oo kajawaabayey su’al kusabsaneyd ictiraafka ey beesha caalamka iyo dowladda uu waziirul khaarajiga kayahey ee Norway ey u aqoonsaddaan Somaliland dowlad madaxbanaan iyo kaalinta ey Somaliland kaciyaarikarto deminta colaadaha kahaloosan geeska africa iyadoo adeegsaneysa waayo aragnimaddeeda xalinta dhibaatooyinka, wuxuu kujawaabey “somaliland horumaro lataabankaro ayey kagaadhey dhinacyadda amniga iyo xasiloonidda, sidaan horey usheegeyna waa tusaale fiican oo mudan kudayasho, hada ma aha aniga arin ikhuseysa hadii Somaliland & Somalia ey kalago’ayaan ama midoobayaan, taasi waxey utaalaa dadka R.Somaliland/Somalia, rajadda ictiraafka Somalilandna waa mid eytahey in ey kabilaabanto hoos iyo wadamadda Africa, waana lagayaabaa in Sland ey Aqoonsi caalami ah hesho”.

Jamhuuriyadda Somaliland oo mudo 16 sanadood kadib markii ey kudhawaaqdey in ey gooni isutaagtey oo kuguuleysatey in ey sugto amniga iyo iyagoo kutalaabsadey horumaro dhinacyobadanleh, ayaan weli helin aqoonsi caalami ah 

Waa maxey sababta hortaagan ICTIRAAFKA Somaliland? Waxaan su’aashan inooga jawaabaya Gudoomiyaha Jaaliyadda R.SLand ee K/Africa iyo ardey R.Somaliland ah oo wax kabarata K/Africa, uguhoreyntii Dr./Sheekh Cali Ahmed Hassan oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda SLand ee K/Africa ahaana Xeer Ilaaliyihii Guud isla mar ahaantaana ahaa Gudoomiyaha Maxkamadaha Biilka, Garyaqaanka guud ee Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Mohamed Siyaad Bare (Alle ha-unaxariistee), wuxuu Gudoomiyuhu ugajawaabayaa su’aasha “Somaliland waxey dhameystirtey shurucdii iyo shuruudihii lagu aqoonsanlahaa ummad gobanimo dooneysa, waana lawada ogyahey” ayuu Dr. Ali yidhi isagoo siiraaciyey, isagoo siiwada sababaha loo ictiraafiwaayey SLand

  • “1.Dowladaha waaweyn ee Mucaawanadda bixiyaa diyaar uma aha in umad isku jinsiyad ah (nationality) ey uqaybiso dowlado yar yar, sababtoo ah halkii ey hal dowlad kacaawini lahaayeen waxey kunoqoneysaa dowlado tiro badan.
  • “ 2.  Arinta labaad oo Marka Golaha Amaanka la isugutago oo ey mid kamid ah dowladaha waaweyn ey mashruuc kawadato, waxaa lasheegaa in codadka la iibsado, markaa madoonayaan dowladahaa waaweyni in ey codadka ey iibsanayaan uu kubato.  Qodobka
  • “3aad: Hadii eynu Africa usoolaabano, Africa Siyaasad ahaan wadamadda Africa wey xorowdey, laakiin dhaqaale ahaan weli waa lagumeysanayaa, weli Africa amar kamey helin dowladaha waaweyn oo sheegaya in Africa ey aqoonsadaan Somaliland” ayuu yidhi Dr. A.A. Hassan, Gudoomiyaha Jaaliyadda Slan ee K/Africa.

Aragti kale oo kusaabsan sababta Sland loo ictiraafiwaayey waxaan kaheley Mudane Maxamuud Biixi Axmed (Xaaji), oo ah Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed ee waxkabarta South Africa, wuxuuna yidhi :

  • Uguhoreyntii aqoonsi raadinta Sland kumey dadaalin siyaasiyiintii hore ee Sland”
  • “Waxaa muhiim ah in labalaadhiyo asxaabta Sland ee Qaaradda Africa, waxaa carqalad kunoqotey sland iyagoo Ethopia uun isku koobey oo aan Qadiyadooda Africadda kale latashan”
  • “Iyadoon Xamar lagasameysan asxaab siyaasi ah maadaama oo ey tahey in Ictiraafka lagabilaabo jaarka” ayuu yidhi Mudane Xaaji oo ah Gudoomiyaha Ardeyda Soomaliyeed ee South Africa

Waxaa figrad taa kudhow isna iisheegey Mudane Mohamed Abdilaahi Muxumed oo ah Afhayeenka Jaaliyadda R.Somaliland ee K/Africa wuxuuna kusookoobey sedan: 

  • “Iyadoo siyaasiintii hore iyo siyaasiinta iminka muxaafid iyo mucaaradba eyna daacad ka aheyn qadiyadda Sland”
  • “iyo Shicibweynaha R.somaliland laftooda oo aan dareensaneyn caabiga lidka ku ah qadiyadda Sland oo ey yareysanayaan, taasi oo ey dhayelsadeen arinta culeyskeedaa leh” Maxamed C/lahi Muxumed, Afhayeenka Jaaliyadda R.Sland ee K/Africa

Xal & fariinta ey dirayaan Jaaliyadda & Ardeyda R.Somaliland ee South Africa: 

Waxey xal u arkaan Gudoomiye Sh.Cali iyo guud ahaan Jaaliyadda R.Sland iyo ardeyda waxkabarata S.Africaba in ey Sland iskutashato, sidii K/Africa ey isugutashatey markii la-aqoonsanwaayey, Somaliland na meesha ey caalamka kagataalo hadii ey iskutashadaan cid ey ubaahnaanayaan oo aan Ilaahey aheyni majirto 

Waxaa diyaariyey; 
Saeed furaa, 
S.Africa
somaliland.journalist@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com