-
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas
PPP" waan taageersanahay dowladdu isbedelka ay samaynayso, dhankasta.
-
Gudoomiyaha Shabakada Nugal Child Protection Network?(Wareysi)
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas
PPP" waan taageersanahay dowladdu isbedelka ay samaynayso, dhankasta.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas PPP, Daahir C/qaadir
Muuse(Daahir Ciiro).oo ka jawaabaya hadal laga sheegay in uu isticmaalay
Madaxweynaha DGPL , Maxamuud Muuse Xirsi(Gen. cadde Muuse) mar uu ka hadlayey
shirkii Golaha Xukuumada oo looga hadlaayey arimaha Nabad-gelyada DGPl, ayaa
yiri" Waxaan si buuxda u taageersanahay hadalka madaxweynaha DGPL, ee uu ku
sheegay in aysan jirin wax dastuur ah,laguna dhaqmin, arintaas waxaa cadaynaya
in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah oo loola noqdo marjac sharci.
Erayga Reer Hebel:
"Runtii, waa laga soo gudbay wakhtigii Madaxweynaha dhegta wax
loogu shegi jirey, cidna uma talin-karto, qabyaaladna wax laguma dabikhi karo,
wuu yaqaan ninkii u qalma in uu shacabka hogaamiyo, way soo dhamaatay oday
dhaqameed intuu madaxtooyada tago war-geeya isagoo ka duulaya reer hebel waa
mucaarad, reer hebel waa ku neceb yihiin, reer hebel waa yaraan oo waxba kuuma
qaban-karaan, reer hebel waxay u badan yiihiin taageerayaasha Maxaakiimta, reer
hebel waatay hebel la socon jireen, reer hebel anagaa degaanka uga badan, reer
hebel annagaa ka aqoon-yahanno badan, IWM.
"Waxaan ka codsanaynaa madaxweynaha in dhamaan Reer Puntland ay
xaqooda ka helan dowladda. Dowladu maa han mid ay leeyihiin Ma-jeerteen ama
Maxamuud Saleebaan kaliya.Cadaaladu waxay ku jirtaa in Reer kasta uu xaqiisa
helo.(Power sharing).
" Markale waxaan leeyahay , waxaas waa laga soo gudbay,
madaxweynuhuna wuu iska cayrshay dadkii isku dirka iyo xanta tolkood kuraasta ku
doonan jirey.
Isku-bedelka Wasiirada.
"Waxaan sidoo kale aanan waxba u arag in madaxweynuhu uu isku
bedelo wasiirada. Wasiirada la sheegayo awal maxay qaban jireen, bal ha loo
soo bandhigo shacabka waxay u qabteen.
See wax u socdaan:
Daahir Ciiro ayaa mar aan weydiinay sida uu u arko waxyaalahaan
soo kordhay waxaa uu yiri" Walaal Puntland inqilaab laguma qabsan ee si
dimuqraadi ah ayaa loo soo doortay, dowladuna qabiil maahan, iyaday u taal siday
wax u maamuli lahayd, balse oo kaliya annagu hadaan nahay shacab waxaan xaq u
leenahay in aanu aragtidayada ka dhiibano. Maxaa laga gubanayaa , waliba cid xil
laga qaaday majirtee, maxaase soo kordhay awalba lama guban jirine??.
Daahir maxaa iska bedelay
aragtidiisii.
Daahir Ciiro oo aan weydiiyey bal waxa iska bedelay maadaama uu
aad uga soo horjeedi jirey siyaasada maamulka Puntland ayaa yiri" Waxba iskama
kay bedelin balse waxaan xaq u leeyahay in aan kala tilmaamo khaladka iyo saxa
labadaba.
Maxaa Wasiirada dadku faraha
ku fiiqayaan loo bedeli waayey
.
Daahir ciiro ayaa ka jawaabaya" Walaal, waxba yaan Gaagaab iyo
Cali Cabdi Awaare lagu habsaamin, waa niman xilkooda sida ugu haboon u guta,
waa lagu yaqaan Soomaalida xasdiga, aan loo quurin qofka horumarkiisa, hala
tilmaamo kuwa iska fadhiya ee aan waxba qaban.
Si kastba ha ahaatee, sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah
Xildhibaanada DGPL, ayaa waxay noo sheegeen in ay soo hordhigeen madaxweynaha
qodobo badan oo ku saabsan ku tumashada dastuurka, oo ay ku eedaynayaan
madaxweynuhu in uu horay ugu tuntay dastuurka 50% haddana uu afkiisa kaga
hordhawaaqay shirkii Khamiislaha ee Golaha Xukuumada in uusanba jirin wax
dastuur ah oo lagu dhaqmayo. Sidoo kalena
Madaxweynuhu wuxuu kaga hor dhawaaqay golaha xukuumada in uu dib
u dhigay isku shaandheyntii wasiirada.
Dhinaca kale, waxaa magacyada laga bedelay labo wasaaradood oo
kale ah:-
Wasaaradii Arimaha Gudaha iyo
Amniga waxaa loo bixiyey Wasaarada Amniga DGPL
Wasaaradii D/hoose iyo H/marinta R/miyiga waxaa loo
bixiyey Wasaarada D/hoose iyo H/marinta Gobolada.
Aragtida warbixintaan waxaa
wax laga weydiinayaa
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka
ah ee Ramas Puntland Political Party, Daahir Ciiro.
Tel: +252-5-747090
Garoowe
mcbille@gmail.com
Gudoomiayah Shabakada Nugal Child Protection
Network?(Wareysi)
C/qaadir Nuur Aadan(Qasaaye) waa gudoomiyaha
Shabakada ay ku bahoobeen ururada u dooda xuquuqda caruurta ee G. Nugaal,
ururadaas oo kala ah:_ Kaallo, NYO, NSC, NSCA, NYF, FYF, Bushra, Guardian,
Wasaaradda Haweenka DGPL, NYHO, Kalkaal, TYO, Ururka Isku xirka Deg. Eyl iyo
SYS.
Gudoomiyaha NCP oo aan su'aalo kooban weydiiyey in
uu warbixin naga siiyo horumarka ururka ayaa sidatan u dhacay:
Mcbille: Waa maxay ujeedada loo abuuray
shabakadaan NCPN?
Qasaaye: Walaal, waxaanu wax ka qabanaa tacadiyada
ka dhanka ah caruurta.
Mcbille: Ilaa hadda wax la taaban karo intaad
xilka haysay oo aad qabateen ma jiraan?
Qasaaye: Haa, waxaa ka mid ah waxaan helnay
Capacity Building Programme iyo waliba qalabaynta xafiiska.
Mcbille: Yaa ururka taakuleeya?
Qasaaye: Unicef Production section iyo Hay'adda
Nofic..
MCbille: Gudoomiye, adigu hadda ka hor waxaad
ahaan jirtey gudoomiyaha ururka kulmiya dhamaan ururada G.Nugaal ee MUDAN, marka
bal waxaa ii sheegtaa wax horumar ah oo aad gaarsiisay MUDAN?
Qasaaye: Walaal, Boosweyn oo guri looga dhisayo
ayaa nala siiyey, (Youth Club) meel ay dhalinyaradu isugu yimaadaan, qalab
fiicana waan helnay.
Mcbille: Xilkii ma kuu dhamaaday, ma adaa isaga
degey, mise waa laga qaaday?
Qasaaye: Wakhtigii ayaa ii dhamaaday, waxaan xilka
hayey 3 sanno, oo dhowr jeer la I soo doortay.
MCbille: Ururkaan NCP intee ayaa mudada xilka
gudoomiyaha kuugu egyahay ?
Qasaaye: waxaan haynayaa muddo 6 bilood ah.
Mcbille: Qasaaye, dadku waxay isla dhexmarayaan,
ururada G.Nugaal waxaa xilalka sare loo dhiibaa rag iska dhalinyaro ah, oo aan
khimrad iyo aqoon midna u lahayn waxa umadda loogu dhiibo, een isla markaasna
ay markaba wax isdaba mariyaan oo musuq-maasuq iyo maamul xumo dhacdo iyo waliba
is-qabqabsi, een sidoo kalena waxaa jira in ururada qaar aanba waxba kala socon
waxa socda ee shaqsiyaad idin ka mid ah ay wixii seminars iyo xogeey kaloo lacag
ah wixii soo baxa afka iska mariyaan, maxaad uga jawaabaysaa?
Qasaaye: walaal, waa been, waxyaalaha qaarkood,
laakiin waxaa run ah lacag lunsashada oo ku timaada mushahaarka la siiyo
masuuliyiinta oo aan ku filayn.
Mcbille: haddii loo doortay qofka masuuliyad in uu
u qaado umadda oo wixii la siiyey ku filaan waayaan, ma dadkuu dhacayaa mise
waxbuu xadayaa, miyuusan, si kale oo raali looga yahay wax ku qaadan Karin.
Qasaaye: Walaahi, waa arinta lala yaaban yahay oo
qoflkastaaba uu sidaas oo kale ka qabo.
Mcbille: Hadda, maxaad higsanaysaan, in aad
gaartaan?
Qasaaye: waxaan rajaynaynaa in aan helno guri
mulkiiyada ururka ah iyo in aan hoos u dhigno dhibka ciyaalka ilaa 1% aan ka
gaarsiinayno.
Ilaa hadda waxaan wax ka qabanay cudurka shuban
biyoodka iwm.
Waad-Mahad Santahay
Gudoomiyaha NCPC
C/qaadir Nuur Adan(Qasaaye)
Maxamuud Cumar Bille
Garoowe.
Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007


|