Qabiilkaaga Wuu Quman yahay; Horta sow
sidaas ma aha?
Mohamed Jama
USA
Waa dhab inaad ka dhalatay Qabiil.
Waxaa jirri jiray oday wuxuu dhalay
oday kale wuxuu sii dhalay oday kale, kaasna wuxuu sii dhalay ku kale,
kii kalena wuxuu dhalay awoogaa, awoogaanna wuxuu dhalay aabahaa,
aabahaana wuxuu dhalay adiga, adiga waxaad dhashay willkaaga,
wiilkaagana wuxuu dhalay wiilkaad awooga u noqon, wuxuu sii dhalay
wiilkaad abkow u noqon …. Sow horta sidaas ma aha Qanbiilku?
Bilcaksi, marka Qabiilku uu dhex galay
Siyaasad. Haa Siyaasad? Waxa uu noqdaa quran aan la fasiri karin. Waan
naqaan in siyaasaddu tahay qurun dhaldhalaal badan. Sidoo kale waxaan
naqaan in Qabiilku yahay silsilada taxane ah, si aanu isugu kaalmeeno
ama aanno ugu aarno (waa sida dadka qaar u isticmaalaan). Laakin,
beryahan danbe oodii waa la sii fidiyey/kordhiyey oo cadowgii ayaa la
yidhi iyakaaba sokeeye ah. Si loo aar guto ayaa shisheeye la xigsaday
fartana loogu fiiqo qabaa’iilada kale. Ayadoon waxababa la xeerinayn
ayaa cadowgii reerka la soo dhexgaliyey oo dhaqaale, hub iyo talo la
weydiistay.
Cajiib, hadba qabaa’iiladda Somaaliyeed
waxay ka dhaxleen in qaarba meel lagu xidh-xidho kuna faraxsanaadaan
garab duubka ay u hayaan dadkooda. Tani, farxad ma aha ee waa fallaar
kugu maqan se aad iska maaweelinayso/iloowsiinayso xanuunka uu qabiilku
kugu hayo. Adigoo fari ku go’an tahay haddii kii ku dhayi lahaa uu ku
siiyo xanuun qaboojiye si uu kaagga qaboojiyo xanuunka ku haya laakin
dhiiguna socdo. Ogoobey dhiig baxa ayaad khatar u tahay. Hadaad taa
faraxda iyo dowladnimo u taqaan, sow hoog qabiil ma aha?
TUSAALE, mar haddii adigoo ah muwaadin
Soomaaliyeed aad ku qanacsan tahay in Zinaawi yiraahdo in yar oo CAYR
ah ayaanu Xamar kula dagaalamaynaa.
Sug malaha ma aadan garan meeshuu
hadalka u jeeddo; CAYR waa habar-gedir. Habar gedir waa Hawiye. Hawiyena
waa’ayo? Soomaali
Zinaawi waa Ra’isulwasaare Itoobiyaan
ah. Horta sow sidaas ma ah?
Wax colaad ah oo u
dhaxaysa Zinaawi iyo CAYR oo aad garaynaso miyaa jirta aan ka ahayn
tabtii u danbaysay oo Xamar lagula wareegay. Laakin dhinaca kale Zinaawi
wuxuu soo dhaweystay Abgaal oo uu madax saartay. Fadlan ha ilowbin qaybi
oo xukun. Zinaawi wuu ku guulaystay inuu Somaaliya qayb qaybiyo. Eeg
Somaliland halkaas ayey iska fadhiyaan qabow, kuwo ayaa hor booday oo
hadba shacabka dacar ku kiciya. Wixii Xamar ka dhacay dadka reer Isaaq
ama Gudobiirsi wey ka xumaadeen yeyse eedda dusha uga tureen? Maxayse ka
qaban karaan?
Puntland xoog ayey ku saaciideen, waa
taariikh? Horta sow sidaas ma ah?
Miyeysan daw ahayn in cid kasta
isticmaasho kana faa’iidaysto farqiga u dhexeeya qabiiladeena mar haddii
aanu farta ugu fiiqi karno sida ugu sahlan ee loo dumin karo xeendaabka
xardhaysan ee uu ku socdo maamul qabiileedkeenu. Islamarkaana aanu ka
soo qaadno inaan waxbaba dhicin ama wixii laga dhaxalay ay noqoto
dowlado noo ictiraaf ama maal gashta dhulkeenna ama noo qoda shidaalka
iwm.
Zinaawi way u muuqataa inuu wadanka
Soomaaliya uu ku sii jiri karin qabiil qabiil markiib wuxuu saxaafadda
ka baahiyey inuu Cabdulaahi Yuusuf uu dhulka (Soomaliya) oo idil u
dhiibayo, dabcan waa abaal marin inkastoo oo uu islahaa Cabdulaahi ma
calfan doono, sababtoo ah Cabdulaahi waa bukaan socod; naftii hor go’i
taadda iyo tiisa allaa og. Dedna waxaad xukunka u dhiib kuwo taariikh
cusub qori doona.
Hadalka Zanaawi Somaliland lama qurux
badnaa, in Cabdulaahi la geeyo Hargaysa. Hadda ka hor kolkii Hargeysa af
garan weyday Tigrayga waxay isku suubaan bixiyeen koox Soomaligalbeed ah
in ay u gacan galiyaan Itoobiya.Taasoo tilmaan u ahayd waan idin la
shaqaynaynaa farta noogu fiiq ciddii aad rabtaan, dee idina na af garta.
Mar kale, maanta markii ay la yaabeen xaalka siduu u wado Zinaawi ayey
xafaladii derigii la riday Hayaa Gumbood ee bishii May 28 ayaa Hargaysa
lagu qabtay. Madaxdii magaalada oo idil ay ka soo qaybgashay laguna
siiyey siminaar xaalada gobolka gaar ahaan Ogaadeenya. Laguma soo hadal
qaadin Soomaalida inteeda kale aan ka ahayn Ogaadeenya(Soomaali Galbeed)
inaysan soo dhaweysan. Sababtoo ah waxay damacasan yihiin inay
xasuuqaan, baro kiciyaan shacabka gobolkaas. Saas darted waxaa loo sii
xaarayaa in laga qaado diirka naxdinta iyo tan walaaltinimo ee labada
shacab, waxaa la soo bandhigay mid qabiiliga ah. Si taa loogu fuliyo
qalbi faraxsan waa in reer Hargaysa loo tusaa Argagaxiso. Jac malah tan
wali lama gaarin, raaali ahaada waan ka hor degay.
Dabaal
dega Tigraygu u dabaal degayey markuu dergiga ka cayriyey Adis abab
waxa kale oo uu ku soo beegay xilli ay ka furanayaan Somaaliya
safaarad, si xafaladuhu isku qabsandaan ka soo bilow Adis ababe soo mari
Ogaadeenya u talaab Hargaysa ilaa iyo Muqdishu.
Ogow dhincaasiyo Soomaali Galbeed
maalintan dad badan ayaa ku geeriyoorada kuwo badan wey ku daawacmeen oo
uu ku jiro Madaxweynaha gobolka LugBuur. Walina qabqabashadii iyo
xasuuqii wuu socdaa. Tirrada dhimashda waxay kor u dhaaftay 23 dhaawacu
waa ilaa 200 00 qof.
Horre u wad cajalada, Zinaawi wey ku
filaanwayday inuu ka soo hanjabo adisababa deedna isagoo dheg la qabto
lahayn ayuu Xamar ka soo degay wuxuuna si degdeg ah u gudo galay inuu
waji ka waji ula kulmo Qabiilada Soomaaliyeed kuna qaabilo Safaaradii la
furay iyo madaxtooyadii Soomaliya, maxay ahayd fariintiisa? Malaha inaan
xiddigta iyo goobada buluugga ah laga saari doonini calanka Itoobiya ama
siduu ku qabsoomi lahaa shirka dib u heshiisiinta. Tu kasta, Zinaawi
wuxuu tusay inay odayaasha Soomaaliyeed yihii kaabo Qabiil kuwa
dowladana ay la soo saftaan qabiilkooda. Wey isku dhamaatay? Odayaasha
waxay yiraahdeen naga bax.
Dhacdadan, taariikhdu waa mid soo
noqnoqata baa la yidhi, waxaad wada xasuusataan sagaashanmeeyadii in
Zinaawi uu go’aansaday inuu la kulmo qabiilada Somaaliyeed ee degan
Ogaadeenya(S/Galbeed). Odayaashii degdeg iyo qabqabyo ayaa diyaaradaha
qumaatiga u kaca lagu soo daadgureeyey, markii la is wada arkay mise waa
Zinaawi ayaa meesha fadhiya dood ka dib odayaashii waxay ku yiraahdeen
Zinaawi xorriyada na sii.
Dabadeed, wuxuu bilaabay iska hor
keenidda, xariga, dilka, xasuuqa, bedbedalka, muquurinta, baro kicinta,
argagax iyo cabsi joogta ah inuu ku sameeyo qabiilada Soomaliyeed ee ku
hoos nool gumaysigiisa. Qaar ayey la tahay inay ka faa’iideen oo
magaalooyinkoodii dhismeen ama mashaariic loo fuliyey. Iyadoo taa ay
jiro haddana waxay qabaa’iiladda dhaxalsiisay inaysan ka hadli karin
dhib dhabta ah ee shacabka lagu hayo amaba u arkaan wixii ay wax ku
dhacayaan aysan ahayn jilibkiisa/laftiisa.
Tusaale waxaad u soo qaadan kartaa
maydadka la dhigo wadooyinka, isbilaalada, goobaha ganacsiga oon cidna
xabaali karin una ooyi karin, reeruhu hoosta ayey ka farxaan hadduusan
noqon koodii, xitaa baraha laga akhristo internetka kuma arkaysid cid ka
hadlay sababtoo ah cidooda ma ah ama waa cabsi hadduu ka hadlaan
reerkooda laga goynayaa. Si siman hadaad u eegto waxaa ka dhacay
DhagaxBuur iyo Qabridahr calool xumo ayaad u dhiman, beryahan
magaalooyinka waxaa go’doomiyey ciidamadii Itoobiya wax gali kara ama
bixi kara ma jirto. Waxaan la waayey quutul daruurigii cuno, daawo iyo
dhaqdhaqaaqii xoriyada. Intaa looguma dayn ee waxaa lagu khasbay inay
baxaan oo ay la dagaalmaan ONLF kala sooc ma jiro hadaad tahay arday,
macalin, suldaan, sheikh, bukaan, madax ciddaa tahayba bax.
Magaalooyinkii waa haawanayaan, guluf cabsi ah ayaa dul heehaabaysa. Mar
kale cid soo hadal qaadi kartaa ma jirto ama WEB page ka hadli karaa.
Cabsidan waxay sal u ah cabsida aannada dhex taal qabiilooyinka oo loo
yaqaan WANJALAAD. In badan ayaa laga wariyey Zinaawi inuu yiraahdo
Soomaali waa Soomali meeshuu joogaba; macnaheeda waxa weeye waxaa tihiin
qabiilo yaryar oo la isku burburin karo; isla habkan ayaa lagu furdaamin
karaa Soomaalida kalena.
Dabcan, qabiil waa astaan aanu isku
garano ama isku kala soocno, laakin cadowgu wuxuu u isticmaalay qaybin
iyo burburin, anangu waanu ka aqbalnay. Marka jiilka hadda hor booday la
dhameeyo waxaa soo bixi kuwo aan aqoon Soomalinimada, kana yaqyaqsoon
doona magac Soomaliyeed iyo taariikhda halgameed ee la soo maray Axmad
Gurey, Sayid Maxamed Cadulle Xasan, Timca Cadde, Xalane, Dhagax Tuur,
dagaalkii xornimada ee Soomaligalbeed IMW.
Isku soo duub, Qumane qabiil, mar kale
ayuu aduun waynuhu tabtii oo kale nala maagan yahay markan malaha waa
5.5 ma inagaa ku biiri Qabiillada Itoobiya mise…?
Dhinac kale, hirdigga Siyaasadeed ee u
dhaxeeya reer Galbeedka iyo Maraykanka ayaa door wayn oo muhiim ah ka
qaatay burburka Soomaaliya iyo xal u hellid la’aanteedaba; oo qolaba in
yar u dhiiba, in yar madaxa u salaaxa, in yar ka dhigay kuwa iyaka ku
xidhan. Waxay u fureen safaaradahooda iyo Hoteeladooda si ay uga soo
cabtaan walaalahood, looguna dhiibo gunadadii qabiil qabiil looga
horgayn lahaa. Saaswaaye sababta ay ku hurdaan Hoteelada quruxda badan
ee Kenya ama ay diyaaradaha yaryar u fuulaan.
Tusaale kale, Kimaayo, maxay kuwii laga
saaray ee dowlada soo magacabatay ay ilaa iyo hadda dibbada ugu
fadhiyaan magaalada? Ilayn labada qabiil Kablalax iyo Sadde ayaa isku
haysata maamul haynta degmada. Dabcan kuwii waxa sheegi jiray uma arkaan
culays Sade. Saas darteed ilaa Kablalax ay la yimaadaan gorgortan kale
oo ka duwan waxa hadda miiska saaran dhab ahaantii irrida lagama furi
doono, dabcan Sade shaqadiisii wuu ka soo baxay. Horta sow sidaas ma ah?
Necbiyaa Qabiilka!
Shirka 15+ ee dib heshiisiinta ee Cali
Mahadi ku dhawaaqay inuu xorta yahay muxuu u qabsoomi la’ yahay? malaha
dadka badankii wey fahmeen in 4.5 iyo mid kaloo lagu daraa aysan wax
badan soo kordhinayn. Dowlada waxay u baahan tahay nabad, sidoo kale dib
heshiisiintuna waxay u baahan tahay nabad. Taa macnaheedu waxa weeye
qabiil uma baahnin ee waxaan u baahan nahay nabad, su’aashan waxa weeye
sidee qabiil iyo dowlada u kala soocnaa una qaadanaa nabad waarta?
Maxaakiimtii ha isaga jireen kuwa aan
la qabsan karin nidaamka islaamka haddan waxay muujiyeen fakir ka duwan
iyo midnimo kuwa ku bahoobay arxan darada iyo qabiilka. Waxay muujiyeen
inay jiri karo wado ka fiican tan hadda la saran yahay.
Gunaanadkii iyo danta Itoobiyaan waxay
ku soo ururi in lagu jiro qaybsanaan ku salysan hayb, taasoo macnaheedu
tahay qabiil kastaa si toos ah inuu ugu xirnaad xukumada Itoobiya
dhaqaale ahaan, hub, saanad, maamul fulin, citiraaf iyo wax allaale
wixii qabiil u baahan yahay inuu kan kale isaga celiyo. Saasna ay
Itoobiya ay dhulka kula wareegto.
Sansaanteedii waa la hayaa, haddii
caawa ay wax ka dhacdo Xamar meesha la beegsan waa Adis Ababa, ciidanka
lagu gumaadayo shacabka waa Tegraay.
TALO; UF DHEH QABIILKA; SOOMAALIYA
SOOMAALI BAA LEH.
Salaama
Maxamed Jaamac
mohjama1@yahoo.com