
Xasan Abshir Faarax |
Xasan Abshir Faarax ma musharax u tartamaya
jagada madaxtinimada puntlandbaa mise waa wasirka kaluumaysiga ee DFKGS.
Sida lagawada warqabo waxaa baryahaan ku sugnaan magaala
madaxda DGPl ee Garowe wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka Kaluumaysiga ee
DFKGS xasan abshir faarax kaasi oo aan ilaa iyo hada la shaacin sababaha uu u
yimid Puntland hase ahaatee dad badan ayaa is waydiinaya in uu u tartamayo
Jagada madaxtinimada puntland ee kadib marka la gaaro xiliga doorashada oo ay
hada ka harsan yihiin bilo.
Xasan abshir faarax imaanshihiisa magaalada Garowe ayaa
durba galiyay saan saan doorasho meelaha lagu cabo bunka, kafeega, iyo goobaha
fadhi ku dirirka ee magaalada garowe ayaa lagu hadal hayaa musharaxnimadiisa
Xasan abshir faarax kaasi oo uusan wali wasiirku soo bandhigin in uu yahay
murashax iyo in kale.
Madaxwaynaha puntland Gen: cade muuse ayaa imaanshaha
xasan abshir faarax ku tilmaamay mid isaga loola danleeyahay hase ahaatee xasan
abshir oo ka hadlayay shir looga hadlayay amaanka oo ka dhacay xarunta gobalka
ayaa ka xaal mariyay hadalka ka soo yeeray Cade Muuse, isla markaana sheegay in
aanu u socon khalkhal galinta amaanka puntland ee uu ka socdo DFKGS ayna yihiin
wafdi maraya puntland kalana wada xaajoonaya qaabka ay puntladn uga qaybgalayso
shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka dhici doona muqdihso oo maaanta
furitaankiisii diblooga dhigay.
Si kastaba
ha ahaatee, waxaa darbiyada sida wayn loogu sheekaysto iyo goobaha dawlada lagu
wada qoray hadalo kulkulul oo ka xanaajiyay dhamaan xukuumada uu madaxda ka
yahay Cade muuse qoraalkaasoo lagu xusay murashaxnimada Xasan Abshir Faarax.
Xasan Abshir isagu ma cadayn in uu yahay murashax iyo in
kale lakiin dadwaynaha puntland ayaa doonaya in ay arkaan mar un is badel ku
yimaada Xukuumada hada jirta taasi oo ka soo bixi wayday hawlihii loo doortay
noqotayna mid danaheeda gaarka ah ku mashquusha.
Xukuumada Cade Muuse ayaa tirsanayn in ay xilka
hayndoonto mudo afarsano ah taasi oo aan qiil loohayn waxaana soo baxay warar
sheegay in furitaanka kalfadhiga furmaya 16 bishan lagu ansixindoona jiritaanka
Xukuumada Mudada 4sano ah kaasoo ilaa iyo hada uu muran wayn ka taagan yahay
dadwaynah reer puntland ayaa qaba in sida sharciga ah ay tahay 3sano isla
markaana aysan jirin meel wax lagu abdalay iyo cid afdi dadwayne laga qaaday oo
ogolaatay Dastuurka uu cade muuse ku doodayo in uu u ogolyahay jiritaanka
xukuumadiisa mudada 4sano ah.
Sida lagawada warqabana xilkordhintii lagu sameeyay
dawladii uu madaxda ka ahaa C/laahi yuusuf kagaadaal markii Golaha baarlamaanku
ay sameeyeen xilkordhin wixii ka dhacay puntland oo si wayn loo wada xasuusto
dad badan ayaa baarlamaanka uga digay in ay ka digtoonaadaan dhacdadii foosha
xumayd ee soo martay puntland kasoo baarlamaanku uu sabab u ahaa in aysan mar
danbe soo food saarin puntland.
A/rizak koronto
Garowe Puntland somalia