SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
May 4, 125
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Kooxda Mbagathi  Oo Ku Xadgudubtey Xuquuqda Guriga Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya

Waxaa Qoray Abshir Axmed
abshir111@yahoo.com

Maalinimadii Sabtidii oo ay taariiqdu ahay 09/06/07 ayaa waxaa xadgudub fool xun ku kacay maleeshiyooyinka dagaal oogayaasha kala ah Maxamed Dheere iyo Cabdi Qaybdiid iyagoo kaashanaaya ciidanka gumaysiga Tigreega ee dalka Soomaaliya sida sharci darrada ah ku jooga, iyagoo boob ka geystay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Waxay dad badani is weydiinayaan sababta ay ku dhacday in lagu xadgudbo muwaadin Soomaaliyeed oo Madaxwayne ka soo qabtay Soomaaliya, walina si sharci ah oo dimoqraadi ah u dhiibay xilka qaran ee shacabka Soomaaliyeed ugu soo doorteen shirkii Jabuuti ee lagu unkay dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliyeed.

Haddaad eegtid xeerarka u degsan dunida aynu ku nool nahay ama dastuurka u degsan dalkeena, waxaa ku xusan ama ku qoran in maamuus iyo haybad gaar ah uu leeyahay Madaxwayne kasta oo dalka maamula ama horey u soo maamuli jirey, wuxuuna sharcigu siinayaa xushmad iyo haykal Madaxwayne sharafeed, lagumana xadgudbi karo, waayo Madaxweynuhu waa astaan ka mid ah astaamaha qaranka Soomaaliyeed.

Balse waxaa wax lala yaabo ah waxa ay ku kacayaan dad aan garanayn waxay ay sameynayaan, welina sheeganaya inay yihiin mas’uuliyin qaran, iyagoo aanba aqoonin xeerarka iyo sharciyada iyo dastuurka u degsan dalka.

Waxaa wax lagu qoslo ah markii aan ka maqalnay qaar ka mid ah kooxda Mbagathi oo ideecadaha ka sheegaya in aysan ogeyn cidda sameysay iyo sababta ay u sameysay falka lagu galay guriga Madaxweyne Cabdiqaasim, raalli galinna ay ka bixinayaan, ayna ka xun yihin in la bililiqaysto hantida muwaadin Soomaaliyeed oo huwan magac xushmad leh oo ah Madaxwayne Soomaaliyeed, taas oo fajac ku noqotey dadkii Soomaaliyeed ee is lahaa ama rajo ka qabay in xataa nidaam ay la imaan karaan kooxda ay ku adeegtaan Tigreegu.

Waxaa meesha kaaga soo baxaayo haddaad eegto iska war qab la’aanta kooxdan inaysanba ahayn kuwo looga fadhiyo inay ummada Soomaaliyeed wax u qabtaan, kana saaraan dhibaatada ay ku jiraan, balse ay yihiin kuwo doonaya inay dadka Soomaaliyeed hantidooda iyo sharafkooda ku boobaan awoodda ciidanka Tigreega ee dalkeena qabsaday.

Hadaad eegto hab dhaqanka dagaal oogayaashaan ayaa ah kuwo aan looga fadhiyin inay la yimaaddaan caqli iyo nidaam ay ku maamulaan magaalada Muqdisho iskadaa Soomaaliya inteeda kale.

Waxaan rabaa inaan faalo kooban ka bixiyo dagaal ooge Maxamed Dheere oo ah nin aan looga fadhiyin inuu u dhaqmo ama u hadlo sidii nin weyn oo mas’uul ah.  MAXAMED CUMAR XABEEB (DHEERE) waa nin caynkee ah?

Maxamed Dheere waa nin iska reer miyi ah hadaad dib u eegto taariiq nololeedkisii, wax aqoon guud iyo mid gaar ahaaneed oo uu leeyahay ma jirto, waxaana uu ka yimid isagoo nin weyn ah baadiyaha gobalka Sh/dhexe oo uu ku raaci jiray dameer, waxaana u soo galay magaalada Muqdisho oo uu ka billaabay inuu ku iibiyo qoryaha lagu dhisto guryaha.

Waxaa uu noqday kaddibna darawal gaariga u wada ciidanka policeka, wax yar kaddibna waxaa loo qorey inuu noqdo darawalka guriga Madaxwaynaha qaybta kushiinka u adeegiisa ayuu qaabilsanaa, kaddibna waxa uu kala bartey dadkii, waxaana loo sahlay inuu noqdo dalaal wax ka kala dalaala guryaha magaalada Muqdisho qaasatan xaafadaha.

Dagaalkii sokeeye markuu dhacay ayuu ka mid noqday gacanyarayaashii USC-da General Caydiid, waqtigaas xataa looga bixiyay qaybta waqooyi magac u gaar ahaa isaga oo waxaa loogu yeeri jirey ( Facaa TUUG).

Shirkii Carte ayuu ka qayb galay, waxaana uu soo helay xubin Xildhibaan, kaddib markii Xamar la yimid ayuu la qabsan waayay dowladnimadii iyo nidaamkii, waxa uuna u goostay Magaalada Jowhar isagoo xoog ku qabsaday, gacanyare waxaa u noqday ninka la yiraahdo Salaad Cali Jeelle oo ay isku caqli yihiin, waxayna ku biireen kooxihii Tigreegu soo abaabuleen ee SSRC loogu yeeri jirey, illaa haddana uu xubin ka yahay.

Shirkii Kenya ayuu ka qayb galay, wuxuuna soo helay xubin xildhibaan markii labaad, wax yar kaddibna booskiisa ayaa Tigreegu ku amreen inuu uga wareego Cali Maxamed Geedi maadaama uusan fulin karin danaha Tigreega Soomaaliya ka leeyahay, wuxuu ku qancay inuu Jowhar sii heysto.

Gafafkii u sameeyey Maxamed Dehere waxaa ka mid ah: Inuu u gafay diinta iyo dadka Soomaaliyeed, uuna u yaqaan qofkii sharaf leh argagaxiso. Inuu u gafay Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf uuna ka yiri idaacadda Shabeelle waa oday Daarood oo ciyaal suuq ah, kaddib markii ay isku ujeedo noqon waayeen, waayo  Maxamed Dheere ma gaarsiisna caqligiisa maamul iyo dowladinimo iyo asluub wanaag. Inuu haddane u gafay culumadii ummada Soomaaliyeed, lana galay dagaal iyo inuu afduubo kana iibsado Tigreega & USA. Inuu u dhacay hantidii Madaxwayne Soomaaliyeed walina idaacadda uga gafay.

Maxamed Dehere ma u qalmaa inuu noqdo Duqa  magaalada Muqdishu?
 
Jawaabtu waa maya, nin dowladii Tigreega soo dhoodhoobtey iyo dadkii Soomaaliyeed ee daganaa Jowhar ay uga qaxeen waa nasiib xumo in loo magacaabo inuu xilkaas ka qabto Caasimadii Qaranka iyo midnimada astaanta sharafka Soomaaliya. Waxaan ognahay in xataa lagala tashan Cabdullaahi Yuusuf magacaabidda dagaal oogayaashan in loo magacaabo inay magaalada Muqdisho maamulaan balse waxaa magaacabay ninka Soomaaliya xoogga ku heysta ee la yiraahdo Gabre, sababta uu u magacaabayna waxaa weeye in Xamar lagu soo celiyo qaskii iyo fowdadii ay horey ugu caanka ahayd ee ay badeen ragga maanta loo dhiibay xilalka, kuwaas oo ah rag aan lahayn dhaqan Islaamnimo, Soomaalinimo iyo dowladnimo, balse fulinaya awaamiirta & danaha gumaysiga Tigreega ee uu dalkeena ka leeyahay oo ah inaan la helin dowladnimo Soomaaliyeed oo lugaheeda isku taagto oo dalka oo dhan hanata, xataa tan ay dabada ka wadaan oo ay beenta u sheegaan ayaysan dooneynin oo madaxa isku galinayaan.

Dagaal ooge Maxamed Dhere iyo dagaal ooge Cabdi Qaybdiid waxay ka shaqeynayaan waa in dadka Soomaaliyeed madaxa isku galiyaan si colaadihii qabaa’ilka dib loogu soo celiyo si dalkaan uusan uga bixin colaad joogta ah iyo qalaanqal siyaasadeed si aan loo helin dowladnimo Soomaaliyeed, waayo waxay ka wadaan magaalada Muqdisho oo loogu dhiibay waa inay laayaan, dhacaan, xirxiraan dadka Soomaaliyeed ee diiddan gumeysiga dalka xoogga ku heysta iyagoo fulinaayo awaamiirta Gabre ee Tigreega Zenawi soo farey.

Waxaa nasiib xumo ah in magaaladii Muqdisho oo nabad ku soo noolaatey in dib gacanta loogu galiyo kuwii faceed ka reebay ee baday magac xumada ay maanta dunida ka muteysatay ee ah mid aysan u qalmin Muqdisho inay ahaato meel wax magarato gacanta ugu jirta.

Maxamed Dheere iyo Cabdi Qaybdiid waxaan ugu baaqeynaa inay ka waantoobaan howsha xun ee ay faraha kula jiraan, kana waantoobaan ficillada doqonnimada ah ee ay ku dhaqmayaan, iskana dayaan gumeysi u adeega joogtada ah, ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkana ka daayaan dhibaateynta ay ku hayaan muddada dheer.

Waxaan cambaareynaynaa falalka isugu jira dhaca iyo boobka iyo dilka ama amni xummada ah ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho u adeegayaasha cadawgeena ee Tigreega waxaana ku leennahay argagaxisada adinkaa ka liita oo adeegeyaal u ah Tigreega.

Soomaaliya ha waarto, Soomaaliya ha is raacdo, ha dhacaan kuwa gumeysiga uu ku adeegto. 

Waxaa Qoray Abshir Axmed
abshir111@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.