Wareysi dhinacyobadanleh oo Weriyaha
Siciid Fuuraa ee K/Africa layeeshey Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo
Jaamacadda Minnesota waxkadhiga.
Saeed Mohamed,
somaliland.journalist@hotmail.com
Pretoria, South Africa
Prof Abdi Ismail
Samatar, |
Arbacadii 6da Bisha June 2007 waxaa
iisuurtogashey in aan wareysi dhinacyo badanleh layeesho Prof Cabdi
Ismaaciil Samatar oo waxkadhiga Jaamacadda Minnesota ee cariga
Mareykanka, Prof. Samatar oo booqasho hawleed mudo bil ah ey
ugabilaabantey K/Africa ayaa wareysiga aan layeeshey wuxuu udhacey
sidan;
Su’aal (Siciid Fuuraa): Prof
aadbaad ugumahadsantahey fursadan aad isiisey in aan wareysi kulayeesho,
anigoo kasocda Wargeyska maalinlaha ah ee Haatuf oo kasobaxa Hargeisa,
su’aasheyda uguhoreysa ujeedada safarkaagan aad kutimid K/Africa
sikooban manooga warami kartaa?
Jawaab (Prof. Samatar): adigaa
mudan Siciid, safarkan waxaan u imid Jaamacadda Pretoria oo aan xidhiidh
laheyn mudo farabadan oo iminka 10 sano kabadan, markaan waxoogaa
kamaqnaadaba waan imaadaa oo casharo ayaan kabixiyaa labo (2) qeybood oo
kala ah (sociology & political science), tii baan hadana u imid iyo
waxoogaa kale oo cilmi baadhis ah (research) oo iigaar ah, labaddaa
arimood ayaan u imid, mudo bil ahna waan joogayaa.
S: Mandaqadda Geeska Africa oo
intabadan aad kafaalootid laganayaabo in takhasuskaaguna yahey, waxaa
kajira dagaalo culus, dhinaca konfurta Somaliya, dhinaca waqoyi bari,
kililka Soomaalidu degto ee Ethopia, dhacdooyinkan dagaal guud ahaan waa
maxey sababaha keentey, muxuuse noqonkaraa xalalka dagaaladan?
J: Uguhoreyntii waa su’aal adag
balaadhana Siciid, dagaaladda kadhacaya gobolka Soomaalidu degto ee
Ethopia, laba arimood ayaad moodaa in uu kusaleeyahey, maamul xumadda
kajirta meesha ethopia gudaheeda guud ahaan iyo gobolka gaar ahaan ayaa
keeneysa in wax maamul ah oo dadkii kalawadaa aaney jirin, cadaalad xumo
ayuunbaana dagaalka keentey, markaa waxa weeyaan hadaad Jigjiga tagtid
matalan, waxaad moodaa kuwa laleeyahey madaxbaad tihiin ee Soomaalida ah
in madaxnimadoodu aaney kudhisneyn dadkooda oo ogol oo kukalsooni qaba
oo xaqnimadooda ayidaya ee madaxnimadooda kudhisantahey in madaxa Addis
Ababa loogusoo salaaxayo, markaa waxaweeyaan iskuma xeelinayaan in ey
kashaqeeyaan danta dadweynaha gobolkaa degan, in qofwelba xaqiisa
lasiiyo oo horumarka dadkaa kashaqeeyaan, markaa dhibaatada gobolkaa
kataagan taa ayaa usabab ah, wey jirijireen in biyo iyo caws la isaga
horyimaado, laakiin hadii maamul fiican oo cadaalad kusaleysan kajiro
gobolka, dadka waa lakalawadi kari lahaa, taasi waa ta gobolkaasi, ta
koonfurta Soomaaliya waxaa dagaaladan cusbooneysiiyey 2 arimood, mid tan
dowladda mareykanku leedahey 3 nin oo argagixiso ah ayaa kudhumanaya
Koonfur oo weli aan laheyn, waxey taasi tilmaam utahey adigoo
layidhaahdo magaaladdan Pretoria ee aan joogno dhinacaa 3dex tuug baa
soogaley, markaa meesha oodhan in labanbaaneeyo oo laburburiyo maskaxdu
makeeneyso oo qalbiga iyo wadnahaa diidaya, taasi waa mid oo argagisaa
meesha kujirta ayey leeyihiin, waxaana runtii taa kadanbeeya dowladda
ethopia iyo qabqablaha C/laahi Yusuf ee madaxnimadda sheeganaya iyo
Geedi oo isagu Ethopia dabodhilif rasmi ah u ah oo iyaka dantoodii
noqotey sidii ey meeshan umaamulaan oo cidi ugutartamin oo ey
adeegsadaan Ethopia, ethopiana ey meesha danteeda kabursato, matalan
anigu Nairobi waan joogey oo indho indheeye (observer) ayaan ka ahaa
mudo 1 sano kudhow shirkii Embagaati, wax iska cad ayey aheyd waxan
ladhaho beesha caalamka iyo Igad in qabqable dagaal oo gaar ah ey wateen
oo ey rabeen in kuwaasi soobaxaan, kuwiibaana soobaxey ethopiana ey
xoojineyso, markaa dad soomaali ah loo abaayo yeelimaayo, cadaalad loo
aabo yeelimaayo, waxa weeyaan in quslad Tigrey ah wax xukunta oo dadkii
wadankaa lahaa nafta ukeentey ayaa C/laahi Yusuf meesha keensatey,
isagana C/laahi Yusuf waxa weeyaan taariikhda soona marimeyso horena
umeysoomarin dibna umasoomarimeyso nin kamacagagsan oo kagaraad daran
oo kafahmo daran oo kawadaninimo daran oo kadadnimo xumi masoomareyso,
oo isagoo madaxweyne sheeganaya ayuu kuleeyahey reer hebel hadii aanu
nahey, dee madax noocaasiyi inamey soomarin xataa Siyaad Barre uu
qarsanjirey ee kani dibadda ayuu soodhigayaa, markaa dagaaladdan waxa
keenaya Ethopia oo dooneysa in ey xaqdaro meesha kuqabsato dad soomaali
ah oo diidiya isticmaarkaa oo doonaya in ey iska caabiyaan ayaa keenaya
dagaaladan, runtiina intii qolooyinkii maxaakiimta ahi ey joogeen
Muqdisho qabqable iyo wey dhamaadeen, qaladaad laga faa’iideystey iyagu
hakeenaan, laakiin qorshahah guud aniga waa ila qumanaa oo waxey wadeen
in umadda soomaaliyeed iyadu tashato ethopiana ey wadankeeda joogto,
qaar iska hadlayey oo wadaadada kamid ahaana wey iskajireen oo
shakhsiyaad kooban ahaa, balse dagaaladda waxa keeney waxa weeyaan
ethopia oo fasax kaheshey mareykanka in ey Soomaaliya kuduulaan oo
iyaduna dooneysa in ey qorshaheeda kagungaadho ayaa keentey dagaaladda.
S: Prof. waxaad tilmamkabixisey
in dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed aaney Ethopiana u aaboyeeleen,
dowladd kusheega Somaliyana aaney u aaboyeeleynin, dagaaladdan Muqdisho
waxey sababeen xasuuq aad u daran oo ey kamidtahey dad kun (1000) kor
udhaafey iyo dad tiradooda la isku khilaafsanyahey, dadka qaarkood waxey
leeyihiin dad kudhow 1 malyuun ooqof ayaa kabarakacey Muqdisho, halka
dowladda Somaliyana ey sheegeyso tiro aad ugayar tiradan, waxaaney u
egtahey in beesha caalamku aaney usoogurman dadkaasi, haya’adaha
Qaramadda Midoobeyna waxey isgaadhsiinta caalamka kasheegayaan in
dawlada somaliya ey hor istaagtey cuntooyin iyo caawimo ey
gaadhsiinlahaayeen dadkaa barokacey, markaa kutumashadaa xuquuqul
insaanka ah ee kadhacdey Muqdisho iyo nawaaxigeeda maxaa loowaayey
dowlado canbaareeya ama soodhexgasha oo caawisa dadka oo waqtigan aan
halkan kuguwareysano ey dadkii weli geedaha hoosjiifaan, arintan wax
manoogasheegikartaa?
J: Waxaweeyi, aduunyadda manta
waxaa xukuma intii Ilaahey kasokeysa nin Kaboweyne layidhaahdo oo aan
aniguna kamid ahey oo Mareykan ah, uma aabayeelayo xaqa bini aadamka
meesha dani kagasho (like a high school bully) markaa qolooyinkan
Barwaaqo sooranka ee Scandanivian ka oo awal lamoodijirey in ey dadka
ugu niyad wanaagsanyihiin, qudhoodu wey gabanayaan, ha canbaareeyan
ethopia soogalitaankooda oo ha yidhaahdaan hakabaxdo ethopia, laakiin
waxkale kumadarayaan, markaa waxey tani tilmaam utahey ama Soomaaliya
waqooyi hakatimaado, ama bari hakatimaado, ama Ethopia hakatimaadee ama
meelkaleba hakatimadee hadii Soomaali iyadu istaageeriweydo oo danteeda
guud ey wada garanweydo in laxaaldhabeysanayo ayaa geed ka go’ana,
markaa dadkaa faraha badanleh oo ilaa AFarboqol oo qof ah ama Afar boqol
iyo ilaa shanboqol oo kun oo qof ayaad moodaa in ey dadka intoodabadani
leeyihiin intaas baa barakacdey, magaaladii Muqdishona 3dex meelood
markaad uqeybisid meel ayaan gidaar kataagneyn oo ethopian dumiyeen,
markaa macnaheedu waxa weeyaan intaa xamar ethopianku kadumiyeen
Hargeisa wey kaweyntahey inta dadkunool ee kabarakacdey, markaa waa in
eynu fahanaa hadii Soomaali nahey in gooni gooni la inoo haldhabeysto
iyo in eynu doqonimadda katoosno oo eynu nidhaahno waar inagu gudaha
eynu waxeena kalahagaajisano, laakiin kuwandoonaya in ey midkaste
midkakale kuqaraacaan eynu iskaqabano, waa casharka uguhoreeya, aduunyo
manta dadnimo kugusoogurmaneysaana majirto hadii aanad adigu iskugurman,
markaa waxa weeyaan WALAALKII LOOXIIRYOW ADNA SOOQEYSO, markaa hadii
meel soomaalijoogto oo nabadikajirto, waqooyi ha ahaato wixii
Jamhuuriyadda la iskuodhanjirey, nabadaaana ey tahey in lasii adkeeyo,
loona damqado in marka walaalkaa xanuunsanayo iyo in layidhaahdo,
sidiimakii ina Riyaale (Daahir Rayaale) markii uu Meles utagey markii uu
xamar soogaley, markaasu Riyaale kuyidhi Meles dee Ictiraafkii nasii,
waxa warku sheegayaa BBC da laanteda (Monitoring service) waxey
soocadeysey in laguyidhi hawshaa umafadhinee nagafadhiiso, markaa inta
madaxa laguusalaaxayo ha moodin in adiga lagujecelyahey, waa
lagaashaqeysanayaa, R.Waqooyigu taa hafahmaan, su’aasha anigoo
sookoobeya waxa weeyaan Siciidow walaal, cid soomali usoogurmaneysaa
majirto, xasuuqweynbaa kadhacey ilaa Labakun ooqof (2000) ayaa xaqiiqdii
lagudiley Muqdisho oo Soomaali ah oo an askar aheyn, ethopia intey
ciidankeedii keentey qaraacdey magaaladii, waxa weeyaan taariikhdu waxey
sheegidoontaa wixii ey Ethopia kusameysey Somalia eytahey wejicusub oo
ah mid cadaawadii hore (Somalia iyo ethopia) ey bilaash aheyd, ta manta
bilaabantey, taariikhda ayaa qoridoonta, markaa cadaawadaa la inaguhayo
sidii soomaali ugatashanlaheyd qorshaheeda ayaa larabaa manta.
S: Xidhiidhka udhaxeeya Somaliya
& Ethopia sida latilmaamo, muu aheyn mid caafimaadqaba 50kii sanee
udanbeeyey, maantana ciidamadda Ethopia waxey kujiraan gudaha Somalia,
xataa Meles Zeni laftiisu iminka wuxuu jogaa Muqdisho, markaa ma
umaleyneysaa in Ethopia ciidankeeda kalabixidoonto Somalia?
J: Kamabaxeyso Ethopia horena
waan usheegey (both Publicly & in writing) waxaa laguyaqaanaa dowladda
Tigreyga, dadka ethopianka oodhan yaanan iskudarin, dadwalaalaheen oo
Oromo ah ayaajira unabadan Ethopia, markaa kuwa Soomalida ah ee isleh
Ethopia waxbey idiinqabanayaan, ha arkaan waxa Jigjiga laguhayo, hadii
dowlad loodhisana waxa loodhisayaa mid ceynkaa u ego o dhakada lagaga
xukumo ayaa loodhisayaa, waxaana Tigreyga maskaxda kaga jira baking
order, waana sida daanyeertu ukalasareyso ama xayawaanku ukalasareeyo oo
Libaaxaa qoorta qabanaya kakalaa kuxiga waa lakalahooseeyaa, markaa
ethopia manta Tigreey baa libaaxii ah, kuwakalena waa kayaryaryihin
waana laxukumaa, markaa waxey donayaan qabaail soomaaliyeed oo sidaa
udhisan oo iyagu ey xukumaan midba mid kahooseeyo oo ey iyagu xukumaan
in lagasameeyo meesha, C/laahi yusufna waxey uheystaan waa sidaas
weeyan, markaa waxey dhisayaan security aparantuss oo xaafadahaa
ladoonayo in ey somaliya xukumaan anigu magacaabimaayee, in ladoonayo
tusaale ahaan Muqdisho oo kale waxaa xukuma ciidan Puntland lagakeeney
intii ciidanka ethopianka kahooseeya, Kismaayo ceynkaas ookale ayuu
rabaa in uu kadhigo, qorshaha lawadaa waa noocaas magaca soomaaliyeedna
in ey baroosinka uhayaan ciidan ethopian, markaa soomaali waxa weeyi ama
Muqdisho jog ama Hargeisa jog ama meelkale joogoo ma meeshaadii baad
dooneysaa in aad kunoqotid wadani afraad (4th class citizen),
waxa laguleeyahey madaxbaadtahey halkan Addis Ababana hadhigaa
lagaxidhayaa, C/lahi Yusuf markii waxdhacayaanba Addis Ababa ayuu
ku-ordayaa oo tagayaa, Geedina waa sidaa si’le’eg, weli intey
soohorfadhiisteen soomaali ey yidhaahdaan waar barnaamijku waa ceynkas
lamahayo 2 sanadood iyo badh ama kabadhig in ey oct 3dex sanadood
noqoneyso, markaa qorshahah iyo heestu waa midkale hana filina in
ethopia sidhibyar soomaaliya ugabaxdo ilaa soomaali ey khasab
isagasaarto.
S: Acadmiyadda Soomaaliya ee
dibaddaha kunool makawada hadasheen dhibaatadda Somaliya iyo sidii xal
laguhelilahaa, se Qurbajooga Soomaalida/Acadamiyadda ahi
makuladareesanyihiin arimahan aadkadhawajisey, kaalin intee le’eg baaney
kaciyaarikaraan xal uraadinta?
J: Dadka Soomaaliyeed ee qurbaha
kunool lamawada hadlin, waxoogaa dabadhilif ah oo TFG kuxidhan oo leh
Ethopia anagaa uyeedhney weyjiraan, dadka soomaalidda ah ee kunool
Norway, Sweden, Germany, ama Ingiriiska, ama mareykanka ama meelaha
kaleba intooda badan wey kadidsanyihiin, waxey ugadidsanyiiina waa
occupation ey arkayaan, kuwa gudaha jooga Ilaaheybaa og oo Xamar
madegana, qaar dabadhilif ah ooh or ordayaana weyjiraan, waxbadana waxey
yidhaahdeen majirto, goboladii kalena waa la iskaheystaa oo waa
lacabudhsanyahey, itaal la isagaceliyo shakhsiyana majirto markaa waa in
ey yimaadaan wax cusub oo kaduwan waxyaabihii hore, Maxkamaduhu wax
wanaagsanbey sameeyeen laakiin qaladaad weyleeyihiin, laakiin 2 arimood
ayaa Ethopia kasaarikarta sharaf soomaaliyeedna soocelinkarta, 2daa
arimood oo la iskudhafayaa waxaweeyaan inakoo ah dadwada muslimiin ah oo
leh eynu diinta kadhigano baroosinkeena taana lagudaro
soomaalinimadeena, in layidhaahdo waxbeynu wadaagnaa oo dadka kale waa
iska xignaa, luqadbeynu kuwadahadleynaa iskumid ah, dhaqanbeynu
wadaleenahey iskumid ah, markaa 2dii arimood ee Somalinimadii
(Nationalism) iyo islaamnimadda eynu wada aaminsananahey hadii 2daa la
iskudaro waxaa imandoona Muwaafaqo iyo heshiisyo badan iyo xoogbadan oo
eynaan maantalaheyn ayaa imandoona sabirna layeesho, hadii labadaa la
iskukeeniwaayo oo qolena uxagliyaan xaga diinta qolena xaga
Soomaalinimadda waa labaxoog oo kalatagey labadooduna wey wiiqmidoonaan,
markaa aniga gaar ahaan umahadlikaro dadka acadamecs ka ah, waxey
ilatahey hadii 2daa laiskudhafo oo run ahaantii iskusoodhawaadey intii
maxaakimtu joogeen laakiin aan lagaadhin weli, waxaa imandoona- diintu
waxey ku-odheneysaa waxa qofkakale hadoonanin, qofkaloo walaalkaaya
madilikartid madhicikartid, taa hadii la aamino oo sidaa lagushaqeeyo
waxaa imaneysa dalad (umbrella) weyn oo dadka isukeenta, waxa
laraadinayaana waa xal, xal hadii eynu isla ogalaanana cadowga waa la
iska ridi karaa.
S: Shirkan 15naad ee lawado in
uu bishan June kadhaco Somaliya ee qabanqaabadeedu hada kasocoto
Muqdisho ee lagu nabadeynayo beelaha Soomaliya rajo intee le’eg ayaad
kaqabtaa in labaddaa xoog ee aad sheegtey ey mideyso, iyo dabcan
siyaasadda Soomaaliya ee siikalafogaaneysa ey isusoodhaweyso?
J: Waxaweeyi af ingiriisida
waxa layidhaahdaa “repeating the history in the first time is tragedy,
second time is a fierce), wixii qalabaagedigii lagusameeyey Embagathi ee
ethopianku afduubeen waa “tragedy” wixii layidhahdo qabaa’il baa la
isukeenayaa iaydoo amxaaro joogto oo eyjoogto maleeshiya Puntland
lagakeeney In ey meesha kuheshiiyaana waa “fierce”, waxbana
kamasoobixidoonaan (inkastoo ilaahey ogyahey waxa soosocda laakiin
astaantu sidey tahey, wax alaala iyo waxkasoobaxayaa majirto, waayo
hadii ladoonayo in sidhab ah looheshiiyo, horta qabaailku mashaakilka ma
aha waa siyaasadda mushkiladu markaa waxa loobahanyahey (political
solution) ee (tribal solution looma baahna) ruutka xalkuna labadaa
arimood ee aankadhawaajiyey guntoodu tahey waa in lahelaa, waxa meesha
fadhiya ma aha wax cadaalad kuyimid, markaa C/laahi Yusufna waa kudkii
oo kabo lootoley iyo Geediba markaa waxey keenidoonaan dad ey iyagu
sooxusheen oo biidhi qaate ah, hareerahana waxaa kajooga ciidankii
amxaaradda iyo maleyshiyaddii puntland iyo waxoogaa Geedi wato, markaa
qof xor ah oo xaqiisa/xaqeeda sheegankaraa oo doodikaraa majoogidoono
meeshaasi, hadii laleeyahey dibu heshiisiina dadka lalaheshiinaya
dadkooda waa in ey iyagu keensadaan mana aha in loodooro waa xeeladda
Ethopianku sameeyeen 91kii addis ababa, Oromadda hebel iyo hebel baa
idin wakiil ah soomaalidana hebel iyo hebel baa idin wakiil ah, Markey
doonaanan waa kasaarayaan Markey donaanana waa kusoodarayaan, tiibaana
manta socota oo waa “fierce”
S: Dhinaca Somaliland oo dhowr
jeerna uguyeedhey “Waqooyiga Soomaliya” , dhowr wig kahor waxey
udabaaldagayeen sanadguuradii 16naad ee xornimadooda ey mar 2aad
lasoolaabteen (sida eysheeganayaan), waa maxey mawqifkaaga SLand,
malagayaabaa in ey beesha caalamku ictiraafaan?
J: Mawqifkeyga Waqooyi
kusaabssan tan iyo intii dowladii hore ee Somaliya burburtey, waxa
weeyaan mana ogoli shakhsiyan, raalina kama ihi in Soomaali kala go’do,
kuwa Hargeysa jooga ee maamulka sheeganayaana waa kuwii tii hore u
adeegayey ee ardey markaanu aheyn naxidhey, markaa marna taasaan u
adeeeganaa marna gooni baanu idiinwadnaa- ma aqbalano caqligaana diidey,
markaa dadka waqooyiga degan ee soomaalida ah deganaanshaha iyo
kaladanbeynta ey keeneen Ilaahbaa kheyrkeeda siindoona, weyna
kumudanyihiin in lagu ixtiraamo dadnimadoodana lagu ilaaliyo, laakiinse
taa waxan kadaba geynayaa waxa weeyaan qofka Hargeisa kunool iyo ka
Burco kunool iyo qofka Laascaanood kunool iyo qofka Garoowe kunool iyo
qofka Gaalkacyo kunool iyo ka Baladweyn kunool iyo ka Gabiley kunool ka
Borama kunool iyo ka Seylac kunool waxey isaga xigsadaan kuwa Hargeisa
iyo Boorama kuwa Burco ama Buudoodle majirto aniga sidey ilatahey, kuwa
Burco joogaana waxweyn oo ey ugaxigsadaan Ceerigaabo kuwa Boosaaso jooga
oo halkaa xad ladhigo majiro, xadadkii hore ayaa khaatikajoognaa oo
nadiley ama dadkii masaakiinta ahaa, tusaale ahaan ethopia qorshaheeda
waxa kamid ah horena kuwa waqooyiga jooga aan usheegey in xoolaha
kayimaada dadkaa soomaalida in ey ethopia dhisto waxa looguyeedho
“Holding Grounds” xaga ethopia lagadhiso, waa xoolaha Berbera
lagadhoofinayo oo dabadeedna Soomaalida Waqooyiga joogaa hadii ey
doonayaan in ey iyagu xoolahaa dhoofiyaan in LC lacag adag kuxidhan
bangiga Addis Ababa lasoodhigo, macnaheedu markaa waxa weeyaan in inagu
eynu dilaal noqono, ethopiana lacagtii adkeyd qaadato (hard currency)
inaguna shilinkan aan nafta laheyn lagumeereysto, qorshaha loohaya waa
taasi ey diidanyihiin in ey fahmaan, markaa hadii dadkan nabadda keeney
waa in ey fahmaan dadnimadoodu in ey tahey iyagoo Soomaali ah
Ethopiaanka laxaajoodaan iyagoo laba isle’eg layahey iyadoon loohabran
ethopianka oo layidhaahdo waxbey inasiindoonaan, marba hadaad qof
kulamid ah u habratid oo doonayoo damacsan meeshaada waxaad ogaataa
adoonimo talaabadii uguhoreysey baalaqaadey ee kowdhaha reer waqooyiyow,
markaa waxa weeyi maalinkii la iskutagey 60kii shekadu wey dheertahey
waaney kaduwantahey waxa layidhi, waxa weeyi hadii laleeyahey dib ha
looxaajoodo oo hadii eynu Soomaalinahey Barnaamijkii hore eynu
waxkabadelno inagoo Soomalinimadayadda ogol in badada lasoodhigoo oo
iyadoo xanaflaheyn lasoobandhigo oo Somali oo xor ah oon isuhanjabeen
lasoobandhigo oo dowlad xamar joogtoo Ethopianku heystaan inoo talin,
waa wax meesha kujira weeyaan oo qofka Borama jooga, qofka Gebiley
jooga, Hargeisa, Xamar, Kismaayo joogaa ey xaqooda helaan dabadeedna
lahelo siyaasadii taa mideynlaheyd iyadoo qofwelba meeshiisa uu
katalinayo, laakiinse hadii layidhaahdo goonaan isutaagaynaa waxbana
mahayno ethopiaana garab nasiineysa waa Bantu style kii halkan K/Africa
kajirijirey midabkalasoocii ayuunbuu waqooyigu noqonayaa, taana waxa
kusiijirtaa waxa weeyi, run marka la iskusheego in layidhaahdo Hargeisa
iyo Borama iyo Burco iyo Ceerigaabo iyo Laascanood, xaafad xaafad ayaa
lookalaqeybsanyahey, inta xaafad dabada inagaga jirtana (figuratively)
waxa weeyaan Qaran ma abuurmayo, reer Hebel oo Hargeisa degqan ayaa
odhandoona kuwa Dunbuluq jooga hanalaga celiyo, kuwa Burca jooga
odhanaya kuwa Boorama jooga hanalaga celiyo kuwa kalena ceynkaa
ceynkiisa bey odhanayaan, markaa dadnimo ma abuurmeyso, markaa waxa
weyaan nabad wanaagsan baa lakeeney, kheyrbaa lakeeney,sharaf baa
lakeeney taa wax halagusiidaro sida wax loogudarayaana waxa weeyaan
INAGOO HADII EYNU NAHEY REER WAQOOYI SOOMAALI OODHAN UTALINA, laakiinse
waxa weeyaan anigu waxa aan aminsanahey 26june waan aminsanhey, 1di
Juley wan aminsanahey, markii SNL Burco lagabilaabey, SYL 43kii markii
labilaabey waan aaminsanahey, xornimadda Soomaliyeedna waan
aaaminsanahey, halkaasbey iga joogtaa.
S: Sida dowladda SLand ey
sheegeyso waa mid kaduwan sedan aad sheegtey, tusaale ahaan xidhiidhka
SL laleedahey Ethopia waa mid stratigi ah sida uusheegey Waziirka
arimaha dibadda ee SL Mudane A/lahi M.Ducaale, taa maxaad kaleedahey?
J: Waxa weeyi kelmadda strategi
ee laga dhawajiyey waa afgoobaadsi, waxaan leeyahey bal dadkii
soomaaliyeed ee Jigjiga deganaa waxa laguhayo hala-eego inta aan teena
loosoogudbin ayaa waxweyn kusiineysa, straatigiyadda ethopiana waxa
weeyaan iyadoon qiiq laguqarinaynin waa 2 mid weeyaan in wixii Somali
Republic la odhanjirey mustaqbalkoodu waa laba mid uun, 2daa arimoodna
waxa wada danta ethopia ee Soomaalidu mawado, waxa weeyi in lahelo
wadamo yar yar oo wadankii Somaliya laodhanjirey kamid ah oo gobolo ah
oo midwelba Ethopia gooni uguxidhan, waa xisaabtii isticmaarka
laguyaqaaney odhanaya kuwii R.Hargeisa ha iyimaadaan, kuwii R.Boosaso ha
iyimaadaan aniga, laakiinse iyagu yaaney isu imanin, aniga R.Somaliland
ha iyimaadan aniga R.Puntland ha iyimaadaaan Koonfurna ha itimaado, wa
waxa Riyalena (Daahir Riyaale) loogu yidhi sheekadaasi ma ogiye wax
kaaweyn baan hayaaye “I’ve got a bigger fish to fry” taasi waa mid in ey
Soomaali sidaasi noqoto oo aaney weligeed isu iman waa straatigiga
ethopia, iyo in lahelo dowladd soomaaliyeed oo macmiil “client” u ah
ethopia sida C/laahi Yusuf yahey oo kale, 2daa qodob wax ethopia
ugadhexeeyaa majirto, markaa Mr.Ducaale waxa weeyaan bal straatigina
xidhidhka kadhaxeeya halasoobandhigo wuxuu yahey oo halaxisaabtamo.
S: Su’asheyda hore ee Aqoonsiga
SLand eykadoonayaan beesha caalamka waxad moodaa in Beesha caalamku ey
ugasoodhawaaneyso sidii hore, iminka Madaxweyne Daahir Rayaale wuxuu
kusuganyahey Sweden, wefti Sweden kasocdeyna hore ayuu ubooqdey Sland oo
uusheegey in ey sidooda ulamacaamilayaan SLand, iyo waftiyo kale oo
badan oo Africa iyo caalamkaleba kasocdaa in ey SLand booqdaan, markaa
ma odhankarnaa Ictiraafkii SLand uusoodhawaadey?
J: Ma odhankaro waa la
ictiraafayaa ama lama ictirafayo, aqoonsiguna wuxuu kuxidhanyahey
dowladahaasi iyagaana go’aanka leh, laakiin hadii ictiraaf laguraadinayo
sidii maalinkii aan London (UK) joogey layidhi agoon Ingiriis ah baanu
nahey, aniga odey Ismaaciil Samatar layidhaahdaa idhaley, iyo Xalimo
A/lahi midkoodna muu aheyn agoon ingiriisa. Waxey ahaayeen Odey Samatar
odey a/lahi kahin., cibado iyo fadumo buuni-------dad soomaali ahna
waanu nahey oo dad cad manihin oo ingiriiska kudhashey, hadii markaa
waxa weeyaan qolooyinkan or ordayaa dowladahan wax kasoodhicineynaa,
waxa weeyi waa nasiib dee cidii kasoodhicisaa la arki doonaa, bal
kadhaliya tii horaa laga dhalinkariwaayee haladhaliyo laakiinse waxaa
ayaandaro noqondoonta in afgoobaadsiga ethopia iyo Meles Zenaawi
afgoobaadsigiisa larumeysto aan la arkeynina shaqada iyo xeelada uuwato
halka ey gaadhsiisantahey, Hargeisa cida joogtaa mey fahmin kuwa
Muqdisho joogaana maba-oga, markaa Ictiraafka Somaliland aduunayadey
utaalaa ee aniga iimataalo waayo anigu shakhsi baan ahey.
S: Prof. goormaad tageysaa
dalkii, in mudo ah maad tegin dalka (Somaliland), miyaaney habooneyn in
fikirkaaga aad ubandhigtid cida ey khuseyso oo intabadan adigoo Minesota
jooga iyo dalalkale ayuunbaad idaacadaha kasheegtaa faalooyinkaaga,
goormaad dalkii kulaabaneysaa?
J: Tan dalka tegitaankeyga waxa
weeyi doodi majirto kusaabsan ma ogashahey mise ma ogoli, hadaanad
ogoleyn dee hadalba meesha majiro, hadaad ogoshaheyna dee hadal iyo
sheekaba wey dhamaadeen, markaa maalinka ey dood xalaali furanto oo
qofwelba qofka kale – ileyn qofwelba ilaaheybaa abuuree, ileyn qof ilaah
2aad abuurey majiree, la isasoohorfadhiisto maalinkaa waan tagi oo waa
lagadoodi, inta laleeyahey anba jaraa’idkii baa laxidhaa oo layidhaahdaa
maxaad sidaa uleedihiin oo dowlad kusheegu xidhataa….. iyo inta
laleeyahey maxaad naga horjoogtaan ee aan lagu odhaneynin aan rayiga
iskudarsanee dooda soogal aan wado galno dooda xaqbaad adna kuleedahey
oo xof xaq 2aad kulihi majiro laakiin waxaad moodaa subjectska in
eyjiraan sheekadii “Animal family” “All animals are created equally but
some animals are more equal than others ……” inta ey taasi jirtana dood
xalaali ma imaneyso, inta aaney dood xalaali jirina deem eel aan xalaali
jirin dee maxaa lagadoonayaa, dood xalaal ah, halkan (k/Africa) dood
xalaal ah baa jirta, xamar qudheeda inta aaney ethopianku qabsan doodbaa
jirtey xalaal ah runtii oo sidaad doontid oo adigoo naftaada ubaqaneynin
aad waxwelba sheegi kartid adigoo ixtiraamaya dadka kale, markaa dadka
reer waqooyigu nabadda ey keeneen dadku siyaasiyiintu meykeeenin, dadkaa
keeney nabadda in lasii fajaaso, fajaasku waxa weeyi marka shinida
lagurido ee lafaqo sidii si ey biyuhu sifiican ugalaan- nabadaa sidii
loofajaasi lahaa waxa weeyaan iyadoon dadkale labaryin na ictiraafee
iyadoo halkaa lagadhiso wax xaq ah taasaana keeni doonta isku
kalsnoonaan ey yeeshaan dadka soomaalida ah ee waqooyiga degan.
S: Ugudanbeyntii Prof.
Mareykanka iyo Sawaariikhda uu rabo in uu geeyo Poland & Cheque
republic, iyo hanjabaada Ruushku kuhanjabayo in uu isna sawaariikhdiisa
kusoojeedinayo Europe, tani malagayaabaa in ey abuurto dagaal qabow oo
kale oo aduunka mar 2aad kabilowda?
J: Umaleynmaayo, inkasto
Ruushku aanu ogoleyn oo waa kayidhi, waxyaalo badan oo ey hore
uyidhaahdeen ma ogolin horey u ogolaadeen laakiin challenge mareykanka
kusoosocdaa ma aha Ruushka ee waa China, China dhaqaaleheedu kor buu
usocdaa, …free resource wey leedahey suuqeeduu buu mareykan
ubaahanyahey, challenge ka soosocdaa waa china, markaa hadii china iyo
ruushku wax iskudarsadaan waji cusub ayaa bilaabeysa laakiin ruushku
xurguf xurguf wuu odhankaraa waxna wuu badali karaa laakiin wax weyn
manta massameyn karo.
Aadbaad umahadsantahey Prof. Samatar.
Adigaa mudan
Dhamaad….
Waxaa diyaariyey,
Saeed Mohamed,
Pretoria, South Africa
somaliland.journalist@hotmail.com
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo
Seminaar kuqabtey Jaamacadda Pretoria ee K/Africa
Pretoria, Prof. Abdi Ismail Samatar oo
ah Jaamici Juquraafiga & Cilmiga Bulshadda kadhiga Jaamacadda Minesota
ee Cariga Mareykanka ayaa 30 bisha Luulyo seminar kusabsan “Dagaalka
Maraeykanku kulajiro Argagaxisadda & Weerarka ey Ethopia kuqaadey
Soomaaliya & Kaalinta AU da” kuqabtey Xarunta Jaamacadda
Pretoria, seminaarkaasi oo 2 saacadood soconayey waxaa kasoqeybgaley dad
isugujira Jaamiciyiin, Ardey Jaamacaded, dibloomaasiyin, Bahda
Saxaafadda Xorta ah.
Prof. Samatar wuxuu kusooqaatey
seminarka xaaladaha kasiidaraya ee siinacakirmaya ee Somaliya kajira iyo
sida Ethopia bilaasharcinimadda ugusooduushey Somalia, halkasi
uukusoobandhigey Khariirado (map) Qaramadda Midoobey usameysey Somaliya
oo ey uqeybisey Somalia qabiilo, iyo weliba qeybsiga 4.5 uu dhaliiley.
Mar uukahadlayey duulimaadka Ethopia ee
bilaasharciga ah (illegal invasion) waa sida uu hadalka udhigaye, wuxuu
yidhi “Kuduulidda aan sharciga aheyn ee Ethopia kuqabsatey Somaliya,
Ethopia waxey kaleedahey 2 xeeladood (strategies) oo kala ah in
Somaliya eykadhisto dowlad Qabiil kudhisan oo ka-amar qaadata Ethopia 2.
Somaliya oo lookalagooyo dowlad goboleedyoyaryar oo madaxweynaha
iyagu(Ethopia) ey u soodortaan oo aney jirin gobol gobol sitoos ah
ulaxidhiidha (horizontal communication), waxey laxidhiidhayaan
centralka, sida kililadda ethopia kajira oo kale, ama sida looqeybiyey
deganadii madowga K/Africa intii midabkalasocukajirey wadankan (Bantu
Style)” ayuu yidhi Prof. Samatar, isagoo hadalkiisa siiwata wuxuu
tusaale usooqaatey sida waziirka arimaha dibadda ee Ethopia oo marar
dhowr jeer ah Somaliya booqdey in uu kacodsadey Dowaladda dabadhilifka u
ah Ethopia ee Somaliya in ey qabiilo gaar ah uulakulmo waziirku”
Prof. Samatar wuxuu kaloo kaxogwaramey
dowladda itaalkayar iyo sida ey utahey dabadhilif dowladda Ethopia u
adeegeysa oo ah mid jecel in ey danaha Ethopia u adeegto halkii ey ugu
adeegilaheyd shacabweynaha Soomaaliyeed.
“Dowaldda A/lahi yusuf marka ey tageyso
caalamka waxey siimaraan Addis Ababa & Meles Zenawi, Markey
soolaabtaaana waxey soomaraan Addis Ababa, inta aaney dowladooda
Somaliya iyo parlamanka aaney ugaxogwaramin” Prof Samatar
Laakiin bandhig cilmiyeedkan
Prof.Samatar muu raaligelin dhamaan kasooqeybgalayaasha Seminaarka,
waxaa su’aal kulul goobtaasi kaweydiiyey Profesorka Mudane aan magaciisa
sheegin oo kasocdey Safaaradda Ethopia kuleedahey Pretoria “Waxaan
ahey dibloomaasi kasocda Safaaradda Ethopia, waxaan Prof.
kuweydiinlahaa, ma uheysaa cadeymo waaqici-ah (concrete evidence),
eedeymahan aad dusha kasaartey dowladayadda, dowladda Ethopia waa
dimuqraadi” ayuu yidhi dibloomasigaasi, “Ethopia waxey Soomaaliya
uweerartey 2 sababood, waa tahoree iyadoo dowladda Soomaaliya ey
nadalbatey, sababta labaadna waxey aheyd iyadoo hanjabaado nagaga
yimaadeen Golihii Maxaakiimta Islaamka oo noogu hanjabey JIHAAD,
kelmadda JIHAADNA waxaa lagayaabaa in ey dadka kasooqeybgaley Seminaarka
ee Soomaalida ahi ey sifiican ugaranayaan ama iiga aqoonbadanyiihiin
kelmaddan JIHAAD, markaa anagoo dhowrana nabadgelyadda Ethopia ayaan
dagaalka uguqaadney Maxaakiimtii Islaamka” Dibloomaasiga Safaaradda
Ethopia oo si isdaaficid ah uweydiiyey su’aasha.
Prof.Samatar oo ah mutacalin aad
uxasiloon marka uu su’alaha kajawaabayo ayaa si eykudheehantahey
deganaanshiyo ugujawaabayey Dibloomaasiga, “Cadeynta waxaad sitoos ah
ugahelikareysaa BBC Monitoring Service ka hadii aad ubaahatid cinwaanka
aad toos ugahelikartidna waan kusiinayaa, tankalee aad tidhi hanjabaad
baa nagaga timid Maxaakiimta, marka ey maxaakiimta qaarkood kudhawaaqeen
ereygaa, waxaa kusugnaa wadanka Soomaaliya Shankun oo ciidan Ethopia ah
(5000 Ethopian Soldiers)”
Mar uu kahadlayey Somaliland, wuxu
tilmaamey in amaan iyo xasilooni ey kajirto gobolka Somaliland
labaxey,.
Su’aalaha kale goobtaasi lagaweydiiyey
Prof. Samatar waxaa kamid ahaa, dagaaladda kasocda Gobolka ismaamulka
Soomaalidda ee Ethopia (Ogaadeeniya) & xidhiidhka kadhexeeya duulimaadka
Ethopia Somaliya kuqaadey iyo dagaaladda Kilil5naad kasocda?,. Su’aal
kale waxey lagaweydiiyey weerarka diyaaraddaha dagaalka ee Mareykanku
uukuqaadey Somalia iyo in uu khasaare sooran kabixinayo dadka rayidka ah
ee uu kulayey Shabeelooyinka?
Su’aalaha kalena waxey kusaabsanaayeen
Somaliland oo dhowaan udabaaldegtey 16 guuradeedii, waa 16 sano oo
nabadgelyo ah, 16 sanoo dimuqraadiyadd iyo kaladanbeyn ah, (the list
goes on), markaa maxey K/Furta Somaliya ka faa’ideysankartaa iyadoon
SLand lagusoojiidin holaca kadhacaya konfurta ee iyadoo dowlad ahaan
lolamacaamilayo side looga faaiideysankaraa Nabadda, xasiloonidda iyo
dimuqraadiyadda kahanoqaadey SLand?
Jawaabaha su’aalahan iyo su’aale kaleba
lasoco maqaalka danbe oo weriye Saeed furaa uu wareysi dhinacyo badan
leh kalayeeshey Prof Abdi Samatar. (Waa qormada hore)
Saeed Mohamed,
Pretoria, South Africa
somaliland.journalist@hotmail.com