Qab-yaaladu waa ka mamnuuc Saxaafada
Maxamed Yuusuf Jaamac oo ka tirsanaan jirey
SONNA(Somali National News Agency).
Waxaan halkaan uga mahad celinayaa
somalitalk.com oo u shaqeeya
danta umadda Soomaaliyeed , aana ku shaqaysan qab-yaalad iyo qoys ama shaqsi
is-xejin.
somalitalk.com waxaan ku amaanaynaa in
uu yahay website Soomaliyeed oo dhexdhexaad ah una adeega ummada Soomaaliyed
balse aan ku shaqaysan hab-qabiil ama kooxaysi ah.
Beryahaan danbe waxaa soo baxaysa in loo
isticmaalo qab-yaalada saxaafada, taasna waxaan ku cadaynayaa bal fiiri waxaad
arkaysaa nin wariye sheeganaya oo difaacaya nin xil laga qaaday ee aan
fiirinayan waxa iyo sababta xilka looga qaadayo ama nin reerkooda ah oo ku
hungoobay in uu kursi ka helo.
Waxaasna waxaa keenay ku soo boodka saxaafada
oo aan markii horeba loo tababarin wiilasha yaryar ee ka shaqeeya.
Saxaafadu waxay leedahay discipline.
Waa maxay saxaafad?
Saxaafadu waa midda runta sheegta ee aan ku
adeegin hab-qabiil iyo shaqsi jaceyl ah.
waa maxay qoriyatul-qowl?
the expresion or freedom of speech is reporting
or posting true and reliable news.
Soo xigasho: had iyo goor xigo: Reliable news
source.
Mass Media is always based on truth.
Waxaa maanta Soomaaliya caado ka noqotay in
Ilaahay lagaga dheeraado is-xejin qabiil iyo shaqsi in beenta loo laba liso.
Waxaa caado noqotay in la buun-buuniyo nin
dadka ku laynaya kursi iyo xilli kororsi.
Nin markii xilka laga xayuubiyo wiilal yar-yar
oo Reerka uu ka dhashay ka soo jeeda ay Internetka ku xayeysiiyaan.
Waxaan ugu baaqayaa maamulada warbaahinta
Soomaaliyeed ee u adeegaya dadka, iyo danta umadda in ay iska ilaaliyaan wax u
keeni kara sumcad-daro saxaafadooda.
Waxaan haynaa macluumaad badan oo ku saabsan
habka ay dadka qaarkiis u isticmaalayaan saxaafada.
gaar ahaan kuwa Puntland ka howl-gala waana soo
bandhigi karnaa, haddii nala weydiiyo.
Wariye?
compulsory to have journalism skills.
Experinece upon the practical work.
Waxaan codsanayaa in laygu daro waxyaalo badan
oo aan ka tegay.
Maxamed Yuusuf Jaamac oo ka tirsanaan jirey
SONNA(Somali National News Agency).
Waxaa soo gudbiyey
Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2007


|