Wararkii: June 13, 2007
- Qaraxyo Isdaba Jooga ah Oo Meelo Kala
Duwan Oo Caasimada Muqdisho Ah Ka Dhacay.
- 50 Guri ayaa ku Gubtey meesha loo
yaqaan Buulo Eelay ee Boosaaso..
- Maxamed Dheere Oo Mar Kale U Hanjabay
Odayaasha Dhaqanka Hawiye .
- C/llaahi Gaafow “30-ka Bisha ayuu ku eg
yahay Baasaboorkii hore”
- Meles “Waxaan codsanayaa in la iga
taageero dhanka dhaqaalaha si an ciimadeyda ugala baxo dalka Soomaaliya”
- Shirka Dib u Heshiisiinta Oo Aan Laga
Dareemin Caasimada Muqdisho Xili Ay Inaga xigto Hal Maalin Oo Keliya.
- Xaaji Cabdi Iimaan : Qabiil ismahayo Ee
waxaa Isku Haya Dalka soomaaliya waa siyaasad .
- Guddoomiye cusub oo loo magacaabay
Gobolka Nugaal.
- Dil Arxan darro Ah Oo Ka Dhacay Xaafada
Tokiyo Ee Degmada Yaaqshiid .
- Ganacsadde Caan-ka Ahaa Magaalada
Kismaanyo Oo Dil Lala Beegsaday xili Uu Usii Hoyanayey Gurigiisa
Shirkii Muqdisho oo Markale Dib loo dhigay ilaa
July 15
Shirka muqdisho oo lagu beegay maalinta
200-aad...

Haamaha Sunta: Waa kuwaa...
1997 / 1998 - Jariidad kasoo
baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa
daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la
xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada
shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo Progresso
(Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European
Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay
baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala
saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii
maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in
Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay
10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa
xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas
ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu
sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu
dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u
saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman
). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan
keedu dhan yahay 500,000 tons. |
Guddoomiyaha guddiga shirka "dib u
heshiisiinta", Cali Mahdi, ayaa shaaca ka qaaday in uu mar kale dib u dhacay
shirkii la qorsheeyey in uu qabsoomo June 14, 2007.
Cali Mahdi waxa uu sheegay inshirkaas dib loogu
dhigay ilaa July 15, 2007.
[Taariikhdaas July 15 waxay ku beegan tahay
maalinta 200-aad ee ka soo wareegi doonta inta ciidamada Itoobiya ay ku sugan
yihiin caasimada Soomaaliya. Macnaha kale oo dadka siyaasadda odorosa ay ku
macneeyeen in shirka dib loo dhigo ayaa noqon karta in Itoobiya aysan ogolayn in
shir Soomaaliyeed qabsoomo maalmaha ka horeya 26 June (1960) oo ah maalintii ay
gumeystayaashii hore ka xoroobeen Gobolada Woqooyiga Soomaaliya iyo 1 July oo
ahayd xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur.
Taas oo Itoobiya u aragto haddii shirkaas lagu heshiin lahaa in Soomaalidu
damaashaadka ku beegi lahaayeen maalmahaas Soomaalida Taariikhda u leh,
arrintaas oo aan u cuntami karin dal gumeysta qayb ka mid ah dhulka
Soomaaliyeed.]
Dhanka kale, xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ka madax
bannaan Itoobiya ee ku sugan Casmara ayaa laga soo xigtey in ay sheegeen in aan
xilligan loo baahnayn in la qabto shirka Muqdisho, balse in ay dalka Soomaaliya
iskaga baxaan ciidamada Itoobiya ee ku soo duuley.
50 Guri ayaa ku Gubtey meesha loo yaqaan Buulo
Eelay ee Boosaaso..
Bosaso: Guryo tiradooda lagu qiyaasay 50 guri
ayaa ku gubtey dab qabsaday meesha loo yaqaan Buulo Eelay ee magaalada Boosaaso,
halkaas oo ay deggan yihiin dad kasoo baraakacay Koonfurta Soomaaliya, gaar
ahaan gobolada Bay iyo Bakool.
Dadkii halkaas ku guryo beelay ayaan haysan
meel ay ku howdaan ama gabbaad iyo caawino toona.
Qaraxyo Isdaba Jooga ah Oo Meelo Kala Duwan Oo
Caasimada Muqdisho Ah Ka Dhacay.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Qaraxyo isadaba jooga ah ayaa hareeyey meelo kamid ah caasimada muqdisho oo lala
beegsanayo xarumaha ay degan yihiin ciidamada xukuumada ethiopia .
Saaka waaberigii ayaa qarax xoogan lala beegsaday xaruntii hore ee wersheda
baastada oo fariisin u ah cutub ka tirsan ciidamada xukuumada ethiopia ee ku
sugan magaalada muqdisho.
Qaraxani markii uu dhacay ayaa waxay ciidamada xukuumada ethiopia ku jawaabeen
rasaas aad u xoogan halkaasoo uu ku geeroyooday hal qof oo rayid ah oo ay
haleeshay rasaasta ay ridayeen ciidamada axmaarada ee ku sugan wershada baastada
.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxii saaka waaberigii lala
beegsaday ciidamada xukuumada ethiopia ee fariisinkoodu yahay wersheda baastada
,balse sida uu saxaafada u sheegay qof goob jooge ahaa ayaa sheegay inuu
indhihiisu qabanayeen dhaawacyo tiro badan oo laga gurayo gudaha wersheda
baastada ee goobta uu qaraxu ka dhacay .
Sidoo kale qaraxan ayaa galaaftay sida ay saxaafada u xaqiijinayaan ilo wareedyo
lagu kalsoon yahay inuu ku geeriyooday sarkaalkii watey ciidamada xukuumada
ethiopia ee ku sugan aagaas.
Dhinaca kale qarax xoogan ayaa sidoo kale ka dhacay isla saaka barqanimadii
deegaanka suuqa xoolaha halkasoo lagu tuuray kolonyo ciidamo ethiopian ah oo
wadada isku xirta suuqa xoolaha iyo ex-cantarol marayey bam gacmeed islamrkaana
ay rasaas ku jawaabeen .
ma jiraan sida la sheegay cid wax ku noqotay bamkan gacanta laga tuuray ,marka
laga reebo gaari nooca uuraalka ah oo ay wateen ciidamada ethiopianku oo
khasaare soo gaaray .
Maxamed Dheere Oo Mar Kale U Hanjabay
Odayaasha Dhaqanka Hawiye .
Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa mar labaad ka
dhawaajiyey in hadii ay ka waantoobi waayaan odayaasha dhaqanka ee beesha hawiye
ficilada eedaymaha ah ee ay ku dhaliilayaan shirka dib u heshiisiineed ee ay
dowladu wado inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo uga timaada dhinaca dowlada KMG
ah.
Maxamed dheere ayaa isagoo u waramyey qaar ka tirsan warbaahinta muqdisho ku
sheegay inay odayaasha dhaqanka ee beesha hawiye aysan u madax banaanayn
fikirkooda shaqsi ahaaned waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana ay la
shaqeeyaan fikiro uu ku sheegay inay yihiin shisheeye oo aan doonayn inuu
wadanku dego ,dowladuna ay shaqayso.
Sidoo kale Maxamed dheere ayaa hadalkiisani kusoo beegsamayaa xili ay maalin
keliya ka dhiman tahay xiligii lagu balan sanaa in la qabto shirka la sheegay in
lagu heshiisiin doono beelaha soomaaliyeed ,taasoo ay odayaasha beesha hawiyena
ay ku tilmaameen inaysan jirin beelo soomaaliyeed oo dirirsan ,balse ay jiraan
qilaafyo siyaasadeed oo dhexeeya xoogaga isku haya dalka soomaaliya .
Isqab-qabsi Sababay In Shaqada Laga
Fariisiyo Gudomiyihii Cusbaa Ee Dowlada FKMG U Magacowday Gobolka Sh/hoose .
Gudoomiyihii cusub ee dhowaan ay dowladda FKMG u magacowday maamulka sh/hoose
ayaa laga fariisiyey shaqada ,islamrkaana uu shaqada sii wadi doonaan xubnihii
hore ee uu horboodayo cali aadan cali (cali ganey)
Maamulkan cusub ayaa kadib markii loo magacabay gobolka waxaa soo wajahay
khilaafyo siyaasadeed oo dhaliyey dagaal iyo iska hor imaadyo uu dhiig ku daatay
,taasoo sababtay inuu dib uga soo noqday gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi loo
magacaabay .
Sidoo kale gudoomiyaha cusub oo lagu magacaabo c/qaadir sheikh maxamed ayaa
maray saxaafadu la xiriirtay ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah ka bixiyo
arintaas ,basle gudoomiye ku xigeenkiisii oo lagu magacaabo c/laahi cumar oo
habeenkii xalay ahaa u waramayey qaar ka tirsan warbaahinta muqdisho ayaa si
kulul u beeniyey warka sheegaya in shaqada laga fariisiyey isaga iyo
gudoomiyihiisiiba ,islamrkaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay inuu shaqada
usii wado cali aadan (cali ganey).
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay xaalada nabad gelyo ee gobolka sh/hoose ay
beryahan kasii darayso ,taasoo loo aanaynayo isqab-qabsiga siyaasadeed ee u
dhexeeya maamulka cusub iyo xubnihii hore uga talin jiray gobolkaas .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Sweden
oo taageero lacageed soo gaarsiiyey Gabar yar oo ku xanuunsan Magaalladda
Muqdishu.
Muqdishu, Arbaco, June 13, 2007
Kaalmo
Lacageed oo ay iska soo ururiyeen qaar ka mid ah Haweenka Soomaalida e ku dhaqan
dalka Sweden, ayaa la soo gaarsiiyey Hooyo Sacdiyo Aadan Yabarow, oo dhashay
gabar dhibaato caafimaad haysato, isla markaana ay Caloosheeda aad u sii
dibirayso.
Hooyo Sacdiyo Aadan Yabarow, oo u warantay warbaahinta, kadib markii la
guddoonsiiyey Lacagtaasi oo dhamayd $395-Dollar, ayaa ka mahadcelisay
Taageeradda loo fidiyey, waxayna Rabbi ka bariday in dadkii kaalmadda u soo
dhiibay gabahdeeda uu Kheyr badan ugu beddelo.
Maama Sacdiya, waxay mar kale ka codsatay Dhakhaatiirta, Ganacsatadda,
Jaalliyadaha Soomaalida ee Dibedaha ku nool iyo dadweynaha Soomaaliyeed inay
gacan ka geystaan sidii loo daaweyn lahaa gabadhaasi, iyadoo ay Dhaakhaatiirta
sheegeen inaan waxba looga qaban karin Isbitaalladda ku yaalla gudaha dalka
Somalia.
Dhinaca kale, gabadha xanuunsan oo lagu magacaabo Nasrto C/rashiid Qaasim
Hilowle, waxay dhibaatooyin ka haystaan dhinacyadda Caloosha iyo Dheefshiidka,
iyadoo ay Kaadida ka keento afka.
FG: waxaa jaalliyadaha Soomaaliyeed lagu wargelinaa hadii ay doonayaan inay
xiriir la soo sameeyaan gabadhaas yar waalidkeeda si ay kaalmo lacageed ugu soo
diraan inay ugu soo hagaajiyaanTel. No.002521-5842785, ama 002521- 5573321
mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com
C/llaahi Gaafow “30-ka Bisha ayuu ku eg yahay
Baasaboorkii hore”
Iyadoo Dowladda Federaalka Bishii December aysoo sameysay Baasaboor cusub oo ah
nooca casriga ah ayaa xiligaasi waxay mudo lix bilood ah u qabatay Baasaboorkii
hore ee Soomaaliya.
Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/llaahi
Gaafow Maxamuud ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Sodonka Bishan uu ku eg yahay
Baasaboorkii hore, isagoo sheegay in ciddii aan qaadan Baasaboorka cusub aysan
ka dhoofi doonin garoomada kala duwan ee dalka, isla markaana aysan ka soo degi
doonin.
C/llaahi Gaafow waxa uu sheegay in maalmaha soo
socda la keeni dooni Magaalada Muqdisho Baasaboorka cusub, waxaa kaloo uu
sheegay in Goblaada Puntland iyo Bay iyo haatanlaga qaato Baasaboorka cusub,
sidoo kale waxa uu sheegay in Magaalooyinka Nayroobi iyo Imaaraadka carabta
iyana ay geeyeen baasaboorkaasi cusub.
Agaasimaha waxa uu sheegayin Basaboorka cusub
ay dowladdu ku bixin doono lacag gaareysa $100.
Mar wax laga weydiiyey in lacagtu ay tahay mid aad u badan, waxa uun Gaafow ku
jawaabay “Baasaboorku waxa uu ku fadhiyaa lacag fara badan, isagoo sheegay in
Boqolka Doolar ay tahay mid aad u jaban”.
Mudada yarta ah ee ka hartay Baasaboorka ayaa
ah mid aad u adag in ay wada qaataan Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo ilaa iyo
haatanna Magalada Muqdisho oo ah xarunta soomaaliya aan la soo gaarsiin
Baasaboorkasi cusub.
Meles “Waxaan codsanayaa in la iga taageero
dhanka dhaqaalaha si an ciimadeyda ugala baxo dalka Soomaaliya”
Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi
ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadiisa ay caqabado ku haystaan dalka
Soomaaliya, waxa uuna beesha caalamka ka dalbaday inay gacan ka siiyaan
qarashaka uu ciidamadiida uga soo daadgureynayo dalka Soomaaliya.
Meles Zenawi ayaa hoosta ka xariiqay in uu sida
ugu dhaqsiyaha badan dib uga soo saari doono ciidamadiisa dalka Soomaaliya,
marka uu soo gaaro dhaqaale ku filan, waxa uuna sheegay in ciidamadiisa ay
dhibaatooyin fara badan ku qabaan dalka Soomaaliya, isla markaana ay weeraro ku
soo qaadayaan kooxo hubeysan kuwaas oo uu tilmaamey Meles Zenawi in ay baryahan
dambne isa soo tarayaan, isla markaana uu ka cabsi qabo in ay sii kordhaan
weerarada lagu hayo ciidamadiisa.
Meles Zenawi ayaa codsigiisa si gaar ah ugu
diray wadamada G8 ee Barwaaqo Sooranka oo kulankoodii ugu dambeeyey ka dhacay
dalka Germanay halkaaso oo Meles Zenawi qudhiisa dhawaan gaaray.
Hadalka Meles Zenawi ayaa waxaa soo dhaweeyey
qaar ka mid ah shacabka Itoobiya oo iyagu ku tilmaamay in uu wax weyn ka tari
karo dhibaatooyin ay sheegeen in ay ka dhex taagan yihiin Mucaaradka Itoobiya
iyo waliba Dowladda dalkaasi.
Faahfaahin ku saabsan qarixii ka dhacay
Magaalada Nayroobi
Maalintii shalay ahayd ayaa Bartamaha Magaalada
nayroobi waxaa ka dhacay qarax aad u weyn kaas oo la sheegay in uu ka dhacay
meel ku dhow Hoteelka loo yaqaano Ambassador ee magaalada Nayroobi.
Qaraxaan ayay Dowladda dalkaasi sheegtay in uu
ku dhintay hal qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen soddon qofood, taliyaha
ciidamada Booliiska ayaa sheegay in qaraxaasi uusan dhalin waq khasaare kale
ah,w axa uuna meesha ka saaray in qaraxaasi uu ahaa mid ismiidaamin ah.
Dhanka kale warar ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa miino la dhigay
wadada dhineeca, halka kuwo kalana ay sheegayaan in uu ka dhashay ogsijiin, waxa
uuna qaraxaasi ku soo beegmay xili maalmihii ugu dambeeyey Nayroobi ay ka jireen
dilal iyo dhac loo gaysanayo dadka reer Nayroobi, waxayna ciidamada Booliiska
dhawaan weerar ku qaadeen xaafad isku raran halkaas oo ay ku dileen dad lagu
tuhunsanaa falal dambiyeed.
Amiin Yuusuf
Muqdisho, Soomaaliya
Shirka Dib u Heshiisiinta Oo Aan Laga Dareemin
Caasimada Muqdisho Xili Ay Inaga xigto Hal Maalin Oo Keliya.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Shacabka reer muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya shirka dib u
heshiisiineed ee fooda inagu soo haya islamrkaana ku kala macneeyey mid aan
dhaqan gelayn iyo mid socon doona .
Xanshashaqa xaalada shirka ayaa aad u haraysay xarumaha ay ku badan yihiin dadku
iyo weliba goobaha laga qaxweeyo ,taasoo muuqaal ahaan ay dadka qaarkiis u
arkaan mid aan waxba kasoo naasa cadayn islamrkaana aysan muuqan diyaar garoow
baaxad leh oo ka muuqanaya caasimada muqdisho .
Mid kamida odayaasha ruug cadaaga ah oo magaciisa la yiraahdo cabdi waasuge
ayaan wax ka waydiinay bal sida ay ula muuqato shirkan oo maanta ay ka xigto
xiligii la iclaamiyey hal maalin oo qura ,waxuuna ku jawaabay sidan ,waxaa marag
madoonto inuu shirkani yahay mid aan cidiba diyaar u ahayn waayo ayuu yiri waxaa
muuqata caasimada muqdisho oo aynu joogno wax diyaar garoow ah oo ka soconaya
nooma muuqdo islamrkaana ma jiraan cid ergo ah oo soo gashay oo ka timid
gobolada kale ee soomaaliya .
waa suge ayaa hadlkiisa sii raaciyey hadiiba aan maanta cidiba imaan muqdisho
hal maalina ay iinaga xigto xiligii la sheegay in la qaban doono miyaysan ahayn
cidba looma hayo .
sidoo kale waa suge ayaa saxaafadu waydiisay maxay tahay sababtu shirka mudo
hore ayaa la iclaamiyey muxuu u muuqan la, yahay ,waasuge ayaa ku jawaabay waxaa
caqabad ah oo marag madoonto ah halka laga abaaray markiisii horeba waayo beelo
isma hayaan ee waxaa dagaalsan siyaaad hadaba waxaaba la dejin la, yahay
caasimadii amaankeediiye ma shirbaa loosoo jeedaa taasina waxay soo de-dejisay
inuu maalintii shirka la iclaamiyey ay hoosta inaga soo gasho iyadoo lala
leg-damyo xaalada xamar .
Hadal haynta shirkan dib u heshiisiineed ee la sheegay in lagu heshiisiin doono
beelaha soomaaliyeed ayaa muuqaalka dadka shacabka ah ee hirarka wararka
suuqyada ee meelaha lagu badan yahay waxaa hareerey sida mugdiga ku jirta ee
durba uu maalintiisii la qaban lahaa shirka ay hoosta uga soo gashay iyadoon
cidina u diyaar garoobin ,waloow ay dadka qaarkiis ku macneeyeen inuu shirka
ergada kasoo qayb gelaysaa ay hoos ka taabsho tahay ee aysan ahayn mid si toosa
u metesha beelaha la sheegay in la heshiisiinyo .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay maalin keliya ka harsan tahay shirka dib u
heshiisiineed oo lagu wado inuu dhaco 14-ka bishan aynu ku jirno .
Xaaji Cabdi Iimaan : Qabiil ismahayo Ee
waxaa Isku Haya Dalka soomaaliya waa siyaasad .
Afhayeenka odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa sheegay inuusan shirkani u
muuqan mid dhaqan gelaya sababta oo ah waxaa is haya siyaasad laakiin ismahayaan
ayuu yiri qabiilooyin .
Xaaji cabdi iimaan oo saxaafada u waramayey ayaa cadeeyey inuu yahay shirkani
mid la marin habaabinayo islamarkaana aan la doonayn in lagu heshiisiiyo cida
isku haysa masuuliyada umada soomaaliyeed,iyadoo uu sheegay inay is ahayaan
siyaasad laakiin aysan xiligan jirin wax qabiilooyin ah oo isku haya soomaaliya
.
Xaajiga ayaa intaas raaciyey anigu waxaan tegi karaa soomaaliya meeshaan doono
laygamana celin karo waxbana layguma yeelayo ,taasina waxay marag ma doonto u
tahay inaysan jirin qabiilooyin dagaalsan ,hadaba miyasan dowlada KMG ah iyo
weliba gudida uu hogaaminayo cali mahdi maxamed aysan rabin inuu wadankani dego
sow maaha inay maraan daqriiqa loo maro dib u heshiisiinta .
Xaaji cabdi iimaan cumar ayaa dowlada KMG ah ugu baaqay inay la heshiiyaan
qaybaha kala duwan ee ay siyaasada iku hayaan ,isagoo sheegay inay taasi daawo
noqon karto laakiin aysan heshiis noqon doonin odayaal lasoo uruuriyey inaysan
wax macno ah keenayn .
xaajiga ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey inaysan marnaba ogolayn ciidamada
xukuumada Ethiopia islamrkaana ay cod dheer ku sheegayaan inay dalka iskaga
baxaan ciidamada Tigreegu ee xukuumada mellez.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Guddoomiye cusub oo loo magacaabay
Gobolka Nugaal.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi(Gen.
Cadde Muuse) ayaa waxaa xilka lagaga qaaday gudoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal
C/laahi Ciise Awaxmed, waxaana gudoomiye cusub loo magacaabay Cabdi Xirsi Cali
Qarjab, Madaxweynaha Puntland ayaa xeerka lambarkiisu yahay 90 soona baxay 12-ka
bisha Juun ku sheegay in ka dib markuu dib u eegay dastuurka DGPl, watasahiyana
la sameeyey gudigga dib u sixista maamulka, uu ku magacaabay wareegtada
gudoomiyahaan cusub.
Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse Xirsi ayaa waxaa laga filayey isbedel in uu ku
sameeyo maamulka.
Si kastaba ha ahaatee Magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal, Cabdi
Xirsi Cali Qarjab ayaa M/weynuhu, u cuskaday aqoonta, waayo aragnimada iyo
waliba in uu yahay nin ka soo bixi kara xilka loo dhiibay, arintaan waxay ku soo
beegmaysaa wakhti loo fadhiyey isbedel weyn oo uu sameeyo m/weynuhu, dadkuna
waxay aaminsan yihiin in seeftii ugu horeysay ee madaxweynuhu ay la tagtay
gudoomiyii gobolka Nugaal ayna rag badan oo kale ku daba jiraan.
Maxamuud Cumar Bille
Caasiimada- Puntland-Garoowe
mcbille@gmail.com
Dil Arxan darro Ah Oo Ka Dhacay Xaafada Tokiyo
Ee Degmada Yaaqshiid .
Dilkan ayaa lagula kacay hooyo soomaaliyeed oo waayeel ahayd islamrkaana la
gowracay oo meydkeeda la dhigay isla gurigii ay ku noolayd ee xaafada tokiyo ee
degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir .
Dilkan ayaa dhacay habeenkii xalay ahaa fiid horaadkii kadib markii ay isku
qabsadeen dhul obasiibo ah dadka dilkan arxan darada ah u gaystay hooyadaasi
,sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dilkan
foosha xun ay gaysteen labo haween ah iyo nin ,kuwaasoo sida la sheegay isu
qabtay hooyadaasi islamrkaana gowracay.
Sidoo kale falkani markii uu dhacay ayaa goobtaasi waxaa si deg deg ah ku yimid
ciidamada booliska ah ee dowlada KMG ah islamrkaana la wareegay guud ahaan
amaanka goobtaasi ,iyagoo soo qab-qabtay sadexdii qof ee falkaasi gaystay iyo
dhamaan ehelada gacanku dhiiglayaashaasi.
Maaha markii ugu horaysay oo uu dhaco fal noocan oo kale ah iyadoo bil ka hor uu
caasimada muqdisho ka dhacaday inuu gowraco nin gacan ku dhiigal ahi wiil iyo
gabar uu abti u yahay ,iaydoo badanaaba falalkan noocan oo kale ahi ka dhashaan
dhulalka badanaaba laysku qabsado iyo arimo kale oo la xiriira dhinaca masayrka
raga iyo dumarka ah .
Ganacsadde Caan-ka Ahaa Magaalada Kismaanyo
Oo Dil Lala Beegsaday xili Uu Usii Hoyanayey Gurigiisa
Ganacsade caan ka ahaa deegaanada jubooyinka ayaa xalay lagu diley magaalada
kismaanyo ee xarun goboleedka jubada hoose
Marxuumkan Ganacsada ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Kheyr ayaa waxaa dil
toogasho ah ku dilay nin ku hubaysan baastoolad xilli uu Marxuumku usii
boqoolsanaa hoygiisa oo aan sidaa uga sii fogayn goobta lagu diley sida ay
saxaafada u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta falkaasi ka dhacay .
Ninka Gacan ku dhiiglaha ahaa ayaa baxsaday kadib markii uu madaxa kala
beegsaday marxuumka dhowr xabadood iyadoo falkaas kadibna ay soo gaareen
ciidamada booliska ee degamnadaasi ay ku hungoobeen inay soo qabtaan gacan ku
dhiiglahaasi .
Lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka ninkan ganacsadaha
ahaa,waloow ay sheegeen saraakiisha booliska ee ka howl gala degmadaasi
kismaanyo inay soconayaan baaritaano lagu xaqiijinayo in lagu ogaado cidii ka
dambaysay falkan dilka ah .
Taliyaha ciidanka booliska magaalada kismaanyo ibraahin shanfool ayaa saxaafada
u sheegay inay ku raad joogaan cida ka dambaysay falkan waxuush nimada ah,
islamrkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan sharcigana la hor keeni doono waa
siduu hadalka u dhiagaye .
Si kastaba ha ahaatee dilka marxuumka Ganacsadaha ahaa ayaa ku soo beegmaya
xilli xaaladda nabad gelyo ee magaalada kismaayo ay tahay tii ugu ba,nayd ee soo
marta magaladaasi beryahan iyadoo falalka dilka ahi magaalada kismaanyo uu ka
noqday mid isdaba jooga ah .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2007


|