SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Cadaalad Darada iyo Cawaaqib Xumadeeda.

Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com

Scw: salaantaas ka bacdi waxaan salaamayaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto,waxaana ilaahay ugu baryayaa nabad waarta iyo heshiis iyo midnimo iyo amxaarada oo dalkeenna kaga baxda si shuruud la,aan ah.

Waxaan u soo noqonayaa cinwaanka maqaalkayga oo ah cadaalad darada iyo cawaaqib xumadeeda iyadoo ay cadaaladu tahay sheyga keliya oo hadii la heli  ay yaraanayso dhibaato colaad iyo is qabqabsi.

Hogaanka umadda oo cadil ah ama garsoor fiican waxaa jecel ilaaheenna xumuhu ka fogyahay ,waxaa kale oo isaguna amaanay rasuukeenna caleyhi salaatu wasalaam.

Aaayadahan kor ku xusan runtii haddii uu qofka bani aadamka ahi si fiican oo hufan u fahmo micnahooda iimaana uu ku darsado waxaan filaayaa inaaanu mar dambe dulmina sameyeen cidna u geysteen dhibaato ,noloshuna waxay ahaan lahayd mid lagu raaxaysto laguna badbaado inta loo gudbaayo aakhiro iyo la kulanka xisaabta.

Rasuulku caleyhi salaatu wasalaam markii uu ka hadlaayey kuwa harsada hooska ilaahaeena xumaantu ka dheertahay waxauu ugu horeysiiyey in kuwa hooska ilaahay harsanaaya uu ka mid yahay nin hogaamiye ah ooo garsoore fiican ah oo aan dadka uu u taliyo kala dhoweysan una kala eexan.

Hadaba waxaa is weydiin leh maxaa imaanayaa haddii la waayo garsoor fiican oo ka soo bilaabma ilaa hogaanka sare kuna dhamaada qofka iyo inta uu masuulka ka yahay?

Waa cadahay jawaabtu waxaa imanaya waxii soomaaliya ka dhacay iyo wax ka xun , uma baahna in dib loogu noqdo oo waan ka dheregsanahay sheekadaas waxaanse xusuusinayaa umadda soomaliyeed in waxa halkaa maanta ina dhigay ay tahay garsoorka oo inaga xumaaday oo dadka kale xaquuqdoodii lagu tuntay ,la dulmiyey loo geystay gabood fal la yasay la xaqiray hantidoodii laga dhacay ,guryahoodii laga saaray iwm.

Gabood falkaas kama ay masuul aha beel go,an iyo 2 qof toona waxaase geystay umadda soomaaliyeed oo dhan ilaa maantana tubtaas ayaa lagu joogaa oo dulmigii sidii buu u socdaa ilaa laga waantoobona lama gaarayo horumar diib u dhac mooyaane.

waxaan aniga oo soo gunaanadaya qoraalkayga  idin leeyahay ha loo noqdo dastuurka ilaahay ee haddii la raaco aan cidina dulmi loo geysanayn umaduna ay cagta saarayso tubta horumarka nabadda iyo khayrka ,aduun iyo aakhiroba.

 Haddii aad cadaaliyo wanaag curiso waa uunba  

 cidaadiyo hadii  deriska aad cayn u wada soorto
 caqiidada hadaad haysatiyo camalu khayroo dhan
 oo aadaan ciilany bulshada  wada ciseeynayso
 cirshigaad amaan kaga heshaa caadilkaa sare e
 hadii aadse coomaade iyo tahay bahal cantuugaaya
 oo ay cabaadaan intii ciidda dadkii ciidda kula joogay
 ma oghatay  casiiskeen alluu inuu caroonaayo
 ma ogtahay ninkii caasiya caymo muu helo  e
 ma ogtahay cadaabtii ayaa lagu cayuuqaaye
 war cayaayir maahee ka kaca ceebta laga roone.

Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com