SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


SII HAYAHA SAFAARADDA SOOMAALIDA EE UGANDA OO KA BAD-BAADAY  ISKU DAY DIL.

          C/qaadir Faarax oo ah sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa habeen hore ka bad-baaday sida uu sheegay isku day dil oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo, kaddib markii ay soo weerareen koox aan la garaneyn waxa ay yihiin.

              Ku simaha safiirka ayaa markii la soo weerayay wuxuu koox Soomaali ah kula sheekeysanayay banaanka hore ee Masaajidka Soomaalida ee Towxiid, waxaana ka hor intii aysan si kas ah u soo beegsan isaga ay soo ja-jabiyeen Gaarigiisa, iyadoo guud ahaan miraayadaha oo dhan dhulka dhigay.

               “Anigu waan bad-baaday, waxaana ka baxsaday isku day dil, waxaana u maleynayaa inuu ahaa shir-qool la soo agaasimaya, hase ahaatee baaritaankeeda waan ku jirnaa” sidaa waxaa yiri safiirka oo aan la kulmay, wuxuuna intaas ku sii daray “waxay iga dhaceen $1,500-Dollar, Mobile iyo Gaariga oo ay iga jajabiyeen”.

              Kooxda uu la sheekeysanayay Mr. Faarax ayuu meel gooni ay uga baxay kaddib markii uu u soo dhacay Telephone dibadda ah, waxaana intii uu ku guda jiray sheekadii qofka soo wacay uu sheegay in ay ka soo dul dhaceen laba nin oo markiiba

Mobile-kii iyo wax alaale wixii jeebabka ugu jiray kala baxay, haddii ay ahaan laheyd Documents iyo  lacag, waxaana dadaal dheeraad ah sameeyay kooxdii oo markiiba soo kala yaacday, oo fashiliyay qorshihii ragas, kaddib markii ay dhowr nin oo afkooda hanjaabadyo ka dhacyeen ay ku soo ordeen.

              Weerarkan ayuu sheegay Safiirku in laga yaabo in ay ka dambeeyeen koooxo dhinac ka degan Safaaradda Soomaalida oo loo sheegay in ay ka guuraan maadaama Safaaradda la weyneynayo isla markaana ay u shaqeyn doonto sida Safaaradaha kale, maadaama in muddo ah aysan Safaaraddu si fiican u shaqeyn dowlad la’aantii Soomaaliya ka jirtay aawadeed, wuxuuna sheegay in dadkaas qaarkood ay ka dareemayeen dhaga adeyg ku aadan ka

guuritaanka dhulka iyo guryaha ay leedahay safaaradda, waxaana maalmihii la soo dhaafay socday olole ku aadan dib u dayactiridda goobta Safaaradda Soomaalida ay ku leedahay Magaaladana Kampala.   

            Wuxuu sheegay C/qaadir Faarax in Dowladda Uganda ay wado baaritaan la xiriira falkaas oo ahaa mid nuuciisa oo kale  aan hore loo arag ama in la weeraro wakiil dal uuu soo dirsaday, waxaana kiiskan faraha ku haya Police-ka magaaladda oo baaritaan xoogan ku haya.

               Safaaradda SOomaaliya ee wadankana Uganda ayaa lagu wadaa in bilaha soo socda ay si caadi ah shaqadeedii Dilomacyadeed u  biloowdo, waxaaana lagu wadaa in dhawaan uu yimaado Magaaladan Kampala Safiirka Soomaaliya ee wadanka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir, kaasoo dhawaan lagu magaacabay wareegto ka soo baxday Xaafiiska Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geddi.

   W/D: Faarax  Maxamed Cali (Faarax Blue)

   Kampala-Uganda

   Email: farahblue_545@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com