Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka
Nederland oo Sheegay In Aan La Aqbali Karin Tacaddiyada Ka Dhacaya
Soomaaliya
- Somalitalk, The Hague, The
Netherlans
Guddiga arrimaha dibadda ee
Baarlamaanka Nederland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay
xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka ee ka dhacaya waddanka
Sooomaaliya. Kulan uu guddigani maalintii talaadada ee 5ta juun 2007,
kula yeeshay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku dhaqan waddanka Nederland
xarunta Baarlamaanka oo ku taalla magaalada The Hague ( Denhaag), ayaa
looga hadlay guud ahaan xaaladda faraha ka sii baxeysa ee Soomaaliya,
gaar ahaanna tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay
geysanayaan ciidammada Itoobiya iyo xulafadoodu.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa
kulankaasi mas’uuliyiinta Nederland ugu gudbiyay qoraallo iyo muuqaallo
caddeynaya dhibaatada aan loo dulqaadan karin ee Soomaaliya – gaar ahaan
Muqdisho – ka dhacday. Sidoo kale waxay aqoonyahannadani u gudbiyeen
guddiga arrimaha dibedda ee Baarlamaanka qoraal cabasho ah (Petition) oo
uu hal-ku-dheggiisu ahaa “ Jooji duqeynta shacabka Iyo xadgudubyada
qorsheysan ee ka dhanka ah bani’aadminnimada ee ka socda
Muqdisho, Soomaaliya”. Qoraalkan (Petition) waxaa saxiixay in ka
badan 1200 oo qof oo isugu jira aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka soo
jeeda qawmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan waddanka Nederlaan, kuwaas oo
aad uga soo horjeeda tacaddiyada ka socda Soomaaliya. Qoraalkan oo aad u
dheeraa, xanbaarsanaana macluumaad fara badan oo ku aaddan ku xadgudubka
xuquuqda shacabka Soomaaliyeed iyo jebinta sharciyada Qarammada
Midoobay, wuxuu ka codsanayaa dowladda Nederland iyo Midowga Yurub in ay
si degdeg ah wax uga qabtaan arrimo ay ka mid yihiin:
- In si degdeg ah loo joojiyo
dambiyada ka dhanka ah bani’aadminnimada ee ka dhacaya Soomaaliya
- In wax laga qabto joogitaanka
sharci darrada ah ee ciidammada Itoobiya, kaasoo khilaafsan dhamaan
go’aannadii golaha ammaanka, lana soo afjaro joogitaankooda
Soomaaliya.
- In gargaar degdeg ah lala gaaro
dadka ka qaxay colaadahaas oo kor u dhaafaya 400 000 (Afar boqol oo
kun) .
- In caddaaladda la horkeeno cid
kasta oo mas’uul ka aheyd tacaddiyada dhacay, lana asaaso Maxkamad
Caalami ah oo gaar u ah danbiyada Soomaaliya ka dhacaya, sida
Maxkamada u gaarka ah dambiyadii Rwanda iyo Burundi.
- Iyo in dowladda Nederland iyo
Midowga Yurub ay door wax ku ool ah ka qaataan xal u helidda
dhibaatooyinka sii darsanaya ee ka aloosan Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka ee
arrimaha dibadda, Henk Jan Ormel, oo ku hadlayay magaca guddigaas kana
tirsan xisbiga talada waddanka haya ee Christian Democrats (CDA ) ayaa
ugu horreyn ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida iyo burburka ku
yimid shacabka aan waxba galabsan. Guddoomiye Ormel oo ku tilmaamay
waxyaabaha Soomaaliya ka dhacaya kuwo aan loo dulqaadan karin ayaa yiri
“Waxan wasaaradda arrimaha dibadda ee Nederland ka filaynaa dhowaan
faahfaahin ku saabsan waxa ka dhacaya Soomaaliya” isagoo intaas sii
raaciyay in macluumaadka ay aqoonyahannadu u dhiibeen ay la kaashan
doonaan wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya.

Waxa kale oo halkaasi ka hadashay
Kathleen Farrier oo iyana ka tirsan xisbiga talada haya, si aad ahna
isugu hawsha dhawrida xuquuqul insaanka. Waxay ku tiirtiirsatay oo garab
istaagtay Soomaalida isu taagtay inay indhaha caalamka ku soo jeediyaan
tacaddiyada ka dhacaya Soomaaliya. “Waxaan aad ugu riyaaqayaa idiinkuna
boorinayaa tallaabadan ku dayashada mudan ee aad ku dhaqaaqdeen” ayay
tiri Kathleen”.
Waxa iyana ka qayb qaatay kulankaas
mudanayaal ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, sida Hans van Baalen oo ah
siyaasi caan ka ah xisbiga muxaafadka ah ee VVD isla markaana ahaa
guddoomiyihii hore ee guddigan arrimaha dibedda ee Baarlamaanka. Ewout
Irgang oo ka tirsan xisbiga Hantiwadaagga ah ee SP ayaa isna aad u soo
dhoweeyey arrintan horseedka ah. Wuxuu ballan qaaday in dawladda
wadaagga ah ee Nederlaan ay aad ugala xisaabtamayaan ka hortagga iyo wax
ka qabashada tacaddiyada xuquuqul insaanka guud ahaan gaar ahaanna
Soomaaliya. Wuxuu aqoonyahannadii kulankaas ka qaybgalay ku boorriyay
iney iyaguna waxqabad la’aanta ku saabsan arrimahaan ay kala
xisaabtamaan Baarlamaanka.

Mudanayaashii kale ee iyaguna kulankaas
goobjoogga ka ahaa waxaa ka mid ahaa Martijn Van Dam oo ka tirsan
xisbiga shaqaalaha (PvdA) iyo Karein Van Gennip oo ka tirsan xisbiga
talada haya ee CDA.
Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee
kulankaas ka qeybgalay, qoraalladana u gudbiyay mudanayaasha
Baarlamaanka Nedrland ayaa waxay kala ahaayeen: Inj. C/Sadiiq Cali
Maxamuud, Inj. C/Casiis Daahir Axmed iyo Inj. Maxamed Cali Cibaar.
Kulanka oo ku dhamaaday jawi isfaham
leh, waxaa gabagabadii laysku waafaqay in ay waajib tahay in la dhowro
xuquuqda bani’ aadamka iyo in aysan dhicin in dambiyada dagaal iyo
xadgudubyada la galayaa ay noqdaan kuwo lagu dallaco oo darajooyin lagu
gaaro.

Somalitalk, The Hague, The Netherlans