SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mustaqbalka Somaliland Sidee Ku Danbeyn Doonaa Ma Sida Somalia Oo Kale?

Mukhtaar Cabdi Godane
Hargeisa Somaliland
mukhtaari@hotmail.com

Somalidu waxay tidhaahdaa Nin kaan waxa jooga garan waxaa soo socdana ma garto.

Hadaba reer Somaliland ma la socdaan ifafaalaha muuqda ? mase nahay kuwo og waxa ka dhacaya dalkii hore laysugu keen odhan jiray somaliya?

Mustaqbalka se Malaga yaabaa dhibaatooyinka iyo xasuuqa Muqdisho iyo koonfurta Somaliya ka socdaa inay u soo wareegaan ama loo soo xawilo dhinaca Somaliland?.

Waxaan jawaabaha su,uaalahaas oo dhan u dhaafayaa akhristayaasha .

Filo ama ha filan! Inay Somaliland ku danbayso sida Somaliya oo kale goob shacabka lagu xasuuqo.

Laakiin akhriste waxaa fudud sabankan ama wakhtigan aynu ku jirno sida loo xasuuqo Ummad nabad gelyo iyo xasilooni haysata , taasi oo loogu badelo Baro-kac, Qaxooti, Bur Bur, iyo Boob aan loo aabo yeelin maati iyo birima geydo toona.

Waxaaana ka mid ah Dalalka iyo shucuubta sida dhibta yar lagu halakeeyay Afghanistan, Ciraag iyo Somalia . ku darsoo waxa dhibta shucuubtaa loo geysanayo ka qayb qaadanaya kuwo Dhalasho iyo Diinba ay isaga mid yihiin kuwaasi oo cadow shisheeye ku adeeganayo .

Hadaba mustaqbalka Reer Somaliland ku soo wajahan waa Sidee?

Mase laga yaabaa marka Koonfur cagta lasoo mariyo ee laga dhigo kuwo la laayo, kuwo hantidooda la dhaco iyo kuwo qaxooti ah, in Reer Somaliland loogu yimaado fadhiga .

Hadaba miyaanay ahayn in hurdada laga kaco oo guntiga dhiisha layskaga dhigo oo aynu nidhaahno isha cali ninkii dayay digniin way ugu filan tahay. Dhab ahaantiina waxaad moodaa shacabka reer S/land inay yihiin kuwo ku baraarugsan ama la socda xaaladaha iyo jawiga siyaasadeed ee ka jira madaqada .

Laakiin maamulka Somaliland ayaad moodaa inay ka dhacsan yihiin oo indhaha ka qarsanayaan xaqiiqada ka jirta Geeska Africa iyo Soomliya .

Waxaana runtu tahay in waxyaabaha ka dhacaya Mandaqada Geeska inay saamayn badan ku yeelan doonaan Somaliland.

Waxaanan la soconaa Madaxda Dawlad ku sheega Somaliya in ay yihiin kuwo ku taamaya baabiinta iyo baro kicinta shacab weynaha Reer somalailand ,Waxa kale oo aynu la soconaa in maanta Caalamku taageero buuxda oo Af iyo Adinba ah siinayo Dawlada C/laahi Yuusuf .

Waxaan qormadaydan kusoo gabagabaynayaa hadaynu nahay Reer Somaliland Waxaa innagu soo wajahan xaalado adag oo loo baahan yahay in laga foojignaado isla markaasina si wada jir ah looga wada tashado haday tahay xukuumada, & Mucaarid kaba si aynu ugu badbaadno balaayada Gobolada Koonfureed ka habsatay oo kale .

Waxaana looga baahan yahay khaasatan Xukuumada inay muujiyaan halka ay ka taagan yihiin oo ay ka hadlaan waxa ka socda Muqdisho iyo Koonfurta Somalia, si berito hadii dhibkan oo kale inala soo gudboonaado ay uga hadlaan .

Hadiise aynu ka aamusno xukuumad iyo shacaba waxay noqonaysaa in ay inagu digtaan maalinta ay dhibi ina qabsato oo ay yidhaahdaan ‘dhibkoo laysku eegaa way inoo dhaxaysee adiguba dharaaraad ka qoslaysey dhooshee”.

Mukhtaar Cabdi Godane
Hargeisa Somaliland
mukhtaari@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com