June 11, 2007

Marxuum Aaden Cadde oo geeriyoodey June 8, 2007 waxay da'diisu ahayd
99-jir
Tacsi Rasmi ah: DAHABSHIIL
Guddoomiyaha Shirkadda
Dahabshiil, Mne Maxamed Siciid Ducaale, Guddoomiye-Ku-Xigeenka
Shirkadda, Cabdirashid Maxamed, oo ku hadlaya magacooda iyo
magaca dhammaan Madaxda, Wakiillada iyoHawlwadeennda Shirkadda
waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu
ka baxay Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan, Madaxweynihii u
horreeyey ee Somalida 1960. Sidoo kale waxay ka tacsiyaynayaan
dhammaan ummadda Soomaalida ah iyo Islaamkaba halyeygaa Ilaahay
Raxmaddiisa u noqday, Marxuumakana waxa ay Ilaahay uga baryayaan
Naxariistiisii Janno. Aamiin. Aamiin..
--
Hassan Heiss
Tel. +252 2 442 3794 / +2522 449 8613 / +252 21 842758 - +
476705 9841
hassanheiss@dahabshiil.com -
hassanheiss@hotmail.com
Tacsi: Aadan Cadde
Innaa Lillaahi Waa
Innaa Ileyhi Raajicuun
Ururka Takhaatiirta
Gobolka Bari Puntland – Somalia (BARMA)
Waxay tacsi tiiraanyaleh u
diraayaan Eheladii, Qaraabaddii iyo Dhammaanba Ummadda
Soomaaliyeed , Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Allaha u
naxariistee halyeeygii Somaliyeed Madaxweyine Adan Abdulle Osman
(Adan Cadde), waxayna eebe uga baryaayaan inuu jannadii Fardowsa
Galiyo, anagana sabur iyo iimaan nagasiiyo.
Dr: Ismail Isse Roble
Guddoomiyaha ururka Takhaatiirta Gobolka Bari
drroble@hotmail.com
Tacsi: Marxuum Aadan Cadde
Suldaan C/raxmaan Olol Diinle & Xaaskiisa
Shamso Cismaan Diiriye iyo Reer
Cismaan Diiriye waxay tacsi murugo leh u dirayaan reer Aadan Cabdulle
iyo
dhamaan Soomaalida,
Geeridii ku timid madaxwenihii ugu horeeyey ee Somaaliya, iyagoo u
rajeynaya
in uu Illaheey janadii ka
waraabiyo.....Aamiin
EMail: bakool55@hotmail.com |
Askari Itoobiyaan ah oo lagu la’ yahay
Magaalada Muqdisho
Warar aanu ka helnay dad goob joogayaal ah
waxay noo sheegeen in todobaadkii hore agagaarka Isbartiibada lagu waayey
askari Itoobiyaan ah.Askarigaan ayaa
waxa ay is barteen gabar Soomaaliyeed, taas oo mudooyinkii dambe uu soo
booqan jiray, waxayna ku heshiiyeen guur, hase yeesheen habeen kamid ah
habeenada ayaa askarigaan Itoobiyaanka ah oo aad u yaqaana afka Soomaaliya
la waayey.
Askariga iyo gabadhiii ay is barteen ayaa
xitaa labadoodii ilaa iyo haatan la la’ yahay meel ay jaan iyo cirib
dhigeen.
Warar ayaa waxay sheegayaan in dhowr jeer
guriga ay gabadhu deganeyd ay yimaadeen ciidamo Itoobiyaan waxayna qoyska
gabadha u sheegeen in ay meel ku sheegaan askarigaasi, waxayna qoyska
qudhooda sheegeen in ay gabadhoodii iyaga ka maqan tahay, iyagoo dalbaday in
gabadhooda dib loogu soo celiyo.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in
askarigaas Itoobiyaanka ah iyo Gabadha ay tahriibeen, lana sheegay inay u
carareen dhinaca dalka Yemen, waxaana haatan socda baaritaan la xiriira
halka uu ku dambeeyey askarigaasi.
Jaamacdda Carabta oo Hal Milyan oo Doolar
ugu deeqday
Warar ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa
lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay hal Milyan oo Doolar ugu deeqday
hawlgalka nabad ilaainta ee Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa waxa
uu sheegay in Halkaasi Milyan sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gaarsiin
doono ciidamada ka hawlgala soomaaliya.
Waayadan dambe ayaa waxaa la sheegay in
ciidamada Uganda aysan helin wax mushaar ah, gaar ahaan sadexdii bilood ee
ay ku sugnaayeen Soomaaliya.
Dhinaca kale Jaamacadda carabta ayaa waxa ay
sheegtay in ay labo milyan oo doolar ugu deeqeyso shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed oo la filayo in 14-ka bishan ka furmo Muqdisho, kaas oo lagu
wado in ay ka qaybgalaan ilaa iyo 1300 Ergo oo Soomaaliyeed oo ka kala imaan
doona dhamaan Beelaha Soomaaliyeed.
Lacagta ilaa iyo haatan soo gaartay guddiga dib u heshiisiinta qaranka
Soomaaliyeed ayaa waxay gaareysaa ilaa iyo 8-Milyan oo Doolar lacagtaas oo
la sheegay in ay maamuli doonto Hay’adda UNDP.
Meles Zenawi oo Taageero u raadinaya
Hawlgalka...
Ra’isul Wasaaraha
wadanka Itoobiya Meles Zenawi oo dhawaan gaaray Magaalada New York ayaa waxa
uu kulan la yeeshey mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey waxayna isla
soo qaadeeen xaaladda Soomaaliya.
Meles Zenawi waxa
uu ka codsaday qaramada Midoobey inay la wareegaan hawlgalka nabad ilaalinta
Soomaaliya si ay suuragal u noqoto inay ka baxaan dalka Soomaaliya ciidamada
Itoobiya, waxaa kaloo uu qaramada Midoobey ka dalbaday inay cadaadis ku
saarto wadamadii horey u ballanqaaday inay ciidamo gaynayaan soomaaliya.
Meles Zenawi waxaa
kale oo uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay gargaar aad u balaaran,
maadaama uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu aad u liito,waxaa kale oo uu
sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaalka, isla markaana
haatan ay diyaar u yihiin in ay dalkooda dib u dhisaan.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta
oo dib ugu soo laabta Muqdisho
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K\cagta
Siciid Max’ed Nuur (Siciid Mugaanbe) ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada
Muqdisho kaddib markii ay ka soo qaybgaleen doorashadii Madaxtinada Xiriirka
K/cagta Aduunka ee FIFA oo mar kale dib loogu doortay Blater.
Guddoomiyaha ayaa intii uu ka qaybgalayay
kulankaasi waxa uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan xiriirka K\cagta
ee FIFA waxayna isla soo qaadeen sidii K\cagta Soomaaliya loo horumarin
lahaa.
Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta Soomaaliyeed
waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed
K\cagta Cali Siciid Guuleed, waxaana dalka Jabuuti uga haray Xoghayaha
Xiriirka K/cagta Cabdi Siciid Carab oo halkaasi u jooga hawlo la xiriira
Xiriirka Soomaaliyeed ee K\cagta.
Siciid Mugaanbe waxa uu mahadceliyey guddiga
Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee K\cagta, kaddib markii Hawlo dhinaca KCagta
ah ka soo fuliyeen sagaal gobal oo ka tirsan dalka Soomaaliya, waxaanala
filayaa in saacadaha soo socda uu warbixin siiyo guddiga Fulinta xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta.
Booqashadii Prof. Dalxa ee Michigan... PDF
SomaliTalk.com | Muqdisho, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2007


|